Burcadbadeed ku xirnaa Seycheles oo loo soo wareejiyay Magaalada Boosaso [Sawiro]
December 5, 2012 // Warar Somaali
Burcadbadeed Sooomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso shan qof ayaa lagasoo wareejiyay xabsi ku yaala jaziiradda Seycheles oo ay ku
xirnaayeen, diyaarad gaar ah oo kasoo duushay magaalada Jabuuti ayaa
maxaabiistan keentay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso.
Masuuliyiin katirsan Puntland oo ay ka mid yihiin wasiir kuxigeenkadekedaha gaadiidka badda iyo ladagaalanka burcadbadeeda Puntland,
taliyaha ciidanka asluubta Gen Cali Nuur Cumar iyo xubna kale ayaa si
toos ah ula wareegay kooxaha burcadbadeeda ee lasoo warejiyay oo
xabsigooda inta kadhiman ku qaadan doona dalka gudihiisa.
Dhinaca kale madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh MaxamedFaroole ayaa xariga ka jaray dhisme loogu talagalay in lagu xiro
burcadbadeeda oo laga hirgaliyay xabsiga wayn ee magaalada Bosaso.
Puntland-News24



Reer Bari,In ilaahay idin dulleeyey waxaad ku garaneysaa meeshuu faroole mashaariicda garoowe ka badatay iyo dhulkiisa wax idinka siin lahaa wuxuu hadba xarigga idiinka jaraa meelo ama xabsiyo caruurtiina lagu xiro oo lagu jirdilo, kuwa soo harana askar ayuu qoraa si ay ugu adeegto isaga oo kuliigood naftaa ka socota gaajo darteed mushahar la’aan, war hurdada ka kaca oo dib isugu noqda lana xisaabtama faroole caruurta xir xiranaa xarrigga ka sii daaya oo maraakiibta sharcidarrada ku kalluumaysaneysa wax ka qabta oo dowladohooda la xisaabtama wiilasha yar yar ee idinka difaacayana iska sii daaya oo sidaas wax u fahma.
Fikradiina ku soo qor halkaan waxaad ka qabtaan arrinkan.
afwaliinjo isaga ayaa u sabab ah waxyaabaha xunxun oo dalka ka dhacaya,burcadbadeedku waa dhallinyaradii uu masuulka ka ahaa haddii kheyraadkii badda iyo dhulkaba isaga iyo wiilashiisu xaalufiyeen saw dhallinyaradii dhib sameyn maayaan, ileen xirfada, shaqo iyo taakuleen midna loogama fadhiyo oo waa aboor isaga iyo aaranbaaska uu aabaha u yahay, waana ayax soori ma dheera, war inta laysu tako waddanka ha laga qabto weerarka.