Dhahar: 50-qof oo caano ay cabeen ku xanuunsaday
July 15, 2012 // Warar Somaali
50-qof oo ka mid ah dadka deegaanka Baraagaha qol ee katirsan degmada Dhahar ayaa la dhigay isbitaalo ku yaala degmooyinka Dhahar iyo Qardho kadib markii uusoo wajahay xanuuno.
Dr Aadan Axmed Cali oo kamid ah dhakhaatiirta ka howlgala degmada Baraagaha Qol ayaa sheegaya in dadkan ay ku sumoobayn caano ay cabeen, qaarkoodna ay xaaladooda caafimaad ay halis tahay, isagoo sidoo kalena tilmaamay inay aad uyaryihiin adeegyada caafimaadka ee cusbitaalka deegaanka Qol oo ay dadku ku sumoobeen.
Dr Aadan ayaa waxa uu xusay inaysan jirin ilaa iyo haatan wax gurmad oo cusbitaalka lasoo gaarsiiyey, waxaana uu ugu baaqay maamulka Puntland iyo hay’adaha gargaarka inay lasoo gaaraan gurmad deg deg ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka dhibaateysan.
Gudoomiyaha gobolka Karkaar C/quraan Maxamed Aadan ayaa ugu sheegay warbaahinta degmada Qardho shacabka in looga baahanyahay dadkan xanuunsan inay gurmad ay u fidiyaan, iyadoo dhaqaatiirta qaarkood ay sheegeen dadka xanuunsan qaarkood caanaha ay cabeen darteed inay ku miyir beeleen.
Dadka deegaanka ayaa rumaysan caanaha ay dadkan ku sumoobeen arimo nadaafad xummo oo ka dhashay caagadaha caanaha lagu iibinayay.
Aamino Ladan Ahmed Ali.
Boosaso.


