Ciidamo katirsan Puntland oo tababar loo soo xiray (sawiro)
October 23, 2012 // Warar SomaaliCutubyo ka mid ah ciidamada Puntland ayaa tababar loo soo xiray kadib markii muddo lix bilood ah tababar uu ugu socday xerada 54-aad ee magaalada Garowe.
Ciidamdan ayaa tababarka uu u socday muddo lix bilood ah, iyadoo ay bixnayeen saraakiil katirsan dowladda Itoobiya.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo ka hadlay munaasbadda tababarka lagu soo xiray ayaa ugu baaqay ciidamada inay u gutaan waajibaadkooda sidii tababarka ay usoo qaateen.
Waa markii ugu horaysay saraakiil katirsan ciidamada Itoobiya tababro ugu soo xiraan Puntland ciidamada dowladda.
Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa si rasmi ah ugu biiraya ciidamada daraawiishta Puntland.









aad ayaan ugu faraxsanahay cadankan madama ay yhn xoga pntland alle ayaana mahada iskaleh hormarka nagaarsiyey shacabka pntland aad ayaan ugu boorinaya in ay ka shaqayaan hormarka dalka
masha’allah waa arin waxlugu farxo hadaa nahnay reer puntland viva carmo