Dhagayso:Musharax Eng Maxamed Axmed Saalax oo soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed
July 16, 2012 // Warar SomaaliEng Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan doorashada madaxwaynaha Soomaaliya marka la gaaro bisha August ayaa sharaxay barnaamijkiisa siyaasadeed hadii uu ku guulaysto doorashada uuna noqdo madaxwaynaha dalka Soomaaliya.
Musharaxa ayaa kulan uu kula yeeshay magaalada Boosaaso shacabka,siyaasiyiinta,issimada iyo culimaa’udiinka deegaanada Puntland qaarkood ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo doonaya inuu dalka Soomaaliya uu kasaaro dhibaatooyinka ka jira.
Waxaa uu cadeeyay Soomaliya inay haysato aqoonyahano,dhaqaalle iyo dal baaxadwayn uuna rajaynayo isagoo kaashanaya dadkiisa Soomaaliyeed ee aqoonta leh inuu dalka uu dib u dhiso, iyadoo laga maarmaayo kutiirsanaanta gacmo shisheeye, sida uu tilmaamay Eng Maxamed Axmed Saalax.
Sidoo kalle waxaa uu xoosta ka xariiqay inuu ahmiyad gaar ah siin doono Gaashaandhigga,waxbarshada, cadaaladda iyo dhaqaallaha.
Halkan hoose ka dhagayso Khudbadda Musharax Eng Maxamed Axmed Saalax oo dhamaystiran.



Mudane madaxweyne Guul iyo Mustaqbal wanagsan ban ku rajeyn alle hakula garab galo somalia da,yar adigo kale oo aqonleh bay u bahan tahay tnanks