Dhalinyarada Puntland Oo Dr. Faroole Uga Digay Inuu Sharciga Hareer-Maro [BAYAAN]
October 12, 2012 // Warar Somaali12/10/2012
Ku: Dawladda J.F. Soomaaliya
Ku: Isimada, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Dadwaynaha reer Puntland
Ku: Saxaafadda Xorta ah
Ku: Hay’adda Inter-peace
Ku: Hay’adda PDRC
Ku: Ururada Caalimiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee fadhigoodu yahay Puntland.
Ujeeddo: Bayaan Ay Soo Saareen Dhalinyarada Degmooyinka
Waaciye, Rako, Ufayn, Baargaal, Caluula Iyo Bosaso
Ka dib burburkii Somalia, waaxaa kulan wada tashi ah isugu yimi dhammaan isimada,aqoonyahannada iyo indheergaradka kala duwan ee gobolada woqooyi bari. Waxayna ka arinsanayeen mustaqbalka iyo aayaha danbe ee deeganada ay u hayb iyo nasab sheegtaan.
Eebbe wayne mahadiis, fikradaasi waxay noqotay mid miro dhashay. waxaana sannadkii 1998dii magaalada Garowe looga dhawaaqay maamulka Puntland.
Puntland wixii intaas ka danbeeyey waxay tartiibtartiib ugu talaabsanaysay horumar dhinacyo badan ah, nabaddu ha ugu muhiimsanatee. Waxaana hoggaankeeda soo qabtay maamulo kala duwan. Wixii maamulka hadda jira ka horeeyey waxay ku socotay Puntland wadatashi u dhexeeya madaxda talada haysa iyo cuqaasha kala duwan ee bulshada. Hase ahaatee, maamulka talada haya hadda wuxuu albaabada ka xirtay oo ah isimadii iyo dhammaan indheergaradkii bulshada. wuxuuna caado ka dhigtay cadaadis ku dhisan keligii talisnimo sida xarig iyo hanjabaad Dadkii asaaska Puntland iyo horumarkeeda kaalinta ugu muhiimsan lahaa.
Maamulka taagta darran ee waqtigu kasii dhamaanayo, gabaabsigana maraya waxaa laga dhaxlay:
•In horumarkii Puntland ee xawliga ku socday uu hakad galo.
•Amniga Puntland inuu faraha ka baxo.
• Dhaqaalaha Puntland inuu hoos u dhaco sababo la xiriira cashuur kordhin ku salaysan dhaqaale urursi,
• In goboladii ku midoobay asaaskii Puntland lana talo ahaa ay ka tashadaan,maamulo u gaarana ay samaystaan.
•Cadaaladdii Puntland ama garsoorkii oo dhinaca dawladda u janjeersaday.
• Gobolada oo aan si siman oo cadaalad ah loogu qaybin wixii deeq ah oo la helo mid dhaqaale iyo mid waxbarashoba
• Is dhexgalkii bulshada Puntland iyo bulshawaynta Soomaaliyeed oo hoos u dhac ballaarani ku yimi.
• Dastuurkii aftida dadwayne lagu ansixiyey oo loo jebiyey dano gaar ah, ayna jebiyeen dad gaar ah.
Bal aan wax yar ka iftiimino dastuurka puntland oo dano gaar ah dartood loo jebiyey:
Puntland waxay ka koobnayd dal, dad iyo maamul waqtiyeysan. Waaxaa is ku hayey dastuur ay ansixiyeen ergo balaaran oo shacabka metelayey.
Waxaa layaab noqotay in August 7, 2012 mamulka talada hayaa ku tuntay dastuurkii!!!. Qawaaninnti guud ee cadaynaysay jiritaanka Puntland ayaa meesha laga saaray. Goboladii iyo degmooyinkii sida dastuuriga ah u jiray ayaa lagu andacooday inaysan xuquuq buuxda lahayn.
Waxaana lagu andacooday in dastuurkii dawladii dhexe ee Soomaliya ka tagtay dib loogu noqday….. haddii ay sidaas tahay dastuurkii hore ee Somalia ma qorayey magaca Puntland?. Ma qorayey in Garowe caasimad u tahay gobolada W/Bari? Ma qorayey golayaasha dawladda ee Puntland?.
Waxaa xusid mudan in degmooyinka la laalay ay kamid yihiin qaar dawladdii dhexe ee Soomaliya ay ansixisay…sidoo kale degmooyin aan dowladdii dhexe ee Soomaaliya jirin laga dhigay degmooyin..
Dastuurkii dawladdii dhexe dib loogu ma noqon ee midkii Puntland ayaa la jebiyey. Haddaba waxaa is waydiin mudan maxaa ku xanbaaray maamulka arintaas? Aan ku koobno jawaabta labo qadob:
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ee hadda joogaa wuxuu ku dooday mar arintaas qaybo bulshada ka mid ahi wax ka waydiiyeen in hay’adda inter-peace oo doorashooyinka Puntland maalgelinaysaa ay sidaas codsatay. Oo lacag $20,malyan ku bixinayso arintaas wuxuuna yiri: annagu lacagtaan eegaynaa !!!
Waa Qado ayaa noogu jirta ee Qaanuunku ha jabo !!!
Shirqool siyaasadeed oo shakhsiyaad gaar ahi maleegeen, iyagoo ula jeeda inay burbur iyo foodo horseedaan. Taasoo dawladda lacag urursiga ku mashquulsani faraha ka laabatay.
Haddaba, annagoo eegeyna masiirka iyo badbaadada Puntland waxaan ku baaqaynaa sidaan:
1- In maamul sharciyad haysta uusan ka jirin Puntland waqtigan, maadaama uu jebiyey dastuurkii dadka iyo dalka isku hayey.
2- In isimidii iyo waxgaradkii sababta u ahaa aasaaska Puntland ay dib isugu yimaadaan kana taliyaan aayaha Puntland.
3- In shacab weynaha Puntland ay ku taageeraan isimada iyo waxgaradka Puntland dib u soo noolaynta maamulkii Puntland.
4- In hay’adda Inter-peace ay ka fiirsato naasnuujinta maamulka aan sharciyadda haysan, taasoo mustaqbal xumo u keeni karta dadwaynaha reer Puntland.
5- In hay’adda PDRC ay ka fiirsato taageerida indha la’aanta ah eek u baritaarayso maamulka sharciyadda waayay.
6- In dowladda dhexe ee Soomaaliya ay go’aan ka qaadato badbaadinta Puntland.
Magacyada Dhalinyarada Baaqa Soo saartay:
1. Faysal Cali Cumar
2. Maxamed Beeldaaje Cali
3. Maxamed Siciid Cubayd
4. Cabdirixmaan Bare-falaag
5. Saleebaan Maxamuud Namnam
6. Axmed Siciid Bangax
7. Idiris Makiinad Dooxajoog
8. Abshir Raage Shire
9. Cismaan Axmed Salaad
10. C/fataax Axmed Talyaani
11. Sharma’arke Ugaas Yaasiin
12. Maxamed Cismaan Shanle
13. Faarax Siciid Shabeele
14. Axmed Maxamuud Sardheeye
15. Siciid Abshir Dhegabir
16. Maxamuud Daahir Cali
17. Maxamed Xasan Gurakayeer
18. Maxamed Siciid Colaad
19. Maxamed Ibraahim Baarsheed
20. Siciid C/laahi Laangare
21. Shire Cali Kolon
22. Faarax Maxamuud Caynab
23. C/risaaq Cawaash Beeldaaje
24. Xasan Cumar Siciid
25. Ilyaas Saalax Gobay
26. Mustafe Axmed Foore
27. Isxaaq Axmed Xasan
28. Maxamed C/laahi Maxamuud (Nagnagle)
29. C/nuur Maxamuud Qawaare
30. Guuleed Maxamed Faarax (boodhiboodhi)
31. Axmed C/raxmaan Ciise
32. Axmed KHaalid Maxamuud
33. Shiino C/qaadir Yuusuf
34. Axmed Bashiir Muuse
35. Maxamed C/laahi Muuse
36. Maxamuud Geele Cabdi (Nuune)
37. Xasan Abshir Colow
38. Saleebaan Muuse Nuur Aadan Afkalahaye
Puntland News-24




Dadka dhahaya Puntaland Faroole kama Horaayn.Waa dadaan Taariikhda Puntlanad Aqoon Fiican U lahaay,Waxaana Leeyahay. {Beenland Ninkii Noo Bax-shee Buunka Nagu Yeershaay : Baarlamaanka Duhur Weeraree Baaska Ku Asqeeyey : Bisin Boob-naay Maantu Budkiyo Boob ku soo baxaye }Intaas Aan Maanta Inoogu Ekeeyo.
Aad iyo aad ayan ugu mahad celinaya Puntland 24 u adeega bulshada uu xambaarsaday. Dhalintu wax weyn ayey qabteen waxan rajeynayana dhaliilnta mudug iyo Gawore iney ka dhiidhiyan ama iftiimiyan wax umada danta u ah waayo tani waxay samaynasa mustabalkooda iyo aayahooda madama aan nahay hormuudka bulshada uma qoofalnaandoondo dadkii keligood cunayaal ah Puntland.
waxan u mahad celinaya ALAAH marka xigtana bahda saxafadda xorta ah e puntlandnews24.com,marka aan arkay qoraalkan an tixracay diinteenna islaamka dastuurka puntland iyo qaanuunka caalamiga ah waxa i muuqatay xad gudub lagu sameeyay dadka magacyadooda meesha lagusoo qoray oo aan ahayn dadkii warqadaan qoray waana in laga rali galiyo 100% waxa kaloo muuqata dadkaan inay yihiin dhalinyaro fikirkeeda muujinaysa hadana ka gabanaya inay magacyadooda mesha ku qoraan waxa iiga muuqda meesha ugu yaran 15 dhalin yaro ah oo aan dalka joogin qoraalkanna wax ka ogayn waxaan leeyahay dadka warqadan soo qoray dad ma layn dalna ma burburin cidna idin xasuuqi mayso joojiya ashuun ku adanka si xor ah oo cad u hadla waxan idiin qornayn idinkuma dhacayaan mahadsanidiin.
Waryaa, ma Afrikaa lagu banaan baxaa! War Hersiyow ummadda ha isku dirin, dagaalna ha hurinin. Faroole nimaan ahayn, car ninkale oo rag rag ah, oo labo xaniinyood ah, Majeerteen oo idil ka keen.
baraaruga dhalinyarada waa arin lagu diirsado..hogaanka dalka p/lana waxaa looga fadhiyaa in uu qabto doorasho xor ah oo waliba nadiif ah horaanta bisha jan/2013 ka xiligaaaso eey ku egtaya mudada kooxda faroole iyo caruurtiisa ..dadweynaha p/lanna dulqaad beey intaasi ku sugahayaan.
hogaankana waxaa uu ku fashuilmey sugidda amniga…waxaa eey burcad diimeedka p/lan gudaheeda ku laayeen in ka badan laba boqol oo qof oo hal doorka p/land ahaa hal kiis kaliya ayaa loosoo qabtey ..iyadoo waliba wax badan laqariyey danbiilayaashii gacanta ku lahaa oo kaliya gacan ku dhiiglihii baa la diley …waana la dabooley kiiskaas. laakiin boqol iyo sagaashan iyo sagaal kiss cidina looma soo qaban xatal aan.
waxaana in badan la tuhmayaa in hogaanka faroole ku lug lahaa waayo waa hogaamiyaha burcad diimeed ee wahaabiayada dadka leeysa.
waxaaana taas idinkaga filan sida uu ul;a shaqeeyo burcad diimeedka wahaabiyada magacyada badan ee dadka leeysa.
dadka waa in eey ka dhiidhiyaan in uu sii jiro hogaankan burcad diimeed ee halista ku ah dadka iyo deegaanka….waana in eey dhcdaa doasho xor ah …8 dda Jan/013 ka.
hadii uu taasi diido o aanu fileyno waa in uu dhacaa kacdoon ka gee ka gees lagu aadayo garoowe ..iyadoo fardo iyo gawaarii iyo lugba la isticmaalahayo …si wadajir ahna duufaantaasi loogu ridaa hogaanka burcad diimeed ee faroole …dhiig kastaaba haku daatee.
kkkkkkkkkkk wiilasha ciise biniadam ee sida indha la aanta ah ku taageeraya waxaan oranlahaa war isku xishooda faroole waa madaxwaynaha puntland shacabkana dooratay haday mucaradana ama wax ka sheegaana waa hogaankoodii cidna kama xigtaan faroole waa inuu diyaar u noqdaa dulqaad u yeshaa amaan iyo cayba waayo nin durbaan tuntay ilaaq doon waad ogaydeen Gen cade sida growe loogu cunsuriyadan jiray sida loogu caayi jiray waa tii darbiyada aad ku qori jidheen ajakis waa tii radio growe wuxuu rabo sheegi jiray cade cidna muu cadaadin cidna muu xiran idaacadna ma joojin wariyena ma xirin waadna ogaydeen sidii sharafta lahayd ee uu xukunka u warejiyay,taas waxaa kasii darnayd reer kiis cismaan maxamuud oo aan lasafan bal kasaftay kuna dhiiri geliayay inuu nidaamka raaco ogoobay gen cade askari buu ahaa hub iyo ciidan xoog badan waa haystay reer xoog badan buu ka dhashay oo cudud leh wuxuuna gartay inuusan shido abuurin reerkiisaana runta u sheegay,sidaa darteed ciisa ciisow dib isugu noqda taariikhdu waa mid isasoo celisa caasumadiina hayska ciidaynina puntland hakala dirinina waa iga talo
faroole mucaarad ku noqda dhib malah laakiin markey dhahayaan dawlada soomaliya ayaan u sheegnay faroole dawlada soomaaliya waa cadowga puntland waxey awood leedahay ayaa iska yar iyada ayaaba taangi amisom ku jirta runta markii laga hadlo faroole waa dhisay ciidanka puntland wuxuu ku guul dareystey faroole airport boosaaso waxba kama qaban kuwa mucaaradka ah puntland ma heysaan nin hormar gaarsiin karo puntland qofka mucaaradka ah waxaa larabaa inuu dhaho aniga hadii xukunkaqabto puntland waxaan gaarsiinayaa hor mar uma rabno hadii aanu nahay qurba joogta puntland uma rabno rabsho puntland waxaan rabnaa puntland in wax walbo lagu dhameeyo nabadgelyo
Waa la yaqaan mucaadka Puntland. Waa kuwii fashilka u keenay Dawladdii Maxammed Siyaad.
Waa kuwa hadda fashilka u rabo dawladda cusub.
Faroole waa geesi, madaxweyne ah oo Hawiyaha iyo Isaaqa ka baqo. Waxaan leeyahay in afar sanno oo kale oo kordhiyo. Faroole ayaa dalka oo idil noo qabanayaa, Kismaayo illaa Raas Caseyr. Fursaddaas waa inaan siinaa, si magaca MG u xoogeysto
SULUB,
Give a fool rope enough and he will hang himself!
Puntlandnews24 iyo horseedmedia waa war baahin shaqadoodu tahay inay wargeliyaan shacabka, xataa wixii reer Faroole aysan jecayn ama rabin inla ogaado.
Walee Faroole waxaa harka ka saaraya oo jarkatuuraya wilashiisa bahalada ah iyo idinka afmiishaarada ah oo shaxaadkooda ku nool.
Intayada kale bad baadada Puntland baa priority naga mudan!
Being a PhD “candicate” does not necessarily mean that one becomes a PhD holder just by candidating.
One is a PhD holder only after all requirements are fully completed and documented by an institutional authority of academy.
In Mr.Faroole’s case, I see only candidacy, NOT completion! What does our president say about this? Shall I be arrested for my 10 min.investigative curiosity? That question to goes Mohamed and Khadar Abdirahman Faroole, who are Puntlands de facto rulers
http://en.wikipedia.org/wiki/Abdirahman_Farole
Xafidullaahi Madaxweyne Cabdiraxmaan anagoo ah mutacalimiintii Puntland ayaa ku taageersan, kuwa ku doodaya waxbaa dhacaya waxaan dhihi lahaa waxii aad haysaan waxba ha reebanina ee soo daaya.
Puntlandnews24 iyo horseedmedia waxaan oran lahaa: Ma anaa la ii qariyaa mindiyo laygu qali doono!!!!
Being a PhD “candicate” does not necessarily mean that one becomes a PhD holder just by candidating.
One is a PhD holder only after all requirements are fully completed and documented by an institutional authority of academy.
In Mr.Faroole’s case, I see only candidacy, NOT completion! What does our president say about this? Shall I be arrested for my 10 min.investigative curiosity? That question to goes Mohamed and Khadar Abdirahman Faroole, whoare de facto
http://en.wikipedia.org/wiki/Abdirahman_Farole
Mucaaradnimadu yaysan noqon mid wax lagu duminayo ee ha noqdo mid wax lagu tosinayo,saxafad qabiil ka dhex guxayana macno ma keneyso.Faroole puntland maba ka horeeyn waxa ay ahayd meel yar ee aan dunida aqoon kana dhisneeyn dhinac dhaqaale mid cidan iyo dhan dimuqradiyada hadi aay jiraan dad horumaarkasi ka soo horjeeda yaysan ilaawin in faroole u diyaarsanyahiin cidan xoog badan oo cid kasta oo amaanka pntland wax u dhimaysa gacanta ku qabato cagtana marinaya.viva puntland