Ceel biyood laga qodayo tuulada Xumbeys ee gobolka Bari
January 14, 2013 // Warar SomaaliJimciyadda Al-Ixsaan oo ka shaqaysa arimaha samafalka ayaa ka bilowday tuulada Xumbays ee katirsan gobolka Bari qoddida ceel biyood , kaasi oo dhaqalaha ku baxaya ay bixisay dowladda Kuweit.
Munaasabaddii lagu daahfurayay qoditaanka ceelbiyoodkani ayaa waxa kaqaybgalay masuuliyinkatirsan Maamulka Puntland iyo sidoo kale Madaxda jamciyada Al-Ixsaan.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari ahna madaxa Jimciyadda Al-Ixsaan Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda uu ceel biyoodkani u yeelan doono dadka deegaanka Xumbays.
Waxaa mahad celin gaara ah usoo jeediyay dowladda Kuweit ee mashruucan ku deeqday, iyadoo soo marsiisay jimciyadda Al-Ixsaan.
Dhinaca kale wasiir kuxigeenka Cadaalda iyo awqafta Puntland Maxamuud Siciid oo isna goobta kahadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu kudadaali doono sidii ay u wax ugaqaban lahaayeen baahiyaha ay dareemayaan bulshada reer Puntland isagoona soo dhoweyay Hay`adaha iyo dowladaha taageerda kasiiya wax uqabashada dadweynaha reer Puntland.
Tuulada Xumbays ee gobolka Bari ayaa horay uga mid ahayd meelaha sida wayn ay uga jirtay baahiyaha dhinaca biyaha ah, taasoo dad badan xiligaan ay rajaynayaan inay daboosho ceelka hadii la hirgaliyo baahiyihii dhinaca biyaha ee deegaanka ka jirtay.
Puntland-News24





waa guul ayaan leenahay cabdi xaafid cali yuusuf gudomiyihii hore ee gobalka bari talaabada u qaaday
Aad iyo aad ayaan uga mahad celineynaa dowladda kuweyt iyo hayadii fulineysa mashruuca
Ilaah ha ka dhigo mid biyo macaan