Bosaso: Rag Al-shabaab loo xukumay iyo ciidamo lasiidaayay

March 19, 2013   //   Warar Somaali

Maxkamadda racfaanka ee ciidamada Puntland ayaa siidaysay 13- xukumanayaal oo horay loogu xukumay xabsiyo sanado oo gaaraya ilaa sadex sano, kadib markii ay racfaan ay ka qaateen xukunkii ay maxkamadda ku riday.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye ayaa mar uu warieyyaasha kula hadlay magaalada Bosaso waxaa uu sheegay maxkamada racfaanka kadib markii xukunada lagu soo riday xukumanayaasha ay dib u eegtay lagu waayay dambi.

Dadka lasiidaayay oo shan ka mid ah loo maxkamdeeyey Al-shabaab ayuu sheegay dambiyada loo haystay inay ahayd mid loo waayay cadaymo buuxda, qaybta kale ee la siidayay oo ahaa 7- maxbuus oo ciidamada katirsanaa ayuu sheegay dambiyo yaryar inay galeen, qaarkoodna la cafiyay.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dhawaan gobolada Puntland ka riday xukuno dil ay ku jirto, oo lagu soo oogay dad loo haystay dilal kadhacay Puntland iyo inay xubno ka yihiin Al-shabaab.

Puntland-News24.

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Puntlands says:

    Faroole Puntland wuxuu la tegay dhaqan-xumo aan horay looga aqon dib dan-bana u dhacayn. waxaana ka mida Musuq masuq,Qabyaala waxa is dabamarin,isku dir shacabkii walaalaha ahaa oo uu beel beel isugu diray kuwo ka midana uu hubaynayo kuna hubaynayo kuwuu dantiisa ka dhex arki waayey,dilal qorshaysan oo uu ku fuliyo ciddii uu u arko inay aduunka ama shicibka puntland ka hor-keenikarto,wuxuu samaystay,maxkamadda Badbaadada qaranka sida tii hantiwadaaga,wuxuuna baabashay maxkamdihi madaniga ahaa,wuxuu shaqada ka caayr-shay dhamaan dadkii aqoonta u lahaa baarista denbiyada si dadka uu shirqoolada ku laayo raadkoodu u soo gelin,faroole wixii wax u dhiibtay ayaa ka liitay waayo faroole Puntland iyo soomaaliya midna tariikh kuma laha waxaana looga yaqaan geyiga soomaaliya Qanyaraha Puntland waa nin sida caruurta iska hadla Alloow alle,maynta ayayse haysataa oo wuxuu dhitaystay ayaa haysta garowe mooyeee meel kaleeto kama taliyo xaalku waa saas kkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply