Boqor Burhaan oo Wareysi siiyey Idaacada BBC-da Qeybta Af-Soomaaliga (Dhageyso)

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo weli socdaal ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa wareysi siiyey  Idaacada BBC-da Qeybta Af-Soomaaliga waxa uu kaga hadlay arimo badan oo la xiriira socdaalkiisa South-Afrika, kulamada uu la yeeshay Madaxda Dalka South-Afrika, Kulankiisii Magaaladda Cape-Town uu kula kulmay Boqor King Mpendulo Sigcau (Ah! Zwelonke) oo  Boqortooyadda Dalka South-Afrika.

boqk

Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq oo ka tirsan Idaacadda BBCda ayaa wareysigaan qaaday,

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Xariga Gama’diid iyo Xiisadiisa [M. A. Ciiraale]

Gabyaa la yaqaan oo la yiraahdo Gama’diid iyo laba nin oo kale ayaa ay hay’adaha amniga Puntland u soo bandhigeen saxaafadda iyadoo lagu eedaynayo Al-shabaabnimo. Dad, kuwa maansoodaa ugu badan yihiin, ayaa dawladda Puntland ku dhaliilay xarigga Gama’diid – ogow laba da nin oo kale cidi na uma doodin – waxaana ay codsadeen in Gabyaaga xorriyaddiisa si dhakhso ah loogu soo celiyo. Haddaba, waxaan isku deyayaa in aan wax yar ka qoro qodobbada ay cuskanayaan dadka u doodayey gabyaaga iyo sababaha ay ay u aamminsan yihiin in laga gardaran yahay.

Gaalo nacayb:

Dadka qaar ayaa waxay ku doodayaan in uu gaalada necebyahay sidaa darteed aysan xaq ahayn in la xiro. Marka laga hadlayo gaalo nacayb, dabcan, waxaa laga wadaa in la nebcaado qofkii aan muslin ahayn. Haddaba su’aashu waxaa weeye: maxay muhiim u tahay in la nebcaado gaalada? Muslimiintu haddii aysan nacayb gaashaan iyo gabbaad ka dhigan iyaga iyo diintoodu ba ma baylah dayacan baa? Sida xooluhu ay dhawrta uga ga badbaadaan oodda ku meegaaran miyaa ay tahay in muslinku na ay isku meegaaraan nacaybka ummadaha diimaha kale haysta?

Sida la ogyahay dadku badanaa iyo badanaa waxa ay haystaan diintii waalidkood. Dad tiro yar ayaa diimaha isaga tallaaba. Haddaba haddii aad adigu u dhalatay waalid muslim ah, aadna haysatid diintii aabbahaa iyo awoowayaashaa, qofkii waalid diin kale haysataa dhalay oo isna haysta diintii waalidiintii wax kale se aan kuu dhimin muxuu nacaybkaaga ku kasbaday? Bal su’aal aan akhristow ku weydiiyee: ma intaad laybareeri gashay oo diimaha oo dhan isu fiirisay ayaad tii xaqa ahayd kala soo dhexbaxday, mise sida aad qabiil gaar ah ugu dhalatay ayaad muslinnimada na ugu dhalatay oo waalidka kugu soo beegmay baa diintoodu Islaam ahayd?!

Gabaygii uu ka tiriyey dhacdadii Westgate waxaa ka muuqda in uu aad ugu faraxsan yahay una taageersan yahay dadkii shacabka u badnaa oo meesha lagu laayey! Waa yaab e nin aadanaha kale u neceb diintooda ama waddanka ay u dhasheen dartood side buu halyey u noqon karaa? Anigu nacaybka waxaan u aqaan irridda gunnimada laga galo!

Xorriyadda Hadalka:

Dadka qaar ayaa ku doodaya in Gama’diid loo xiray fikraddiisa uu dhiibtey iyo farriimaha gabayadiisu sidaan darteed, sidaa awgeed ay tahay cabburin iyo gardarro in qofku fikrad uu cabbiray loo xiro. Yaabka yaabkiis e diinta islaamku ma ba oggola xorriyadda hadalka maxaa yeelay : xanta, beenta, cayda, qadafka iyo waxyaabo kale oo hadal ahi waa dembi, qofku na xor uma aha ciqaabna waa ku mutaysanayaa. Sideeda na ereyga xorriyadda hadalka waxaynu ka maqmaqalnaa gaalada reer Galbeedka.

Haddaba halyeygii gaalada nebcaa in dhaqammadii gaalada loogu qiil doono waa jihajihayn iyo habaw!
Anigu markaan gabaygiisa dhegeystey, waa iga la badan yahay fikrad cabbir iyo taageero keliya ee wuxuu muujinayaa in uu Shabaab ka tirsan yahay! Bal ila arag:

Damiin iyo ninkii liita iyo doxorka yeelkiiye
Dumbuq iyo ninkii saanad ley deleb u meertaaye
Dabka booba waynoo jihaad daayin abidkeene

Bal u fiirso oraahda “waynoo Jihaad” isagu ma ku jiraa mise waa ka maqan yahay?! Bal hadda mar kale ila eeg sida uu u gaalaysiinayo madaxda ay Soomaalidu dooratay oo weliba uu u bannaynayo una dhiirrigelinayo dilkooda:

Dabadhilifku ciiddaa ka badan lagu danaystaaye
Kuwii ugu darraa baa haroon idin dareensiine
Siyaasigani waa wada dayuus ama se doofaare
Nin quroo wax diiddani ma jiro oo damiir lihiye
Waa niman kufrigu soo dirtoo daanyaqaad u ahe
Daacuun jar waa faasiqiin diinta caasiyeye
Hadba gaalo cudud haw dirteen duul shisheeye ahe
Hadba ciidan laysoo duldhigay ha isku deyreene
Waxaa diintu kuma joogsatee wey ku darartaaye
Waa daad Ilaahay wadoon cidi dabbaaleyne
Bal se nimanku waa cadow dahsoon oo dagaal wada e
Waa in aynu dabargoyno oo lagu dedaalaaye

Haddaba, waxaa muuqata gabyaa Gama’diid in uu dagaal iclaamiyey ka dhan ah dadka u taliya Soomaalida oo ay ka mid yihiin kuwa xukuma meesha uu ku xiran yahay ee Puntland (waa in aynu dabargoynno oo lagu dedaalaaye). “ Hubka qaata waynoo jihaad” ma aha hadal la oran karo waa fikrad dhiibasho ee waa hadal cad oo ninkiisii ku sheegtay in uu qayb ka yahay waxa uu ugu yeeray JIHAAD.

Anigu qof ahaan waxaan rumaysnahay in caddaaladda la marsiiyo. Haddii uu denbi leeyahay lagu qaado sida dadka kale, haddii denbi lagu waaya na la sii daayo. Puntland safar buu ku yimi, yuu ku soo degey? Muxuu u socdey?markii la qabanayey muxuu ku foognaa yaase weheliyey? Su’aalo badan baa u baahan in la baaro taasina waqti bey u baahan tahay inteediina in uu sii xirnaado ka fursan meyso. Ogow oo sharciga Puntland ama Soomaaliya u yaal waxaa denbi ah in qofku ka tirsan yahay urur argaggixiso oo mamnuuc ah keligeed ee uma baahna in fal xun isagoo gacanta ku la jira la soo qabto!

Gabaggabo:

Dadka Gama’diid u doodayaa haddii ay qaraabadiis yihiin waan fahmi karaa. Haddii ay Alshabaab yihiin na waan fahmi karaa. Haddii ay lid-Puntland yihiin na waan fahmi karaa oo dadka qaarkii mar walba Puntland baa la khaldan. Xataa haddii Puntland iyo IBLEYS isqabtaan dadkaasi waxay oranayaan “Shayaadiintu (Puntland) iyagaa ka gardaran wadaadka(Ibleys)Islaameed! Dadkii intaas ka baxsan ma fahmi karo.

 

By. Maxamed Aadan Ciiraale

Looga-qaateen@hotmail.co.uk

 

Afeef: Aragtida maqaalkan  waa kuwo u gaar ah qoraga ku saxiixan, kama turjumayo aragtida PuntlandNews24 hadii aad u baahan tahay kala xiriir Emailkiisa.

Shiikh Shahaadada PhD ku qaatay Taariikhda Xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya

Saaka oo Jimce ah 5/08/15 ayaa Baaraha Soomaaliyeed ee Ahmed Nuur Macalim Cabdulqaadir  ka qaatay Jaamacada Graduate Theological Foundation (GTF) kuliyadeeda Falsafada Islaamiga Shahaada Diktoornimadda taasoo lagu gudoon siiyey darajada Mumtaaz, taasoo ka mid ah heerka ugu sareeya ee lagu qaato shahaada PhD.IMG_4825-400x224

Cilmi baaraha, cinwaanka buugiisa uu qalin jabinta ku sameeyey ayuu u doortay “Taariikhada Xarakaadka Islaamiga iyo Raadka ay ku leeyihiin Mushtamaca Soomaalida 1950-2015”

Buuga cilmibaarista ee uu soo bandgigay cilmi baaruhu ayaa wuxuu aad usoo jiitay culummada ka doodaysay buugiisa, kuwaasoo kala ahaa, Dr. Cuamar Shaahiin oo ah Madaxa Qaybta daraasaatka Islaamka ee Jaamacada kor ku xusan, sidoo kalena Mushrif u ahaa baaraha iyo Dr. Al-waathiq Al-Cubaydiyi oo ah xubin ka baxsan jaamacada. Waxay aad u amaaneen  baaritaanka iyo dadaalka lasoo bandhigay, waxayna ku tilmeen inuu yahay baarintaan mowduuca uu ka halayo si wanaagsan u xaqiijinaya, si heer sare ahna looga soo shaqeeyey.

Sida uu ku amaanay gudiga u xilsaarnaa qiimaynta iyo la doodida baaraha, waxay hoosta ka xariiqeen hal abuurka baaraha, mustawihiisa cilmiga, soo jiidashada daraasadan goob jooga ah, iyo awooda uu uleeyhay adeegsigiisa hababka loo adeegsado tusaalayaasha cilimi barista lagu sameeyo.

Waxaan aaminsanahay in Sh. Dr. Axmed Nuur cilmibaaris tiisu kusoo aadayso xili aad loogu baahnaa, meesheediina ay dhacday, dad kooban oo aan sida Dr. Axmed ugu xeel dheeryahay aqoonta xarakaat Islaamiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya ayaa qooro kooban kasameeyey mowduucan intaan ogahay, waxaanse aaminsanahay Buuga Dr. Ahmed Nuur ee ka kooban 237 bog inuu noqonayo daraasadii ugu horaysay ee si xeel dheer loogu eego taariikhada xarakaatka Islaamiga ee Soomaaliya mudadaas nus qarniga ah ee ay jireen. Sidoo kale buugu wuxuu fikir ka siinayaa akhristayaasha Xarakaadka Soomaaliya, xiligii ay aas aasmeen, cidii ka danbaysay, Manhajkooda, iyo Saamaynta ay ummada Soomaaliyeed ku yeesheen.

Dr. Axmed Nuur buugiisa ayaa dhawaan la daabici donaa insha allaah, waxaana uga mahad celinayaa Dr. Axmed inuu ii hadiyeeyey buugiisa nuskho ka mid ah inta aan wali la daabicin, Jazaakallahu khayr.

Sh. Dr. Ahmed Nuur wuxuu ka mid yahay culummada sida wayn looga yaqaan Waqooyiga Ameerika dacwo iyo Nashaad badana kawada, Sheikh Ahmed Nuur waa Imaamka Masjidka Abubakar Islamic Center ee Seattle Washigton, waana Ku xigeenka Gudoomiyaha Shuurada ee Golaha imaamyada Waqooyiga Ameerika.

Ugu danbayntii anigoo fursadaan ka faa’iidaysanaya ayaan si aad iyo aad ah ugu hambalyeynayaa saaxiibkay Fadiilatu Sheikh Dr. Ahmed Nuur Macalim Abdulqaadir waxaana leeyahay Mabruuk, illaahayna waxaan waydiisanayaa inuu sheikha cilmigiisa ka dhigo cilmi raasikh ah oo khalqiga illaahay ku intifaaco, Sheikhana illaahay waxaan uga baryayaa inuu khaatumo wanaagsan iyo inuu cilmigiisa iyo camalkiisaba barakeeyo.

Qalinkii: Sheikh. Hassan Dhooye
dhooye@hotmail.com

 

 

Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, Documentary dhamaystiran

Documentary-gan qaybo kamid ah horaa loo daabacay, hadase waa markii ugu horaysay oo isagoo dhamaystiran la faafiyey, muhiimadiisa darteed ayaana keentay in markale la faafiyo, wuxuu sawir buuxa kaa siin  doonaa Caalimkii Sh. Abdulqaadir kumuu ahaa iyo faafinta dacwada Islaamka muxuu ugu fadhiyey.

 

 

Muuqaal taariikhan (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu kulahaa Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ahaa caalim si wayn looga yaqaanay geeska Afrika iyo Caalamkaba. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii loo dilay Sheikha, cidii dishay, sababtii loodilay iyo ehelka Sheikha oo arintaan markii ugu horaysay sharxaya.

Waxay ahayd goor aan Salaadii casar ka baxnay waxaan joogay magaalada Boosaaso, warxun wax ka dhakhso badan gabar ayaa markiiba isoo wacday markaasay igu tiri mamaqashay in Sh. Cabdulqaadir la dilay intaan is diidsiiyey, ayaan iri iikaadi, markiiba waxaan wacay Sh. Ahmed Cabdisamad oo aan ku ogaa Garoowe, igama qaban, waxaan ku xijiyey Sh. Cabdiqani Qorane, wuxuu iigu jawaabay Sh. Cabdulqaadir illaahay ha u naxariisto, isagoo salaad Casar kujira oo Masaajidka ku jira ayaa Madaxa laga toogtay, hadana maydkiisii ayaan korjoogaa.

Subxaanalaah, murugo badanaa, Salaad, Masaajid, Sheikhaas dada ah, fadliga uu ummada Soomaaliyeed ku leeyahayna aan nina ka qarsoonayn, tolow yaadilay, tolow maxaa loodilay, maxaa Masaajidka loogu dhexdilay, su’aalo aad u badan ayaa Maskaxdayda mashquuliyey.

Islama markiiba qofkasta oo soo gaari karay Garoowe meeshiisii ayuu kasoo dhaqaaqay, waxaana ceeryoontay Garoowe, Muuqaal taariikheedka ayaad ku arki doontaa meelihii laga yimid.

Qoraalakan waa hordhac kooban, insha allaah markale ayaan soo qori doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya safarkaygii Puntland iyo dhacdadii aan la kulmay.

Illaahay ayaa mahad dhamaanteed leh ii qadaray inaan fursad u helo inaan aruuriyo qayb kamid ah taariikhdii Sh. Cabdulqaadir, Muuqaal taariikheedna ka samayno kaalintii uu ku lahaa dacwada Salifiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya iyo wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

Muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, b)Barbaaridii Sheikha iyo waxbarashadiisii, t) Faafinta dacwada iyo bilowgii saxwada Soomaaliya iyo kaalintiisii, J) Waxqabadkiisii, Mawaaqiftiisii iyo marag fur dadkii yaqaanay, x) Sidii loo dilay, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo hadalkii ay ka yiraahdeen, qoyskii Sheikha, Culimmadii Soomaaliyeed iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

Gabagabada Muuqaal taariikheed kana waxaad sawir buuxa ka qaadanaysaa sidii madashii la isugu yimid ahayd, aaskii Sheekha iyo qaar ka mid ah dardaarankii Sheikha.

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa tan illaahay kadib, dhamaan dadkii tirada badnaa ee ka qayb qaatay hirgalinta muuqaal taariikheedkan, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa qoyska Sheikha oo iyagoo marxalad adag ku jira naga ogolaaday inay dowrkooda ka qaataan M. Taariikheedkan. Somalitalk.com iyo halgan.net waan uga mahad celinayaa faafinta Muuqaal Taariikheed kan.

Qayb kamid ah muuqaal kan  waxay ka hadlaysaa Waxqabadkii Sheikha ee baaxada lahaa qaybada ka mid ah, markii aan raad raac kusamaynay waxqabadkii Sheikha waxaa muuqatay inaan lagu dabooli kari waqtigaan kooban sidaas daraadeed waxaan kasoo qaadanaynaa intaan ka gaaray.

Sheikha waxqabad kiisa kuma koobnayn dacwada oo kaliya ee wuxuu ahaa mid isu dheeli tiran, oo daboolaya dhinacyo badan, haday ahaan lahayd dhinaca Waxbarasha, gurmadka iyo gargaarka banii’aadanimo, caafimaadka, dadka dhimirka ka xanuunsan, siyaasada, nabadaynta iyo qaybaha kale ee arimaha bulshada.

Waxaa kaloo  looga hadlayaa doorkii uu kulahaa aas aasida xarakaad ka Islaamka ee Soomaaliya ka hirgalay.

Waxaad baran doontaa markaad filimkaan dhamaysato kumuu ahaa Sh. Abdulqaadir, Sidoo kale waxaad ka garaabi doontaa dilkii Sheikha ka dib sidii dunidii laga yaqaanay Sheikha halmar isula kacayday murugo iyo caro wada socota, taasoo qiraysa fadliga uu Sheikhu ummadaan ku dhexlahaa.

Sidoo kale waxaad ku xasuusanaysaa xadiiskii Nabiga (scw)

((إِذَا أَحَبَّ اللَّهُ الْعَبْدَ نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحْبِبْهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي الْأَرْضِ ))
[البخاري عن أبي هريرة]

“Illaahay markuu jeclaado adoon wuxuu u yeeraa Jibriil, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow, wuuna jeclaadaa jibriil, wuxuuna u dhawaaqaa sammada ahalkeeda, illaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada, wayna jeclaadaan sammada cida kusugan, markaa kadibna dhulka ayaa loo dhigaa qubuul (aqbalaad)

Waxaan u rajaynaynaa Sheikha dadkaas inuu ku jiro, illaahay isaga iyo anagaba hanagu daro.

Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye. talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com

Daryeel Hooyo iyo Dayac Aabo

Cabdiraxman Maxammed Cabdulle

Qore: Xiddig@gmail.comimage1

“Macalinow, waxaan ku sameeyo waan garan la’ahay gabadhan,” ayeey tiri Fartuun. “Si walba waan ula hadlay. Oo waan u waaniyey. Oo wax waan ugu sheegey. Waxaan ku iri haddii aad iskuulka aadaab fiican ku yeelato oo aad buundo fiican ku keento oo aysan macalimiintu ka soo dacwoon wax walba ayaan kuu samaynayaa.”

Fartuun waa hooyo Soomaaliyeed. Waxaa looga yeerey iskuulka gabadheeda Safiya ay dhigato, si loola socotsiiyo dacwo macalimiintu ay ka soo gudbiyeen Safiya.

“Dhibka ugu weyn oo ay qabto Safiya waa hadal badni iyo muran badni,” ayuu yiri macalin Jaamac isaga oo istaagsan fasalkiisa hortiisa oo sugaya ardayda in ay u soo galaan maadadii xisaabta oo uu dhigayey. “Waa labo dhib oo ardayga hoos u dhiga waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa. Safiya aamus lugama karo. Waxay rabtaa qof u dhow iyo qof ka dheerba in ay la sheekeysato. Markii aad ku tiraahdid meel gooni ah fadhiiso wey kula murmaysaa. Meeshii aad hal daqiiqo kala hadli laheyd, waxay kugu qaadanaysaa toban daqiiqo in aad la hadashid,” ayuuna ku darey.

Hooyo Fartuun iyada oo u sii waramaysa macalin Jaamac ayaa waxa ay tiri, “macalin, sheekada badan iyo muranka badan waa dabeecad ay leedahay Safiyo. Si aan uga gooyo ma aqaani. Maalin walba waxaan kala hadlaa in aysan dadka ka waaweyn ku soo af-celin.”

“Haba hadal badnaatee, haddii ay xattaa waxbarashadeeda ka adkaan laheyd wax dhan bey ahaan laheyd. Oo carruurta qaar iyaga oo hadal badan, ayeey haddana waxbarshadooda ka adagyihiin,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Safiya se casharada guriga loogu dirana kama soo shaqeyso kuwa fasalka dhexdiisa lugu siiyana kama shaqeyso. Fasalka waxay ku haysataa buundo aad u hooseysa.”

“Macalinow wallaahi wey i wareerisey gabadhan. Oo madaxa ayeey iga cuntay. Waxaan ku sameeyo ma aqaani,” ayeey tiri Fartuun. Waxaana ka muuqdey wejigeeda ciil iyo caloolyow markii ay dhahaysey ereyadan. “Waxaan u sheegaa maalinwalba in ay carruurta ugu weyntahay oo iyada looga baahanyahay in lugu daydo. Waa afar iyo toban jir. Annigu intaa markii aan la ekaa reerka oo dhan baan daryeeli jirey. Oo u shaqayn jirey. Oo u adeegi jirey. Hooyadey, Aabahey iyo dhamaanba walaalahey oo dhan aniga ayeey igu tiirsanaayeen,” ayeeyna si murugo ay ku jirto u sii raacisey.

Macalin Jaamac mudo dhowr iyo toban sano ah ayuu iskuulka dhigayey oo macalin ahaa. Waa nin wax badan u soo joogey, oo wax badan og. Waxa uu eegey hooyo Fartuun, ka dibna waxa uu yiri, “carruurta intaan marka ay la egyihiin wadankanna ay joogaan, badanaa hooyo keliya waxba kama qaban karto. Oo wey isku taagtaagaan. Odeyga haddii uu noolyahay ama walaal ka weyn uu jiro waxaa fiicnaan laheyd in aad u sheegto.”

Intaas markii uu yiri macalin Jaamac ayaa Fartuun indhaheedii halmar casaadeen. Ka dibna waxaa ku soo joogsadey ilmo. Isla markiibana wey oysey.

“Wax kale lama ooyayo,” ayeey tiri Fartuun iyada oo ilmada iska titireysa. “Waxaan la ooyayaa , caruurtan aniga ayaa hooyo iyo aabo u ah. Aabahood ma dhiman ee waa uu noolyahay, balse si walba wax ugu sheegey, lagama yaabo dan ay leeyihiin carruurtaas in uu u soo dhameeyo. Haddii ay noqoto dugsiga, anigaa geeya. Oo macalimiintooda la soo hadla. Haddii ay noqoto cisbitaalka anigaa geeya. Oo dhaqaatiirtooda la soo hadla, daawooyinkoodana u soo qaada. Haddii ay noqoto waxbarashada iskuulkooda, anigaa daba orda. Oo marwalba ka war haya. Haddii ay noqoto wakhti in la siiyo carruurta, aniga unbaa siiya. Aabahood waa la noolyahay, lamana arko. Subixii ayuu u soo shaqeeyaa, inta kale wakhtigiisana waxaa qaba sheeko iyo shirar iyo fadhi ku dirir. Maalinwalba waxa uu ku leeyahay odayaal baan la shirayaa. Rag ayaan la shirayaa. Dad muhiim ah ayaan la shirayaa. Oo tollow, yaa carruurtiisa ka muhiimsan?”

“Aad iyo aad ayeey muhiim u tahay,” ayuu yiri macalin Jaamac, “in carruurta wakhti la siiyo. Oo guushooda waxbarasho ayaa ku xiran. Haddii aadan carruurtaada wakhti aadan siinin, cid kale ayaa wakhti siin doonta. Carruur walbana wakhtiga ay ka helaan waalidkooda ayeey kaga hormaraan carruurta kale.”

Intaas markii uu yiri macalin Jaamac ayaa waxaa dhacey gambaleelkii, ka dibna waxa u soo galey ardaydii.

“Waayahay, waan iska war haynaynaa,” ayuu ku yiri macalin Jaamac hooyo Fartuun, “ardaydiibaa ii soo gashaye.”

Macalin Jaamac markii ugu horeysey oo uu hooyo sidan oo kale u murugeysan oo u mashaqaysan uu kula kulmo iskuulka ma aheyn.

Macalin Jaamac waxa uu hadda ka hor la kulmey hooyo shan carruur ah leh oo iskuulka oo dhan carruurteeda laga joogi waayey dhibkooda. Carruurtaas Iskuulkii ayeey waxay ku noqdeen laf-dhuun gashey. Macalin aan ka caban carruurtaas ma jirin. Saddexdii sano oo hooyadaas carruurteeda ay dhiganayeen iskuulkaas ma uusan arkin macalinka carruurtaas aabahood.

Hooyadaas maalin ayaa inta ay is-heyn weydey waxay ku tiri macalin Jaamac, “carruurtan aabahood waxaan ku kala tagney siyaasad. Waxa uu ka doortey gurigiisa iyo carruurtiisa in uu wakhti geliyo siyaasad in uu wakhti geliyo. Kelligey ayaa ku rafaadey carruurtan. Ma banaankaan uga soo shaqeeyaa? Ma waxbarashadoodaan daba ordaa? Ma iyagaan daba ordaa? Ma gurigaan uga shaqeeyaa? Anigu intee qof baan isku qeebiyaa ?”

Macalin Jaamac si fiican buu u xusuustaa hadaladan markii ay ku hadlaysey hooyadan sababta oo ah korkeeda waxa ka muuqdey rafaad ragaadiyey. Daal badan iyo dayac badanna waa laga dheehan karayey wejigeeda iyo wejiyada carruurteedaba. Xafiiska iskuulka ayeey fadhidey. Oo waxaa loogu yeerey dacwo laga qabo carruurteeda.

“Carruurtaada ma heyn karno Nadiifooy,” ayuu ku yiri maamulihii iskuulka Nadiifo inta warqadii ceyrinta u soo baxshey. “Macalimiin iyo arday cid walba waxay ka dacwoonaysaa carruurtaada. Waxaaba kaaga daran alaabtii iskuulka xattaa wey jajabiyeen.”

“Meel kale oo aan geeyo carruurteyda ma aqaani,” ayeey tiri hooyo Nadiifo iyada oo walbahaarsan. “Fadlan, asxaan ii sameeya. Oo ii dulqaata. Iskuul walba waa la iga soo ceeriyey, iskuulkiina ayaa iigu fiicnaa iskuulada. Fadlan, jaaniskii ugu dambeeyey I siiya.”

“Inta aan digniin siin karno carruurtaada waan siinney,” ayuu yiri maamulihii iskuulka. “Adiguna intaas waan kula socod siineyney. Wax is-badal ahna maanan arkin ee waxaan kaa rabaa warqaddan in aad ii saxiixdo.”

Hooyo Nadiifo iyada oo ciilka iyo carada ka buuxo wejigeeda aadan maleen karin ayeey inta saxiixdey warqadii ka soo baxdey xafiiska iskuulka.

Maalintii uu la hadlaayey macalin Jaamac hooyo Nadiifo maalintii ku xigtey iskuulka waxaa ka jirey kulanka macalimiinta iyo waalidka. Arday walba xaaladiisa waxbarasho ayaa looga waramayey waalidkiisa. Dabadeedna waxaa laga hadlayey sida ay waalidka iyo macalimiinta wax iskula qaban karaan. Oo ay iskula shaqayn karaan. Si ay waxbarashada carruurtooda kor ugu soo qaadaan.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee kulankii macalimiinta iyo waalidiinta yimaadey aad bey u yaraayeen. Haddana, intuba waxay u badnaayeen hooyooyin. Aabayaasha yimaadey waxay ahaayeen fara-ku-tiris.

“Macalin iiga waran ninkii Zakariye ahaa,” ayeey tiri hooyo Xaliimo oo aheyd waalidkii ugu horeysey oo u yimaada macalin Jaamac.

“Soo dhawoow maama Xaliimo, kursiga miiska hortiisa ah ku fadhiiso” ayuu yiri macalin Jaamac. “Zakariye waa nin maskax fiican. Waxbarashadiisuna waa iska caadi. Balse, hal dhib oo weyn ayaa jira!”

“Oo dhibkaasna muxuu ahaa macalin?” ayeey tiri hooyo Xaliimo.

“Dhibkaas waa xaga aadaabta,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Zakariye maalin walba dagaal joogta ah ayuu ku jiraa. Mararka qaar wuu caytamayaa, haddana cay aadan maleysan karin ayaa afkiisa ka soo baxaysa. Mararka qaar baan waxaan is-iraahdaa hooyo iyo aabo wadaado ah ayaaba dhalaye, xagee ayuu ka bartay cayda iyo af-xumada?”

“Macalin dhibka jira aan kuu sheego,” ayeey tiri hooy Xaliimo inta ciishootey. “Marka koowaad, Zakariye aniga waxba igama maqlo. Oo waa nin iga weynaadey hadda. Marka labaad, Zakariye iyo aabihiis is ma arkaan. Odeygu subixii ayuu shaqeeyaa. Galabtiina Masaajidka ayuu cashar ka akhriyaa. Sabtida iyo axaddana subixii sida uu u jarmaado buu habeenkii yimaadaa. Intaas dad kale ayuu wax barayaa, wiilkiisii u weynaana wax uu ka barto ma lahan. Zakariye hadda waa shan iyo toban jir. Waxa uu marayaa wakhtigii ugu xumaa. Waxa uu u baahanyahay in la dabo socdo. Oo wax la baro. Oo lala saaxiibo. Tan kale, anigu ma isagaan wakhti geliyaa. Ma kuwa ka yar-yar baan wakhti geliyaa. Wallaahi waan yaabsanahay, waxaan sameeyana ma aqaani.”

“Aadaabtu waa muhiim,” ayuu yiri macalin Jaamac. “Qofku haddii uusan akhlaaq laheyn, waxbarashadiisu waxba tari meyso. Zakariye waa in la ogaado cidda uu saaxiibka la yahay oo uu la socdo. Zakariye haddii aan hadda gacan bir ah lugu qaban halis ayuu ku jiraa. Saan-saantiisa saan-saan fiican ma aha.”

Hooyo Xaliimo iyada oo ka welwelsan warkii uu macalinka u sheegey ayeey ka soo baxdey iskuulkii. Waxay go’aansatey in ay Zakariye kala tagto qurbaha. Oo ay Soomaaliya geyso maadaama iyada kelligeed uu culeyskii carruurta saarmey.

Macalin Jaamac maadaama wax badan iskuulka uu dhigayey waxa uu ogyahay dhibka hooyo Fartuun, hooyo Nadiifo iyo hooyo Xaliimo haysta dhib iyaga si gooni ah u haysta in uusan ahayn. Balse waa dhib badanaaba hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay la wadaageen.

Macalin Jaamac ayaa intaas ka dib is-weydiiyey su’aal da’ weyn oo maskaxda ka daalisey isaga. Haddii aabaha Soomaaliga ah uusan carruurtiisa wakhti gelin, maxaa laga filan karaa carruurtaas mustaqbalkooda?

Dulmiga Daahsoon-Dhibane Cabdi Yuusuf ibraahim (Shuuke)

Dulmiga Daahsoon-Dhibane Cabdi Yuusuf ibraahim (Shuuke) ayaa ka sheekeynaya dhib isaga si gaar ah u soo gaartay, waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay in ay jiraan dad aan kala aqoon xalal iyo xaaran.

Dhibane Cabdi Shuuke ayaa ka sheekeynaya hanti uu ku lahaa magaaladda Mogadishu oo laga dhacay, isaga oo sheegay in gurigiisa xaqdaro ah lagu haysto.

Halkaan Hoose ka Daawo Videoga

 

Ugaas kaynaan Ugaas Xaji Cabdi Buurte oo tacsi u direy Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole

Ugaas kaynaan Ugaas Xaji Cabdi Buurte  oo tacsi u direy Madaxweynihii hore ee Dowlada  Puntland Dr Faroole Ugaas kaynaan Ugaas Xaji Cabdi Buurte  ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee  ku timid Marxuumad Marwo Aamino Abiib oo ahayd xaaskii  Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan  Maxamed Faroole  oo ku geeriyootay magaalada Garoowe ee Puntland.

Ugaaska   ayaa tacsi u diray guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan  qoyskii,ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumad Aamino Abiib0

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun,  waxaana Eebe uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo dhamaanteen  marlabadaas waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa Qoyska reer C/raxmaan Faroole iyo reer Abiib geerida naxdinta leh ee ku timid Marwo Aamino”

Jaaliyada Puntland ee dalka Norway oo ka tacsiyeeynaya Geerida Marxuumad Aamina abiib

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun

Anagoo ah jaaliyadda Puntland ee dalka Norway waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska reer faroole anagoo uga tacsiyaynayna geeridii naxdinta lahayd ee ku tumid Marxuumad aamina abiib allaha u naxariistee oo shalay ku geeriyootay Magalada garoowe. waxaan marxuumada alle uga baryaynaa inuu janadiisa ka waraabiyo intii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo. amiin amaiin:
waxaa tacsidaan dirayaa:
Cabdifitaax cabaas cali Guddoomiyaha jaaliyada puntland ee Norway
Mustafe siciid Jaamac  Gud. ku xigeenka Jaaliyada puntland ee Norway
Jamaal faarax baadi
cabdirisaaq geelxoor
Nabdooon Maxamed Cali qood
maxamuud cismaan yare
Jibriil Maxamed saaalax
Nabdooon xasan abshir gaas
axmed cabdiraxmaan bayra
Dr. maxamuud qaalib saciid
Nabdooon maxamuud cismaan yare
Nabdooon cabdiraxmaan sanyare
Aqoonyahan cabdiqaadir  xaaji cali salaad
siciid maxamuud waaloow
Caasho carab danla aan
khadra cali xusseen
xaliima jaamac samatar
asli samatar
xaliima xaynwade
Drs. Hodan maxamuud Cawad
faadumo cabdirisaaq maxamed
Nabdooon cabdisalaan gacamey goolnuug
Nabdooon bashiir Daahir biixi
cabdiwali yuusuf awciise
Axmed maxamuud Dalmar
Daahir faarax kilwe
Amb. cumar cabdale barre
Baajuun Nadiif
baashe Xasan ducaale
iyo Dhammaan jaaliyada Puntland ee reer Norway

Jaaliyada Puntland ee ku nool gobolka Minnesota oo ka tacsiyeeynaya Geerida Marxuumad Aamina abiib

Inaa lilaahi Wa Inaa Lilaahi Raajicuum

Hadaan nahay jaaliyada reer puntland oo ku nool gobolka Minnesota waxaan tacsi u diraynaa shacabka somaliyeed,  reer puntland iyo madax waynihii hore ee puntland Dr. C/raxmaan sheik maxamed maxamuud faroole iyo caruurtiisii.
Ilaahay waxaan uga baryaynaa naxariistii jano inuu ka waraabiyo marxuumada Amino abiib oo ahayd xaaska Dr. Cabdi raxman faroole oo ku geeriyootay caasimada puntland ee magaalada garoowe. Ilaahayna samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo qoyskeedii Aamiin.
1- Madiino maxamed abshir
2- Deeqo maxamed abshir
3- Amino xirsi noor
4- fartuun maxamed yare
5- Ali mohamuud nuur
6- Ali faarax garcade
7- C/qadir yasin abdulle
8- Xaamud xaaji xirsi
9- Axmed siciid xaaji
10- Axmed C/laaahi osman (john)
11- Mako mire awaare jamac
12- Madiino mire aware jamac
13- Awil sheikh Fariid
14 C/wali yasin isqoox
15- khadar yasin Cabdulle
16- Nasro caymad muxumed
17- Maxamed seed
18- xaawo seed elmi
19-sacdiyo salaad
20- Xaawo cali garaase
21- Caasho cali garaase
22- shukri yasin Cabdulle
23- mohamuud noor
24- Maxamed aadan durqun
24- Asiili mohamuud isse
24- Qays nuux
25- Asha adan naxamed garaase

Iyo dhamaan umad kale oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.