digg icon delicious icon

Deg Deg:Dagaal saaka ka bilaawday duleedka degmada Buuhoodle

February 8, 2012   //   Warar Somaali

Wararka saaka naga soo gaaraya gobolka Cayn ayaa sheegaya inuu saaka uu dagaal xoogan uu ka bilowday deegaanka Sool-joogto oo 25 km u jirta degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo dad deegaanka Buuhoodle ayaa lasoo sheegayaa in la isku adeegsanayo hubka culculus iyo kuwa fudud.

Wariye Cali Dhegjar oo ah wariye madaxbanaan oo ku sugan degmada Buuhoodle ayaa inoo xaqijiyay dagaalka saaka bilowday inay jiraan sadex gaari oo ay kula soo wareegeen ciidamada deegaanka Buuhoodle.

Macadda khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay dagaalka saaka ka bilowday deegaanka Sool-joogto ee gobolka Cayn.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan maamul loogu magacdaray Khaatumo State looga dhawaaqay degmada Taleex kaasi oo la sheegay inuu si ka madaxbnaan Puntland iyo Somaliland uga howgali doono gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo ay labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ku murunsanyihiin.

Wixii kasoo kordha dib ayaan idiinka sheegi doonaa

Puntlandnews24

Garoowe

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. borama says:

    budhcad badeedii ayaa marba magac la baxaysa hadayse u darnayen o khatuum seeg labaxeen markay SSC shaqayn wayday.waa idinkaa seegay khaatumadii e ka gurta s/land o dawladii barigaa Africa ugu waynayd riday ee Af-wayne ayay maanta budhcad yari marba soo hadalysaawalahay in khariiradaba laydinka saari ilayn xamarna waji idinma yaale

  2. dagaalkaa saaka aad ayaanu uga xunahay in ciidanka siiraanyo uu fidno ka abuuro dad walaalo ah oo wada dhashay

  3. midnimo says:

    somalaa waad is taqaanaa lakin iskumaa fiirsatiid dexdiinaa walaal

    somalaa dardaraan duriyeed dhab’aa igaa hooy

    somaliddid ku wa wallaltinimo diid waa nolol diid wa nabadiid.

    Somaliddid ku waa’anii kaligey hanoolado wa anii kaligey ha fa’iido wa anii kaligey.

    somaliddid ku waa anii idorbid adiguna igaadanbey.

    somalaa walaal isku fiirsadaa oo dinaac ka maraa nolool diidka wa igaa dardaraan

    wa bilaahi towfiiq

    .

Leave a Reply