Dadkii kubaracay colaadda Galgala oo kacabanaya gargaar la’aan

January 8, 2013   //   Warar Somaali

Shacabka ku nool deegaano ka mid ah gobolka Bari ayaa welwel ka muujiyay saamayn ay ku yeelatay howlgaladii militeri ee ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ka wadeen deegaano u dhow buuralayda Galgala oo Shababku joogaan.

Sharma’rka C/rashiid oo ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaanka Cal-madow ee ku barakacay colaadda Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegay dad badan oo kasoo barakacay guryahoodii Galgala inay ku dhibaataysanyihiin tuulooyinka Ceeldaahir iyo Laag oo dhaca inta u dhaxaysa Bosaso iyo Carmo.

Waxaa uu sheegay dagaaladii Galgala ee 2011-kii ka dhacay dadkaasi inay kusoo barakaceen.

Majirto ayuu yiri samafal dowladda ay soo gaarsiisay dadkan oo noloshooda siweyn looga dayrinayo.

Ciidamada Puntland iyo Al-Shabab ayuu sheegay in labada dhinacba dhibaatooyin dadku kala kulmeen xiliyadii ugu dambeeyey oo howlgal militari uu kasocday nawaaxiga deegaanada udhow buuralayda Galgala.

Puntlandnews24

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. kulmis 1 says:

    puntland Al-shabaab Aan Aaran jaan ahaayn ma joogto,Haddaay joogtana waxaa Xirir la leh Kooxda Aaran jaane ee uu Hogaamiyo Faroole.Reer Puntland Haays waaydiiyeen,hakana shaqaaysiiyeen Maskaxdooda,Dibna haaw fiiriyeen Maamuladii Aaran jaan ka Horeeyey? Puntland waxaa lagu dilaay 270 intuu Maamulka aaran jaan jiraay,Sida xogaha aan ka ururshaay ,waxgarad,Aqoonyahan,Nabadoono,iyo bulshada qaaybaheeda kala gedisan ii cadeeyeen in Maamulka Aaran jaan dad badan uu mishin ku laayey,Xataa dad xog ogaal arintaan ka ahaa hoos hoos loo khaarijiyey,si dameer ku haraati aay Arintaan u Noqoto?

  2. heelo laasqoray says:

    atam iyo haraadiga ku jira galgala waa in la soo afjaraa laakiin faroole xukuumadiisu arintaas afarsano waa ku fashilantay markaas xukuumadda soo socota baa soo afjaraysa haraadiga nafla caariga ah oo aaga galgala ku jaira

  3. mudug says:

    Walaalkay warsame khalf markasta talo fiican ayuu soo qoraa laakiin waxaan kuu sheegayaa inay fiicnaan lahayd inaad dhoofto oo dowladda hor fariisato una sheegto in gaadmo weyni soo soco.

  4. Qrdho Puntlander says:

    Qashinka ku jira Galgala (alsheydaan) oo naf lacaariga ah waa in laga safeeya deg deg.

    allah ha dhowro Puntland

Leave a Reply