Bulshadii ku dayashada mudneyd {W/q Dr. Sadiq Enow}
November 21, 2011 // Faallooyin, Warar Somaali
Dhanka wanaaggsan in loo kala hinnaaso waxay kamid tahay saldhigyada ay nolosha ku socoto. Heer qofeed iyo heer qaran, wixii wanaagga kaaga dheereeya, dareenka caafimaad-qaba wuxuu keenayaa in laga hinnaaso,damiirka noolna wuxuu keenayaa in lala looltamo. Loolanka wanaagsan eehalkaas ka dhasha wuxuu kamid ah arimaha lagu gaaro hr u-marka labada nolol.
Kitaabka Quraanka ah meelo dhowr ah ayaad ku arkeysaa iyada oo leys farayo in inta la hinnaaso loo tartamo wanaagga.
Waxaanu halkan ku xuseynaa bulsho mudan in laga hinnaasi, taasoo
quraanku uu si doqoni-magarato ah inoogu tilmaamey. Bulshadaasi waxay
leedahay muuqaal inaga yar, inaga taag-yar, inaga garasho-yar, inagana
liidata. Bulshadaasi, iyada oo sidaas u tag-daran ayaa xagga Eebe (kor
ahaaye) laga wayneeyay oo suurad kamid ah suuradaha quraanka ayaa
loogu magic-daray. Bulshadaasi waa bulsha-waynta quraanyada, taas oo
lagu samiyay suuradda (Al-Namal). Aayad qura ayaa suuradda ku jirta oo
lagu xusey magaca quraanyo oo waa aayadda 18-aad. Mugga aqooneed oo
bulshadan ay xambaarsan tahay darteed ayaa loogu magacaabey suuradda
si aadanuhu uu ugu dhug lahaado.
Quraanyadu waa bulsho ka tirsan caalamka xasharaadka. Waa bulsho si
habsami leh isu ururisey, leh xeer ay nolosheeda ku hagaagsatey, leh
mu’asasad dowladeed ee aanan lagu dhisin eex, laaluush iyo kooxo
is-cududeysta. Bahalladaas cayayaanka ah marka magacooda la soo qaado
waxaa lagu xusuustaa meelaha uu qurunku yaallo iyo xaglaha ciriiryoon
oo wasakhda badan. Iyaga oo sidaas ah ayaa misana xagga Eebe (kor
ahaaye) ay ka heleen mudnaan in magacooda lagu samiyo suurad kamid ah
kitaabkiisa dahiran. Markii la eego natiijooyinka hor-dhaca ah ee laga
dhaxley raad-raaca aqooneed ee lagu sameeyey nolosha quraanyada, qofka
muslimka ah wuxuu fahmayaa, xasharaadkaas gibinka ah, in ay muteysteen
in tusaale-dhig looga dhigo aadanaha. Fahamka mowduucan wuxuu sii
wax-tar badan yahay xilligaan ay bulshooyinkii aadamiga ahaa isu
beddeleen dugaag is cunaya oo aanan waxba isu hambayn. Gaar ahaan
bulshadii Soomaaliyeed oo iyadu gebi ahaan ka hoobatay beeggii
aadamiga.
Marka hore haddaan u ab-tirino quraanyada, iyadu waxay la ab-saxan
tahay xasharaadka leysku yiraahdo Formicidae. Kuwaas oo isugu jira
kuwo buuba (dukhsiga, iyo shinnida) iyo kuwo aanan buubin
(hanqaraaraca iyo caaro-caarada). Xasharaadkan ayaa xilliga la
abuurey waxaa lagu sheegaa xilliga la yiraahdo Cretaceous, kaas oo u
dhexeeya muddada ah 23 – 135 melyan oo sano horteed. Muddadaas ayaa
waxay tahay wakhtigii ay ku dabar-go’een bahalladii waawaynaa ee
Dinosaurs, kuwaas oo 100 melyan oo sano ku noolaa dhulka oogadiisa.
Sidaas ayay quraanyadu uga curad san-tahay aadamiga. Dhulka oogadiisa
waxaa ku nool 22.000 oo qowmiyadood oo quraanyo ah. Waxaa jira
duddooyin ay ka dhigtaan degaamo iyo xudduudo ayan isu dhaafin. Duddo
walba waxaa ku urursan tirooyin quraanyo ah, kuwaas oo meelaha
qaarkood ay hal melyan ka badan yihiin.
Nafleyda ku nool dhulka oogadiisa, quraanyadu waxay tahay reerka ugu
laan-dheereysa. Waxay ku nooshahay meel kasta oo dhulka engegan ah.
Meesha keliya oo ayan ku nooleyn waa qaaradaha cirifka ah ee qabow iyo
dhulka lama-degaanka ah. Tiro ahaan haddii leysu barbar-dhigo
quraanyada iyo aadamiga, qof-kasta oo aadami ah waxaa ku aadaya in
ka-badan hal melyan oo quraanyo. Waxaa la qiyaasaa in ay 1/4 ka tahay
noolaha oo idil (25 %). Mana ay ku faanto in ay naga tira badan tahay,
waayo xeerka uguma yaal caqli-xumidaas. Sida ay u yar-tahayna uma
tabar yara oo iyada iyo aadamigu colaado ayaa ka dhex-dhaca ay badanaa
khasaarooyin xooggan ku geysato. Colaadahaas oo qaarkood ay hanaqaad
noqdaan ayaa middeedii ugu danbeysey waxay dhacdey dabayaaqadii
qarnigii tegey (1998). Markaas oo quraanyada la yiraahdo Fire Unt ay
duulaan ku qaadey degmooyin kamid ah Mareekanka. Khasaarihii ay
geysatey ayaa waxaa lagu qiyaasaa malaayiin dollar. Iyada oo
islamarkaas ay jireen dad iyo xoolo u dhintey qaniinyadeeda.
Qaab-dhismeedka jirka quraanyada, wuxuu leeyahay dherer u dhexeeya
0.75 – 53 mm. Saddex qeybood ayuu jirkeedu ka kooban tahay. Madax,
feero iyo calool oo ay dabadii la socoto. Madaxa waxay ku sidataa laba
indhood oo waawayn oo dhinacyada kaga yaal iyo saddex indhood oo
yar-yar oo dusha kaga yaal. Waxaaa kaloo madaxa ugu rakiban laba
anteeno oo waawayn, kuwaas oo ay u adeegsato war-lalinta iyo
dareen-taabadka. Waxaa kaloo ay madax ku leedahay laba miciyood oo
adag, kuwaas oo ay ku ugaarato, isla-markaas ay u adeegsato xamuulka.
Qaarkood afka gudihiisa waxay ku leeyihiin jeeb ay raashinka ku
qaadaan. Xabadka oo aanan gudaha sanbab ku lahayn, waxaa dhex-mara
laba tuubo oo ay hawadu sii marto. Dhinacyada dibadda ah waxaa xabadka
kaga rakiban laba addin, kuwaas oo kamid ah saddexda addin oo
lammaanaha ah oo ay ku socoto kuna shaqeysato. Addinka saddexaad wuxuu
kaga rakiban yahay qolof u dhexeysa xabadka iyo caloosha. Addin waliba
oo addimadaas ah wuxuu isu heystaa saddex lafood oo kala googo’an.
Midkastana waxaa dacalka hoose kaga rakiban labo ama saddex lafood oo
cago oo kale ah. Darafka ugu danbeeya ee addimada waxaa ku rakiban
qoob ay u kaashato marka ay gidaarada iyo saqafyada ku socoto. Qeybta
danbe oo caloosha quraanyada waxaa ku jira xubnihii muhimka ahaa oo ay
kamid yihiin sambabadii, dheef-shiidkii iyo xubnihii taranka.
Quraanyadu waxay kamid tahay xasharaadka kuwooda ugu cimriga dheer,
illaa toddoba sano ayay gaadhaa. Duddo waliba oo quraanyo ah waxaa ku
dhaqan afar dabaqadood. Iyagu waxay yihiin sidan: (1) Boqoradda oo
iyadu ka wayn kuwa kale, mudnaantana leh. Waxay leedahay laba baal oo
xoog-wayn oo ay ku duusho. (2) Quraanyada dheddigga ah, waa
shaqaalaha. Iyagu baalal maleh oo ma duulaan. (3) Quraanyada labka ah,
waxay leeyihiin baalal. (4) Caruurta oo isugu jira ugxan, lulumooyin
iyo kuwo aanan qaangaarin. Boqoradda markeeda hore waxay kamid tahay
caruurta duddada. Waxay ku hanaqaadeysaa duddada dhexdeeda illaa ay ka
qaan-gaadho, dabadeed heshiis lagu mideysan yahay ayaa lagu
caleema-saaraa. Markaas ayay bilaabeysaa in ay is-caashaqaan mid kamid
ah laboodka duddada. Dabadeed duulimaad ayay isla gelayaan, kaas oo
lagu magacaabo Socdaalkii Arooska. Inkasta oo caashaqaas uu ku heley
magaca boqornimo, misana ma calfanayo oo cimri-degdeg ayaa ku dhaca.
Marka ay ugxanta ugu horeeya dhigto, nolosheeda inta ka hartey waxay
heleysaa mudnaanta koowaad ee duddada. Xilka amarada ay ku kala
hageyso bulshadeeda waxaa u weheliya in ay noqoneyso hooyadii duddada.
Iyada oo keliya ayaa ugxanta dhigeysa.
Quraanyada dheddigga ah, dhamaantood waa ay dhufaanan yihiin
(sterile). Ugxanta ugu horeeya oo duddada la dejinayo ayaa waxaa la
socda mid u sharaxan in ay boqorad ka noqoto duddada. Dabaqadda ugu
badan duddada waa ciidanka dheddigga ah ee dhufaanan. Waana iyaga
xoogga shaqeeya oo kala wada howlaha loogu adeegayo bulshada. Laboodka
duddada wax-qabadkiisu waa in uu boqoradda bacrimiyaa oo keliya. Waa
ay ka tiro yar-yihiin kana tabar yar-yihiin kuwa dheddigga ah ee
duddada kula nool. Isla-markaas waa ay ka cimri yar-yihiin.
Marxaladaha nololeed (Life Cycle) oo ay quraanyadu marto waa afar.
Waxaa ugu horeeya marxaladda ugaxda (egg). Waa marxaladda ugu horeysa
oo ay dhashaan. Markiiba kal-kaaliyayaal ayaa la cararaya oo meel gaar
ah ayay ku xanaaneynayaan. Ugaxdu aad ayay u yar-tahay oo waa
adag-tahay in lagu arko indhaha qaawan. Dhererka ugaxdu waa 1 mm.
Laakiin midda boqoradda sidda waa ay ka yara wayn-tahay kuwa kale.
Waxaa xiga marxaladda lullumada (Larvae) oo waa marka ay ka soo baxaan
ugaxda gudaheeda. Waa xilli ayan indho iyo cago lahayn, dushana waxaa
kaga daahan dhogor. Waxay cunaan raashin loo shiidey oo ay ka
shaqeeyeen shaqaalaha duddada kuwooda ilmaha koriya. Qaabka ay
raashinka u diyaariyaan wuxuu yahay hannaanka lagu magacaabo
iska-matajin (Regurgitation). Mar-kasta oo lullumadu ay weynaato,
dhogorta waa ay ka baaba’eysaa. Marxaladda afaraad waa markii ay
dhogor-dhacsato. Halkii ay dhogorta ka dhacdey waxaa ku gadaadmaya
xariir. Korkii quraanyada dhamaantiis waxaa qarinaya xariirtaas.
Muddada ay xariirtu huwan tahay, waxaa quraanyadii u abuurmaya
xubnihii jirka oo idil. Halkaas ayay ku qaan-gaareysaa oo ay ka soo
baxaysaa caruurnimadiiMuddada u dhexeysa dhalashada iyo qaangaarka
quraanyada, waxay tahay 45 – 75 maalmood.
Quraanyadu waxay leedahay anshax u hiddo ah oo ay ku ilaashato
wadajirkeeda iyo nolosheeda bulshadeed. Wxaxay leedahay xeer aanan
oggoleyn in mid kamid ah bulshada uu ku xad-gudbo. Aqoonyahan ah
quraanyo-barad (myromecologist), ayaa wuxuu sameeyay fal tijaabo ah.
Wuxuu u kuurgalay hab-nololeedka bulshada quraanyada. Qalab weyniso ah
ayuu wuxuu ku xiriirsadey saldhig ciidda hoosteeda ah oo ay ku nool
yihiin bulsho-wayn quraanyo ah. Dabadeed gabal yar oo rooti ah ayuu
hor dhigay godkii saldhigga ahaa. Mid kamid ah quraanyadii ayaa soo
baxay. Wuxuu arkay gabalkii rootiga ahaa. Gudahii ayuu ku laabatay, si
uu u wargeliyo kooxdii shaqaalaha ahaa. Aqoonyahankii tijaabada hayay,
ayaa gabalkii rootiga ahaa wuxuu ka qaadey meeshii uu yiil.
Quraanyadii, iyada oo tiro badan, oo weliba deg-degeysa ayay godkii ka
soo baxdey. Markey dibadda yimaadeen afarta jaho ayay u kala yaaceen
iyaga oo raadiyeen gabalkii rootiga ahaa. Markii ay waayeen, godkii
ayay dib ugu laabteen, iyaga oo sii kaxeystey quraanyadii warka soo
sheegtey. Gudaha ayay ku canaanteen, dabadeed waa ay soo daayeen.
Ninkii aqoonyahanka ahaa, gabalkii rootiga ahaa ayuu markale wuxuu
hor-dhigay godkii. Quraanyadii xabadda ahayd ayaa markale soo baxday.
Waxay aragtay gabalkii rootiga ahaa oo markale meeshii yaal. Dabadeed
dib ayay ugu laabatay godkii. Ciidankii ayay soo kicisay. Markii ay
dibadda u soo yaaceen, rootigii ma ayan helin. Waayo ninkii ayaa
meeshii ka qaadey oo ka qariyay. Kooxdii quraanyada ahayd, dib ayay
ugu laabteen godkii. Riwaayaddaas, mar saddexaad ayay soo noqotay oo
godka hortiisii ayay ka dhacdey. Bulshadii quraanyada ahayd, waxay
bilaabeen in ay maxkamad saaraan middii khabarka rootiga keentey.
Waxaa lagu caddeeyay in ay beenaaley tahay. Sidaa darteed dil ayay ku
xukumeen. Godka gudihiisii ayay ku dileen. Waxaa halkaas ka cad in
bulshadaasi ayan been iyo caqli-xumi ku wada-socon. Ma oggola xubin
kamid ah in ay been la meereysato xubnaha bulshada dhexdooda. Fal ka
liita in been la sheegona uma oggola duddadooda.
Haddaanu dib ugu laabanno suuraddii quraanka ahayd ee la magac ahayd
quraanyada (Al-Namal), aayaddeeda 18-aad ayaa lagu sheegey magacan.
Aayaddu waxay la xiriirtaa aayad ka horeysey oo xambaarsan war-bixin
damaashaad xoog wayn oo lagu soo bandhigayo ciidamadii dowladdii nebi
Suleymaan (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Dowladdaas oo ahaa
dowladdii ugu xoogga wayneed oo taariikhda soo marta, ayaa ciidankeedu
waxay isugu jireen askar dad ah, askar jinniyo ah iyo askar shimbro
ah. Xooggan iyo hoggaamiyahoodii oo soconaya ayaa waxay soo mareen
meel tog ah oo ay ku nooshahay bulsho-wayn quraanyo ah. Mid ilaaladii
quraanyada kamid ah ayaa waxay aragtey xooggan damaashaadaya ee ku soo
beegan duddadii ay beesheeda ku dhaqneyd. Si ay reerka u badbaadiso
ayay u dhawaaqdey shaqaalihii dibadda ka shaqeynayay. Iyada oo uga
digeysa khatarta ku soo socota, ayaa waxay fartey in ay ku cararaan
guryaha gudahooda si ayan ugu bur-burin cagaha ciidankan.
(ÍóÊóøì ÅöÐóÇ ÃóÊóæúÇ Úóáóì æóÇÏöí Çáäóøãúáö ÞóÇáóÊú äóãúáóÉñ íóÇ
ÃóíõøåóÇ Çáäóøãúáõ ÇÏúÎõáõæÇ ãóÓóÇßöäóßõãú áóÇ íóÍúØöãóäóøßõãú
ÓõáóíúãóÇäõ æóÌõäõæÏõåõ æóåõãú áóÇ íóÔúÚõÑõæäó)
(Illaa ay ka yimaadaan quraanyada toggeedii, quraanyaa waxay tiri:
reer-quraanyoy aqalladiina gala, yeyyan idin bur-burinine Suleymaan
iyo ciidankiisa iyaga oo war-moog).
Ogaallada ugu horeeya oo aanu ka heleyno aayadda wuxuu yahay,
quraanyadu in ay qaab wada-hadal isugu gudbiyaan ogaallada iyo wixii
ay is-farayaan. In ay leeyihiin ilaalo uga diga wixii khatar ah oo
iyada ayan celin karin. In ay yihiin xoogag is-maqla oo isu
dhega-nugul. Iyo in ay yihiin bulsho ay u qeybsan tahay shaqada ay
qabanayaan. Inkasta oo goor hore la heley in quraanyadu kamid tahay
abuurka wada-hadla, misana wixii ka horeeyey millennium-kan (2000) si
camali ah aadamigu ulama xiriirin qaabka ay u wada-hadasho. Agabka
teknolojiyada cusub ayaa waxay fursad siisey in lagula xiriiro
mowjadaha codka oo quraanyadu ay is-dhaafsanayaan.
6/ 2- 2009-kii, wargeyska la yiraahdo Times ee ka soo baxa dalka
Ingiriiska, wuxuu qorey maqaal uu cinwaankiisu yahay: Buuruhu Waxay la
Noolyihiin Dhawaqa Quraanyo Isla-hadleysa (Hiils are alive with the
sound of ants – talking each other). Sida cinwaankiisa ka muuqda,
maqaalku wuxuu soo bandhigey arin cilmiyeed oo markaas daaha laga
qaadey, taas oo aanan horey looga heyn xaqiiqo camali ah. Waxay ahayd
in quraanyadu uu ka dhexeeyo xiriir wada-hadal, oo ka heer sareeya
qaababkii loo maleyn jiray. Aqoonta laga gaarey qalabka teknolojiyada
ee wararka tebiya, ayaa waxaa lagu ogaadey in quraanyadu, si kaltan ah
oo anshax weheliyo ay u wada-hadasho.
Prof. Jeremy Thomas oo isagu ah macallin aqoonta Ecology-ada ka dhiga
jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, ayaa lahaa cilmi-baaristan.
Wuxuu maqaalkiisa ku sheegey in uu adeegsadey qalab aad u yar-yar oo
isugu jira kuwo codka soo qabta iyo kuwo codka laliya. Wuxuu ku
rakibey duddo ay bulsho quraanyo ah deggan tahay. Aqoonyahankan iyo
cilmi-baarayaashii la shaqeynayay waxaa amakaak ku noqdey markii ay
heleen codka fariimaha ka imanaya boqoradda bulshada. Friimahaas oo ah
kuwo kala duwan ayaa waxay ku socdeen kooxo kala duwan oo bulshada
quraanyada kamid ah. Koox walbana markii ay fariin cusub hesho waxay
beddelayaan shaqadii ay hayeen.
“ Markii ay maqlaan codka ka imanaya boqoradda, waxay u muuqanayaan
kuwo anshax gaar ah la imanaya. Iyagu waa joogsanayaan,
anteenooyinkana kor ayay u taagayaan, markaas ayay muddo is-eegayaan.
Muddadaas wixii u dhowaada, si wada-jir ah ayay u weerarayaan oo waa
dilayaan “. (Prof. Jeremy Thomas. Hiils are alive with the sound of
ants – talking each other. Times. 6/ 2- 2009. London – UK).
Aayaddii quraanka ahayd, waxaa kaloo laga fahmayaa anshax loo
maleynayay in uu ku gaar yahay bulshooyinka il-baxnimada gaaray, kaas
oo ka dhasha wada-shaqeynta xooggan. Tilmaamaha uu anshaxaasi
leeyahay, laakiin la ogaadey in quraanyadu ay kaga horeyso waxay
yihiin is-heysadka bulshada (social solidarity), xilka kelinimada u
saran xubinta bulshada (individual responsability), istraateejiyadda
dagaalka (war strategy), qorsheynta degmooyinka (city planing),
shaqada oo la laasimo (work commitment), farsamada is-gaarsiinta
(skill of communication), maareynta shiddada (problem solving), in
horey loo diyaarsado barnaamij lagaga baxsado musiibooyinka (crisis
management). Arimahaas oo dhan waxaa ka hilan culus qodobka ah in
bulshada quraanyada ah ay tahay bulsho si buuxda ugu guuleysatay
tayeynta maamulkeeda (Total Quality Management). Haddii dhan kale laga
milicsado quraanyarada waa noolaha midka ugu Samirka badan, ugu
adkeysiga badan, uguna shaqada badan. Mid kasta oo quraanyada kamid
ah, inta ay soo jeeddo waa ay shaqeeneysaa iyada oo aanan wax dheeri
ah dooneyn. Bulshada ay ka dhasheen ayay u adeegayaan, sida ugu
daacadsan, ugu xikmad badan uguna wax-tar wayn. Waa heer ayan jirin
bulsho aadami ah oo gaartey.
Aqoonyahanno kale oo badan ayaa iyaguna in muddo ah ku howlanaa
garashada cimilada nololeed ee cayayaankan. Iyaga oo adeegsanaya agab
elektroonik ah waxay u kuur-galeen qaab nololeedka ay u dhaqan-tahay
bulshada quraanyada ah. Waxay heleen arimo ka yaabiyay oo dhamaantood
aanu ka fahmeyno aayadda quraanka ah. Waxay ogaadeen in quraanyadu ay
tahay bulsho si xooggan isugu xiran, taas oo ay u dhisan tahay
mu’asasaadkii dowladeed. Markii la eego dhanka siyaasadda, duddo walba
waxay leedahay boqorad iyo koox ag-joogayaasheeda ah, madax-wayne iyo
wasiiradiisii. Xagga dhaqaalaha, duddo walba waxay leedahay hannaan
gaar ah oo ay ku qeybsadaan shaqada iyo wax soo-saarka, hannaan ay wax
ku keydsadaan iyo hannaan ay ku ilaashadaan wixii la keydiyay si ayan
u qurmin. Dabadeed si caddaalad ku dhisan ayay u qeybsadaan. Xagga
bulshada waxay leedahay hannaan isku haya xubnaheeda, kaas oo
barnaamijyadiisu uu kamid uahay korinta dhallaanka, wax-baridda,
tarbiyeynta hore iyo tababar-siinta shaqada. Xagga ciidamada, waxay
leeyihiin xoogag u dhisan oo weerar diyaar u ah, iyo kuwo kale oo u
diyaarsan difaaca duddada. Waxay leeyihiin ciidan duddada ilaaliya.
Duulaamada ka dhex-dhaca duddooyinka quraanyada ah, maxaabiis ayay ku
kala qafaashaan. Markey duddada la tagaan, maxaabiistii waa ay ku
shaqeystaan.
Meesha degaanka u ah quraanyadu, waxay u dhisan tahay sidii
degmooyinka caasimadaha ah ee dowladaha waawayn. Degmooyinka
quraanyada, sida ay u kala duddo wayn yihiin ayay u kala camiran
yihiin. Qaabka farsamada ay guryaha u dhistaan iyo handasada ay ku
jaan-gooyaan ayaa waxay yihiin arimo yaab badan. Albaabada, bakhaarada
waawayn, guryaha dabaqadaha ah, waddooyinka is feer cararaya,
dugsiyada ay dhallaanka ku tarbiyadeeyaan, degaanka ay seexdaan,
meehsa ay raashinka ku cunaan, meesha ay deggan yihiin hey’adaha wax u
maareeya, dhulka qubuuraha u ah iyo xataa dhul ay u daaqaan xoolo ay
raacdaan, dhamaan dhismayaashaas waxay ku heystaan dhulka hoostiisa.
Markuu kordhey xiisaha loo hayo in la ogaado nolosha quraanyada, meelo
dhowr ah ayaa laga heley degaano aad u waawayn oo ay quraanyadu ku
dhaqan tahay. Mid kamid ah waxaa laga heley bariga waddanka
Mareekanka, buuraha Pennsylvania. Duddadaas waxay ku fadhiday dhul
gaaraya 75 hektaar oo dhulka hoostiisa ah. Waxaa ka dhisan dabaqyo
toban ka badan oo ay qoraanyo ku nooshahay. Dhulka hoostiisa waxay
qodeen illaa 7 m. Ciid ka badan 15 ton ayay dibadda u soo saareen.
Aqoonyahan Mareekan ah oo la yiraahdo Royal Dixon, muddo 20 sano ah
ayuu raad-raac wuxuu ku hayay nolosha bulshooyin quraanyo ah. Wuxuu ku
arkay in quraanyadu ay leedahay hannaan nololeed oo bulsho aadami ah
oo leh uusan jirin. Wuxuu u kuur-galay xoolaha ay dhaqato bulshada
quraanyada ah, kuwaas oo ay listaan. Xoolahaas ayaa waxay yihiin
xasharaad jaadad badan oo ka yar-yar quraanyada. Waxaa lagu magacaabo
(coleoptera). Royal Dyxon, wuxuu xasharaadkaas ku magacaabay lo’dii
quraanyada. Iyaga oo ugxan ah ayay soo urursataa. Degmooyinka
(godadka) ay ku nooshahay ayay meel ka dejisaa. Markay ugxantu
dillaacaan, koox quraanyo ah oo loo qeybiyay ayaa korriimadooda
hagaajiya. Dabadeed markii ay weynaadaan, sidii xoolo-raacatadii ayay
u ilaashadaan. Waxay ka maalaan dheecaan malab oo kale ah, kaas oo
macaan badan. Marka quraanyadu lisaneyso lo’daas ay raacato, waxay
yeeshaa, inta u dhowaato ayay anteenooyinkeeda caloosha kaga
salaaxdaa. Markaas ayaa waxaa ka imanaya dhibic malab ah. Neef walba
oo xasharaadkaas yar-yar ah, maalintii quraanyadu waxay ka maashaa 48
dhibcood oo malab ah. Taasina waxay u dhigantaa 100 jibbaar inta
aadanaha uu ka maalo hal sac maalintiiba. Waa marka leysu barbar-
dhigo jirka labada neef (lo’da iyo cayayaanka) iyo manfaca midba laga
helo.
Qaab dhismeedka magaalooyinka waawayn ee bulshada quraanyada ah ku
dhaqan tahay, waxay ka kooban yihiin dhismayaal toban dabaq iyo ka
badan ah. Dabaqa ugu koreeya waa cidla oo waxay u banneeyeen in ay
hawada ka soo gasho. Dabaqa xiga waxaa deggan ciidanka ilaalada
duddada. Iyagu waxay hor joogsanayaan ciddii aanan kamid ahayn
duddadooda. Dabaqa xiga waa meel ay ku nastaan shaqaalaha markii ay
dibadda ka yimaadaan. Dabaqa xiga waa bakhaaradii lagu keydinayay
raashinka. Dabaqa xiga waa meeshii raashinka lagu cunayay. Dabaqa xiga
waxaa deggan shaqaalihii iyo ciidankii. Dabaqa xiga waxaa ku dhaqan
boqoraddii iyo ag-joogayaashii. Waxaa ku weheliya meelihii ay yiileen
ugxanta cusub. Dabaqa xiga waxaa ku dhaqan lo’dii (xasharaadkii) ay
daaqanayeen. Dabaqa xiga waa bakhaaro ay ku keydiyeen calafkii ay
lo’da siisan lahaayeen. Dabaqa xiga, ugxanta ayay ku dillaaciyaan oo
dhallaanka lulumooyinka ah ayaa u deggan. Dabaqa xiga waa qubuurihii.
Garashadeeda waxaa kamid ah in ayan bakhaarka dhigan xabbad abuur ah
oo is-heysata. Si ayan u soo bixin, abuur kasta oo ay soo qaadato,
bu’diisa ayay ay kala jebisaa.
Quraanku goor hore ayuu aadamigu ku baraarujiyay in ay ka
faa’iideystaan casharradaas cimilada daadsan oo ay qorayaan cayaaynkan
laga dul-tallaabsanayo. Suuradda Al-Ancaam, aayaddeeda 38-aad oo
arinkaas si toos ah inoogu tilmaameysa waxay leedahay.
(æóãóÇ ãöäú ÏóÇÈóøÉò Ýöí ÇáÃóÑúÖö æóáÇ ØóÇÆöÑò íóØöíÑõ ÈöÌóäóÇÍóíúåö
ÅöáÇóø Ãõãóãñ ÃóãúËóÇáõßõãú ãóÇ ÝóÑóøØúäóÇ Ýöí ÇáúßöÊóÇÈö ãöäú ÔóìúÁò
Ëõãóø Åöáóì ÑóÈöøåöãú íõÍúÔóÑõæäó)
(Ma-jiro bahaahim (cayayaan) ku socda dhulka oogadiisa iyo (ma-jiro )
shimbir labadiisa baal ku duula, illaa waa ummado idinka oo kale ah,
wax aanu kitaabka kaga tagney ma-jiraan, dabadeed xagga Eebahooda ayaa
lasoo kulminayaa)
Allaa wayn Rabbaa waaxidoo wada-taqaaniine
Isagaa Wadduudoo tashiga lala wadaageyne
Isagaa wuxuu doonayaba cidi la waasdeyne
Waxba kama qarsoonoo qalbigu wahan hadduu yeesho
Wixii waliba wow waadax iyo waasac maalin ahe
Al-Wakiilu magaciisu waa Waaris aan dhimane (Jaamac Kediye)
Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com



waxaan salaamayaa dr
Dr -ka Caadi maaáha, waxaa ka soo butaacaya Aqoon dheer uu Ilaaah qof uu jecel yahay Ku maneysto. Cilmiga Dr- Enow , aduunka horumaray waaa laka iibsadaa ! Lakiin Web- Punt Land news & Macaamisheeda oo aan aniga ku jiro waxan ku helnay aqoontaan Bilaash.
Dr – Eenow Kheyr Alaaha ku siiyo, Somali Waa hurdaan, waa dad aan la toosin karin, Qoraalkaaga in ay ka faaíideystaan aa haboonaan lahayd
Dr. Eenow qoraalladiisa & wacyigelintiisa dhaxalgalka ah in aynu weyneyno oo keliya looma baahnee ee waa in aynu ku dhaqano kuna
ababinno ubadkeenna .
WAANA SALAAMAYAA DR. SAADDIQ EENOW.