Damaca dariska & Damanaanta Soomaalidda !
October 6, 2012 // Faallooyin
Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee muddada 22-ka Sanno ah ku dhex nolaa dareenki Jabhaddihi hubaysnaa ee dalka Soomaaliya burburiyay dariskana ka soo duulaayayay u dooreen dadka Soomaaliyeed ayaa xilligaan maraaya mugdi galinta dalnimadda Soomaaliya , Dareenka maanta Soomaalidu la nooshahay ee ah waa kuwaas iyo waa kuweer waa barbaarinti Siyaasadi Qabyaaladaysnayd ee Jabhadduhu dadka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaga baabi,iyeen dawladnimadoodi , dhamaadkeeduna waa dariiqan hadda muuqda ee ah in ay Meesha ka baxdo dal Soomaaliya la dhaho hadaysan helin cid caymisa oo u istaagta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee dariskuna la doonayaan in ay dalkooda qaataan .
Qormadaydan Maanta ayaan ku eegi Damaca dariska & Damanaanta Soomaalidda ! Waxaan ku soo qaadan dhacdooyin xaqiiqi ah iyo hab dareen siyaasadeedka Soomaalidda ee qabyaaladaysan halka uu dhamaadkiisu yahay aragtidayda haddi sidaas ay ku socoto , rabitaanka dawladdaha dariska ee dhul iyo dad Soomaaliyeedna horay innooga haystay ee ku aaddan Soomaaliya oo aan Sawirro Garashadayda .
Hordhac.
Dawladdaha Dariska ee kala ah Ethiopia iyo Kenya waa labba dal oo Gumaysta dad iyo dhul Soomaaliyeed oo ay horay usiisay dawladda Britian ee gumaysan jirtay dhulka Qoowmiyadda Soomaalida qaybo ka mid ah , Xiligaan labaddaas dawladdood waxa uu damacoodu yahay siddi ay u qaadan lahaayeen guud ahaan dhulka la yiraahdo Xiligaan Jamhuuriyadda Soomaaliya .
Damacan dariska ayaa ah Mid soo jireen , Balse Siyaasadda ku dhisan in ay Meesha ka baxdo dal Soomaaliya la dhaho waxa uu bilowday kiisa hadda socdaa ee ay darisku wadaan xiligi dalka Soomaaliya ay Maamulaysay dawladdi uu hogaanka u yahay Maxamed Siyaad Barre AUN , Ka dib marki ay dawladdi Soomaaliya ee XKHS hogaanka u hayay ay isku dayday in ay xaqiijiso himiladda ah Soomaalidda wayn oo ay soo celiso dhulki Soomaaliyeed ee uu Gumaystuhu ku daray dalalka Kenya Iyo Ethiopia , Isku daygaas higsashada helidda Soomaalidda wayn dawladdi Soomaaliya ee xiligaas waxay u gashaay labba nooc oo kala ah in ay Siyaasad ku raadiso iyo in ay dagaal u gasho soo celinta dhulka Soomaaliyeed ee hoos jooga dalalka Dariska .
Ma aysan ku guulaysan dawladdi XKHS hogaanka u hayay in ay Soo celiso dhulalka ay innaga haystaan Ethiopia iyo Kenya ,Waxayna keentay isku daygaas dawladdi Soomaaliya in meel ka bixideedi 1991-di ay qayb ka noqoto arintaasu marki Ethiopia ay soo hubaysay hogaamiyayaal xil doon ah lanna nool xanuunka dhimirka aafada wayn u gaysta ee Qabyaaladda , bulshadi Jamhuuriyadda Soomaaliyana u kala qaybiyay koox odayeedyo .
Ethiopia iyo Soomaalidda waxaa ka dhaxaysa Tariikh colaadeed ku astaysan in Ethiopia sheegato dhulka Soomaalida sidoo kalena ay ku doodo in Soomaaliya oo dawlad adag yeelataa tahay dhibaato Ethiopia la soo gudboonaanaysa , Taariikh colaadeedkaas dheer ee innaga dhaxaysa Ethiopia ayaa ah mid ilaa hadda dadka Ethiopianku la nool yihiin ismana badasho siyaasada Ethiopia ee ku aaddan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Damaca dariska . Damaca dariska Ethiopia iyo Kenya waa mid aan ku qeexi karo kala qaybsashada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah in ay qaataan oo ay kala qaybsadaan Dhulka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Waxaa arintaan ku kalifaaya waxay ka fakarayaan labba arimood oo kala ah .
1: Haddii ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Soomaaliya ay helaan indheer-arag u istaaga aayaha Bulshada J/Soomaaliyeed oo ay u dhisaan dadkooda iyo dalkooda dawlad danahooda u adeegta, Waxay darisku sawirranayaan in Mustaqbalka ay dalka Soomaaliya dawladdiisa qabsan karaan Xisbi Siyaasaddeed aminsan Soomaalidda wayn oo u mari kara soo celintaas dhulka la innaga haysto hab Siyaasadeed iyo hab dagaal sidi uu sameeyay XKHS .
Door siyaasadeed dariska ee ku aadan dalkeena ee aan ku qeexay in ay Mustaqbalkaka cabsi ka qabaan koox Soomaaliyeed oo xaqiijisa Himiladda ah Soomaalidda wayn Ficilka kaga aaddan ee ay samaynayaan waa yaysanba Dawlad yeelan Soomaaliya si aaysan Mustaqbalka u dhicin dad Soomaaliyeed uu ku xiran Sooyaal taariikheedka ah dhulkayga isoo celi oo hogaanka J/Soomaaliya qabta.
Waxaa markaas iswaydiintu noqonaysaa dal dadkiisu aysan dawlad lahayn way dhibaatoonayaan , dariskana way gaaraysaa colaada ka aloosan dalkaas Sida Soomaaliya , Koox mabaadiideed Caalami ah dal aan dawlad lahayn waxay u arkayaan in ay ka faa,iidaystaan oo ay ku meel marsadaan aragtidooda mabda,eed, haday dawlad helaana Mustaqbalka waxa ka soo iftiimaaya in ay dhici karto raadinta dhulka maqan Markaas maxay darisku qorshayn ?
Waxay qorshayn aragtidayda in dalkaas haddu dawlad hello Mustaqbalka dhibaato ka imaan karto haduusan dawlad yeelana dhibaato ka imanaayso markaas in dal-nimadiisa meesha laga saaro ayuu noqon damaca darisku si ay uga hortagaan dhibaatooyinka uga imaan kara labbadda kolba waa dawlad la,aanta iyo dawlad helidda.
1: Qorshaha qatarta Mustaqbalka ee Soomaaliya ay ka arkaan Ethiopia iyo Kenya waxaa usii dheer in haddi ay dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya qaataan oo ay kala qaybsadaan ay helayaan dhul leh khayraad fara badan oo ay ka faa,iidaystaan ,isla markaana ka sameeyaan dhaqaale fara badan oo labaddaas dal Dhaqaalahooda kor u qaada .
Damanaanta Soomaalida:
Damaca Siyaasadeed ee dariska ma saarayo eedda waxay ka fakarayaan hogaamiyayaasha dalalkaas iyo indheer garadkoodu danaha dadkooda iyo dalalkooda , Eedda waxaa yeelanaaya dadka Soomaaliyeed waliba Hogaamiyayaal ku sheega kursiga ku doonaaya nooc kasta haday ahaan lahayd in cadoowga Soomaaliya lasoo garabsado oo la dhaho Madaxwayne-nimadayda darteed waan fulin awaamiirtiina.
Dadka Soomaaliyeed waa kuwo wakhtiba wakhtiga ka dambeeya usii nuglaanaaya damaca dariska waxaana sabab u ah ma arkin Indheer arag Soomaaliyeed oo isuggu yimi ka hadalka danaha dadkooda iyo dawladnimo u samaynteedda, Shirar waala qabtay balse kama soo bixin mabaadii dib usoo celinaysa dawlad-nimaddi 1991-ki ay innaga dumiyeen jabhaddihi qabyaaladaysanaa ee dalka Soomaaliya Burburiyay .
Soomaaliddu waa dad iyaggu isku mashquulsan oo is neceb , dareenkaan isnec-baansho ee ay Soomaaliddu la nool yihiin xiligaan waxaa sababtiisa ah Qabyaaladda oo gaartay heerka in dawladnimaddi lagu saleeyo qabyaalad oo la dhaho awood qaybsigu waa sidan [4.5] arintaas oo aan laga naawili karin dawlad-nimadda in lagu gaaro , Maadaama dawladnimadu ku dhisanto mabda wixi kaleetona sidda qabyaaladda dhamaadkoodu yahay dhibaato .
Xilliga :
Aragtida kasta dhacdo ayaa keenta ka hadalkeeda waxaan qormadaan u qoray Maanta waxaa ayaantaan hadalhaynteedu taagan tahay Magaaladda Kismaayo iyo guud ahaan Goboladda Jubbooyinka oo dhowaan ciidmada Kenya kala wareegeen ciidamadi Horay u maamulaayay ee Xarakadda Shabaab Al Mujaahidiin waloow ay Al shabaab ku Harsan yihiin qaybo ka mid ah Jubbooyinka .
Madaxwaynaha Soomaaliya ee dhowaan xilka qabtay waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay u samaynayso gobolladda dalka Soomaaliya maamulo , Halka shir ay ka fureen Igad Dalka kenya kaas oo la-leeyahay waxaa lagu soo dhisayaa Maamul u gaara gobolladda Jubbooyinka , Waxaa isna arintaas xaqiijiyay oo yiri Muqdisho Maamul loogama soo dhisaayo Jubboyinka Balse Nairobi ayaa ka dhursugaynaa in Maamul loogu soo sameeyo Jubbooyinka Afhayeenka Raaskambooniyiinta Kooxda la yiraahdo .
Arintaanu waxay cadaynaysaa in xiligaan ay Soo dhowaatay kolki ay Darisku qaadan lahaayeen qaybo ka mid ah dhulalka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana arintaas u sahlaaya oo xiligaan Soomaalidda dhankooda ah dhowr qodob oo ay ka mid yihiin .
1:Villa Soomaaliya oo aysan ka jirin Hannaan dawladdeed ku dhisan Mabaadii aanna laga filan karin meel marinta Siyaasad ku dhisan dib usoocelinta maamulitaanka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya . Arintaas waxaa cayn u ah Madaxwaynaha dalku Kooxda la shaqaynaysa waxa uu ku soo xulan 4.5 , koox isuggu timi awood qaybsi siyaasad qabyaaladdaysana ma ahaanayaan kuwo meel u wadda jahaysan aragtidana ka midaysan .
2: Nadaamka Federalism-ku waa mid u sahlaaya Dariska in ay Soomaaliddu dhibka ku sii jirto dhib ku sii jiridaas cilmaaraysa wayday ayaa fufudaynaysa in ay darisku qaataan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya , Sababta oo ah waxay Soomaalidda lanool dareenka qabyaaladdu isku qabsan Mamaulitaanka dhulka la leeyahay Waala Federal-leeyn , bulsho la nool dareen qabyaaladdeed Federal-ku ma ahan mid dhaqi kara waana caqab ka mid ah kuwa dhamaadka Dal Soomaaliya la dhaho sahlaaya .
Idlaayn :
Waxaan ku soo dhamayn hadday sidaan ku socoto ee ah Muqdisho Nairobi ayaa ka mudan danta Gobol kayaguna taal , Kuma noqonayno Muqdisho , Ciidamo Ajnabiya ayaa iska Soo galay iyagga oo ay wataan kooxo Gobol hebel leh waxayna usoo wateen in ay Alshabaabka ka xoreeyaan , Rwasaaraha ayaa taageeray Madaxwaynu waa diidan yahay !!! kol haday sidaas tahay waxaan dhowraa waa ama Dal Soomaaliya la dhahaa Meesha ka baxyay ama Cid caymisa helle Dadka ku dhaqan Jamhuuriyadda Soomaaliya .
Akhriste waxaa is waydiisaa maxay tahay Sababta Igad Maamul ugu samayn Goboladda Jubbuuyinka saw tanla yiri Jamhuuriyadda Soomaaliya dawlad Rasmi ah ayay heshay ? Kolka horese Igad ma oran karaa waa Urur cadoowgeenu ku adeegto ? Mise NFD dadka Soomaaliyeed ee dagan oo Kenya Gumaysto ayaa Jubbooyinka Koox dadeed ay isku oday aminsan yihiin dagan yihiin oo Soomaaliddaas ayaaba rabba in Jubboyinkana la hoos geeyo Kenya Maadaama Muqdisho ma rabno ay ka soo yeertay ?
Iswaydiintaada iyo ku dhaqaaqida aragtida iswaydiintaada ka dhalataa waa u Door dalkaaga !!
Links-ka Hoose Guji si aad u daalacado Qomadaydi Hore ee ahayd Maxuu yahay Ujeedka Ajnabigu .
Maxuu yahay ujeedka ajnabigu? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com Facebook: Halkaan Riix


