Deg deg: Weerar Ismiidaamin ah oo kadhacay magaalada Gaalkacyo
February 11, 2013 // Warar SomaaliWeerar ismiidaamin ah ayaa maanta kadhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, qaraxa oo uu gaystay qof watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa ayaa lala eegtay gaari uu watay taliye kuxigeenka ciidamada booliska Puntland Gen Muxidiin Axmed Muuse.
Qaraxa ayaa kadhacay goob siweyn dadku ay ugu badanyihiin oo u dhow saldhigga bilayska ee Gaalkacyo.
Waxaa jira khasaar dhaawaca dad shacab u badan oo qaraxa uu dhaliyay.
Taliye kuxigeenka booliska Muxidiin Axmed Muuse ayaa dhaawac uu kasoo gaaray qaraxan.
Ciidamada amaanka ee dowladda Puntland ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey magaalada Gaalkacyo ka waday howlgallo amaanka lagu sugayo iyadoo dad ka badan 200- oo qof lagu soo qabtay howlgalada.
Waa qaraxii ugu horeeyey ee ismiidaamin loo adeegsado oo lagu qaado masuul katirsan Puntland, qaraxan ayaa sidoo kale noqonaya kii labaad ee ismiidaamin ah oo kadhaca Gaalkacyo weerarkii kan kahoreeyey ee ismiidaaminta ahaa ayaa koonfurta magaalada lagu qaaday guriga Gen. Cabdi Qaybdiid bishii June ee sanadkii 2012. kaasi oo ilaaladiis qaarkood ay ku dhinteen.
Puntland-News24



Reer galkacayo nabad ayay ku noolaayen,maxaa keenay qaraxyada waxaa inoo cad in malesheyed beledyada faroole aay iyagu mas’uul ka yihiin webka al-shabaabna isticmaale faroole iyo wiilkiisu sidii hadda ka horba dhacday,oo ay ula hadleen jaamac cabdi salaam,isaguna la hadlay Cali dheere waxaan puntland ka socda waxaa ka danbeeya faroole iyo wiilashiisa yaan been laysu sheegin ,Reer galkacayana waxaan leeyahay nabadiina ilaashad kana fejignaada wiilkaan is qarxinaaya
reer galkacayo ama laay dooray ama daadku idin qaad,maxaa iga galay Puntland KKKKK
Reer galkacyo rali ahada wararkii hore waxay shegeen in dadku dhintey hadan cidiku dhiman waa ilahayd mahadii ilahey ha cafiyo kuwa kufaneynaya ilahay akhiro iyo aduunkaba haku ciqaabo
Aad ayaan uga xumahay ilahay ha unaxariisto dadka shacabka ee kudhintey taliyahana ilahay ha cafiyo reer gaalkacyo waxan idinka codsanaya inad dhamantiin iskuduubnataan oo aad foojignataan oo aad lashaqaysaan ciidamadiina walalayal dadka cadowga ah umidooba qofkasta waa inuu sida ciidamada sirdoon waa inuu ushaqeyaa guul iyo nabad galyo ayaan idin rajeynaya walalayal