Cadde iyo Cabdullaahi Muddo Kororsi Laga Diiday Miyaa Cabdi-raxmaanow Lagaa Yeelaa ? [Faallo]
September 22, 2012 // Warar SomaaliMagaalada Qardho ayaa hogaaminayasa ilaa iyo hada shacabka laga maqlayo isbedel baanu rabnaa, marka laga soo tago waxgarad iyo siyaasiyiin reer Mudug iyo reer Bari ah oo si aan soo shaac bixin arrimahan uga doodaya, inkastoo reer Qardho ay bannaanka iskeeneen AASHUUN ku addinkiina ka baxeen.
Qardho kuma cusba hor-kicida dareemada xambaarsan isbedel doonka, waxaa lagu xasuustaa loolankii Cadde Muuse ay uga soo horjeedeen, iyagoo xukuumaddii madaxweyne Cadde si weyn u dhaliili jiray, laakiin C/laahi Yusuf waxay kala hortageen dagaal iyo dibad baxyo qaarkood dad badani ku dhinteen, sababta oo ah Marxuum Yusuf iyo ciidamadiisa waxaa lagu xasuustaa mar walba oo ay Qardho sii gudbayaan khasaare nafeed ayey geysan jireen oo waxaa ku dhamaan jiray shacab isbedel doon ah, Geeriduse u tahay Geesinimo.
Dedaalo Cade iyo Cabdulaahi Yusuf ku doonayeen inay xukunka ku korosadaan si xeeladeysan, waxaa laf dhuun gashay ku noqotay shacabka magaalada Qardho, oo bulshadeedu ku dhiiradaan kuna hadaaqaan halku dhigyo ISBEDEL-DOON iyo BAD-BAADADA PUNTLAND BAAN RABNAA. inkastoo madaxweyne Cade isagu marnaba ku talo gelin muddo korosi, balse sida ay qirteen rag ka tirsanaa golihiisii wasiirada iyaga ayaa dedaal noocaas ah gadaal ka riixayey, balse Cade Muuse marnaba afkiisa lagama hayo inuu doonayey muddo kororsi ka badan xilka xafiiska oo afar sanno loo asteeyey.
Dadweynaha Puntland qaarkooda sida weyn u taageera Madaxweyne Faroole ayaa kuu sheegaya in sababta ay u taageersan yihiin ay tahay sida xayiga ah ee uu ula garamo madaxda TFGda balse ay qirayaan in dalka iyo dadka intii uu joogay waxba uusan u qaban. Laakiin dad kale ayaa aaminsan in Puntland aysan u baahnayn hogaamiye mar walba faraha isku fiiq-fiiqaan siyaasiyiin kale, iyadoo adeegii bulshada, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka uu heer hoose marayo [TIISA DARYEELAA TU KALE K DARA]
Mudahaaradkii shalay ka dhacay magaaladda Qardho ayaa wararka aanu ka helayno sheegayaan in uu istaagay mudaharaadkii salaada Jimce ka dib ka bilowday magaaladda, iyadda oo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay, marka laga reebo in wadooyinka qaarkood oo uu soo gaaray burbur waxyaabo lagu gubay oo isugu jiray Taayaro iyo waxyaabo kale.
Mudaharaadyaasha ayaa waxa ay xireen wadooyinka Magaaladda, iyagga oo ugu dambeyntii ay la hadleen qaar ka mid ah waxgaradka magaaladda oo sheegay in la joojiyo banaanbaxa isla markaana dadka aysan geysan falal amniga wax u dhimaya.
Maxamed Cabdulahi oo ka tirsan dadkii soo abaabulay mudaharaadka ayaa u sheegay Puntlandnews24 in ay shalay qeybtii koowaad joojiyeen, isaga oo xusay in maalin walba oo jimce ah ay caadeysan doonaan isu-soo bax ilaa uu ka guuleysan doono hadafkooda ISBEDEL-DOON.
Wararka Qardho ka imanaya ayaa sheegaya in maantay halkaas lagu waday in uu gaaro Madaxweynaha dowladdda Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole, iyadda oo uu ka baaqday sababo la xiriira arimaha mudaharaadka, iyadda oo shaki weyn ku jiro in nidaamka Xisbiyadda ka hirgeli karo Puntland halkan ka akhriso warbixin la xiriirta arimaha xisbiyadda.
Dhanka kalena waxaa wararka aanu ka helayno degaano ka tirsan Puntland ay sheegaan in la qorsheynayo banaanbaxyo sidan oo kale ah ay ka dhacaan degaano badan oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo looga soo horjeedo mudo kororsiga halka sanno ah ee Xukumadda Faroole waday mudooyinkii ugu dambeeyay.
Qardho ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha sida weyn looga soo horjeedo dastuurka leysku khilaafsan yahay ee Puntland, iyadda oo dadka qaar u arkaan in dastuurka iyo nidaamka dowladda wado uu yahay mid aan is waafaqsaneyn, taasi oo loo sababaynayo warqad lifaaq ah oo ku jirta dastuurka.
Madaxweyne Faroole ayaa xilka Madaxweynaha Puntland loo doortay January-2009, isaga oo mar uu ka hadlayey baarlamaanka Puntland sheegay in tahay wakhtiga la doortay 4 sanno ayaa ka dib go’aan ku gaaray in uu ku darsado hal sanno oo dheeraad ah si xeeladeysan.
March , 2012 ayey aheyd markii sidan oo kale banaanbax looga soo horjeedo mudo kororsiga uu ka dhacay Qardho, wallow markii dambe shirar ay yeesheen beelaha degaanka Qardho leysku raacay in aan wax mudo kororsi ah lagu taageerin Xukumadda Faroole.
September,2012 waxgaradka qaar ka mid ah beelaha reer bariga ayaa waxa ay soo saareen baaq ay u jeedinayeen beesha caalamka iyo weliba Dowladda Federalka kaas oo ku saabsan in laga hortago falkasta oo wax loogu dhimayo amniga Puntland ,iyo weliba in Madaxweyne Faroole uu sameysto Mudo kordhin hal sanno ah.
Dhawaaqa ka soo baxaya shacabka Puntland iyo weliba siyaasiyiinta ayaa dadka taageersan siyaasadda Faroole waxa ay u arkaan in ay tahay arin iska hadal ah, balse waxaa tani hadii aan laga hortagin keeni kartaa in amniga Puntland uu noqdo mid faraha ka baxay.
Madaxweynaha hadda xillka haya Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa dadka siyaasadiisa sida weyn u dhaliila sheegaan in uu isaga ahaa ninkii ugu horeyay ee Xukumadii Cadde Muuse ugu hanjabay in aysan ku darsan Karin Maalin, isla markaana waxa uu sheegay sanadkii 2009kii ka hor doorshadii Puntland in hadii Cadde Muuse ku darsado ay keeni karto Amni xumo, isaga oo Faroole ku dhaartay in uu dalka Madaxweyne ka ahaado 4 Sanno. Halkan ka Daawo
Puntland ayaa waxa ay ka mid tahay degaanadda amniga lahaa 14 Sanno ee ugu dambeeyay, iyadda oo Xukumadda hadda joogta haysay mudo 3 sanno iyo sagaal bilood ah, dadka inta badan la socda siyaasadda Puntland ayaa sheega in shacabka reer Puntland yihiin dad jecel amni iyo kala dambeyn.
Balse waxa ay inta badan ka horjeestaan nidaam walba oo lagu doonayo in xoog loogu maamulo, sanadkii 2001dii ayeey aheyd markii sidan oo kale looga horyimi Madaxweyihii hore ee Puntland AUN Cabdulaahi Yusuf Axmed, oo sanadkii 2004tii loo doortay Madaxweyihii ugu horeyay ee dowladda Federalka Soomaaliya.
Yuusuf Hajji
Puntlandnews24
Editorial Team



puntland hadii aan isbadal laga samayn way burburaysaa runtii
waxaa dhibaato ah dadku hadaysan waxba fahmin/// tusaale ahaan waa inaad nuxurka qoraalka fahantaa lama oran karo suxufi ayaa qoray ee waxaan u arkaa majaro habaabin. inay tahay xaqiiqduna waa saas dadkuna inay wax la socdaan baa wanaagsan 1 years is nothing BALSE C/LAAHI SICID SAMATAR MASHRUUCA UU INA CUMAR GEELE KA SOO QAATAY OO AH CARQALADAYNTA PUNTLAND BAL AAN ARAGNO MEESHA UU GAARO //// teeda kale kan qoraalaka qoray ;marxuum C/LAAHI YUUSUF JUST ONLY ONE TIME AYUU QARDHO ISAGOO MARAYO WAX XABADEEYAY WAA ADIGA LEH MAR KASTA OO UU SOO MARO EE BRO WAX SAX SAAS suxufi laguma noqdee
War qabiil i dont give a f……. Faroole is nothing, and we want Faroole back to Sydney.
I tell u guys how to win agianst this fucken correpted Gov. 1 we have to start big kacdoon in Barxadda Ciise kucarooo kkkkk, hopefully i will start this kacdoon soon inshallah! Walaahi im with the people of Qardho by overthrowing Faroooooooole regime!.
adeer war kaan aniga iguma soconoyo ee waxaad haysaan reer qardhood banaan ka keena
Maanta Puntland waxaa la’rabay inay qaybwayn ka qaadato dhismaha dowlada democratic-ga ah, balse iyadii aayaba waxay u muuqataa inay is caawin karin sidda qoraalada Puntland kasoo baxa ay sheegaan. Marka, su’aashu waxay tahay, maxay dowladaha Puntland mashquul ku ahaayeen 21 sano ee lasoo dhaafay oo Illaahay ku manaystay nabada? Mala oran karaan shicibka reer Puntland ayaa sabab u ah in dowladahan wadanka soo hayay masuuliyadowdii ka soo bixi waayeen, maadaama, shacabku intaas u kala qaybsan yahay qabiil oo si wadajir ah aan u dhaliili karin xukunka maalintaas jira.
Qabiilku dadka indhihii ayuu tiri ayaan anigu aaminsanahay! Haddii party system la’samayn lahaa, waxaan dooran lahayn partigii aan fikradihiisa aan waafaqsanahay. Marka, dowladu waa shacabka, shacabkuna waa dowlada.
Nabad galyo.
Doqani xanteeda ma moogto;
1= Faroole baaqan shacabka Puntland ay kalsoonidi kala noqdeen si dhab ah ayuu u ogaaday!
Hadaba maxaa lamaleen karaa hogaanka soo socdo:
waxaan aamin sanahan cidkasto oo laga keeno inuusan Faroole, Cade iyo Cabdulahi yusuf uu kawanaag sanaan doonin!! Sababta oo ah;
1= Waayo waa shakhsi aan recor leheen oo xor ah! One Man Show!! micnaha waxa weeye hadii xisbi jirin ninkii doono oo jagada helo siduu doono ayuu udhaqmi hayaa waayo cid ceshaneeso oo organization ah oo bari kafakareeso, sharaftooda sida ay u ilaashan lahayeen ama kabaqeeso inuu xumaado recorka mustaqbalkooda ayaana jiri.
Hadaba hala sii ogaado arintaa inay dib noogu soo noqoneeso 100%1000%kun%.
xisbi in lasameeyo waa lagamaarmaan hadii aan rabno inaan badbaadno aana kala badbaadno!!!
Hadaba qaabkee loo sameen karaa xisbi iyadoo Faroole meesha laga qaadayo!!!.
1= Waxaan qabaa 1.5 year in lagu dhiso systemka sharciyada, axsaabta iyo xisbiyada badan.
2= 1.5 sanadkaas waxaan qabaa dalka inuu hayo maamulka isimada ama Reiisul Baarlamaanka Puntland. waagi ay dhameestiraan kadib laisku soo taago Doorashada hogaanka Puntland cida u qabaneeso.
Hadii arintan sidan udhicin cidii fuusho oo nidaam la’aan kufuusho dan uguma jirto in axsaab lafuro ama wakhti iyo dhaqaalo beesan uheli doonin.
Wabilaahi towfiiq.
Xisbiga Galkacyo
kkkkkkk, waxaa wax lagu qos;o ah in maxamed xassan bare oo maanta wareysi sinaayay VOA DA,
IN UU YIRI DASTUURKA AFTI AYAA LOO QAADAY OO BEESHA CALAAMKA OO DHAN GOOB AYAY AHAYEEN,
LAKIIN WUXXUU GRAB MARAY IN LIFAAQ MUDO KORORSI AH LAGU DARSADY.
INTERPEACE OO AH HAYADII KALA SHAQEYSAY PUNTLAND DASTUURKANA WAA OGTAHAY, WAAYO AYAA AYAA NOO QORAY.
MAANTA WAXAA BOSASASSO KA DHACY IN LA XIRO XAFIISKII AFHAYEENKA NABADOONADA BARI QALABKII YAALEYNA LAGA QAATAY.
SUASHA IS WEYDIINTA MUDAN WAXA AY TAHAY ???
SHURUUCDII MADAXWEYNAHA UGU DHAARTAY IN UU ILAALIYO HANTIDA GAARKA LOO LEEYAHAY IYO DAWLDABA , WA LAGU TUNTAY
WAREEGTADA WAXEY KASOO BAXDAY MADAXTOOYADA PUNTLAND AMARKANA SOO BIXIYAY
WHERE ARE WE HEADING ,,,??
Nin aan wacad aqoon oo dhaar-beenaale ah sidee loo aaminaa. Hoggaanku waa meesha ay bulshadu ama ka curyaanto ama ka kacdo. Faroole maahan nin hadda la baranaayo. Waxaase khalad ah in shacabka Puntland markasta ay doortaan mid wax-matare misana goor ay middidii ku tagtey ay dhawaaqaan. Faroole iyo kuwa dhiggiisa ah waxay ahayd 1991 in maxkamad la saaro, waayo dowladdii jirtey ay u matalaayeen reeraha ka soo jeeda Puntland. Haddana iyaga oo baxsad ah ay yimaadeen degaan qaawan. Waxaa la ogaa inuu Carte wasiir u doontey oo Puntland uu aflagaadeynayey. Waxaa la ogaa labadii maamul ee Cadde iyo Cabdullaahi siduu uga tegey. Waxaa la ogaa anshaxa maamul ee uu leeyahay. Waxaa la ogaa wiilashuu adeerka u ahaa oo uu ku diley barlamaanka. Haddaba kani tegye, midka imandoona ka tashada.
Walaahi wadanku Horta isbedel buu ubahanyahay because xalada hada wadanku kujiro waa mid adag sicir barar dhaqaalo xumo canshuur qaali ah latashi la aanta shacabka caburinta saxaafada waxyaabahaas oo dhan oo isbiirsaday baa wadanka kajira ilahay waxen kabaryaynaa inuu bulshada dhibkaas ka dul qaado marka puntland wanjeclahay waan kufaanaa hurumarkeeda amaan keeda ha inaga kharibina mudaharaad hadii lasameynayo sinabad galyo kujirto dareenkooda shacabku ha umuujiyeen reer puntlanoow nabadgal yadiin dhulka yaan lagu tuurin