Shacabka Puntland haku taageereen go,aanka dowladooda ka qaateen shirka Turkiga [W.Q: C/naasir Jeer]

May 28, 2012   //   Announcement, Opinion, Warar Somaali

Waxaan raba inaan waya arag nimadayda uga faaideya umada reer Puntland anigoo siyaasada mandaqada Puntland, ay igu danbaysay xiligii aan wakiilka Puntland u fadhiyay UK an ahaa.

Sanadahii danbe waxaan ubad naa koonfurta Soomaaliya, anigoo jagooyin mihiima kaso qabtay dowlada dhexe, sida xafiiska raisulwasaaraha oo an aha sarkaal katirsan iyo xiliyadii hada u danbeeyay oo an hawlgalka gobalada Azaaniya lagu qabanayo aan wax kawaday.

Ujeedadeeydu wuxuu yahay waxaan koonfurta Soomaaliya kusoo arkay dhibaatoyin waa wayn oo  idinka laftigiinu aad marwalba warbaahinta ad ka aragtan. Dhibaatooyinka waxa lafdhabar u ah ama xal loogu waayahay waa hal arina arintaaso ah kala danbayn la aan iyo hogaan la aan.

Puntland waxay haysata kala danbayn waxaana sal u ah hogaanka iyo maamulka ay samaysatay, markii hogaankas laga hoos baxo waxaa imaan fowdo kadibna colaad.
 
Waxaan idinku boorin shirka ka dhicaya Turkiya inaan loo gacan dhaafin dowlada Puntland iyo madaxweynaheeda, dowlada Turkiya waxay samaysay wax nidaamka an waafaqsanayn waxay casumado ugaysay oo anka warhaya anigu dad ganacsato iyo shacab iskugu jira oo reer Puntland ah iyagoon dowlada Puntland ee Soomaaliya la socodsiin taasuna nidaamka ma wafaaqsana.
 
Nin masuul ah ayaa London iigu yimi wuxuna iyiri Puntland ahan makugu casumaa, waxaana u sheegay in aanan ka mid ahayn xiligan Puntland,, waxana iri wixii casumada maamulka Puntland kala xiriira.
 
Waxaan idiin soo jeedin hadad tihiin reer Puntland in aad madaxda aad dooraten uga danbaysan shirka Turkiya qofkii madaxdu tirahdo haka joogana uu ka joogo, maxaa yeelay maamulku isaga shacabka matala ila iyo dhowrka sano ee u harsan marka yan idinka iyo maamulkiina laga dhex kaluumaysan, hawshan iyo kuwa lamidkaba maamulka u daaya.
 
Shirkan Turkiya intan ka ogahay qaybtaanu waa tii kowaad ee dhaqaalaha looga hadlaayay balse waxaa dhiman oo bisha danbe dhicin qaybtii siyaasada oo ah qayb mihiim ah.
 
W/Q: C/Naasir Guure faara Jeer
keenadiid18@hotmail.com

COMMENTS

RSSComments (27)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. muwaddin somaliyed says:

    asc salan kadib dadkaan ku washay budlaaaan iyo laalaaan war isku xishooda o somali dhinac karaaca tankale horjogaha garowe yuu idin waalin asigaa walan wixii hore waa dhamatay nin jacleesi iyo aniga raali kama ihi iyo waxaas waa laga so tagay farole waa nin u shaqeya cadowga somalia lagamana yeelayo ee qabyalda iska daaaya qabil qabil ka itaal roon majiro ee wax isku sheega ninkan walana yuuu bohol idinkuridin

  2. lutfi says:

    s/aleykum,
    marka hore waxaan rabaa inaan ogaado ma somali baa doodeysa mise reer puntland? waxaan oran karaa reer puntland 98% dal iyo dibadba mucaarad iyo muxaafidba waa ay taageersan yihiin sida madexweyne farole ula xisaabtamayo TFG da. waxaan aaminsanahay inta erey aan munaasib aheyna ku qoran yahay dastuurka inaan la nasan. ergada puntland uga qeybgaleysa shirarka waa in looga dambeeyaa dowlada puntland. PM a/wali waa nin reer puntland ah lakiin waa PM kii somalia, arimaha quseeya puntland waa in looga dambeeyaa madaxweyne farole. umad walba waxay wax ku noqotaa midnimada iyo inta danta guud war walba isha lagu hayo. xiliyada kala guurka ah waxaa dhacda in siyaasiyiinta ayba ilaawaan dadkii ay matalayeen uu nin walba rabo in laga dhex arko dowlada soo socota si kasta oo xalaal ama raxaanba ah haku garee

  3. Mo Abshir says:

    Siyaasi Jeer waxyaalo kamid ah qoraalkan waan kugu waafaqsanahay sida arimaha lamid ah qaabka invitations loo qeybiyey hadey noqon laheyd issimada iyoba weliba ururrada siyaasadeen ee ka howlgala qurbaha, waxaan shaki ku jirin in over 85% kaqeybgalayaashu yihiin reer Muqdisho waxa meesha looga hadlayona ay tahay arimaha (SOMALIA) marka suaasha isweydiinta mudan waxay tahay Somali ma muqdisho keliyaa? hadiise Turkigu daacad kayahay aririmaha somalia maxuu iaa iyo hada mashruucyadii uu ka balan qaaday gobolada kale ufilin layahay meesha xamar oo keliya $360 million aid uu siiyey, yes waan qabaa in Puntland ka istaagto position cad laakiin aysan isku lifaaqin Galmudug iyo siyaasad ay Ethiopia influence ku leedahay , wabilaahi tow fiiq, Mo

  4. cali yusuf says:

    you are talking none sense ,
    yaa shacabka wax ka waydiiyay arintaa

  5. xaaji says:

    xaqiqdi halakan waxa igamuuqda in tuko rabo in uu somaliya gole uu ku golaftamo uu donaayo wllahay iyanan kayelayan waxuu wax kalaqo an aragno planad waa dowlad sharci iyo kaladamayn ku dhisan dadkiina umadlanyihiin tuug wax qorta iyo cuqdadlayal wax kuma yaala waxna kama qaadi karan dadka qalin habaabka wax ku qoraya waxan leeyahay wllahay baydan meelna ku garayn ee ha isdalinina

  6. Ku Halyey Mudug;
    Xanuunka aad sheegeysid waa nawada soo gaaray. Kuwii nagu shiday oo naga soo saaray Muqdishada aan dhisnay, ayagaaba isku baaba’ay oo maanta kun jeer naga liitaa. Taasna Ilaahbaan uga mahadcelineynaa iyo dadkeena iyo aqoonyahanadeenna sharafta leh.
    Aqoontaas iyo dadnimada Puntland ku dhisnayna ayaan haatan aan rabnaa in Soomaaliweyn wada gaarsiinno.
    Yaan noqon nacas meeshii lagu dagaalo og, oo aan ogeyn halkii lagu heshiiyey. Soomaali waa isma hurto, ee sharafteenna aan ku muujinno ururinta dadka masaakiinta ah ee nala dhashay; ee yaan galin gefkii Reer Muqdishow ee galeen oo kale. Haddii kale, sidooda oo kale ayaa noo danbeysaa.
    Faroole waa siyaasi naga mid ah, hase yeeshee, siyaasadda marba meelbay kula gashaa, ee waa inuu joojiyaa tayda mooyee, tu kale ma jirto.
    Taa waa iga talo, ee igama aha mucaaradnimo.

  7. wadani1234@hotmail.com says:

    boowe malaz ma puntland baa faroolese ma isgaa puntlan leh kaligii somaliya waa ka fagaanay walalaheen dawladiina waan wiiqnay xabshi unbaan danteeda wadnaa guulna amxaar ku gaari meeno boow aan somali noqono xabashi nimo nooga fiicane

  8. C/naasir ishaad kariday. Hadal kuma dhaafin. Wixi siyaasad ah waxaynu u igmanahay. Xukumada. Ayadana ma tasha danaha shicibka. Cidkalo arintas shegan karta may jirto. Ama oday koofiyad bacla ha ahaado. Ama shaydan kale. Dadkan leh faroole ethopia wax u shegtay. Adeer runtu waxay tahay ethopia. Cid aan ku doorsanaya. Majirto abaalkay igashay nin raga og doqonse yeelkiis. Adeer kuwad somaliada iyo islamnimada ku shegaysid .baa matidaydi dilay dhac kufsi ugaystay. Ethopiana way so dhawaysay albaabaday ufurtay qaxotigi. Muqdisho iyo addis. Walahi kun jeer waxa no sokaysa addis. Whyo waxan ku dhexmara bila sharci si xushmad leh. Lkn muqdisho/qaburaha dadkayga waa meshi lagu xasuqay shicibkaygi lagu dhacay hantidaydi loogu xad gudbay sharaftaydi iyo karaamadi hablahena . Ilaa iyo hadana ay ku hayan baantuuga xamar. Waa goofkaygi. Xata heer ay gaaren in ay dhahan majertenow naga kaxaysta. Ina c/rishid. Aderayal ethopia waa garabka iyo walalka qura o an geeska africa ku leyahay. Mideeda kale waxaynan isku istilaax ka fahansanayn. Waxa layirahdo jamhuriyada somalia. Dad ba u yaqaan somalia=muqdisho .ana waxan u aqaan muqdisho km kooban o kamida dhul waynihi la isku oranjiray j.somalia. Somalinimadan awar ku kacsiga. Maalinti dan lagu leeyahay ilmada yaxaaska la iska daadinayo marka kalana kun shaar o kala jaadjaad ah laso xiranayo. Tas lama yirahdo somalinimo e waxa la yirahda. Awr ku kacsi

  9. Reer Puntland waa dad sharaf leh, Soomaalinimada ku dheer tahay. Waxaan hubaa in danteeda ku jirto Soomaali inay wax la wadaagto. Waa inaan taageernaa ragga uu ka mid yahay Raiisu wasaaraha, oo aqoon iyo garaadnimo badan, kalitaliayaha Faroole.

  10. Faroole waa ku qaldan yahay arrinkaan. Fikraddiisa waa inuu la hortagaa Soomaalida kale, ee yuu mar kasta daba joogin Xabashida

  11. rashid says:

    Madaxwenaha Rascaseer dil bey ku xukuntay maxkamada bosaso malin dhoweed.3 Madaxwene Kahtumo Somaliland dil kuma xukumin, lianaa Soamliland ey dantoda hayaan.

  12. rashid says:

    Daahiw waa lunsantahay, Faroole maamul Gobooled mahaa namta Puntland, Ras Caseer iyo Karkaar maamul madaxwene leh ey noqdeen. Sool Sanaag iyo Cayn waa Somaliland, tas ka sokoow kuwii uu soo urursaday C.Yusuf Harti baan isku nahay ee Dhulbahante , manta Siilanyo aa ka dabatagay oo Khaatumo yesha dhahay. Marka PUNTLAND mamul goboled ma ahaa oo LABO GOBOL IYO KA BADAN MA LAHA.DHULBAHANTE WAA LAGA SARAY Puntland , August 2012 SOMALILAND ey soo racayaan waa siyasad.

  13. KARKAAR says:

    UMMAD DHAN OO WADA WAALATEY SAQIIR IYO KABIIR
    WARDADKAAN HA LOO DOONO DHAQAATIIR XAGA MASKAXDA
    WALE WAAYAAB

  14. lama dage says:

    puntIand Kaweyn Meel FarooIe oo KaIe Ku gorogorta
    Mo e Waxba hayS Xiijin boowe

  15. Dahir says:

    In Federaal la qaato ayey Xamar iyo Hargeisa diiddan yihiin. Dr Faroolena dantiisa (Puntland) iyo tan Soomaali iyo sidii lagu kala nabad-geli lahaa oo Federaal ah ayuu dadaal ugu jiraa ‘That’s what is all about’. Faroole ayaana guulaysanaya insha Allaah.
    Kubbad ayaa meesha la ciyaarayaa… Madax-weynahana hawsha u daaya oo taageera.

  16. war shifo says:

    war yaan ladambaabin sida ninka labaxay qanciye wuxuu hada inaga dhaadhac siinayaa in amxaar laxigsado oo walaalkii soomaali islaanimona udheertahay iyo jansiyad iyo luqad iyo wax kastaa uu cadow ka dhigto qof somaliya waa fikir aad uliita oo aan meelna gaarin .

    qanciyow qiyaali baad kujirtaa ethopia somalia dan uma hayso oo in ay kala fogeyso ayey ka shaqeyneysay oo cabdulaahi yusuf iyo geedi oo dad asxaab ahaan cidna uga dhaweyn ayey sidii la ogaa isugu dirtay oo kala geysay oo hadana midkastaa goonidiisa u bahdishay oo cabdulaahi oo madax weyne ah ayaa muqdisho nin xabashiya ka amar weynaa waxaas oo tusaale ah iyo wax kadaranba waanu haynaa ee maan gaabnimo ma fiicna adigoo kalaa soomali kala irdheynteeda ka shaqeeyo waa in la iska kaa ilaaliyaa oo waxaa laga yaabaa in aad mushaar kuqaadato howshan.

  17. Qardhaawi says:

    somali ineey gumooday waxaa kaaga marqaati ah hadii eey Ethiopia ahaan laheeyd nin diidi lahaa ma jirto oo waaba la aamusi lahaa

  18. Waxaan aad uga xumahay in ad siyaasi sheegato
    waxan lahadlayaa ninka yiri reer puntland dowladooda haku taageereen qaladka waxan qabaa in hadalkaasu reer puntland meelka dhackuyahay

    waa dad soomaalinimadu ku weyntahay oo kashaqeyah danta umada somaaliyanah hormuudka ah waa ognahay waxa shirka turkiya diiday waa ethiopia oo faroole usoo dhiibtay fariinta xabasha waa cadoow soomaaliyaad oo soo jireen ah somaaliyanah khayr uma rabtoh
    ninka wax ka dhegeystaana waa cadoow umada somaalia turkigu waa dowlad muslim ah wax cadaawad ah nagama dhexayso waa dowlad horuumar gaartay oo ilbax nimo iyo dhaqaale leh xabasha waa wadan marka hore cadaawadi nadhex taal oo rabtah burburkayaga mida kale usagaa baa ba ah oo dadkiisu dawarsadaan

    dadka reer puntland mataageerayaan sayaasad guracan oo nin dan gaarah lihi wato shirka turkiya waa muhim in lataageera

    Adigunah siyaasada meelbaad kaga dhacday sidaad umuuqatoh wali wax badan baa kaa maqan shanbiri sheekh lagumanoqdoh

  19. rashid says:

    Faroole, Caalin iyo AHluSunaa waa cadesteen iney u shaqeyaan, MELES ZANAWI.Ninkani wuxuu ogyahay haddi TURKI soo gasho arrimaha SOMALIA uu isagaa Dibada ka noqonayo, ileen TURKEY kuma cayarikaro sida XARANTAAN.Waxxan la yabaa wexey ku hadleen oo ah ALSHABAAB aa ku jirta SHIRKA.Marekanta manta Thalibaan uu la shiroyaan ileen dhulka waa leyahiin wuna tiriwayay 10 sano oo dagaal ah.ALSHBAAB waddanka wax bey ka leyihiin TURKIGANA sida saxda ah uu ku socdaa ileen waa DOWLAD ween oo rabin iney SOMALIA gumesato sida FAROOLE, CAALIN iyo XAARANTA kale ninkaan ey u shaqeyaan.

  20. qanciye says:

    walaahi waa runtaa HaWIYESHURUFLE waa bahaldadkii joogey markuu qaxa dhacaayey ayaa og xaqiiqda. Itoobiyanka waa ku wii nabadbadiyey markaan ka soo baxeynay Baladweyne oo xabad nooga celiyey yeeyda ilaa ey kasareen aga ey nagu xabadeynayen, marka hadey noqoto Mooryanta iyo XABASHIDA waxaan ku amin qaba Amxaarada.

  21. Sh. says:

    Asc wr wb

    C/naasir jeer waxad isku qaldeysa waa laba kala duwan aana isudhaween mid waa odaay dhaqamed somaliyed mida kale waa shir siyasiyin somaliyed.

    Waa mida hore odaay dhaqameed shirkodu waa mid ka madaxbanan dowlad/siyasi/warlord iwm.
    Mida labaad siyasad ee puntland ku diidan tahay turkey waa mid ka dambeyan dowladaha galbeedka safiiradoda jooga addis aba.

    Turkey waa wadan tariikh dheer ku leh dunida gacanta ku hayey wadamo badan ku yaal qarada africa,yurub iyo asia laga bilabo Seljuk dynasty ilaa Ottoman dynasty. Turkey tariikh dheer aye wadagen Somalida siiba reer Puntland tariikh dheer bey wadagan isla hada Ottoman museum istanbul ayaad ku arki karta heshiisyada wada galeen Turkiga iyo Boqor Maxamud 1763.

    Turkeygu siyasadiisu aad aye isu badashay 5 sano sodhafnay waana mid wadamada galbeedka cabsi galinesa.

    Waxan idinkaga tagi news manta soobaxay, kusabsan siyasada turkey iyo cabsida reer galbeed ( West need not fear Turkey changes )

    http://www.theaustralian.com.au/news/world/west-need-not-fear-turkey-changes/story-e6frg6ux-1226370282774

    Wa’bilahi Towfiiq

  22. Nur says:

    shirka turkiga ee ay isugu tageen garabka siyaasada ee alshabaab waa mid aan puntland u cuntamin. walaahi Ethiopia nabad baan ku joogaa xamarna mooryaantii baan uga soo cararay. kuwii shalay xaqdarada igu laayey welina dulmaigaygaleen aanan laga heshiin baa qaar jeneraalo loo dalacsiiyey, qaarna safaardaha loo magcaabay. war goormaa la heshiiyey yaase heshiiyey. farole haduu diido iyo hadi uusan diidin ba waa howl u taal, laakiin shacabka puntland waa ka wada simin yihiin in mooryaantii 1991 waxan ka hayn federaal aanan wax lagula qaybansan. war turkiga waxa buubuuniiya waa aalsheekh iyo kooxihii universal tv ka qaylin jirtey. shirkaasina fashil ayuu ku dhamaan, waayo wixii khiyaano iyo ku xumayn ku blaabmaa meel ma garaan. muqdisho naareey sidaas uun bay ahaan. puntland iyadaa is ku filan cidna maalinka maant ah walaahi bayan ugu baahnayn.

  23. qanciye says:

    Waxaan layaabanahey dadkaan iska hadlaya ma Hawiyaatihiin mise? waxaad sheegeysid kuguma raacsani aniga sababtoo ah waxey yeeydaas sameyen ilaah unba og ee shekadaada cid dhageysaneyso majirto hadaan ahay reer PT.

  24. qaalid hasan says:

    Dowlad gorta yaa noo ah ma tan dhexe mise tan puntland yaase in looga dambeeyo arimaha dabada mudan

  25. Qardhaawi says:

    Boowe wixii macquul ah waa looga dambeeyn balse arinkan waa khiyaano qaran waa mid looga soo horjeedo midnimida iyo wadajirka umada soomaaliyeed laguna raali galinayo Melez zanawi. Adiga hadaad qabiil ahaan u taageertay faroole anigu tan Somali baan ka door bidnay.

  26. suldaan says:

    good job wax aad u wanaagsan ayaa dadka kula talisay inkasta oo dadka reer puntland qaarkod ayba jecelyihiin in ay puntland noqoto sida konfurta hadana waxgaradka wanaaga jecel ayaa badan. arimaha turk ee ku saabsan somalia waa kuwa iska cad totally waxaa la rabaa in laga takhaluso maamulka iyo kala dameeyn puntland.dawlada turk waxay xiriir wanaagsan la leedahay dad somali ah oo kuwa ay aad ugu weyn tahay burburinta puntland oo ugu horeyso kuwa ka tirsan safaarada somalia ay ku leedahay wadanka turk dad badan baa arintaa wax kala socda xataa in dhib lagala kulmey takhaatiirti iman jirtey puntland oo ay iyagu caqabad ku noqden. marka dadka reer puntland kuwa wax garadka ah waxaan kula talin lahaa sida walaalka qorey maqaalka in aysan noqon jaranjaradii loo marilahaa dhibateynta shacabka puntland

  27. yusuf says:

    war waxaan yaa meesha noo keeney waxuu ka hadlaayo iyo wax kale manan fahmin bal ninkaan oo kale ayaa raba dad wax garad ah inuu u sheego waxeey sameynlahaayeen war xataa afsoomaliga ma qori karo sawirkiisanah markaan arkey waa lagaran karaa inuu yahay geed jaahil ah oo aanan waxna qorin waxnah qorin adeer jaceel faroole ayaa ku haya adeer loo joojinmaayo faroole waa laga qeyb galayaa oo waxaa na matala oo shirka puntland isimada

Leave a Reply