Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guulaystay Xilka Madaxtinimada Somalia lana dhaariyey

September 10, 2012   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw loo dhaariyay jagada Madaxweyne ee Soomaaliya kadib markii uu caawa kaga guuleestay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Abuu kaate Ceydiid ilko Xanaf ayaana dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya afarta Sano ee Soo socota Hogaanka Dalka sheyn doono Prof Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhaarta kadib ayuuna Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Khudbad kooban ka jeediyay Madasha Doorashada waxa uuna u mahad celiyay Xildhibaanadii doortay iyo kuwii aan dooran.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya waxa uuna u hambalyeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed aqbalaada Quruxda badan uu sameeyay markii laga guuleestay isagoona ku tilmaamy Hogaamiye Geesi ah Wax badan Dalka u qabaty..

‘’Waan u mahad celinaya Sheekh shariif Waana Saaxiibkaygii shalay Saaxiibkayga Maanta iyo mida berito waana Hogaamiye wax badan Dalka u qabtay wax badan intii uu Hogaanka dalka hayay waana ku amaanayaa ‘’ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Cusub ayaan ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan ka codsaday in ay gacan siiyaan Dowladiisa Cusub ee Soomaaliya wax badana uu dalka u qaban doono.

Xasan Sheekh wuxuu ku guuleystay cod aqlabiyad ah oo gaaraya 190 cod halka Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Aaden uu dhaafi kari waayey 79 cod.

COMMENTS

RSSComments (16)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Gacaliye. says:

    muqdisho boy,
    we got a retatively unspoiled young president,so shut up and get a new persptive in your life!

  2. Gacaliye. says:

    Warsame,
    waxaad tahay cawaan garac ah oo aan Somalinimo shuqul ku la hayn,
    Isoo sheeg meeshad ku noo sha ahay, si aan kuugu soo diro Xaarka aad mutaysatay!
    Sda ina Godane oo kale!

  3. Dr abdiwali gaas shaqadi uqabatay la ilabimayo. Dr gaas iyo waziradisa aya gushaan kenen in manta goboladi dhaan ay gacanta dowlada sogasho wa. Wazirka gashandhiga xusen carab ciise aya. Gushas leh dr gaas wa xusi dona hadanunahay shacabka muqdisho kudhaqan marka jamaal iyo farax wa bugtaaan. Shacabka puntland mamatashaaan ee hais cebeninaaaa. Mesha qablayada kala baxaaa somali markaan wa tashatay. Dorashadana wa nasiib ee qabiil mahan ninka xalay helay qabiil ama lacak kumuhelin ee nasiibka saciday wlh isaga xita mufilen inu helayo kursiga. Marka 4 ta sano ookale isha allaah nin puntland ka sojeda ino qabanayo isha allaaah si cadalad ah aye udhace. Dorashada dambe marka walalyaloow calosha inofuraaaa oo midnimo anu ka hadalno hadanahay dhalinyarada somaliyeed dantena dagaal ama cay kumajirto ee hormar anka shaqeno dalku wa qerad badanyahay.

  4. To jamaal and faarax labadinaba shacabka. Tariiqda dheer leh ee puntland mamatashaaan 2 daciif ah oo shegato ah ba tihiin wale qof caqli leh ooo. Dhakadka puntland saan umahadlaaan ee alaha in cebeye umada fidnada iyo cayda kala dhexbaxa 2 jahil batihiin oon waligod wax baran oon tuladi ay kudhasheen mel udhafiiin adder xamar ama muqdisho meeel somali oo dhaan ay wada ledahay weye ciid gooni uleh majiro wixi 1991ki dhacayna 22 sana kaso waregatay. Wana la ilabay taaad dadkii. Xasuqa lo gestay oo. Sida xuun logalay wa besha marxuun siyad bare iyakina manta saan uma hadlaan oo wixi fosha xuma way ilabeen marka sxbyaaal somali wa dad wada dhashay wa dad 1 famil ah wa dad isjecel marka xamar ada leh. Xaq bauledahay ina xamar kunolato ama kaganacsato ama wax kubarato wa casimadadi ana. Bosaso ama garoowe wan kunolankaraaa wa degaankaygi wa dalkaygi somalia marka 2 badina wa bugtane isaso dawena mahaca besha sharafta iyo tariqda leh magaceda ha sheganina puntland. Wa dad tariiq leh oo somalinimo jecel any way guuul somaliweyyyn isha alllah

  5. faarax says:

    jamaal aniga ayaa kuugu raacsan fikradaada ninkaan wuxuu yahay manaqaano waxaan hambalyo udirayaa cabdiwali oo soomaliya ka dhigay federal waa inaan gurigeena dhisanaa wax xamar nooga jiro ayaa iska yar 1991 wixii dhacay malailoowi karo dadkaan xukunka qabsadey mala aamini karo jamaal waxaa tahay nin meel dheer wax ka arkay inaan ku dagdagno ma aha hablyadiisa ninkaan waa inaan fiirino marka hore puntland waxaan urajeynayaa madaweyno fiican sanadka dambe guul puntland

  6. Gacaliye. says:

    Guul dadka somaliyeed oo dhan. Go Somali president go,
    waxaad haystaa fursad fiican oo somali oo dhani ayka qayb qaadan doonto!
    Guul dalkeena hooyo!
    Guul Somaliweyn!
    Rag waa kii kufa oo hadana kaca!
    Let us get our rich country on its feet. we, Somalis became the black sheep and the beggars of the world, it hearts me and sure you too!
    Our president, we need Somali people with focus and vision on ALL Somalis best.

    Mr.president, help us ALL SOMALIS to be proud of being SOMALIS again, we do the job and you do the leadship ilah idanki!

  7. Dadka magaca qabiilka carabka marinayoow maad kadaysan xaalka sida aadju wadaan qabyaalad iyo nacayb reerood waa mida dowladnimadii soomaaliyeed ceelka dheer ku ridee maad midnimo iyo ka hadashaal waxsan oo dadka wax ugu yaal mise xaalkiinu waa jaantaa rogan oo xishood iyo alle kacabsi iyo in maantay ladoono wanaag iyo wax isu sheemidna madareen sanidin miyaa sidaas xaalka kadaaya oo alle halaga cabsado waxsan sheega oo dadka isu soodhaweeya by suldan

  8. Ninka jamal isku magacaabay adeer waxba ma aad sheegin eh waad iska ciday dalkaani maantay uma baahna colaad iyo qabyaalad illa oo aan hadaf iyo mabda midna lahayn 21sano ayaa dalkaani dhibku jiray oo burburkiisii beesha caalamku iyo dadka soomaaliyeedba xal uwaayeen marka hadii maantay alle usuuro galiyey ciidoodii hooyo in ay madax wayne kudoortaan dadka soomaaliyeed si xor ah oo cadaalad ah waa in lataageero oo la raaco ma aha wax walba in lasharaysto oo laga hor dhoco ama waxkasheeg lala dagdago oo dadka wax aan jirin ama aan muuqan luugu bahalo galiyo dhanka kaleeto oo aad tiri waad aragtaan gaas meesha ladhigay ama loogatagay adeer gaas waa muwaadin somaliyeed mana ahayn nin qabiil ama qabyaaladeed haduu helana waa helay haduu wayana xumaan maqabo oo magac iyo maamuus ayuu maantay somali ku dhex leeyahay eh adu hadeer haka dhigin nin la xumeeyey oo madasha wax loogu dhimay dhanka faroole iyo dowladiisa aad waxka sheegtana adeer dowlad dhab ah oo muuqata oo waxqabanaysa faroole ka hor xagaad ku haysay iyadaa waxkaa dhigtay eh oo caalamka ku bartay eh sowtaynu ogay oo siyaasad ila oo aan dhaafin itoobiya iyo keenya aynu ku war wareegi jirnay goormaad faroole kahor aqalka cad ee maraykanka tagijirtay qodbadna ka jeedin jirtay ama london iyo istanbul iyo hidiya talyaaniga iyo caalamka tagijirtay nin yarbaa tahaye oo iska xamaasaysan eh adeer dadki caaye iyo dalkii caayaba way duloobaane iska daa dadka waxka sheegiisa mahadsanidin alle abshirtay iyo wanaaga hayna waafajiyo mar walba iyo goor walba aamiin aamiin aamiiin

  9. Qaasim says:

    @jamaal jaahil baa tahay inta adigoo kale nagu dhex jiro puntland iyo somalia horumar ma gaareeyso maxaa yeelay wax walbo adigaa isku rabo waata soomaali oo dhan na nacday dhulbahante markii cllaahi yusuf madaxweyne loo doortay kan puntland maxaa loogu diiday kismaayo maxaa daaroodka dhan noo nacay ogaden iyo mareexan cllaahi yusuf xilkiiso dhamaan xamar maxaa looga soo eryay waa wax walbo anagaa isku rabno hadaa caqligaas ku socono majeerteen hadaa nahay waa dabar go’eeynaa qolo majeerteen la dhaho ayaa jirtay lagu sheekeeysanaa

  10. To jamaaal adeer wa bugta ee alaha ku cafiyo. Ninka hada la dortay wa nin aqoon buxda leh oo fresh ah maha nin sida shariif musuq masuq yaqan marka ninkaaan kalsonida barlaamanka ayu helay 190 ruux oo barlaamanka somaliyeed ah ba codkoda siyeen. Belkasta oo somaliyeed xubnihi matalayay ba dorteen marka ninkan qabiil aama qabyalad tona laguma doraan taas ogow aqontisa iyo wanagisa lagu dortay. Marka adeer cuqdada iska dr gaas cid ku dheshay majirto ee ninwalba nasibkisu sugayay waxa. Shala lala dahgay wa sh shariif. Oo la. Cebeyay. Marka walalow wixi xala mesha ka dhacay si cadalad ah oo an musuq masuq laheen be u dhacday marka ilahay kabaq umada rer puntland magacoda haku hadlin wa dad somaliyeeed oo nabada iyo somaliniamada jecel marka hambalyo aya leyahay dr gaas na wa raisul wasaraheni hore. Shaqadu umada somaliyed uso qabtayna wa mid lama ilabaaaan ah marka sxbow sidi qof weyn uhadal saan dumarka uhadlaneeee any way all somali weyn guuul ayaleyahay puntland na. Dorasho xalala ah oo xor ah urajena ine ka dhacdo markaan wa in la badalada madaxdi hoore oo dhaan all new. Guuuul somaliyeeeey

  11. abdul says:

    anikoo ah reer puntland waxaan aad u ku faraxsanahay doorashada iyo madaxweeyeneheeyna soomaliyeed.

    soomaliyeey mid ogaada. ninka hada ladoortay waa nin aqoon fiican leh somalinimo ka muuqato. hala shaqeeyo somalileyeey aan ka shaqeeyno mustaqbalkeena iyo dalkeena hooyo.

    somalia ha noolato

  12. BILLE says:

    @jamaal.
    Majeerteen asaga yaa isdhigay meesha uu yaalo
    waana wax aanu sugeynay in ay sidaa ku dhamaato
    rajadii aad ka laheydeen doorashada madaxweynaha somalia & iyo rajo danbe in aad madax ka noqotaan somalia,waayo nin waalan baad
    horseed ka dhigateen oo la yidhaahdo faroole aan siyaasad aduun meelna ka soo galin,
    waa loo baahnaa in la idin tuso magacan beenta ah oo aad ku faantaan ee ah majeerteen
    in aadan meelna gaarsiin karin idinka oo aan wadan DAAROOD WEYNE,bal waxaad rabtaan intaad
    DHULBAHANTE isaaq u soo raacdaan in aad DAROOD ka heshaan wanaag iyo in la idinka dhigo musharax DAROOD,garan meyno in waali idiin geysay iyo in sida dhab idinka tahay.
    DAROOD isku raac in meel wanaagsan la idinka soo haro,waxaa kale la isku raacay in DHULBAHANTE la idin tuso in uu heysto musharaxa DAROOD ee raisal wasaaraha,waano qaata hoos taga DAROOD ayaga yaad wax ku eheydeen,hadii kale isku tashta oo abdiwali oo miiran la imaada.

  13. Warsame says:

    Dhabayacooy Puntland Daarood iyo Harti oo dhan baa dhisay fursadana iyagaa idinsiiyay aad ku gorgortamayseen laakiin markii aaddadkii maamulka idinla lahaa aad ku xadgudubteen idinkuna inaydaa waxba noqonahay ogaada KKKKKKKKKKKKK eersada afwaliije waydinkii dadka ka qaban waayay ee uu dhiiqada walaaqayayee KKKKKKKKKKKKK weligiin fursadii idin isoomartay ee aad haysan aqoon waydeen dib idiin soo mari mayso daroodna idinka tashay cid kalana heli maysaan ee halkaa ka baroorta weligiin bah kas yareey idinkaa jeel isku ridayee KKKKKKKK WALee kama naxo.

  14. Puntland wa dad nabada jecel oo somali aha nint walbo o somali dan u hayo wey so dhowene kan dan u heyna we ka tashata sidi hore logu barte

  15. Xuurka Qardho says:

    I have NEVER heard of madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federalka Somalia: Xasan sh. Maxamud, which is a GOOD thing. Somalis need NEW page, NEW prospect, NEW parliament, NEW politics, NEW prime minister and NEW president to have lasting Peace and to achieve Progress in country torn into pieces. He is young, he has vision, he has been chosen and he is the opportunity ALL Somalis where waiting for. Lets support us by supporting him. our country needs us today. When the elections started, I promised to support any man or woman that is chosen who mean good for the country and its people. Aloow noo kori dawladeena cusub. We all have chance to be Madaxweyne and see what you do when its your turn!

  16. Jamaal says:

    Asc Wr Wb. Dhamaan shacabka Puntland Iyo Webka Puntlandnews24. Waxaa aniggu ila tahay waxaa halkaa dhigey siyaasada Puntland Ninkaa Faroole oo ah nin aan siyaasada waxba ka aqoon. Dastuurkii Garoowe1,2 iyo Gaalkacya baa llacagtii Puntland la geliyey haddana meel cidlaa waxaa halkaa ka qaatey nin aan aqoon laheyn. Waxaa ku talin lahaa shacabka Puntland in la doorto a new President will change Faroole oo ah ninka siyaasada Puntland ku cayaarey. Waxaa kaloo soo jeedin inaan lagu degdegin taagerida ninkaan ilaa si gaar ah laisaga eego waxaa uu yahay ninkaa. Waad aragteen sida loola dhaqmey Dr Gaas waxaa dagaal culus ku qaadey sh sheriif iyo sh sheriif sakiin marka maxaa la taageera dawladba ma jirta. ninkaan la faaninaayaa maxaakimiinta ayuu ku jirey yaan lagu degdegina taageerista. asc wr wb

Leave a Reply