Deg-Deg:Markab Shidaal saarnaa oo dab uu ku qabsaday dekedda Boosaso
August 23, 2012 // Warar SomaaliWaxaa galabta dekedda magaalada Boosaso uu dab ku qabsaday markab nooca shidaalka qaada oo ku xirnaa dekedda wayn ee magaalada Bosaso.
Dabkan lama cadayn qaabka uu ku biloowday hasse ahaatee waxaa markabka uu ku ciladaysnaa maalmihii ugu dambeeyay gudaha dekedda magaalada Bosaso.
Ilaalada gaarka ah ee dekedda Bosaso ayaa ku guulaystay markab inay ka qaadaan goobta uu dabku ku qabsday oo ahayd dekedda magaalada Bosaso, si looga fogaado waxyeello dekedda iyo qalabka yaalla kasoo gaari kara gubashada markabka shidaal.
Masuuliyiinta Puntland iyo ganacsada shidaalka uu u rarnaa weli kama aysan hadlin gubashada markabka shidaal sababaha dhaliyay.
WEixii warar ah ee dabka kasoo kordha iyo sawiraduba waxaan idiin soo bandhigaynaa saacadaha soo socda
Puntland-News24
Boosaso.



faroole baa ka danbaya
Arrintani ma aha wax la iska indha tiri karo waxayna u egtahay qof markabka saarnaa inuu dabkaan ka danbeeyey, waa in la baaraa oo dadkii markabka saarnaa la wada waraystaa si loo ogaado qofkaas xaasidnimadu ka buuxdo ee arrinkan ka danbeeyey.