Deg deg: Halgamaa Ladane Saalax Dayr oo kugeeriyooday degmada Carmo

February 13, 2013   //   Warar Somaali

AUN waxaa saaka ku geeriyooday degmada Carmo ee gobolka Bari halgamaa Ladane Saalax Dayr oo ahaan jiray xoghayihii kooxdii dhalinyarada ee asaaska xoriyada Soomaaliya ee SYL.

Madaxwaynaha Puntland oo booqday Ladane 29,Nov,2012

Madaxwaynaha Puntland oo booqday Ladane 29,Nov,2012

Ladane oo da’diisu ahayd 95-sano jir ayaa ku dhashay magalaada Gaalkacyo 1918 -kii waxaa uu xubin firfircoon ku lahaa aasaaskii iyo xornimadii Soomaaliya ay qaadatay muddo 60-sano laga joogo.

Waxaa marxuumka uu ku noolaa degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo maalinta berito sida ay inoo xaqiijiyeen ehalada marxuumka oo aan la hadalnay.

Faahfaahinta oo dhamaystiran iyo taaariiqdii uu lahaa Ladane Saalax Dayr dib ayaan kasoo daabacaynaa

 

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Abdunaasir Jamac Warsame Islaam says:

    Acww

    Adeer Ladane oo aan Qaahira ku bartay waxa uu ahaa nin miisaaman oo khayr jecel iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan,

    Ilaahay waxa aan uga baryeynaa jannatul Firdawsa eheladii uu ka gooriyoodayna samir iyo imaan ha ka siiyo.

  2. Abdirashid Said says:

    Innaa Lillah wa inna ilayho raajicuun
    ALAHAYOW U NAXARIIISO LADANE IUO UMMADDA ISLAAMKA OO IDIL
    TAARIIKH WANAAGSAN YAUU lahaa Ladane waxaanna ka xusayaa lm MMGaalkacyo aan ka maqlay Ladane markii uu ka qaxay ayaan Anna kategey oo uula jeedo soda ladane uu u ahaa nin waddanka jecel
    Samir iyo iimsan Allah ha ka siiyo reerkiisa, Somalida iyo ummada muslimiinta idil

  3. Yusuf Osnan says:

    Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
    Ilaahay ha u naxariisto Halgame Mohamed Salax Ladane.
    Intii uu dhalay iyo ehelkiisa Ilaahay ha ka samir siiyo aamiin.
    Qore
    Yuusuf Osman

  4. haaboon karkar says:

    ina inahi rajacun illahow u naxariiso qabrigana u nuur janadi fardowsona dhaxalsi dhaamaan umaada reer putnlad samir iyo imaan hanagaa wadasiiyo waa laawada dhiimaanaya ee qof ba waa maalin tiisa illahow naxariis baan ku wediisanay amiin amiin amiin yaa raabii

  5. Abdulkadir farax Bashane M.Vic Australia says:

    Alle waxaan uga baryaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo,marxuum ladane saalax deer,su’aashana qabrigana Alle u fududeeyo,Ehelkiisu meel aay joogaan iyo shicib waaynaha reer Puntland dhamaan Alle naga wada siiyo samir iyo imaan,faraciisana ka sood dhexsaaro, mid jidkisii wanaagsanaa Ummadda ugu yeero Aamiin Aamiin Aamiin.

  6. inaalilaahi waa inaalillah rajicuun
    alaah haw naxariisto abti ladane salaax dayr
    inagana samir iyo iimaan aamiin
    uk london

  7. Abdinasir Abas Nur says:

    Innaa lilaahi wa inaalilaahi raajicuun, Awoowe ladane wuxuu ka mid ahaa raggii curiyey freedom ka aan kunaaloonayno maanta. Illaah waxaan uga baryayaa inuu hoy uga dhigo janadiii fardowsa qabrigana unuuriyo. Aaaamin aamin.. Eheladiisa iyo umada soomaaliyeedna samir iyo iiman illaah haynagasiiyo.

  8. Awowgey ladane ala ya arxama dhaan rer salaax iyo rer dhore cadcad samir iyo imaaaan alaha kasiyo. Geridan saka aad ban oga naxay awowgey an waligay nasib uyelan ina arko aya geryoday ilahay aya ubaryaya

Leave a Reply