“Canshuurta 60% waxaa lagu qaadayaa shilin Soomaali” wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland
July 29, 2012 // Warar SomaaliWasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa ka hadlay wareegto kasoo baxday wasiirka maaliyadda oo faraysa isbadal lagu sameeyey lacagaha canshuurta ee laga qaado ganacsatada.
Cabdi Ibraahim Warsame oo ah wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu cadeeyay wasaaradda maaliyadda inay go’aamisay canshuurta dowladda in lagu qaado 60% sh.som halka 40% lagu qaadi doono doolar.
Arintaan ayaa waxaa uu tilmaamaya inay timid kadib culaysyo ganacsatada ka haystay ku bixinta canshuuraad lacagaha sh.so oo ganacsatadu ay sheegeen hoos u dhac inuu ku yimid maalinba maalinta ka dambaysa.
Wasiirka ayaa dhanka kalle xusay labaatanka bishii Augst wixii ka dambeeyay oo dalka uu yeelan doono dowlad cusub Puntland ay keeni doonto lacago cusub oo sh.so ah oo ay iska kaashanayaan dowladda aan KMG ahayn ee imaan doonta.
16-kii bishaan ayay ahayd markii ganacstada Boosaso ay sameeyeen shaqo joojin iyagoo ka cabanayay lacagaha sh.so ee dowladdu ka qaaddo ganacsigooda xilli sh.so suuqa uu siweyn ugu sii yaraanayo



puntland cashuurta ay qaaddo waxay boqolkiiba sagaashan ku baxdaa amniga doqomo jiran baa iska qora commontiska
amaanku maantay xaggee marayaa dawladii horene xagay amaankii geysay meel kasoo celinteeda iska daa dhaqaale inta naf ku baxaday waa la garanayaa faroole ha joogo hana loo doorto dib shanta sano oo soo socota waana istaahillaa hadii il caafimaad qabta lagu fiiriyo
ganacsatada waxaa haysta nafsi ay ka galeen cadde caacle waayo xilligiisii waxay heleen faaiido fara badan waxayna noqdeen mucaarad waxayna isku diri jireen qabiilada waa inay dhadhamiyaan dulmiga jizadiiza
Shacabka reer puntland waa dada aad ufiican lakin waxee haysan hogaan fiican marka allah subxaanu wataaala waxaan uga baryeeynaa in uu siiyo hogaan fiican.Aniga waxaan kamid ahaa dadka laga qaado can shuurta iskadaa in wax laguugu qabto waxaa laguugu darayaa aflagaado tasi waxay miijinaysaa dadka reer puntland in ay ilaalinayaa nabada kajirta deegaa madooda,marka marun wey helayaan hogaan fiican qofkii saburaa sadkii wuu helaa
puntland aloow sii hogaan daacad ah cashuur cashuur cashuurta xagee la gayn faroole shariif baa dhaama suu maxjaro iyo ciidamo la taba baro ,degmooyin la magacaabo maxay maxay buu ku mashquulsan yahay kuwa madax ku sheega illaahay inoga dhigay dulmiga ay wadaan waa aragnaa shacabku ha diideen cashuur jeebka lagu shubto hadaan wax loog qaban illaahayoow waa bil ramadaane puntland hogaan hagaagsan sii dalka iyo dadka wax u qabta cashuurtan xagee la gayn waa su aale
ganacsatadii baa cabanaysa puntland uma xiisayo inta kuwan lacagta guranayaa oon wax ay qabanayaan jirin joogaan alloow bad baadi punt-land
awalba garoowe baan maqli jiray mashaariic ka socota tiina ma maqal waayadan deeganada kale puntland warkooda daa waa wax la la yaabo in ishii kali ah dadka masaakita oo ganacsatada ah lacagtii yarayd lag yiraahdo ku soo xereeya rag kale jeebkood
shacabka yaan la waalin ninkii xaaraan cunay maxkamad aan laaluush qaadan baa kadameesee, qoomamo iyo ubad xumo ayaa udameysee.
puntland hajirto
A,W,W
canshuurta inaad shilin ama doollar ku qaaddaan hadal kama taagnee su’aashu waxay tahay canshuurta xaggee la geeyaa yaase cuna, maxaase adeeg ah oo shacabka canshuurta laga qaado u qabataan,
run ahaantii ma aha wax lala yaabo nin wax uusan lahayn ku cayilay oo waligeeday dhiigmiirato jiri jireen, laakiin waxaa wax lala yaabo ah shacab maalin walba lacag laga sii wado oo aan orankarin war lacagtayadii xaggee la geeyey bal nala xisaabtama maxaad noo qabateen marka?
1-waxbarasho wax kama qabtaan
2- caafimaad wax kama qabtaan
3-amni wax kama qabtaan oo dadkii la dhammeeh
4-jidadka wax kama qabtaan
5-ceelal dadka uma qodaan
6-birta culus oo adeegyada ma keenaan
7-dekedo iyo ayro boorro ma dhisaan
8-hosbtaallo ma dhisaan
intaa aan soo sheegay waxyaalo ka mid ah oo la qabtay shacabkaa qabtay ee dawladi shaqo kuma leh.
waxaanna rumaysanahay 5% boqolkiiba shan haddii ay lacagtaa dalka wax ugu qabtaan waxaa la gaari lahaa meel aad u sarraysa xukunka ay u ordayaanna waa heli lahaayeen oo mar labaad baa la dooran lahaa.
laakiin cod iyo calag wada socda waxna aysan ka soo noqon shacabka reer puntland baa looga bartay, waa cajiib Ilaahow dadkaan dantooda tus.
asc waxan puntland hogaanka u ah waa tuugo shacabki gaaja laysay kiiska bariiska ah waa 70$ war dadka iyo dalkuba bad badin bu u bahayahay maxa yeelay ganacsatada hadi cashurta lagu qaliyeyo iyagana shacabkay ku qaliyeynayaan cabdi halas waxu u dhashay taleex iyo laascanod waxa cashuurta qata siilanyo shacabka hurdada ha ka kaceen tuugada heska qabteen puntland wax la dhaha ma jirto ka tashada