Ciidamo dowladda Soomaliya katirsan oo tababar loogu soo xiray Uganda[Sawiro]
February 3, 2013 // Warar SomaaliCiidamo katirsan dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa loo soo gabagabeeyey tababar socday muddo lixbilood ah oo ay ku qaateen dalka Uganda.
Tababarka ayaa waxaa maalgalinayay Midowga Yurub , waxaana bixinayay tababarka saraakiil iyo macaliin u dhashay Uganda iyo Yurub.
Xerada militatiga ee Bahniga oo kutaala duleedka magaalada Kambala ayaa tababarka uu uga socday 500- oo ka mid ah ciidamada.
Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ciidamada in la baray anshaxa ciidamada iyo farsamooyinka dagaalka.
Xeryo ciidan oo kuyaala dalka Uganda ayaa sanadihii ugu dambeeyey lagu tabababarayay cutubyo katirsan ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya, ciidamo katirsan Puntland ayaa tababaradan oo kale loogu diray Uganda xukuumadii Cumar C/rashiid uu raysal wasaaraha ka ahaa.
Puntland-News24.






Masha allah hablaha somaliyeed wa ine ka qebqataan. Difaca dalka iyo hormarinta dalka ragi 22 sano laso arkay wax ay qabtena maleh ban an ekno dumarka markan la towbaray. Guul cidanka somaliyeeed tafaraquq ala ma dhexgaliyo cida iskuduban alaha ka dhigo oo wanaga ka wada shaqeyo. Dhamaan gobolada dalka wa in lagawada kenaa cidanka somaliyeed si isku dubni lohelo