Dad shacab ah oo ku dhintay rasaas ciidamada AMISOM ay fureen

January 15, 2013   //   Warar Somaali

Wararka ka imaanaya tuulada Leego ee gobolka Shabeelada hoose ayaa kuwarmaya inay dhinteen 10-qof oo isugu jiray haween iyo carruur, kadib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Col. Ibraahim Macow oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Shabeelada Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay saraakiisha AMISOM inay kacodsadeen jawaab inay ka bixiyaan falkan askartooda ay gaysteen. mana jirto wali wax jawaab ah oo ay nasiiyeen ayuu intaasi sii raaciyay hadalkiisa.

Col. Ibraahim ayaa sheegay dadka dhintay inay ahaayeen dad reer guuraa ah oo geeddi u ahaa deegaano kale.

Dowladda faderaalka iyo AMISOM ayaa la filayaa saacadaha soo socda arintan inay ka jawaabaan, inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo fal noocan oo kale ah ay ku kacaan ciidamada AMISOM.

Puntland-News24.

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. kala jare. says:

    Kolaay Al-shaab waa dhaamaan,ee waxaani waa shil shilna waa dhacaa intaay Al-shabaab dishaa ka badan,Ee haloo dulqaato Amison wax badan ayay dalka ka qabatay.

Leave a Reply