Ciidamo ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray shil gaari

October 10, 2012   //   Warar Somaali

Ciidamamo katirsan dowladda Puntland ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray shill gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Bosaso iyo Carmo ee gobolka Bari.

Laba askari ayaa Puntland-News24 loo xaqiijiyay inay ku dhinteen shilka, sidoo kalle dhaawaca ayaa waxaa uu kasoo gaaray sadex askari sida saraakiil katirsan maamulka gobolka Bari iyo saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka inoo xaqiijiyeen.

Ciidamada khasaaraha uu kasoo gaaray shilkan gaari ayaa waxaa ay wehliyeen gudoomiyaha gobolka Bari Md. Cabdi Samad Maxamed Gallan oo xiliga shilka uu dhacayay howlo shaqo ugu socday degmada Carmo ee gobolka Bari.

Goob-joogayaal ayaa ku waramay shilka inuu yimid kadib markii gaari nooca ay Soomaalidu u taqaano “Waaraad” dadka qaarkoodna ay u yaqaaniin Cago-badan uu dushar ka maray gaariga ay lasocdeen ciidamada Puntland oo xiligaasi marayay inta wadada laamiga ah ee Karin.

Ciidamada dhaawacmay ayaa waxaa xiligaan lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso.

Puntland-News24.

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. hanad says:

    illaahay haw naxariisto ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawacaaba illahayna farmaajo hanadhaafiyo shartuu wado

  2. imraan says:

    Allaha u naxariisto marxuayaasha ehelkodana samir &iiman allah ha ka siiyo amiin, dhawacana caafimadd ayan rajayn aalah ha u yasiro aamin mida kale dhibaatoyinkan wa so noqnoqdan wana dhibato jirta baabuurtan wa wayn wa in sharci loo sameeya wadooyinkan la dhisa dawladu damanad haka qaado dadka at matasho jidadkuna wa muhiim baabur wayn iyo baaburtan oo one way ku wada socda ba kii kale iska so galin, dadkan wa in la siiya training wadoitinkan la dhiso dawladuna sharci ka soo saarto,ma ahan wax nagu koban somalia io dhan bay ka jirta balse anaga puntland ahaan wa un talaabo la qaado wadooyinkena lahirmariyaa

  3. Ale ha u naxaristo kuwa kalena waxa u rajen cafimaad

  4. Gacaliye. says:

    Eebe ha u naxariisto kuwa dintay, dhawacana ha caafiyo.
    Balse ogaada qurunka malay gu madaxuu ka bilowdaa(the fish rotens from the head downward).

    Sadly enough, you (Puntlanders) are on the same dirty and destructive direction as Muqadisho’s Ali Mahdi & Caydiid.

    The god damned Al qaeda terrorists are around the corner, taking advantage of Faroole family’s stupidity.

    After being flushed out from the south, Al shabaab creatures will be there among you and Faroole kids will escape with their ill-gotten wealth.

    Wake up Puntlanders!

    “Wararka ka imaanaya degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in laba qof oo reer guuraa ah in lagu dilay miyiga degmadaasi.

    Gudoomiyaha degmada Rako Faarax Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay dilka laba qof inuu ka dhacay ceel biyood lagu magacaabo Ana-nuux oo ku yaala baadiyaha degmada Rako u dhow.

    Waxaa uu sheegay maydadka labada qof xiligaan in lasoo gaarsiiyay degmada Rako xiligaana ay wadaan maamulka iyo dadka deegaanka qabanqaabo lagu aasayo dadka dhintay.

    Dadka la dilay oo watay tirro geel ah ayaa u tagay ceelka biyo inay u helaan xoolaha ay wateen.

    Miyiga degmada Rakko ayaa waxaa horay uga dhacay dilal ku salaysan aanooyiin qabiil oo dhexmaray beelo walaalo ah oo wada degan, inkastoo bishii April ee sanadkan ay beelihii dagaalamay ay heshiis rasmi ah ka gaareen colaadaha u dhaxeeyay.

    Dilalka ugu dambeeyay ee deegaanka ka dhacay ayaan la xiqiijin karin inuu salka ku hayo aanooyiin qabiil iyo in kalle”.

    Puntland-News24.

Leave a Reply