Culimaa’udiinka Soomaaliya oo shir uga furmay Garowe oo looga hadlayo dilalkii ugu dambeeyey ee culimada
February 18, 2013 // Warar Somaali
Waxaa ka furmay masjidka Al-Huda ee magaalada Garowe nadwo diini ah oo loogu magac daray “Yaa diley, maxayse u dileen”, nadwadaan oo ay ka qaybgalayaan culimaa’udiin siweyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa looga hadlayaa dilkii fooasha xumaa ee Garowe loogu gaystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Jameecada AL-Ictisaam oo uu sheekhu ka tirsanaa ayaa soo saaray bayaano horudhac ah oo ay ku cambaareynayaan dilkii sheekha loo gaystay iyo dilal kale oo kasii horeeyey.
Haddaba, Jamaacadu waxay ummadda soomaaliyeed u cadeyneysaa qodobadan soo socda:
1. Sheekha Ninka dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille Yuusuf oo dadweynaha reer Garoowe qabteen ka dib markii uu dhaawacay Saddex Qof oo kale waxaa caddaatay in uu ka mid yahay ururka Alshabaab, ururkaas oo horay u gaystay qaraxii Shaamow, Hargaha iyo Saammaha iyo Ardaydii Turkiga u socotay, una dilay Alle ha u naxariistee Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan, Dr. Maxamauud Cabdi Ibraahir (Gadhweyne), Dr. Axmad C/laahi (Waayeel) Prof. Ibraahim Caddow, Sh. Abuukar Xuseen, Sh. Maxamad Tahliil iyo culimo iyo waxgarad kale oo aad u badan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah, qiimowayna ugu fadhiyey ummadda Soomaaliyeed.
2. Dilkan masjidka dhexdiisa ka dhacay iyada oo salaad lagu jiro iyo qofka la dilay oo ah sheekh C/qaadir oo ah caalim diinta faafinteeda ku cirroobay oo ahaa maanta qofkii la ciseyn lahaa, wuxuu caddayn u yahay in dadka danbigaas foosha xun fuliyay ee maleegay ay yihiin dad ka fog dhaqankii islaamka, ee xurmada u yeelay masaajidda, salaadda iyo culimada geeridooda ummaddu u indho-beeleyso.
3. Sh. C/qaadir iyo culimadii kale ee ka horreysey ee firqadani laysay waxaa lagu dilay iyaga oo har iyo habeen u taagan caddaynta xaqqa kuna sabraya, taasoo ah waddadii lagu dilay nebiyo Alle soo diray, saxaabo, saalixiin iyo ducaad badan oo iyaga uga horreeyey waddadan.
Sidaa awgeed waxaan ummadda xusuusinaynaa in firqiyoon Alshabaab oo kale ah ay gacantooda ku dileen khulafadii Nebi Maxamed laba ka mid ah – Cusmaan iyo Cali Alle raali haka noqdee. Ducaadda iyo culimada kalana waxaan xusuusinaynaa inay wadaddaa ku sabraan ku dhiiradaan kuna adkaystaan caddaynta xaqa oo aysan uga gabban cidna.
4. Sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa caalim ummadda Soomaaliyeed oo dhan dibad iyo gudaba ay wada taqaanno laguna bartay faafinta manhajka ahlu sunnah waljamaaca ee ay mareen ummadda qaybteedii hore ee wanaagsanayd (salafkii saalixa ahaa), Sh. C/qaadir wuxuu kaalin lama illaawaan ah ku lahaa ka hortagga manaahijta qalloocan sida takfiirka ama khawaarijta, waxaana lagu yaqaanney inuu ku dhiirranaan jiray caddaynta xaqa ciddii rabtaba ha qoonsatee.
5. Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah in ay meel uga soo wada jeestaan firqaddan habawsan ee Alshabaab ee hiddaha iyo dhaqanka ka dhigtay burburinta diinta, dadka iyo dalkaba, iyagoo falalkooda kharriban ugu adeegaya danaha
6. Fal danbiyeedkan lagu dilay sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu sidoo kale iftiiminayaa mashruuc halis ah oo ku jeeda guud ahaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaanna culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, isimada, madaxda, ganacsatada, da’yarta iyo maatada ummadda, mashruucaas oo ay hogaaminayaan dad cadow u ah islaamka, sidaa daraadeed waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay Firqada Al-Shabaab ka leexatay caqiiqadada toosan ee diinta Islaamka, xalaashatayna Dhiigga dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, waxaana fatwo kusoo saaraynaa in meel looga soo wada jeesto,Al-Shabaab, ehel malahan, qabiil malahan, caqiido malahan, waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed inay waajib ku tahay inay ladagaalamaan, soo qabtaan, soo sheegaan cidkasta oo fikirkaas qalloocan aamminsan oo ay garanayaan si looga badbaadiyo, aysanna u baabi’in hambadda ka hartay ummadda iyo diinta.
Ugu danbayntii, waxaan ugu baaqaynaa ummadda qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horreeyaan, maamulada, culimada, waxgaradka, iyo beelaha in ay iska kaashadaan una midoobaan ka hortagga iyo la dagaalanka firqadda Al-Shabaab ee isku bahaysatay xasuuqa bulshada, iyaga oo aan cidna dhaafayn, cidna ka xishoonayn, cidna xeerinayn, culimo iyo caammo, yar iyo weyn, rag iyo dumar, aqoonyahan iyo ganacsade. Kooxdan oo u dhar-dhigatay baabi’inta ummada iyaga oo u dilaya qof-qof iyo wadarba.
Puntland-News24.



kuwa shirkaan qabtay iyo kuwa sheikha dilay wa isku mid wax isma dooriyaan marba yaysan magac noola bixin
waa gacan ku dhiig layaal sheikhana ayagaa dilay xaq darayna ku dileen alaha u naxariisto marxuumkaas
anigu wan aqaan lkn qof kaan garanayn bay qatalayaan ku waan culimada isku sheegaya
shar kiina alaha idinku celiyo
Masha alah ilahow culumadeena noo ilali ka ilaali cadowga waa indhaha umada walalayaal ilahay ha unaxariisto shiikh c/qadir nuur farax ilahayow kunaxariso
ilaahow u naxariso sheika,ilaahow jana fardowsa uga dhig gurigeysaa .yaa alhu dacwo dadkaan is ka ilaaliya,aan aqoon wax diina,taarikhda meel ey kaga jiraan ma jiro,waa dalqalato,waa bilaa naxaris,nimankaa ha la gumaado.fikir gaalo ayeey wataan ,waa lacag doon,waa xukun doon ayaa wadada ku dileynm,idinkan waa idiiin soo socdaan,is ka ilaaliya ilaahey u baryaa,habeenka waqtiga danbe in ilaahey naga tirtiro ,waxa fikir xun oo muda islaamka ah is ku direy.