Ciyaar Xiisa badan oo lamida ciyaartii Nugaal iyo Karkaar oo caawa ka dhici doonta garoonka Stade de Libreville
February 12, 2012 // Sports, Warar SomaaliWaxaa caawa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo koobka Qaramada Qaarada Africa iyadoo ay isugu soo hareen ciyaarta finalka xulalka Zambia iyo Ivoary Coast.
Garoowe iyo Gabon ayaa nasiib u yeeshay sanadkan inay martigeliyaan ciyaaro xiisa badan oo kala heer ah, waxaana nasiib kale noqday inay saacado kooban gudahood kala marti geliyaan laba kulan oo aad iyo aad u adag, una xiisa badan.
Ciyaartan oo xiisa badan, waxay la mid tahay midii galabta ka dhacday Garoowe, midba xiisa gaar ayey leedahay, Gabon ayey kadhici doontaa, halka tii maantana ay ka dhacday Garoowe.
Labada tababare ma qabaan wax cabsi ah oo ku aadan in ay ka dhaawacanyihiin laacibiin muhiim ah, sidaasi daraadeed waxay garoonka keeni doonaan xidigaha ay ku dhaartaan.
Ciyaaryahan Emmanuel Mayuka ayaa lagu wadaa in tutulaare kusoo galo kadib marki uu kulanki semi-finalka badal kusoo galay isaga oo dhaliyey goolki guusha ee ay Zambia uga badiyeen xulka Ghana.
Waa mid ka mid ah sadex laacib oo u baahan in ay gool dhaliyaan si ay u noqdaan ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka kuwaasi waxaa ka mid ah laacibka kale ee dalka Zambia Chris Katongo iyo kabtanka Ivory Caost Didier Drogba.
Tababaraha kooxda Ivory Coast Francois Zahoui ayaa la filayaa inuu soo safo laacibiinta ugu muhiimsan ee uu ku garaacay kooxda Mali kulanki afar dhamaadka.
Kooxda Zambia waa marki sadexaad ee ay soo gaareyso finalka kadib marki ay sidaan oo kale u timid sanadihi 1974 iyo 1994 labada jeer.
Kulanki ugu danbeeyey ee finalka waxa uu ahaa mid mucjiso ku noqday iyo masiibo kadib marki 18 ciyaartooy oo ka tirsan kuwa xulka qaranka ay la bur burtay diyaarad wax yar kadib marki ay kasoo kacday garoonka diyaaradaha magaalada Libreville ee dalka Gabon.
Ivory Coast, ayaa iyaguna dheelaya kulanki ugu horeeyey ee finalka kooban marki ciyaartoodi ugu danbeeysay ay ku lumiyeen xulka Masar sanadki 2006.
Hal jeer oo qura ayey ku guuleysteen waxaana ay aheyd 1992 markaasi oo ay garaaceen xulka Ghana waxa ay kaga adkaadeen rigoorayaal.
Saadaasha kulanka ayaa lagu sheegayaa in xulka Ivory Coast ay badin doono, waxaana taasi lagu sifeynayaa maadaama ay heystaan xidigo caan ah sida Drogba, Yaya Toure, Gervinho iyo Didier Zokora.




isku xishood khaliif caruurta banoonigaloo dhigay qabiil haka dhigine miyaadan xishoonan
Wariyaha diyaariyey maqaalkan waan ka helay qoramadiisa, Garoowe iyo Gabon caadi maahan.hadan u soo noqdo tii garoowe fair maaheyn sharcina maaheyn in Garoowe Final lagu qabto, mideeda kale sharci maahan aduunyadana kama jirto inta wakhtigii oo aan 30 daqiiqo lagu darin la dhaho rigooreyaaal. aniga Boosaso ayaan joogay xiliga ciyaarta socotayna qorax ayaa Somalia ka jirtay iftiin ayey ahayd, maqrib masoo dhoweyn, whay mar walba rigoore loo leeyahay. tan kale maanta waxaan hubaa hadii lagu dari lahaa 10 daqiiqo oo kaliya in nugaal laba gool oo kale laga dhalin lahaa. iyagoo gurigooda jooga, oo sawaxan iyo qaylo badan ayey karkaar muujiyeen xirfad. teeda kale ogaada dabayl ayaa gelinkii hore garoonka ka jirtay dabeysha garoowe oo ah mid quruurux badan xagii karkaar ayey dabayshu kubada u socotay. runtii waxaa khalad ah in garoowe Final lagu qabto waxay ahayd in Gaalkacyo ama Boosaaso, lagu qabto. runtii Garoowe damaaciga ha iska dhaafeen, shirarkii iyo cayaarihii iyo kulamadii wax walba Garoowe, waa ceeeb SIILAANYO ayaa ka fiican Burco ayuu geeyey in lagu qabto cayaarihii Somaliland, iyadoo Hargeysa garoomo iyo wax walba yaalaan, muhiim maahan in caasimada wax walba la geeyo, PLS waxaan codsan lahaa in sanadka dambe cayaaraha la geeyo Gaalkacyo Boosaaso, ama Qardho, xataa tuulo yar ayaa la geyn karaa oo barxad weyn leh, ileen meesha barxaduhu isma dhaamaane. adeerayaalow BILAA CALEEYK wax walba Garoowe waa nasoo kartay walaahi.