Booliska Kenya oo Nairobi kasoo qabqabtay aaladaha qarxa iyo laba qof
September 14, 2012 // Warar SomaaliCiidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa howlgal balaaran ay ka sameeyeen xaafadda Islii ay Soomaalidu kubadanyihiin waxaa kusoo qabqabtay alaadaha qarxa.
Sida uu u sheegay saxaafadda madaxa ciidamada booliska ee la dagaalanka argagaxisada Kenya Boniface Mwaniki qalabka ay soo qabteen booliska ayaa ka kooban afar jaakadood nooca lagu xiro aaladaha qaraxa ee la isku miidaamiyo, laba walax oo qarxa , afar qori nooca Ak47 iyo laba iyo toban bamgacmeed.
Mwaniki waxaa uu intaasi ku daray hubkan in lagu soo qabtay laba qof oo lagu tuhunsanyahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al shabaab , isagoo sheegay howlgalkan inuu ka dhacay guri ku yaala Islii.
Dowladda kenya oo dagaal kula jirta ururka Al shabaab ayaa rumaysan kooxdu inay ka dambayso qaraxyo iyo dilal ay shacab iyo boolis ku dhinteen oo ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Qaar ka mid ah Soomaalida kunool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa welwel xoogan ka qaba howlglada ay ciidamadu wadayaan inay saamayn xoogan ay ku yeelato, islamarkaana ay la kulmaan xarig.
PuntlandNews24


