digg icon delicious icon

DANEYSIGA MADAXDA IYO TABAALAHA REER PUNTLAND

November 18, 2011   //   Opinion

DANEYSIGA
MADAXDA IYO TABAALAHA REER PUNTLAND

HORDHAC

Waxa is weydiin mudan cabashada iyo salluuga reer puntland oo sida joogtada ah u soo

noqnanaya ilaa maalintii la assaasay puntland Maxaa ka jira. ?( Intuu dubur hawd ka xulo Intuu bahalah dugsado ayuu qofku doonayaa dugaagu in aanuu cunin).hadraawi iyo daba
huwan.(waxaad isu doorataan si aad isu doorisaan). Hadraawi.xigmada ayaa ina sheegtay waana sida aynu maant nahay.

Waxa la yiri ummad walliba geedkay beerato ayey mirhiisa goosataa aynu is weydiino cidda aynu mar walba doorano oo xilkeena u idmanaa inay yihiin ama ahaayeen kuwii ku haboonaa ama ku filaa in ay xaladaan adag ee dalku ku suganyahay ina ka gudbiyaan. Haddaan in yar dib ugu laabano soo tiiladii waxa mudan in la xuso soomaaliya markay bur burtay ee dagaaladii qabiilku bilowdeen, goboladaan puntland waxa taladooda qabtay ama lagumaamulay hab maamul dhaqmeedkii soo jireenka ahaa ee isimada oo kaashanaya,waxgaradkooda,guurtidooda,cullimadooda,aqoonyahankooda gabdhahooda, dhalintooda.

waxay goboladaan kadifaaceen dagaaldii jabhadahawaxay ku guulaysteen in aan dadkaan wada dhashay sinba isu qoonsan,dagaalada iyo xabada maanta socdana warkoodaba daa.

Waxay isku hawleen khilaaf kasta oo yimaada in ay xal deg deg ah ka

garaan,waxa lays oran karaa waxay buxiyeen kaalintii dowlad ama maamul dhexe qaban lahaa.

Waxa gacantooda ku jirey oo aan marna ka bixin hubka qabaailka ,marka goobaha difaaca laga soo noqdo dib ayaa loogu soo cellin jiray gacanta isimada iyo odyaasha,lamana ogolayn wiil yar oo qori wata halka manta hubkii iyo ragii

isimada iyo odayaashu ku wareejeen maamuladii kala dambeeyey ee puntland iyo welliba hubkii laga gaday hantida umada ay yihiin ama noqdeen in qabaailku isu adeegsado.

 In ururada xag jirka ahi helaan dayaciisa kunalayaan ama ku beegsadaan waxku oolka dadka ,waa hubka dhalinyarada badda ku
dhamaatay damaca geliyey ee  ka dhigay burcada badeeda.Isimada iyo odyaashu tallada ayey dadka wax ka siin jiraan waxaana laysku raaci jirey  hadba talada
munaasibka ah.

waxay dhex joogeen dadka ayaga mar walba u feeyig dhibta la soo sheego siday u xalin

lahayeen.waxa kale oo eey ku guuleysteen dhismihii Puntland 1998.

Hadaba madaxdii bedeshey Ma la arki karaa?! In lala taliyo daaye iyagu ma wada tashadaan?.Ma

ogyihiin mase qiyaasi karaan xaaladu manta siday tahay iyo1998 sidey aheyd mise
cuno iyo dilaal bay ku foororaan?.

Hadaba siday doonto ha ahaato waxay rabaana ha ku mashquuleene waxy ila tahay in aan waxaba

laga sugin ee la tashahado oo laga baxo meehanowga iyo wax ka sugida cid aan
kuu maqnayn.Ee waa in shirweynhii 1998 oo kale dib loo iclaamiyo ,oo laga tashadaa gobolada maqan ee la qabsaday.

Gobolada markii ay wayeen dowlladii la wada dhistay goostay iyo  gobolada kale ee uu kujiro guuxa gooni isu taaga.

Haddaan shirweyne laysugu iman oo aan tashi guud dhicin oo wax la waddago la dhisan Puntland ma jirayso ninkii yiraahdaa ma danbaabin,kumana babaadi karto 66 xubnoond ee baarlmaanka sida dadka badankii qabo,suurta galna ma aha in laga dhur sugo (PEC) iyo been beenta,ee halaga tashado sidii shir weyne loo qaban lahaa.

(La soco qiimeynta khaladaadkii Sadexdii Maamul ee iska dambeeyey ee Puntland)

Qore: Nuur Cali Cabdullahi

seylaan01@gmail.com

seylaan01@live.com

RSSComments (0)

Leave a Reply