Cabdiwali M Cali Gaas Waxaan Qabaa Inuu Somaliya Nabaddii Ku Soo Celin Karo
July 28, 2012 // Warar SomaaliWaxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariista oo Dhan iska leh
Akhristaha qaaya iyo qiimaha badanoow waxaa mudan inaan is waydiino horta Nabad la’aanta maxaa keena maxaase soo celin kara nabaddii…
Nabad La’aanta waxaa keena
- · Markii la waayo kalsoonidii iyo is aaminkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la waayo xurmaddii iyo is ixtiraamkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la waayo turaanshihii iyo isu arxankii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la waayo dulqaadkii iyo isu samirkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la waayo is maqalkii iyo kala danbayntii bulshadaas ka dhaxaysay…iwm.
Arimahaas markii bulsho laga waayo waxaa ka dhex dillaaca cudur, cudurkaas oo gayeeysiiya ama gaarsiiya in qof kastaa qofkuu ka xoog badan yahay maquuniyo oo xoriyadiisa udiido waxuuna isu bedelaa oo abuuraa kooxaysi iyo is gaashaan buursi ku salaysan sad bursi iyo anaa amiir anta amiir. Nabaddii iyo xasiloonidii umadaasi lahayd farahay ka baxdaa waxaana ku basbeela in alaale intii danyarta ahayd oo aan itaalka badan lahayn ee bulshadaas ka tirsanayd.
Nabad la’aantaasi Waxay dhaxal siisaa bulshadaas awood la’aan iyo itaal la’aan aanay bulshadaasi waxna qabsan karin cidna iska celin karin arintaasina waxay sababtaa in sharaftii, sumcaddii, karaamadii ay meesha ka baxdo bulshadaasi lahayd.
Waana waxa haysta maanta bulshadeenii Somaliyeed ee sharafta sumcada iyo karaamada lahayd oo cadowgeedu ka biqi jiray dadka kalana ku ixtiraami jireen. Waad aragteen maanta waxa baddeenii lagu hayo ee ah in khayraadkeedii layska daldalanayo, sun lagu daadinayo, qaybo lakala gadanayo, qaybo lagu soo faafayo, qaybihii xoogga laynooga haystay la doonayo in laynaga sharciyeeyo (NFD iyo Ogandenya). Wax awood ah oo aan ku diidi karnaana aanay jirin in qaarkeen qayl qayliyo oo aan cidina dhagaysan oo dhag jalaq loosiin, qaarkeenna isha ka mirigsiiyo.
Nabadda waxaa soo celin kara
- · Markii la soo cesho kalsoonidii iyo is aaminkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la soo cesho xurmaddii iyo is ixtiraamkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la soo cesho turaanshihii iyo isu arxankii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la soo cesho dulqaadkii iyo isu samirkii bulshadaas ka dhaxaysay
- · Markii la soo cesho is maqalkii iyo kala danbayntii bulshadaas ka dhaxaysay…iwm.
Ruuxa aan isleeyahay oo filayo inuu soo celin karo nabadii waa Cabdiwali M Cali Gaas sababtoo ah waa ruux…
- · Dareen iyo Damiir leh oo ka damqanaya foolxumada iyo sumcad xumada soo wajahday bulshada.
- · Ixtiraam leh oo soo dhowaynaya dhammaan bulshada oo dhan isagoon ku kala soocayn jeebkooda iyo kooxday ka tirsan yihiin dhagaysanaya afkaartooda ku salaysan sidii xal lagu gaari lahaa.
- · Dulqaad leh oo u dulqaadanaya dhammaan caqabadaha ka horyimaada.
- · Naxariis iyo utirid leh oo ka naxaya dhammaan dhibaatada soo food saartay bulshadaas yar iyo wayn.
Hadaladiisii aan ka soo xigtay oo aan kusoo qoray maqaalkii ahaa la kulankii wax iga bedelay waxaa ka mid ahaa
- in aan hooyo danbe barooran oo aanay ka walwalin habeenkii masoo toosaysaa adiga iyo eheladaada oo wada dhan…
- in aan waalid danbe eegan dhashoodii oo hortooda lagu gawracayo
- in dhallinyaradu habeen iyo maalin meeshay doonaan ku cayaaraan iyagoon ka baqayn in la laayo
- in eheladu habeenkii farxad iyo kaftan ku caweeyaan iyagoon ka wel welayn in madfac ku habsado
- in aan la soo toosin subaxdii oo lagu waa bariisan maydad madaxyadii laga gooyey
- in aan cidina cid khasab kaga haysan hantidoodii iyagiina cidla jiifaan oo dayac iyo saxiir ka dhergaan
- in dhammaan bulshada Somaliyeed hesho Nabad ay u wada Siman yihiin Sharci ay u wada Siman yihiin wax barasho ay u wada Siman yihiin xoriyad ay u wada siman yihiin iyo inay baqdin la’aan mari karaan meeshay doonaan iyadoon cid is hortaagayso jirin ama ay ka cabsanayaan…
Wa Billaahi Tawfiiq
Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad
Email: Guurey@hotmail.com



illahow kuda ooku garabqabo , intad noqabatay ba ba wax la ilawikara ahayn dawlad la aan badnagasartay dawladna wad nagarsiisay adanu xilka kuudhibanay ookugu aminyna cadkale oo lagu aamini karo qaranimo majidho illahay ba umada kusodiray inad dhibatada ka saartid guulayso qof caytama ama habartama wa mukulashi hilibka intay gari wayday tiri uf jawab maleh
Abdiweli ilaahay khayr ha siiyo laakiinninkan sidiidumarkii ayuu wax ujeclaaday war xishood sidii caada qaadihii baa Igadadanaya
rasul wassare cabdiweli wax lagu edeyey inu mallayin.dollar dhacay jebka ku shubtay anigu waxn ku talin laha xilka halaga xaybiyo. shacabka puntland wu ceebyeye wayo mah cado lagu yiqiin reer puntland in ay siyasintood xoolo xado. tusaale cabdilahi yusuf iyo dr omar abdirshid midna waxa ma qadan sas awgeed. ninkan bulshadda reer puntland wuxu uso jiiday magaco xumo. bulshadda somaliweyn wu dhacay. CODSI KU SOCODA AQOONYAHINTA PUNTLAND,FADLAN HAA TAAGEERIN RASULWASSARE CABDIWELI GAS
Monitoring Group waxay kugu mahad celineesaa inaad shaqo kalisay inay kaareebto raga isasoo sharxayo,lakiinse ay runta kushaqeeso, Cwali waxay kugu eedeesay:
1; inaad dhacdeen handiti shaqabka iyo deeqdi masaakiinta loo soo diray.
2; inaad destuurka khiyaano qaran kuwadid
3; inaad dhaqanka isimada somaliyeed farakalin siyaasadeed oo isku dir ah dhexdooda kawadid.
4;
Fadlan ha isa soo sharxin, sharaf kutag sidii Clhi Yusuf, markuu fashilmay oo loodigay sida samad xuseen ayuu talada qaatay.
Monitoring Group waxay kugu mahad celineesaa inaad shaqo kalisay inay kaareebto raga isasoo sharxayo,lakiinse ay runta kushaqeeso, Cwali waxay kugu eedeesay:
1; inaad dhacdeen handiti shaqabka iyo deeqdi masaakiinta loo soo diray.
2; inaad destuurka khiyaano qaran kuwadid
3; inaad dhaqanka isimada somaliyeed farakalin siyaasadeed oo isku dir ah dhexdooda kawadid.
4;
Fadlan ha isa soo sharxin, sharaf kutag sidii Clhi Yusuf uu talada uqaatay.
Hahahah war mahbarintaan faanbada odaygaan qanjirada weyn ad modo tumaal. Miya nabad so celinkaro war waxa u faninesaan calashaan wa mahbar ooo adinko inkasojeda war wax uyahay iyo wax ugalo tona majiraan ee amanta cidlada ah daya somalina ma rabto nin puntland kasojedo inu xil uqabto aall somali. Oo ilin donimayaan nin mahbar ah inu xukumo wan ka dida taas oo wanka danqada. Farmajo wauxu qabtay wala ogaa iyo su dacad uahaaa adeer farmajo muqdisho aaadx ba loga so dhaweyay logana jecla lkn c wali gaas qanjira weyne dadku maraaabn mana ay so dhaweyn ooo sinjigisa layaqanaa farmajo wax musuq masuq ah ila hada laguma hayo adunka iyo dalkaba sharaf ayu kuleyahay hadanunahay bel weynta sade darood iyo belaha kale ee somaliyeed hawiye isaaq elay dhamaan marabaan nin majerten kasojedo mana lagayabo. Ine so dhaweyaan wax puntland kasojedo donimayno mana. Namatalaan adeeer ee fanka cidlada ah iyo hadalada malayacniga ah ad soqoresaaan dayaaa oo xishoda ogada in somalia lainka necebyahay adinka iyo sinjigina
maashaa alaah mudane c/wali cali gaas ilaahay hala garabgalo xilka uu umada somaliyeed u hayo ee daacadnimada ah insha alaah >>>>>> madaxweynaha mustaqbalka ayaan kuu rajaynaynaa kii lagu waaro ilaahay ka kaa dhigo WABILAAHI TOWFIIQ
Somaalidu waxay ku maah maah daa qofki adjiceshahay aayar jeclow kaad necebtahaynah
aayar qoraalkan wax badan baan arkay markaas
waxay ilanoqotay in aan wax yar ka iraado
Ma ihi qof cabdiwali wax laneceb ama xumaan u qabah laakiinse somaali du waxay tiraadaa dad dhintay yaa u
dambeyay waxa layiri meedkaas lasiiwadoh c/wali wuxu joogay xafiiska toban bilood kabdan
wuxuu qabto hajoogeeh waxa lasheegay in uu malaayiin dollar lunsaday oo uu jeebka ku shubtay waxaan aad uga xumahay nin dhalinyara
Ah oo aqoon yahan inuu iyo mustaqbalk
iisa
Aduun iyo aakhiro ku xumayo oo xoogaa dollar ah oo xaaraam ah dhaafsado
waxay ahayd xili dadka somaaliyaad masaajidada looga yaboohinayay
ANIGU markaan arintaas maqlay qofka somaaliga ah waa karaja go,ay oo waa kasamray