Gen. Cali Baadiye oo uga digay xukuumada Puntland inay xilka dheereysato [Dhegeyso]
October 2, 2012 // Warar SomaaliGen. Cali Baadiye oo horay Puntland uga soo noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta waqtigii Gen. Cade Musse, islamarkaana ah siyaasi iyo qoraa, ayaa si weyn u dhaliilay xukuumada Faroole.
Gen. Cali Baadiye ayaa digniin culus u diray madaxweynaha Puntland iyo issimada reer Nugaaleed inay qabtaan Faroole hadii kale dhib iyo dagaal aan loo baahneyn uu dhici doono.
Halkan ka dhegayso
“Jan, 2009 ayey xilka qabsadeen Feb, 2010 ayaa Dastuurka Baarlamaanka la mariyey markaas waxaa u harsanaa 3 sano labadii bilood ee ku xigtay hadii ay u yeeri lahaayeen odayaashi Dastuurka ansixiyey oo ayaantaa gacanta loo taago oo gudiga ini xasan bare & cismaan khadar ayaantaa la sameeyo oo ayaantaas hawshaas lagu dhaqaaqo saaka Axsaabtii oo furan, doorashii oo xalal ah, ololihii oo socda, goobihii oo calaamadaysan waxkasta oo diyaarsan baa saaka la heli lahaa lama yeeline ninyahoow cudurkaas madaxda reerkayagu waa wada qabaan sharciga waa ka baqaan kii u geesisanaa AHN Cabdulaahi Yuusuf buu ahaa mar alle markii 3 bilood wakhtigiisii ka harsanaa ayuu ku waashay hala joojiyo hala gu daro, Cade muuse isagana sidaa oo kale, Dastuurka meel baa la iska dhigayaa ma waxaa loo dhigayaa maalintii 3 bilood harsan tahay in boorka laga jafo oo la dhaho hadaa la dhamaynayaa la yeeli maayo la yeeli maayo hadaad qoryo haysato la imoow” Ayuu yiri Gen. Cali Baadiye.
Waxaa sii badanaya camaareynta iyo digniinaha xukuumada Puntland looga digayo inaysan isku dayin wakhti korosi, ayna doorasho isku soo diyaariyaan Janaayo 8.



Allow xal keen, afwaliinjo waagii baa ku beryeye
Laga yeeli maayo ilbiriqsi, si sharaf leh u dhiib ama waa laguu talin
dadkaan mucaaradka ah waxaan dhihi lahaa madaxweynaha hal sano ayaa loogu daray hal sano kabacdi isu diyaariya doorasho faroole waa dhaamaa kuwaan mucaaradka ah meelahan ka qaylqaylinayo
Dhamaan shacabka shaqaalaha iyo ganacsatada reer Puntland waxaan u sheegayaa inaad idinku dowladda ka hor istaagi kartaan waqti kororsiga ay waddo oo aad cashuur qaadista joojinkartaan askartuna inay dowladda ka amar qaadato ay joojiso laakiin waa in nabadgelyada la ilaaliyo oo aan dhiig meesha ku daadan keliya waa in xukuumadda aan laga amar qaadan kadibna doorasho lagalo oo madaxweyne shacabka u shaqeeya la soo doorto.
adeer waxaa isu kayqaban wayday YUSUF AXMED KHAYR waa wasiir aan dhicin oo faroole waa saaxiib isku dheer.cajiib.reer ciise iyo reer ismaaciil waa mucaarad.waar maxaa khaldan toloow,GUULEED YUSUF AXMED KHAYR iyo aabihiis ma wada socdaan oo isma oga miyaa? tan kale marka ay noo soo qorayaan waxa uu yiri ninka magaran waa yeen in meesha heshiiska u baahan inay tahay MUQDISHU, oo dadkii lagu dilay xaqoodiina lahaysto mudada dheer oo aynu ka wada dharagsanahay.aah adeer NINKA wacaysle abgaal ha noo soo qorin wuxuu yiri.dulmiga nacaybka xaqiirka iyo dhaca ,waxay yaalaan gondahiisa alloow ma ogtaha.garaad laawe macaan jecel arkijiraydoon,waa waxaad ku sifoowdeen.ogoowbey markalaad garandoontaan.
ASC waxaa fiicnaan lahayd in xaalka loo daayo
Xukuumada puntland.
Waxaa dib u dhac weyn ku noqon puntland dagaal beeleed hadda bilowda.
Dadka xukunka u ooman hala yimaadaan xal badbaadin kara shicibka puntland iyo jiritaankeeda.
Micnuhu ma ahan yaan la soo hunguriyeyn hogaaminta balse yaan la abuurin dagaallo iyo waxaan xal keeneyn, WABILAAHI TOWFIIQ.
You need:
Individual and collective and special responsibility to look after Puntland in a peaceful and frindship manner and to avoid misunderstading, no matter how long it takes,
this is the primary requirement, you all puntlanders have to seek it and achieve it.
Salam/C
W.Kh.
waxaan uga danleeyahay ciwaankayga. kawaran iyadoo lafilayay in laga hadlo xiliga doorashada iyo waqtiga ay dhacayso kawaran hadaii laga hadlo xisbiyo iyo arin u taal dawlada soo socota. oo iyadu waqti u halaysa,
laakiin dawlada hada jirtaa waqtigeedu waa yar yahay waxaa haboon inaysan kala damaynta
ka jirta puntlan aysan carqaladeeyn una horseedin dawladaha ka dameeya tan iyaguna wado u noqon in aysan kudarsi hawaysan meel dheer wax halaga eego …hana laga xishoodo in la dhumiyo kala damaynta. kudarsasho waxaynu u leenahay khibrad wayn halaga dheeraado in laysku dhaco waxaa inakaga maqan dhalin yaro badan oo qiimo leh xiligaan waxaa modaa wayeelka iyo dhalinyarada in dadkii waa wayna nabada ay necb yihiin dadka dhalinyarada ahna ay jecel yihiin nabada marka yaan lagu deg degin ku darsasho nabadoonadu arinta intay dabada leedahay wax ha ka qabteen mar aan wax laga qaban karin yay qaylin plz