Danjire Maxame Cali Ameerico iyo Danjiraha Cusub ee Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho [Sawiro]

January 23, 2013   //   Warar Somaali

Arbaco, January 23, 2013—-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Ameerico ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde isagoo horkacayay wafti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.

IMG_8855

Waftigaan ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha cusub oo Kenya u soo magacowday Soomaaliya MudaneJosphat Maikara oo maanata la qorshaynayo inuu warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo u gudbiyo Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud .

IMG_8886Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Americo oo saxaafada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga ku nool caasimada Kenya ee Nairobi iyo dadaalo badan oo ay samaysay safaaradda  Soomaaliya oo ku aadan sidii Qaxootigaas u heli lahaayeen xuquudda ay helaan dadka Kenyaanka ah.

“Waxaan dadaal u galnay sidii aan dowladda Kenya uga dhaadhicin lahayn inay ka dayso qasab ku rarida dadka Qaxootiga ah ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana arrinkaas nagala shaqeeyey hay’ada Qaxootiga ee (UNHCR) waana nalaga aqbaly arrinkaas, waxaana dadka Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay ilaaliyaan sharciga iyo Amniga dalka Kenya kalana shaqeeyaan dowladda sidii ay isaga dhex qaban lahaayeen kuwa carqaladaynaya nabad ku wada noolanshaha bulshooyinka ku dhaqan dalka Kenya” ayuu yiri Mudane Americo oo dhanka kalana sheegay in dowlada Kenya iyo Soomaaliya uu u bilaabanayo xiriir siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid lagu xaqiijinayo Amniga gobolka madaama maanta Danjiraha cusub ee Kenya uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbinayo Madaxweynaha Soomaaliya.

download

Ugu danbayntii Danjiraha cusub ee Dowladda Kenya u soo Magacowday Soomaaliya Mudane Josphat Maikara ayaa sheegay in xariir wanaagsan uu markasta ka dhexeeyo labada waddan, hadana la sii xoojinayo markii si rasmi ah safaaradeenu dhawaan uga howlgasho magaalada Moqdisho. Waxaana labada dal  ka dhexeyaa xiriir ganacsi oo aad u balaaran.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Kulmis 1 says:

    Faroole iyo Cali ameerico waa laba oo welito raba inaay wax xadaan ayago loo jeedo?

Leave a Reply