Dadweynaha Puntland oo isu Diyaarinaya doorashada 9-Jan. [ARAGTI]
November 22, 2012 // Opinion, Warar SomaaliWQ:Axmed muse Kheyrdoon
Sidii laga balamay Doorashadii ugu danbaysey ee ka dhacday Puntland 8Jan2009 waxaa loo bahanyahay in diyaar loo noqdo doorashada ay ka dhimantahay qabashadeeda 46 beri oo keliya ,46 Days.
Maaulka hadda jira oo huba in ayan codka helayn Dadweynaha reer Puntland madaama ay ku guuldaraysteen kalsoonida Shacabka iyo wax qabadba, taas oo ah midda ku kaliftay inay isku dayaan Muddo kororsiga qarda-jeexa ah ee dadweynuhu ka horyimadeen.
Shacabka reer Puntland waxaa jirta Su,aal ay is weydinayaa oo oranaysa Shacabka reer Garoowe diyaar ma u yihiin in doorashada lagu qabto caasimadda mise Madaxweyne Faroole iyo kooxdiisa ayey la rayi yihiin?
Haddii ay la aragti yihiin shacabka reer Puntland oo ay ka go,antahay in doorashada la qabto 9 Jan 2013 waa in lagu arkaa jawi u diyaarin doorasha oo ka socota Garoowe sida ( faroole oo ay ku wargeliyaan in Garoowe ay ka dhici doonto doorasha xiligeeda lagu balamay,u diyaar garow amni sugid abaabul guddi iyo kala duwan oo doorasha ka shaqeeya)
Haddii reer Garoowe ay la aragti yihiin Madaxweyne Faroole iyo muddo kororsigiisa qarda-jeexa ah , waxaa loo baahanyahay in la asteeyo magaladii kale ee lagu qaban lahaa doorashada Puntland 8/01/2013, iyadoo arintaasi ay mugdi gelin doonto inay Garoowe Caasimad usii ahaato reer Puntland oo laga tashan doono.
Waxaa kale oo lala yaaban yahay golihii waqtigoodu dhammaaday 31 October 2012 oo weli la leeyahay Shir ayey u fadhiyaan oo go,aano Sharci ah ayey soo saarayaan ( Halbooli ahi nirig xalaal ah ma dhasho)
Miyaanay ku jirin wax leh damiir dadnimo oo ka xishooda inay fariistaan fadhi aan jiritaan lahayn.
Sidaa daradeed waxaa dadweynaha reer Puntland lagu wargelinayaa in go,aan kasta oo ka dambeeyaey 30/10/2012 uu yahay wax kama jiraan ,Golaha xakuumaddana waxay jiritaan beelayaan 7 Jan 2013.
Waxaa lagama maarmaan ah in haddii Shacabka Reer Garoowe aysan u Muuqan kuwa diyaar u ah Doorashada in lagu qabto Caasimada Puntland in ay dhacayso in ay weydo jiritaanka Caasimadda Puntland.
Doorashada lagu qaban doono meel ka mid ah Puntland Caasimadna noqon doonta meeshii la isku raaco.
WABILLAAHI TOWFIIQ
By. Waxgarad
Axmed muse Kheyrdoon



kkkkkk kk adeer ninka waxaan so qoray waa qof wadani ahayn
adeet dalku sharci buu leeyahay ma ahan guri habari maamusho ee waxba shacabka ha gigilin
asc shacabka rer puntlanoow wxaaana nishegay inad tihin dad aan fikirkooda ama ra igooda aan cabirikarin wayo manta waxa adunka lagu horomaray wadamada calamka sida tunis libiya masar iwm waxad tihin dad ahan rayigooda an cabiri karin tasina shacabka rer puntlanoow waxay nii kaynasaa dhabar jab weyn oo puntland kusoo folle hadii an laga hortagin khatar puntland kusooo foole shacabka rer puntlandnoooooooow rayi yigina cabira oo shacab aya manta isbedel sameye isbedel sameya dagal wax materee wad aragteen waxyalahan kasoomarna ku darsasho waxan nii shegaya puntland badbaado ayye u bahanthay hadii an laga hortegin waxay keenaysaa puntlanad oo burbur horle ay sii siyadinaynaysa shacabka rer puntlandnooow ayihiina mustaqbal kan dhow iyo kan fog bad baadiya ayan nileeyhay shacabka rer puntlandnoow sida aay umuujiyeeeeeen shacabka rer qardhood waa dad maraksta utagan badbadada puntland oo raba inaysan puntland burburin shacabka rer puntlanow aragtidiina muujiya halaaga bilaabo bosaaso gabolka bari oo dhan gobolka karkaar oo ay hada kasocoto aababul ay cabirayan ra yigooda waana lobahanyhay waa in laga bilaaba goblka mudug qaybihisa kal duwan rer nugaledna wxan ushegya nin madax adega ayad garowe ku aysatena intusan nigaysan sharafdaro iska qabto ayan nileeyhay ALLOW puntland badbaadi
asc wr wb all reer putland doorasho dowlada putland diyaar uma aha dowlada hada jirta taas waxaa cadee naysa xisbiga uu furtay faroole marka siyaasiyiinta reer putland waa in ay shirbalaaran qabtaan dibada shirkaas oo ah sidee putland loo bad baadin karaa waa in lagu dhisaa xukuumad diyaarisa doorashada putland isimadana isu keyntaa isimada oo dooran doono golalaha cusub ee naarlamaanka putland si ay u doortaan xukuumada cusub putland 4 sano ee soo socota
Waa yaab saacadii aan fiiryo wargaaysatada Cismaan maxamuud waxaad ku arkaaysaa qoraal aad la yaabtid iyo sidii inaay iyagu yihiin kuwii aay ka go,aaysay talada PUNTLANd, waxaad moodaa dhuug waayo geedaha ma cuno dhuugo geelana uma ogola markii xukun loo dhiibi barqo cad ayeey ka cararayaan ama cidlay dhigayaan oo wax qabadkooda waa la arkay kii jaamac jaamac iyo kii cadde oo ka dambeeyey markaad eegtaan ka warama Faroole shacabka reer puntland idiinma ogola in aay talo idiin dhiibtaan haddii aad qabiil ku mucaaradaana qabiil ayaa lagu difaacayaa oo shalay Ceel afweeyn ayaa tagteen lkn maanta waa ka fogaanaaysaan hadaba caqli la imaadaa inta la idin ka xishoonayo .
Master Ali aabe lafahaaga la carar ku dheh, waqtigaagi laba bilood yaa kuu dhiman dheh, seeful Islam wax kuuma harin dheh, aabahaa waqti kororsi ayuu ka hadli jiray, tiibaa ku qabatey dheh aabahaa, yaan daaqadaha laydinka soo dhicin.
January 8th 2013 doorashada waxaan ku qaban Dangorayo.
way noqonaysaa kheyroow haddii aan reer Garoowe iska qaban Qooqaaga iyo caruurtiisa siday wax u wadaan, in caasumaddu noqon doonto Boosaaso oon dayacnay, meeshii berisamaadkii looga arimin jiray.
wiil yar oo iska hadlay dheh . adeer dadka reer puntland waa shacab xalaal ah waana isku mowqif faroole sanad ka dib waa tegaayaa puntlandna waa jireysaa ee cuqdada iyo marin habaabinta ka daa umada . duli fooqal duli
asc…..waa arrin lagama maarmaan ah in sanadkan cusub ay puntland hogan cusub hesho
hadii ay rer garowe diyar u nOQON wayan waxaa lo sheegayaa in laga maarmi karo waayo
wax dhaqaale ah oo yaala ma jiraan ha ayadahna wa laga soo wareejinayaa
marun kuma jiro in doorashadu dhacayso 8/1/13 hadii marka dowladu diyaarin waydo doorashada magaala kale waa lagu qaban Karaa doorashada. Markaa madaxwanaha la doorto yaa laga rabaa in uu caasumada geeyo Dowlada shacabkuna Dowlada cusub wuu taageerayaa