Dowlada Puntland oo isha ku heysa kulamada lala yeelanayo Dr. Gaas
October 30, 2012 // Warar SomaaliXildhibaan Abdiwali Maxamed Cal Gaas, ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Boosaso, iyadoo isniintii shalay si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dadweyne faro badan, oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada, saraakiisha dowlada Puntland, madax ka tirsanayd xukuumadii Gen. Cade Muuse ayaa dhamaantood Risulwasaarihii hore kaga hortagay tuulada Faluuja oo 70-km u jirta magaalada Bosaso.
Intii aanu Xildhibaan Gaas Qardho kasoo ambabixin ayaa waxaa laga hor-istaagay nabadoono iyo waxgarad kale oo ka qayb geli lahaa soo dhoweyntiisa inay ka gudbaan kantaroolka Boosaaso, iyadoo dowlada Puntland dib ugu celisay magaalada.
Hase yeeshee markii xukuumada Puntland ay ka warheshay saxaafadana ka aragtay in rag mucaarad ku ah maamulka talada haya ee Faroole ay siweyn uga muuqdeen soo dhoweyntii Gaas ee Boosaaso ayey dowlada Puntland waxay xayiraad ku soo rogtay dhaq-dhaaqa Xildhibaan Abdiwali Gaas, kadib ciidamo ay tababartay shirkada Saracern la dul dhigay guriga uu Boosaaso ka degan yahay Dr. Gaas oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Liibaan Muuse Boqor.
Ciidamadan ayaa waxaa amar lagu siiyey inay la socdaan dhaqdhaaqa guriga, lana diiday inay galaan rag ka tirsan kooxaha mucaaradka ah, oo madaxweyne Faroole ka cabsi qabo inay noqoto Barsad ay isku urursadaan rag khatar ku noqon kara xukuumadiisa wakhtiga kasii dhamaanayo.
Barasaabka Gobolka Bari Abdisamad Yusuf Gallan ayaa howlahan fulinaya isagoo ku wargeliyey amarka dowlada kasoo baxay Xildhibaan Abdiwali Gaas, inkastoo PN24 dad la hadlay oo goobta joogay ay u sheegeen in Dr. Gaas aad uga xumaaday xayiraada iyo faragelinta dowlada Puntland ku samaynayso dadka isaga booqanaya ama qaabilayo ee ah muwaadiniinta Puntland.
Askarta la dul dhigay Guriga Dr. Gaas Boosaso ka degan yahay, ayaa waxaa amar lagu siiyey inaysan marnaba u ogolaan inay guriga galaan liis dheer oo ay ka buuxaan magacyo rag kasoo jeeda beelaha ku dhaqan gobolka Bari.
Rasiulwasaarihii hore ayaa intii uu joogay magaalada Qardho wuxuu kulamo la qaadanayey qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo xayiraad caynkan oo kale aysan xukuumadu saarin, hase yeeshee dowlada Puntland ayaa marnaba u qaadan weyday markii ay saxaafada ka arkeen rag siyaasada dibad joog uu ka dhigay Faroole oo si niyad ah u soo dhoweynaya Dr. Gaas.
Maamulka Puntland ayaa ku cel-celinaya in nidaamka dimoqraadiyada iyo xisbiyada laga hirgelin doono Puntland, iyadoo dadka siyaasada faaleeya sheegayaan inay adagtahay in laga hirgeliyo dalka nidaam dimoqraadi ah iyadoo saxaafada iyo mucaaradkaba ay xukuumada Faroole caburin iyo xarig kula kacdo.
Qaanuunka adduunyada ka jira ayaa sheegaya in dal uusan gaari karin horumar hadaanu lahayn mucaarad, hase yeeshee Puntland kama jirto xoriyad aad ku cabiri kartid fikirkaaga waxaana ka taagan xaalad ay dadka reer Puntland ugu magac dareen ama Afgooye aad ama Faroole raac ama Afkaaga heyso
A. Muse A. Xaji
Puntland News-24



waar faroole daaya waa madax waynihiiniiye oo ka xishooda madaxda qarankakkkkkkkkkkk
rag iga dheh mr galan ? walalayaloow mucaaradka nagadaaya nimankii shaarbaha makhiilijiray!! please
Asc Wr Wb To You All. I Just Want To Say That Faroole Time Is Over so We Need to Be Patient Until January 8-2013. Viva Puntland and I Love it.
A C WBRKT : DR. Cabdirxman ama mudane madaxweyne rag waxaa xidha qowl dumarna meher, waxaad kudhaaratay inaaad xilka hayndoonto MUDO AFAR SANO AH(four years) waamaxay damaca ah halka sanno ee dherida ah. Cimri tagay ceeb laguma sagootiye shacabkaada PUNTLAND balantii aad kaqaaday habeenayn hana hareer marin cabudhis kana kadaa shacabka!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!¡!!!!!!
Dadka beenta ka daaya gaas mawaadin dalkiisa jooga ciidankuna Waa Ciidankiisii waardiyeynayey isku dirka daaya.
faroole haday puntland tahay maal ay ayagu is ka öeeyihiin ha loo dhaafo hadii kale halaga qabto meesha hadii kale bari kii meesha yimaadaba kama kacayo isaga iyo xaaskiisa iyo hablihiisa inamadiisa ayaa xilxl loo magacaabi hadaan sodohahana xilal loo magacaabin halaga hortago dhaqan xumada iyo indho adeega faroole ama waxay noqon wado uu jideeyay dibna aanan looga noqon .
meesha maha kacankii dadka dhibi jiray puntland shacabkeeda waa xor aduunka waa ka dhamaadey kaligii taliye faroole dad ka fiican ayey qabtaa puntland puntland weli mahelin madaxweyne hormar gaarsiiyo ama wado udhisay gaas xataa puntland waxbo uma qabanin intuu xamar joogey wuu iska hurday faroole airport kii boosaaso wax uu ka qabtey maleh
Odayga wa nacas waxase ka sii daran kuwan leh reer la isku dagala walalayal ani garowe wan u dhashe lakin farole iska daye abehey hadu ahan laha in aan qori u qadi lehen mana u malenayo in wiilal puntlander eey hub isku qadanayan ma waxan sagashameyadi ka so gudubnay ayan u noqonena panabaxyo nabad ey ku jirto ayan ku tusena in la nacay farole oo magalo ila tulo laga pananbaxayo sida wadamada hor mare codsigoda ku dhibtan
waxaa la yaab leh faroole isaga markuu saa u dhaqmayo miyuusan la socon dadku hubaysan yahiin waxuu haysto nin walba ama reer waliba uu haysto waxaan talo ahaan u siinaya c/raxmaan faroole yeysan riyada kula fogaan labada bilood oo kuu harsan si qurux badan ku dhamayso caruurtan ari jaan la yiraahdo walahay hadii la is qabto inaysan waxba kuu qaban karin dadkuna intay nabadi jirto ayuu qof waliba qof leeg yahay hadad is tiri bari waxaan doonayaa ka samynaya ama bosaso bosaso waa garowe oo kale qabaailo reer bari ah ayaa iska leh saa u ilaashanayso garowe ayaa loo ilaashanaya yeesan naagta faalisa iyo aarijaan been kuu sheegin
Rurntii waa arin laga naxo waa wixii siyaad bare somali halkaa kasoo dhigay faroolena dadkii xilkaa umagacaabay ayaa looga fadhiyaa in ay hadana ka qaadaan maxaa yeelay isagoo wasiira oo xilkaqaadis lagu sameeyay buu isku dayay in uu ka madax adeygo hadana tii ayadoo lagu ogaa hadii xil madaxtinimo loo dhiibay waa in ragii udoortay ay war cad kasoo saraan oo ay la xisaabtamaan.
Reer puntland waxaan oran lahaa iyana sanad uu sheegtay faroole wax micno ay leedahay oo isaga iyo dadka uu madaxda uyahay ku kordhineyso ama kadhimeyso baan jirin ee wax kastaa nabada ayaa kaqaalisan ee nabadiina ilaashada
faroole isagaaba tagayee yaanay wiilal iyo hanti meeshaa lagu waayay iyo dhibaato horle oo kadhacda puntland.
waa in lahelaa kacdood kadhana waxa uu wado faroole oo xitaa ay ku jiraan wasaaradihiisa in ay diidaan xaqdarada uu wado faroole oo ah xeer aanan meesha oolin in uu dadka ku qasbo .nabadana la dhowraa.