digg icon delicious icon

Buugga Halgan iyo Hagardaamo oo lagu daah-furayo AUSTRALIA

February 22, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

Ogeysiis ku socda Jaaliyadda Soomaalida ee Australia

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Australia waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono xaflad lagu daah-furayo Buuggii uu qoray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Buuggan oo hore loogu daahfuray qaar ka tirsan waddamada yurub ayaa markan waxaa nasiib u yeeshay Jaaliyadda ku dhaqan waddanka Australia. Xafladdan oo lagu casumay dhammaan jaaliyadda soomaalida ee ku dhaqan waddanka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne, waxay ka dhici doontaa hoolka guriga jaaliyadda ee xaafadda Flemington (Flemington Community Center Hall, 25 Mt Alexander Rd Flemington VIC 3031). Maalintuna waa Axadda soo socota oo ku beegan 26-ka February 2012-ka, saacaddu marka ay tahay 6-da galabnimo illaa 11-ka habeenimo haddii Alle idmo.

Habeenkaa waxaa sidoo kale jiri doonta casho fudud oo xafladda loogu talo galay. Haddaba dhammaanteen waxaa inoo ballan ah Hoolka dhismaha Flemington Community center  oo ku yaalla dhabarka dambe guryaha dhaadheer soomaaliduna ku badan tahay ee xaafadda Flemington, una dhow garoonka Debneys Park ama guji halkan si aad cinwaanka u aragto, sidoo kale eeg sawirka ogeysiiska ah ee warbixintan la socda.

Waad mahadsan tihiin.

Farah Warsame

Melbourne, Australia.

 

 

 

RSSComments (0)

Leave a Reply