Laacibiinta Xulka Gobolka Karkaar oo u Gudbay Ciyaarta Finalka iyo Taageerayaasha Nugaal oo Naxsan

February 10, 2012   //   Sports, Warar Somaali

Ciyaartoyda gobolka Karkaar ayaa u gudbay ciyaarta finalka ee tartanka gobolada kadib markii ay galabta ka badiyeen xulka gobolka Mudug ciyaar aad u xiiso badnayd oo galabta ka dhacday garoonka Mire Awaare .

Boqolaal Taageerayaal ah ayaa soo buux dhaafiyey garoonka kubada cagta Mire Awaare, iyagoo si weyn ugu sacabo tumayey xulalkooda oo galabta naf ka dhiganayey bal waxoogaa dhiiri gelin ah oo ay ka helaan taageerayaashooda.

Ciyaartaas oo ku soo dhamaatay 2 iyo hal ,waxaa ciyaartoyda gobolka Karkaar ay ciyaarta finalka koobka wada ciyaari doonaan ciyaartoyda gobolka Nugaal.

Xulka gobolka Karkaar ayaa galabta soo bandhigay ciyaar ku dhisan weerar 4–3-3 iyagoo weerar tiro beel ah ku qaaday laacibiintii u dheelayey Gobolka Mudug oo ahaa kuwa xariifiin ah, oo sanadkan loo saadaalinayey inay koobkan la huleelaan.

Karkaar galabta waxay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan Baasas heer sare ah oo ay lugta iyo xabadka isugu dhiibayeen laacibiinta weerarka ku hayey shabaqa Mudug ee afka hore kaga xariiftamayey banooniga.

Xulka gobolka Mudug, oo aan marnaba dhulka lasoo dhigin, ayaa maanta dha-dhamiyey guul darro aad u xun, maadaama ciyaartii ugu muhiimsanayd jiirooniga ay guul darro kasoo gaartay.

Waxana xusid mudan in mulkiilaha carwada WAAMO ee ku taal magaalada Garoowe uu ku balan qaaday in ciyaartoyga dhaliya goolkii u horeeyay ee ciyaartii galabta dhacday uu gudoon siin doono shopping aad u  fiican. Waxana abaal marintaas ku guulaystay laacibka gobolka Karkaar ee lagu magacaabo Bashiir  Indhayare, oo ah xidig dadka qaarkii ay ku naaneysaan Ronaldo.

Sidoo kale waxaa Puntlnad News-24 soo gaaray dhowr E-mail oo ay noo soo direen qurba joogta kasoo kala jeeda Gobolada Bari iyo Karkaar oo daneynaya inay abaalmarino lacago, iyo waliba maaliyado ka kooban fanaanado iyo kabo gaarsiiyaan xulka Karkaar oo sanadkan soo bandhigay ciyaaro wacdaro leh. dhamaan wax walba oo xulka dhalinyarada Karkaar loo soo diro, waxaan soo gelin doonaa muuqaalo iyo sawiro ka tarjumaya inay si guul leh ku gaareen.

Tababaraha xulka Karkaar ayaa ka codsaday bahda Spoortiga reer Puntland gaar ahaan Karkaar iyo Bari inay dhiiri gelin iyo caawimaadba la garab istaagaan xulkiisa, oo soo gaaray heer aan qofnaba horay u filayn, waliba iyagoo aan helin taageeradii ay uga baahnaayeen qurba joogta kasoo jeeda gobolka.

Qaar kamida qurba joogta reer Karkaar ayaa codsanaya inay ka qayb galaan sidii loo horumarin lahaa Spoortiga Gobolka, looguna abuuri lahaa sidii uu xulku ku heli lahaa Sponsor Joogto ah.

Nugaal Vs Karkaar!!  maxaa kala heysta 

Xulka Gobolka Karkaar oo la dheeli doona xulka laacibiinta reer Nugaal, waxay fooda isdari doonaan oo loo dhigi doonaa koobkii kala baxa, Nugaal waxay Karkaar kaga soo badisay guul ilaa hada lagu muransan yahay oo ashtakadeeda loo gudbiyey garsoorka ciyaaraha Puntland, kadib markii maamulka iyo kooxda Karkaar ay ku doodeen in cadaalad darro qeexan lagu lala kacay Karkaar.

Waana sababta maanta taageerayasha gobolka Nugaal ugu sacab iyo sawaxan tumayeen in Mudug soo baxdo, maadaama Karkaar aan la loodin karin, ciyaartii horena guul lagu dhibtooday Nugaal kusoo badisay, oo waliba dadka qaarkii ku sheegeen guul cadaalada ka fog.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Nugaal ay sanadkan soo safeen dhowr ciyaartoy oo lagu sheegay inay ka ciyaari jireen kooxo ka dhisan koonfurta Soomalia, Garoowena ku haray xili ciyaareedkii dhowaa ee tartanka gobolada Soomaaliyeed ay ka qayb galeen 15-ka gobol.

Puntlandnews24.com

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. geele says:

    KARKAAREEY HAL MID AYAAN IDIINKA DIGAYNAAA CALAACAL LOOMA BAAHNA INAAAD SII BILOWDAAN KOOBKAAN MEESHA UU YAALO LAGAMA SOO QAADAYO KOOBKAASNA CADAALAD AYUU KU SOCDAA MARNA ALBIITAR BAA NAGA HIILIYEY DHAHA MARNA 5 QOF AYEY XAMAR KASOO KIREYSTEEN DHAHA IDINKU MEEL HA LA IDIIN RAACO.

  2. koobkan NUGAAL baa iska leh ee tagerayasha karkaar waxaan dhihi lahaa bacihiina sii uruursada

  3. Mahad dallaan says:

    Manshalaha hambalyo waa guul

  4. guul gobalka karkaar says:

    guul gobalka karkaar

  5. warran says:

    wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwaaaaaaaaaaaaaaaaaa farxad

  6. Qardho Boy says:

    Taageraayal Badan oo Reer Bari/Karkaar ah baa Manta ka soo anba baxayaan Bosaso.
    ILaa hada Magacyada aan heyno waxeey garayaan 200
    oo taageere oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

    Qarashka aan ku aadeyno mire awaare waxaa farta Naga saaray ganacsato reer Bari.karkaar.

  7. haboon says:

    abu meecad qardaawi malaha dadkii qardho ka buxsan taad tahay ee rer miyigaahaa siyaasad xumidaa farooleey kaaga dhegtey war qajil

  8. haboon says:

    hanbalyo karkaar waa inoo hutel gufure iyo koob kood sidaan kubo iyo shinbiraalaad macsuun igu tihiin kkkkkkkkkk

  9. abu mucaad qardhawi says:

    mansha allahh guul reer puntland
    waxa lo bahanyah isku duubni sii loga hortago cadowga puntland hadii karkara ku durdursay mudug. waxan lenahay mudug waa badiysen wayo wax idinka baadshay walalhin reer karkar midkale koobka sanadka wax iska laha sanadka qardho sida muqata. laakiin wax jir warar in faroole iyo wiil u dhalay faroole iyo ninka kooxda faroole u qaabilsan sport waxay wadan qorshe cusub cayartooyda karkar lagu cabsinyo iyo bunbun nugal laakiin hadi reer karkar guulgarn iyo hadii nugal guul garto waa guul reer puntland garn

    wabilahi towfiiq

  10. wan ka xumahay webka puntlandi inuu noqdo web aan u dhex ahayn reer puntland oo gaar oo leeyahay taasna sharaf idinma ahan ban idin leeyahay tan hadad moodeen nugaal inay tageero ku gaaraysan taas waa riyo cz gobalku waa nugaaal , garoonkuna waa mire awaare meeshu qardho mahan tan kale ciyaartii la idinka badshay inaad ka calalashan wn ka xumahay kubadna waa cadan ama madow hadii aan badino iyo hadiii kalaba wn ku faraxsanahay ogaadana mukulaal minankeeda joogta miciyo libaax bay leedahay ugu dambayn ciyaartoyda nugal u dheelaysa waa rag reer nugaaleed ah haday konfur ka hareen iyo hadii kalaba wa wiilal yar yar oo xirfad iyo kartiba dheer dadka cuslayday ee karkaar ku fanayso calakulixaal fardo laysugu joogo laysguma faaano waa noo garoonka mire awaare iyo malinta axada marka hadla websitena waxan markale u sheegayaa magaca puntland dhiga hadad reer tihiin puntland waa 8gobal hadadan si cadalad ah u samaynayn qardhonews ka dhigta awal dhan wan la yabana waxad ciyaraha qardho un uso gudbisaaan afaara qabiil baa xiska idinka galay allaha idin caafiyo

  11. Jamame says:

    Waxay ahaataba dhmmaan waxaynu nahay Puntlanders, gobokii koobka qaadana wa inaga mid marka dhallinyarada dhammaan hala dhiirigeliyo. Guul Puntland

  12. Hanbalyo Tagerayaasha G. Karkaar says:

    kU: Tagerayaasha Gobalka Karkaar

    subaxda sabtida 12/2/2012 aroorti waxaa ka baxaaya Doonta Xaaji khayr gawaari aad u badan kuwaas oo daabuli doona tageerayaasha u socda garoonka mire awaare ee ka dhaceeyso ciyarta Final-ka Karkaar vs Nugaal

    wararka hada Nasoo garaya waxeey dheegayaan in ilaa 500 oo tagerayaal ah eey is diwaan galiyeen lagana yaabo in sacadaha soo socda in eey si korodho tiradaas.

    dhamaan gawarida rikaabka u kala gooshi jiray bosaso iyo galkacyo waxeey Noo balan qadeen in eey tagerayaasha free ku daabuli donaan malintaas oo eeysan wax shaqo kale eeysna qabaneeyn

  13. Karkaar says:

    HANBALYO KARKAAR WAXAN IDIN RAJAYNAYA INAD KU GUULESTAN KOBKA WANA KU FARAXSAN AHAY GUUSHA CAQIBADA LEH AD GARTEEN FINALKA WAXAN KA DON DONA HAWADA isha alh

  14. Nur says:

    Hanbalyo hanbalyo hanbalyo ayaan idin leenahay.
    Waxaan rajaynaba waa NUGAAl oo aad boorka liqsiisaan, hadii eex ay la yimaadaan dhedhexaadiyayaasha umada ayaa markhaati ah, cayaar danbena Garoowe looma iman doono.

  15. saeed says:

    waan ku faraxsanay guusha xulka gobalka karkaar waxaan leeyahay hambalyo

  16. SUULDHABAALE says:

    Nugaal aad ayay u faraxsan tahay, waxayna hubtaa in ay ku dur-durin doonto karkaar.

    Ceesaan seenyoon oo labo kolmo leh ayaan garoonka ku soo dayn doonaa, dabadeedna maxaa dhacaya.kkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Ciise ku caroo ayaan isugu imaanaynaa anagoo dhirifka naga muuqda lala yaabo. Waaba anagoo dagaal u socona Final-ku.

    Hadda inta goori goor tahay is dhiiba, haddii kale sidii jirac ayaan isku soo kogi doonaa!!!! ciil aanu qabno dardiis!!!

    HA NOOLAATO PUNTLAND

  17. waxaan aad ugu farax sanahay guusha qiimaha iyo farxada badan ay gaadhay g.karkaar galab waxaana leeyahay hambalyo wllayaaal
    waxaana urajaynayaaaaaaaaaa inaaan lasoo galbiyo koobka galab axada

    guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  18. Karkaar woooow says:

    awguuryo ciyaartoowda gobolka karkaar, waxay maanta soo bandhigeen ciyaar aan layaabnay, waxaana u rajeenayaa inay goobka qaadan. ragiina qurbo jooga ah dhalinyarada taageera si aay u hormariyaan kubadooda

  19. kkkkk mansha Allah waa kufaraxsanahay gobolka karkaar guusha uu gaaray hanbalyo hanbalyo, gobolka nugalna cadaalad xumada joojiya aad albiitarada kuwadaan ayaan leenahay hadaan nahay taageerada gobolka loo bogogay ciyaartiisa ee karkaar
    waxaa leenyahay ciyaartoyda gobolka fadlan ciyaartaa kumintida oo koobka noogu keena gobolka

  20. ZAHRUUJA says:

    Walaalayaalow PN24 waa mahadsan tihiin, anigu waxaan ku deeqayaa in yar oo dhiirigelin ah, fadlan oo aan ka wado qadar lacag ah oo ku baxaysa hal habeen oo casho sharaf loo sameeyo xulkeena Karkaar, hadaba emeilkaga markii aad aragtaan fadlan iisoo sheega macluumaad ku sabasan sida aan howshaas loo fududeyn karo, maadaama dhalinyaradii taageero u baahan yihiin mar hadii aan garoonkii anagu joogin oo aanan u sacbin karin. walaalyaalow deg deg iila soo xiriira si maadaama ciyaaruhu geba geba yihiin, walaaahi hadii xataa koobka aynaan ciyaarin oo aan qardho ku noqono xataa geerideenu waaa xalaal waaayo gobol maamul walba la dirirsan yahay oo aan cid ku caawisa waxbarashada iyo spoortigaba jirin ayaa heeerkaas lugtiisa isa soo gaarsiiyey, waa inaan qaybteena ka qaadanaa

  21. AYUUB says:

    WAA NALAKA BADIYAY RUNTII WAXAAN FILAYAY INAAN QAADI DOOONO LAAKIIN RAG BAA NA HELAY WAAN U TAHNIYADAYNAYA XULKA KARKAAR WXAAN LEEYAHAY AWGUURIYO

  22. Hambalyo hambalyo ad iyo aaad ayaaan ugu hambalyaynayaaa tagerataaaasha gobolka karkar madama ay manta kabadiyeeen xulka gobolka mudug o ahaaa xulalki ugu adkaaa ekasoqayb gala kooobka hambalyo hambalyo kaarkaaar halkaaaa kawada dadaalka ad wadaaan

  23. Wooooooooooooooooooooooooooooooow!
    Am ove da sky! Yakhay magaranyi si an ku cabiro darenkyga cirka xita wn dhafay farxad awadeed! Ciyartas san u sugaayay manta xita ma qadayn! waxaas waxaaan kor u hayay Karkar Region in ay succeed! Noqoto! MachAllah! Hurraaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah!!
    wn jidnay Mudug inkasto ahayd ciyar adag! lkmse wy dhamatay! hada waxaan rajaynaya in an Nugal ka tumi dono ayago home-koda joga lona helinaya ! Reer Qardhodka xita warado ayaynu ku rararayna hadi annahay reer Karkar garonka waxaan la tagayna 5 kun oo tagere 5ta kalena waxaan si naynaya shacabka kale!
    Lkmse Mamulkeena ayan ka codsanayna inay tas nagu sacidan!
    Waxan Leanahay Ma Karkar bad islahayd wa la dhaha ma kari bad isla hayd, Ma degmo yar ayad islahayd masi ku karshen o chimney makugu shiden! Alla mahadleh!! Viva Karkar!

  24. malyuun karkar says:

    waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw guul guuul gibilka karkar waan ku farxasay ,,,<3

Leave a Reply