Buuga Xusuusqor Oo Uu Qoray Siciid C. Keenadiid Ayna ku Qoran Yihiin Dhacdooyin Badan Ayaa Lagu Soo Bandhigay London [Sawiro]
January 17, 2013 // Warar SomaaliXaflad lagu daah furayey buug cusub oo uu qoray Aun. Siciid Cismaan Yusuf Keenadiid ayaa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay magaalada London ee dalka Britain.
Qeybo faro badan oo kamida jaaliyada ku nool UK ayaa nasiib u yeeshay inay helaan oo akhriyaan buug ay ku dhan yihiin, kuna urursan yihiin xogo muhiim ah iyo taariikho aan hada ka hor cidina soo bandhigin.
Dadka kasoo qeyb galay daah-furka buuga xusuusqor waxaa kamida qaar kamida qorayaasha iyo hal-abuurada Somalida oo ay kamid yihiin Dr. Siciid Cali Shire, Maxamed Aden Teerra iyo Khaliif Ashkir.
Buuggan waa kii noociisu ugu horreeyay ee ku saabsan maalmihii ugu dambeeyay Dowladdii Soomaaliya iyo bilowgii dagaalada sokeeye –(30.12.1990 – 06. 1994).
Qormooyinka soo jiidashada leh ee aad ka dhax arkeyso waxaa kamida Daar laga qaxay oo degideeda lagu dirirayo oo kamida cutubyada sida weyn kuu soo jiidanaya, iyadoo qoraagu uu si weyn u lafa guray baaxada dagaalkii iyo colaadihii halakeeyey umadda Soomaliyeed. Qeybo kale oo muhiim ah oo aad ii soo jiitay ayaa waxaa kamid ahaa laba eray oo si weyn looga dhaxlay burburka Somalia kuwaas oo kala SHILAL [dagaalo] iyo SHIRAR [dib u heshiin] laba shil dhexdooda shir ayaa lagu sii nastaa.
Buugga waxaa ku qoran dhacdooyinkii waagaas iyo taariikhda ay mid waliba dhacday.
( tus. 17.11.1991 – bilowga dagaalkii afarta bilood).
Waxaa intaas dheer oo ku jira wararkii iyo waraysiyadii idaacadaha xamar iyo BBCda; wararkii gobolada kale ee soomaliya; shirarkii isdabajoogga ahaa ee la kala shirayay; heshiisyadii aan marna lugu heshiin; go’aamadii aan marna lugu guulaysan; madaxdii iyo hoggaamiye jabhadeedyadii jeerkaas ka dhex muuqday weegaarrada siyaasadda iyo dagaalada; wasiiradii, xildhibaanadii, dadweynaha xamar (gaar ahaan kuwa xamar jadiid ); gurigii uu ku noolaa – qoyska reer Cismaan, deriskii (aan la illaawi karin), ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, socotadii, dhibbanayaashii,iyo xataa xoolihii ay dagaaladu saameeyeen qaarkood.
„Waxaa looga maarmi waayay si akhristaha aan xog’ogaalka ahayni uusan u moodin in habdhaqanka dagaal ee soomaalidu uu weligiis ahaa ‘Soomaali soomaali kale leynaysa’“
Hadaba hadii aad dooneysid buuga meel walba oo aad dunida ka joogto waxaan kuu soo dhigi karnaa Boostada, ama qaar kamida wakiiladeena oo dalal dhowr ah ku sugan ayaa si sahlan kuugu keeni kara. Fadlan si aad buugaaga u hesho nagala soo xiriir taleefandan: 44-7985111384 ama 44-7932674590 hadii kale fariintaada ama dalbkaaga noogu soo hagaaji Email: ajoob1@gmail.com












WAXAAN AAD IYO AAD UGU FARXAY INAAN MAQLO IN BUUGAAN QOF SOOMAALIYEED OO TAAGNAA WAXII DHACAY UU URURIYEY
ARIN INTAA LA EG
QOFKII JOOGAY XAMAR1991-1992
AYAA DAREEMI KARA WAXAA UU QORAAGU
KA HADLAAYO. ANIGU WAXAAN
AHAY QOF WAX KA OG LAA KIIN AAN
NASIIB U HELIN WALI QORISTA
BUUG BALSE KU FAKARAY
WAX BADAN