Qardho oo dhaqadhaaq ganacsi oo xowli ah uu ka socdo iyo diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan [sawiro]

July 19, 2012   //   Warar Somaali

Dadka ku nool Magalada Qardho ayaa si weyn ugu diyaargarowbaya Bisha Ramadaan iyadoo Suuqa Qardho uu ka socdo Dhaqdhaqaaq ganacsi.

Waxaa magalada Qardho ka soconaya Diyargarowga Bisha Ramadaan, suuqa Qardho oo saakay laga dareemayey Mashquul aad u badan kaas ku aadan dadka oo iibsanaya Raashiinka noocyadiisa kala duwan si ay ugu baxaan Bisha Ramadaan.
Qudaarta noocyadeeda kala duwan ayaa si weyn loogu soo camiray suuqa Qardho,waxa ayna dadka ku mashquulsanaayeen iibsiga Maacuunta,Bariiska,Burka,Sonkorta,Timirta,Caanabooraha,waxaana maanta suuqa Qardho ka jiray Mashqul u muuqda in dadka ay ugu diyaargarowbayaan Bisha Ramadaanka.

Warbaahinta oo maanta booqasho ku tagtay dhammaan qeybha uu ka koobanyahay suuqa Qardho,ayaa waxa ay xaqiijisay in dadka ay ku jiraan diyaargarowga Bisha Ramadaan,inkastoo soonkaan uu ka duwanyahay soonkii hore,dadka qaar ayaa sheegay in soonka uu ku soo aadan xilli magalada Qardho ay ka jirto sameynta ay reebeen burburintii goobihii ganacsiga,waxa ay sheegeen in soonka oo ku soogalay iyaga oo aan shaqo heynin,laakiin waxa ay dadka qaar direen codsiyo ku aadan in la caawiyo dadka masakiinta si looga caawiyo dhanka Afurka,waxa ayna hey’adaha kheyrka jecel ugu baaqeen in magalada Qardho laga sameeyo Goobo dadka masaakiinta lagu afuriyo.

Magalada Qardho malahan goob loogu talagalay in laga afuriyo dadka masaakiinta,halka magaalooyinka kale ay jiraan goobo loo sameeyey in afur laga siiyo masaakiinta,waxaana arintaani si weyn ugu hadlaay Culama’udiinka ku nool magaalada Qardho in ay waajibtahay in loo istaago goobo badan in laga furo magalada Qardho si dadka masaakiinta ay ugu helaan Afur,waxa ayna arintaasi keeneysaa hadii la sameeyo in laga helaayo ajir farabadan,waxaana muslimiinta loogu baaqayaa in ay soo caawiyaan walahooda muslimiinta ee sooman una baahan in la Caawiyo.

Iyado Diinta islaamka ay ka sheekeysay Faa’iidada laga helayo Qof sooman hadii afur la siiyo in ajir badan laga helaayo ayaa markale dadka Muxsiniinta waxaa loogu baaqaya in ay soo caawiyaan dadka masaakiinta ee sooman.

 

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye says:

    iii gaaas Siliclander,
    KKKKKK wale waxaad ixusuusi’sey mah’mahyo soomaaliyeed oo oranaya “Maroodigu takarta isaga saaran ma arkee wuxuu arkaa takarta kan kale saaran”, KKKKKKKKKKK!

  2. Gacaliye says:

    liii gaaas Siliclander,
    Waar nooga soo waran sida “State houska” caasumada silicland ee ay u egtahay, KKKKKKKK!
    Charity begins at home, as the proverb states, KKKKKKKKKKKKKKKKKKK!

  3. kamaal binu xassan says:

    qardho waa qaranku halkuu caga dhigan lahaa
    qardho waa qalbiga booska ka banaan
    qardho waa qayb nolosheena ka mid ah
    wixii qardho mucaarad keeda ha nacalad baa ku taal iyaga iyo wixii soo raaca intaba

  4. ufayn says:

    waa arin wanaagsan qardho

  5. liii gaaas somalilander says:

    qardhada lasheegaa matanbaa waxaad moodaa xaradii dhadhaab eeqaxootiga dad kanana gaajaakamuuqata haloo gargaaro kkkkkwaabil ramadaan sakada haloobadiyo way kubaxaysaa

  6. Baashane says:

    Qardho masha alaah dhoobada qardhood waa lama huraan

  7. said says:

    Maanshaa allaah qardho waa qurxoon kaliya Waxaa loo baahanyahay in La badiyo dhirta talaalka ah waad

Leave a Reply