Ciidamada Booliska oo Albaabada Isugu Dhuftay Xafiiska Odayaasha Dhaqanka kana-rartay Kuraastii,Miisaskii iyo Computar- adii yaalay
September 23, 2012 // Warar SomaaliXigasho Raxan-Reeb Radio
Boosaaso[RBC Radio] Wararka laga helaayo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in maanta albaabada la isugu dhuftay Xafiis ay la haayeen Odayaasha dhqanka gobolka isla markaana laga rartay qalabkii yaaley.
Ciidamo Boolis ah uu wato Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke(Afdalow) ayaa maanta gudaha u galay Xafiiska Odayaasha Dhaqanku ku leeyihiin Agagaarka Hotel Imaaraat,iyadoona lagu wargeliyey Odayaasha iney baneeyaan Xafiiska.
Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago ayaa sida la sheegayo Subaxnimadii hore ee saaka looga yeeray Guriga gobolka Bari looga arrimiyo,waxaana farta laga saaray Warqad lagu amraayo in Xafiiskooda albaaba loo laabayo balse looma sheegin sababta keentay in la xiro Xafiiskooda.
Mid kamid Odayaasha Dhaqanka oo la hadlay RBC Radio Boosaaso ayaa sheegay in Nabadoon Cabdiqaadir Xarago lagu wergeliyey in ilaa amar danbe uu Xafiiskoodu xirnanayo balse ay Ogaadeen in Ciidamadu ay gawaari ku rarteen kuraastii,miisaskii iyo Computar-adii lagu shaqeynaayey ee yaalay Xafiiska.
...””Waraaq kasoo baxday Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa nuqul kamid ah lagu soo aadiyey Taliyaha qeybta gobolka Bari Cismaan Afdalow ka dibna Xafiiska Nabadoonada,hadde Afdalowna arrintaas wuu fuliyey oo qalabkii dhan gaari dheyne ah ayuu ku gurtay,…“”ayuu yiri.
Odayaasha Dhaqanka oo talaabada lagu xiray Xafiiskooda kulan degdeg ah ka yeeshay ayaa sheegay in wado xun u marayn waxa ay sameysay Xukuumada oo dabada ka riixeysa Guddoomiyaha gobolka Bari,balse ay u marayaan dhanka Nabada,waxayna ugu baaqeen cida qaadatay qalabka Xafiiskooda iney si sharuud la’aan ah kusoo celiyaan.
Waxayna intaas ku dareen in Xukuumadda Puntland ha ahaato Maamulka gobolka kan degmada aysan la yeelan doonin wax wadashaqeyn ah oo dhanka gobolka ah isla markaana waxa ay sheegeen in ay awoodeen in bulshada u sheegaan waxa dhacay balse ay diideen in dhibaato ka dhalato arrinta foosha xun ee lagu sameeyey.
Maalmo ka hor Xafiiskan hadda albaabada loo laabay lagana gurtay kuraastii,Miisaskii iyo Computaradii ay ku shaqeynayeen Odayaasha Dhaqan oo horeyba aysan Dawladda Puntland ugu qalabeyn balse ay dhaqaalaha ku baxay ay bixisay hay’ad ayaa lagu qabtay kulan looga soo horjeeday muddo korarsiga Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo Guddiga Doorashada Puntland.
____________________________
RBC Radio



A,W,W
anigu waxaan u arkaa Odayaashu iyagaa meesha is dhigay wixii lala doonayeyna maantaa lala helay Odayaashuna waxay ahaan jireen dabaqadda labaad ee dadka soomaaliyeed ugu sarraysa marka culimada laga yimaado Umaddana waxay ka joogeen meel sare, markaa maxaa hoos geeyey wiilasha yar yarka ah ee Ashahaado-la-dirirka ah, maxaase kallifay dadkii ay iyagu madaxda u ahaayeen shilimadii laga soo ururshey ee cashuurta ahaa inay saf u soo galaan oo lufluftaan oo sharafta lagaga qaado, nin baa wuxuu yiri:
macna malaha ruuxii bartaa mulufsi ceebeede!!!
wallee waa cajiib, tan labaad waxaan leeyahay ninka la yiraahdo Hadraal oo yiri bal waa sugnaa, adeer reer Puntlaan islay maayaan inshaa Allaahu, belaayada aad sugaysidna Ilaahay hakugu gaar yeelo.
Asallaama kum dhamaantiinba. Warheedhaha walac baa wanlooqalay anniga waa iga dagi wayday, oddayaal dhaqameed anugu waxaan ku ogaa
Geed hoostiis eh maxaytahay odayaashaa xafiisyada joogaa. oo dhaqanka wadaa mageelii baa hada magaa lada laguraacaa
qof waliba haduu uu oday dhaqmeed shegto oo dadka iska aflagaadeyo isagoo ku gabnya magac qabiil dee laga yeeli maayo intuu qof yar furto inuu umada ka jaa ifeyo isgaba waa og yahay dawldana way ku saxan tahay hawshay qabaty
asc wr wb anigu waxaa oran lahaa Faroole 5 sano buu dalka hayey si nabad ah hauga dego xukunka maxaa wacey waa ninka Cadoowga Puntland ee ah Somaliland yiri waa walaalaheyga, haddeey isaga walaale uyihiin, annaga nooma ahan waa cadoowgeena. Waxaa kaloo qabaa Qardho wa halka laga dhisey Puntland waxaana degan Boqorka daarood, Faroole waa inuu adeecaa boqorada, hadduu dido sooma ah tii Cabdullaahi Yusuf imaanayso, walee cabdullahi Yusuf oo soo adeegsaday Mj oo idil iyo xabashi ayaa is dhiibey waxay ila tahay in si nabad ah uu xukunka ugu wareejiya ruuxii usoo baxo oo Alle uqadaro madaxweynaha Puntland. Puntland waxay maanta ubaahan tahay badbaado ee uma baahno nin garoowe dhex hurda kana cabsada iidoor. Waxaa le yahay shacabka Puntland doorta una dhiibka xukunka ruux uqalmo.
looooooooooooool
wa in laga xira kuwan odayal mahe wa moryan garley Puntland isimo facweyn magac iyo mamus kuleh bey leyahin maxay tahay nabadon shaqadisaba ma yaqan wuxu moday shaqada beelaha in laga bilabo siyasada iyo xukumada marka wan dhaleceyneyna kuwan waxan lenahay shaqadina wa mid beelod ee ku ekada xafiska in laaga xiro oo laga jajabiyo wa xaq iyagana la xiro Gudomiyaha Gobolka bari na wan u hambalyey naya sida wanagsan u qaday
Dhamaan reer puntland waxaan leeyahey is raaca iskana celiya tuuga raba in ay isaga iyo ciyaalkiisu taliyan waxana leeyahey o dayaasha qaladka laga galey si DEG Deg haloga jawabo shacabkuna ha kaco ninkasta qori waa heysta cid cid khasbi karta maleh marka u jeedkeygu waa tuugan dhexda weeyn iyo cayayaankan uu dhaley hala buufiyo halana tuso in cidna cid khasbikari lagana qaadi karo xilksa
haduu nin kasta inta uu cima mad gududan madaxa kuso xirto dhaho isim ban ahey de umadhoo dhon waxey wada noqon isim ki walna ama dhoqonka ahaa ama wax kale ahaba marka isimku waa in u ahada so jireen kuna yimada calema saar guud beshisa iyo bulashada kaleba ah wana ku saxan yahey mamulku in uu talabo ka qado xafiskan an u arka lana kala dhiro dhadkan mesha isugu yimi
as/w dowlada puntland in ay sameyso ma ahayn in lola dhaqmaan odayasha dhaqanka in ay ka urursadan qalabka algu shaqaynayo shacabka puntland waa qalaad sameyaan askarta puntland waa qalaad lagu sameeyey waa arin xuun haddana ma odeyadiibaa. Walle waxay u muuqataa habatii waleyd ee weelweelatada ahayd. Bal aanu waaga sugno.
WAXAA MAANTEY LA ISUGU YEERAY SAXAAFADA KA HALGASHA BOSASSO, WAXAA LOOGA YEERARAY GOBOLKA SI LOOGU CAGA JUGLEEYO IYO CABURIN.
WAXAAN GUDOOMIYAHA GBOLKA UGU BAAQEYNAA IN UU JOOJIYO XADGUBYADA SUXUFIYIINTA BOSASSO KA HAWL GAL IYO DHAMAAN PUNTLAND.
SAXAAFADA KA HAL GASHA PUNTLAND WAXEY MUTEYSTAAN CIQAAB HADII AY SOO QORAAN DHALIIL KA DHAN AH XUKUUMADA UU GARWADEENKA KA YAHAY FAROOLE,
MARKA WAXA IS WEYDIIN MUDAN MUXUU KAGA DUWAN YAHAY KUWA SUXUFIYIINTAL DILALAKA U GEEYSTA EE ALSHABAB,,??
DASTUUR KAMA SHAQEEYO HALKAAN PUNTLAND
SHURUUCDII OO DHANA WAA LAU XADGUDBAY
WAXAAN KUSOO GABAGABEYNAYAA CABURIN IYO XOOG SIYAAD BARE AYAA WAX KU QAADI LAHAA, IYO KUWII KAA HOREEYAY
Odeyaashu waa kuwa maslaxadda ka shaqeeya iyo inaan shiqaaqo dhicin, marka hoggaankii siyaasadda uu gacanta u galo kuwo lamid ah kuwa hadda xilka haaya. Odeyaasha iyaga baa gobollada isku haayay intaanan la dhisin Puntland, iyaga baa ka difaacay dagaalkii sokeeye, iyagaa dhisey maamulgoboleedka. Iyagaa loo baxsanayaa markii ay mooryaantu xagal daaciyaan hoggaanka. Boowe waa saase bal waxa aad Garoowe ku heysaan ka soo jawaab
Shaqa laa’nta, gaajada, ganacsi baabi’nta iyo caburinta reer bari diid.
War odagayagii firdhiye ahaa isimadii horey isu macasalaameeyeen, hadana nabadoonadii ayuu ka dabatuuray oo gogoshii ka laabtay war iska dhiciya waraabaha haduusan qaban doorashada weliba isagu waa inuu raacaa laba shariif waayo puntland waxaan oran karo waa soo kordhiyay ma jirto waxa keliya uu ku guuleystay waa iska horkeenka qabaa’iladda puntland, xalku waa inuu na dhaafaa waxaan u baahan nahay in laysdaba qabto reer puntlanderow intayan xeero iyo fandhaal kala dhicin.
vivo Puntland…………
loooooooooooooooool
shacabka reer puntland haka qeyb qaten horumarka dalka asxabta laga hir gelin donana si niyad sami ah ha uso dhoweyn.
runti wa arin fican wa in laga xiro sababto ah wa dhib ogayal Mamulka Gobolka Bari shaqo fican oo tarikhda xusi donto bay qabten good job
Suldaanka shacabku aad ayuu u asiibay arrintan. waar wadanka dowladda ayaa ka talisa ee odayadaan aad sheegaysaan yaynaan dantoodii ka habsaamin.
Isbarbar yaac iyo fowdo ayay wadaan siiba ninka hebel Xarago la leeyahay waaba ku caan baxay fowdada!!!
Wa wax aad iyo ad looga xumado cidanka boliska gobolka bari iyo dowlada kali taliska ah e’madax wayne farole in ay talaabadan fosha xun kala kacan odayasha gobolka bari waxan se u’ arka in aytani tahay mid caburin dowlada wakhtigedu dhamaaday ka dhana hase ahaate mahan mid anu ka qaadan dono falkan iyo ujeedadoda ujedadas o’ah mid naga daahanayn waxan se shacabka waxgaradka gobolka bari ku borinaya in ay arinka ka iyada ah ka tashadan gacana siyan oda’yasha iyo waxgaradka arinka diidan insha alah waxn kaliya on rajaynaaba wa dowlad cusub madaxwayne cusub iyo ciidan ta yaysan asluubna leh
Boowe faraale u baqay belaka higleh salamaad qad qad qad cajiib
KU NINKA LA BAXAY SULDAANKA SHACABKA,
HADAAN KA JAWAABO SUASHA AYHAYD ODy dhQMEED
MAXEY TAHAY HOWSHA AY QABTAAN,
WAA ODAYADII BEELAHA WADA DEGA PUNTLAND OO ISUGU YIMI ISKUNA Raacay ay maamul putland ka sameeyaan,
faroole shacbka ma caburin kartid reer barina waa soo jeedsaday
shacabka xor ayey u yihiin in ay hadlaan xaqna waa u leeyihiin.
adiga iyo wiilkaagana ama muxiyidiin gacameey ama afdolow oo aad sida foosha xun u isticmaaleyso , ka waanto
oo labo bilood ayaa xukuumadaada ka haray
tii taxriir ka dacday m oo kale ayaa soo socota
reer bari ha ba1ina ,,,ilaahano ka weyn tan dhacday iyo mid la mid ahna wa soo socdaan
Asc dhaman shacabka somaliyed salan kadib waxaan dadka reer bosaso waydiinaya oday dhaqan maxaa lagu yiqiiney maxaa shaqadiisu ahayd kaalin teese bulshada ku dhexlaha
balhorta intaan meelkale wax laga fiirin intaas hala iiga soojawaabo markaas ayaan khalad iyo sax ka hadli karnaye
Ari haddana ma odeyadiibaa. Walle waxay u muuqataa habatii waleyd ee weelweelatada ahayd. Bal aanu waaga sugno.