Cusbitaal Cusub Oo Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Qardho [Sawiro]

December 4, 2012   //   Warar Somaali

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta laga furay cisbitaal cusub oo loogu magac daray Balsam Clinic, cusbitaalkan oo ay hirgaliyeen ganacsato kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa noqonaya kii ugu waynaa oo gaar loo leeyahay oo ay yeelato magaalada Qardho.

Munaasabadda xariga looga jarayay cusbitaalka ayaa waxaa ka hadlay Axmed Nuur Sheekh oo ka mid ah dadkii ka qaybqaatay dhismaha isbitaalka waxaa uu sheegay in muddo sadex sanadood ah soo qaadatay dhismaha isbitaalkan oo la hindisay sanadkii 2009-kii, isbitaalkan ayaa sida uu sheegay la hindisay kadib markii la arkay baahida dhanka caafimaadka oo ay bulshada degmada Qardho qabaan.

Axmed Nuur Sheekh ayaa sheegay wali inay sii wadayaan horumarinta isbitaalka oo ay qaybo kale duwan kusoo kordhin doonaan, isagoona xusay talaabadan isbitaalka lagu hirgaliyay inay bilow cusub tahay ayna u mahadcelinayaan ALLE iyo dadwaynihii ka qaybqaatay dhismaha isbitaalka.

Cusmaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Qardho ayaa hadal uu isagu ka jeediyay madasha waxaa uu tilmaamay inay siweyn usoo dhoweynaan hirgalinta isbitaalka, waxaa uu balan qaaday inay wada shaqayn xoogan la yeelan doonaan isbitaalka oo ay taageeri wayn siin doonaan.

Sheekh Maxamed C/laahi Cabdule oo isagu ku hadlay magaca mashaa’iqda ayaa sheegay in loo baahanyahay wax walba in lagu bilaabo xuska eebbe oo uu tilmaamay shacabka inay ku dadaalaan cabsiqa eebe, sheekha ayaa sidoo kale sheegay islaamka inuu kaalin wayn uga jiro ilaalinta caafimaadka.

Isbitaalka Balsam Clinic ayaa waxaa ka howgalli doona dhaqaatiir ajnabi iyo Soomaali isugu jirta, waxaa si rasmi ah xariga uga jaray xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Qardho Maxamuud Maxamed Shire.

Magalaada Qardho iyo deegaanada ku xeeran ee gobolada Puntland ayaa in muddo ah waxaa ka jirtay baahiyo dhanka caafimaadka oo ay bulshada dhaqaala badan uga bixi jiray adeegyo caafimaad oo dalka dibadiisa ay ugu socdaali jireen.



Puntland-News24
Qardho.

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Arrinka in Qabiilka aynu joojinno maxaad ka tiraahdeen? oo la baxno dhamaanteen Reer Qardho says:

    Dhamaan dadka meeshaan ku sheekaysta waxaan idin weydiinayaa xumaan iyo isu tiris mooyee maxaa wax kale idiin diidey? waxaad u baahantihiin inaad barataan sida wanaag loogu hadlo oo qofka walaalkaa ah loogu nasteexeeyo ogaada hadalka fiicani waa sadaqad, waxaa idiin wanaagsan inaad ka fekertaan war maxaa horumar ah oo aynu samaynay maxaynu dadkeena iyo magaaladeena qardho aynu u qabanay, dhibaatadu waxaa weeye waad kala qaybsantiin oo odayaal fashiistayaal ah oo cuqdo qaba ayaa idin kala qayb qaybiyey oo qalbiil iyo wax baas idiin akhriya idinkuna wareeriyey kulligiin xabsi qabiil ayaad ku jirtaan, waxaas intaad ka ilbaxdaan halla bilaabo Dallad lagu mideysan yahay oo la yiraahdo QARDHO hadda laga bilaabona waxaynu nahahay reer qardhood qabiilkeenuna waa reer qardho. arrintan wixii ay idinla tahay fikirkiina soo qora maanta laga bilaabona hallaga fekero walaalnimo iyo horumar bilaa qabiil!!!!!

    REER QARDHO QABIILKA AYNU BAABI’INNO

  2. Eng. Abdi Hassan says:

    SCWB,
    Haddii dadku iskaashadaan Rabbigoodna ku xirnaadan waxaa hubaal ah in wax walba ay qabankaraan. Maasha Allah, waxaa dhisteen Cisbitaal Casri ah, Dhakhaatiir aqoon leh, iyo Daawa Taya leh. Waxaa idiin haray in aad dhistaan Garoonkii Dayuuradda oo casri ah. Qardho waa magaalada keliya aan lahayn garoon lagu dego Puntland. Beesha Qurba joogta fadlan ka qaybgala dhismaha dalka.

  3. jimale says:

    maasha alaah waalag raysan itoobiya iyo somaliland laakiin dadka waxaa laga rabaa inay ku xisaab tamaan in kharsh badan ku baxay dhakhaartiirtnaa

  4. DUUR JOOG says:

    GOOD INSPIRE. WAXAAN SUGAA WAA GABDHAHA OO LOO DHISO MAXADKA. FARSAMADA GACANTA. SIDA. NURSE. CUNTA KARINTA DHAR TOLIDA. FAYA DHAWRKA. QOYSKA IYO DEEGAANKA. FAMILY ACONOMIC. SI HOOYO ISKU FILAN U NOQOTO. ISLA MAR AHAANTAANA LA SIIYO COURSE OR TRAINING. INEY SAMEYSAN KARTO. SMALL BUSINESS
    KAALIN BUUXDA AMA LAFDHABARTA SHACABKA. IYAGOO AH
    KANA QEYBQAATAAN. KOBOCA. BULSHO DHAQAN DHAQAALE
    KEEP GOING ON
    WAR DAWLADA HOOSE XOOGA SAARA. OO HEY ADAHA WEYDIISTA GAWAARI QASHINKA. MAGAALADA. LOOGA QAADO.
    NADAAFADA XOOGA HA LA SAARO. QAXOOTIGA NO CHANCE
    SIDEY GAALKACYO. IYO BOSASO U QURMIYEEN WAAD ARAGTEEN
    QARDHO WAA MAGAALO QURXOON. OO QUIT AH
    DADAALA ALLAA DHINICIINA JOOGA

  5. cali says:

    maashaa alah qardho hurdada waa kakacday saas larabaa more hospital waa in la dhiso dadkana lagu daaweeyo qiimo jaban waxaa inoo dhiman airport boosaaso waa inaan wado usuubino si dadkeena dibada joogo hadii aan fasax u imaano boosaaso waa in diyaarada wado fiican ay ku sooo dagto dowlada puntlannd waa inay wado udhisto boosaaso airport dakadana waa in laweyneeyo waa inaan ka hormarnaa soomali oo dhan madaxweynaha 50milyan oo lasiiyey waa inuu wax ku qabto ciidamda puntland waa in laxoojiyo si soomali oo dhan aysan puntland usoo dhawaanin

  6. Baashane Vic .Australia says:

    Waa Guul U soo Hoyataay shicibka Puntland,waxaana Kula Talinyaa Qof walboo U dhashaay Puntland Inuu ka qaayb-qaato Mashaariicda Horumarineed Ee ka socata Dalkeena,Ganacsatada Cisbitalkaan Hirgelisayna,Waa Muwaadiniin Xalaala In Lagu Daaydana U baahan,Waxaana Alle Uga Baryayaa In Alle Xoolahooda U Barakeeyo,Cibaadadana ka Aqbalo,Aw-laadana U Hagaajiyo Aamin.

  7. Guuleed says:

    waa maasha allah, cisbitaalkaan waxaa dhisey ganacasatada Qardho iyo Qurba Joogta Qardho. Midkaan Wata (Qacbul) waryaa benta nagala tag faroole waxba uma dhisin shacabka Qardho. Jailak cade muuse dhisey Kana anagga dhisanay. faroole waa wax matare lacagtuu xado Garoowe ku dhistaa waana laga tuurayaa kursiga wax matarahaas. Shacabka Qardho halkaa kawada wanaaga dhista dhulkiina yaanan lagala tashan faroole ilayn hadduu ka xumaanayaa. faroole ha aado carmo iyagaa uu u yahay President not us. asc wr wb

  8. Maxaa inoo dan ah reer Qardho says:

    Dhamaan dadka meeshaan ku sheekaysta waxaan idin weydiinayaa xumaan iyo isu tiris mooyee maxaa wax kale idiin diidey? waxaad u baahantihiin inaad barataan sida wanaag loogu hadlo oo qofka walaalkaa ah loogu nasteexeeyo ogaada hadalka fiicani waa sadaqad, waxaa idiin wanaagsan inaad ka fekertaan war maxaa horumar ah oo aynu samaynay maxaynu dadkeena iyo magaaladeena qardho aynu u qabanay, dhibaatadu waxaa weeye waad kala qaybsantiin oo odayaal fashiistayaal ah oo cuqdo qaba ayaa idin kala qayb qaybiyey oo qalbiil iyo wax baas idiin akhriya idinkuna wareeriyey kulligiin xabsi qabiil ayaad ku jirtaan, waxaas intaad ka ilbaxdaan halla bilaabo Dallad lagu mideysan yahay oo la yiraahdo QARDHO hadda laga bilaabona waxaynu nahahay reer qardhood qabiilkeenuna waa reer qardho. arrintan wixii ay idinla tahay fikirkiina soo qora maanta laga bilaabona hallaga fekero walaalnimo iyo horumar bilaa qabiil!!!!! REER QARDHO QABIILKA AYNU BAABI’INNO.

  9. wooooooow guuul guuuul iyo horumar waxaan leeyahay sii wada dadaalkiina

  10. Mansha Allah my city qardho Waan ku farxsanahay hormrinta cafimaad ka mansha Allah rer qardhood ka kaca fadhiga magaladen aan wax u qabano magalada dhir badan in lagu aburo bay u bahantay si bilicdeedo u hagaagto

  11. Qardhood says:

    Qardho way leedahay public hospital shaqeeya oo qalabaysan,balse kan waa private Hospital waana loo baahnaa runtii waayo awalba ku private ah ayay dadku safar dheer u galijireen,

  12. Nugaal says:

    woow waa kuwaas qardho dad keedii u kacay war garabsarow dhulkiina idinkaa lehe dhista oo quruxsada kana celiya qowlaysatada hoos u guurta ah oo dhulkoodii kasoo barakacay kuwaasoo aan istaahilin inay idinla degaan,waxaan u hambalyaynayaa Mr Axmed Xirsi Eenbeeye oo ah mulkiilaha Hospitalkan,

  13. kaaha puntland says:

    Runtii waa tilabo horumar leh waa private hospital oo dad ayaa maal gashtay waana loo baahanyahay public iyo private ba waayo awalba kuwo private ah ayaa loo aadi jiray Gaalkacayo Growe iyo Hargaysa iyo waliba Kenya iyo ethoipia so waa wax runtii aad loogu baahnaa,tan kale walaalaha ku haya muxuu buplic u noqon waayay public u noqon waayay dabcan public waxaa hirgeliya waa dowlad dowladna puntland baa inoo ah iskadaa hospital ay dhistee kii dowladii hore dhistay ayaysan waxba ka gaysan oo ay jaaliyada reer qardhood dayactir iyo blaarin ku sameeyeen una shaqeeya magaalada oo public ah,marka walaal dad ganacsato ah ayaa hirgeliyay hospitalkan runtiina waxaan qabaa inay u daneeyeen dadka reer qardho maadaama ay meelo kale oo malaha u suuq badan ay heli kareen.

  14. QAC BUL says:

    Madaxweyne Faroole ayaa hirgaliyey isbitaalkan, waana wax qabadkiisii qardho, maashaa allaah!!! yaan laga xasdin, reer qardho xaasidnimo ayay balaayo ku dhigeen!!!

  15. waaaaw mashaaa allaah
    waan ku farax sanahay hosbitaalka lagga hirgeliye qardho cadey masha allaaah aad ayaan u so dhawan ha lagu dadaalo horumarka magalada oo ha la isku tashto reer qardhow
    waxanse ka sii jeclan lahan in dadka free loga dhigo

  16. sherbi boy says:

    sxbayaal ganacsatadu mainay lacagkasameysayso ayeey udhiseen mise for free dad lita oo Oo lacaglagaqaadayo waa ehelu naar nimo misana waa waaxaq dadkashaqalaha ahbiilkooda inlahelo waan ogolnahay 10%inlaqado masha alaa hadiikale faroole kaiibiya waa sar quruxbadane

  17. sagal says:

    masha allahnaad ayaan ugu faraxsanahey in ey yeelato qardo cusbataal labaad oo ween.waa horamar wanaagsa oo lagaaray horey u socda.

  18. ascwb maash alaah waa wax loo baahnaa in laga
    dhiso cisbitaalkan magaalada qardho waxaana
    muhiima in lagu daydo walaalaha dadaalka muujiyey waxaan leenahay alaah ha idika
    abaal mariyo alaahan hanagu anfaco

  19. Su'aal ku socota reer Qardho says:

    War maashaa’allaah ha ku hayninee isbitaalku ma lacag baa mise waa bilaash oo dadweynaha ayaa loogu adeegayaa mise waa meel dhiig miirad loo furtay oo nimaan shilinka haysani geli karin? kasoo jawaaba oo xogta runta ah noo soo bandhiga.

  20. mansha allah allaha inika siiyo ajar iyo xasanaad,

  21. kaaha puntland says:

    mansha alah waa tilaabo loo baahnaa runtii dadka kasoo shaqeeyay waxaan leeyahay waxaad mudantihiin sharaf iyo maamuus,Axmed eenbeeye waan ugu hambalyaynayaa hirgelinta cusbatalkaan,

  22. khadar says:

    asc wr wb maasha alaaaaah waa guul horumarka ka shaqeeya meel kasto aad joogtaan dadaalaa waa uu gaaraa mid nimada ilaaliya reer putland nabadana ka shaqeeya

  23. Qaasim says:

    Maashaa allaah saasa la rabaa reer qardho waa talaabo horay loo qaaday

  24. Abdulwahab says:

    Indeed it’s a forward step toward development and improving the quality of life in the area.

Leave a Reply