Bosaaso: Goobo ganacsi oo laga burburiyay suuqa
August 25, 2012 // Warar SomaaliCiidanka dowladda hoose ee magaalada Boosaaso ayaa maanta burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay hareeraha wadada xiriirisa dekedda iyo suuqa wayn ee ganacsiga.
Waxaa ciidamadu burburiyeen goobaha lagu iibiyo caanaha, halkaasoo boqolaal haween ah ay kasoo dhacsan jireen nolol maalmeedkooda.
Haweenka goobaha ganacsiga laga burburiyay oo qaarkood aanu waraysanay ayaa sheegay burburinta inay kusoo beegantay xilli ay la daalaa dhacaeyeen soo dhicinta raashiinka caruurta ay dhaleen iyo waxbarshaduba.
Waxaa ay sheegeen xiligaan inaysan jirin goobo kalle oo dowladdu u samaysay maadaama goobtii ay caanaha ugu iib geeyn jireen ciidamadu saaka kula dhaqaaqeen burburinta.
Dowladda Puntland madaxdeeda sare iyo maamulka degmada ayaa waxaa ay haweenku ka codsadeen inay u sameeyaan dib u dajin ama goobo kalle oo ay ku ganacsadaan.
Puntland-News24


