Ciyaartoyda gobolka Karkaar oo lagu soo dhaweeyay soo dhawayntii abid ugu balaadhnayd(Sawiro)
February 14, 2012 // Sports, Warar Somaali
Xulka gobolka Karkaar oo maanta dib ugu soo laabtay degmada Qardho ayaa waxa ay lagu qaabilay soo dhawayntii ugu waynayd abid loo sameeyo sportiga gobolka Karkaar inta la xusuusan yahay.
Kumanaal dadweyne ah oo horkacayaan ururada bulshada ee gobolka ayaa waxa ay ciyaartoyda kaga hortageen meel 25 km u jirta degmada,iyaga oo saaran gaadiid aad u tiro badan ayna ku rakiban yihiin cod baahiyaal ay ka baxayeen maan sooyin lagu soo dhowaynayo ciyaartoyda,
Isla markii ay soo gaareen gudaha magaalada iyaga oo ay gelbinayeen boqolaal gawaari ah ayaa waxaa magaalada hareeyay dawanka raasaasta hawada loo ridayay ,dadweynaha ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay in ay si weyn ula dhaceen ciyaarwanaagii uu xulka gobolka Karkaar ku soo bandhigay tartankii kubbada cagta ee gobolada Puntland ,iyaga oo isha bal maalkeed uu maray koobkii .
waxana dadweynuha ay u damaashaadayeen sidii iyaga oo xulkuudu uu ku guulaystay koobkii ,mar hadii qir iyo qir koobka lagukala qaaday,
Mid ka mid ah dadweynihii soo dhawaynay ciyaartoyda oo sheegay inuu jiro 40 sano ayaa Puntlandnews24 u sheegay inuusan abid indhihiisa saarin soo dhawayn tan la mid ah oo lagu soo dhaweeyay ciyaartoyda gobolka.
Dadweynihii ayaa waxaa ay ugu damayntii ku soo urureen xarunta degmada ,iyaga oo halkaas ka dhegeystay khudbado ay soo jeediyeen dhalin yaradii ciyaartoyda iyo duqa degmada Qardho.
Waxayana ka mahad celiyeen soo dhawaynta xamaasada leh ee lagu soo dhaweeyay,waxayna sheegeen in Hadii Eebe Idmo ay tartamada xiga ee gebolka yeelan doono ayka farxin doonaan shacabka ,guulana ka soo hoyi doonaan.
Cabdilahi Muumin
Puntlandnews24.com



runtii waa wax lagufarxo waxa meesha ka muuqda waxana dareemi kara qofkii wadaniyada dagmada qardho iyo tan karkaar iyo guud ahaanba dalka ayku jirtowaxana aan lee yahay karkaar jiroo joog…