Dhalinyaro horseed ka ah isbedel doonka Soomaalia oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Kampala

July 29, 2012   //   Warar Somaali

Iyadoo dhawaan ay si rasmi ah u shaacisay in ay u taagan tahay Xilka Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Drs. Amal Maxamed Siciid Hogaama la roor ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay heshay taageeradda aad u fara badan. Kadib markii dhalinyaro badan ay masuulyad iska saareen sidii dalka Somalia looga samata bixin lahaa dhibaatada aafeysay 22-ka sano. 

Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa dalka Uganda ayaa aad u hadal haya aqoonyahanadda xilkaasi isu soo taagtay. waxaana soo baxaya in haweenka Soomaaliyeed ee ku shiray Garowe oo qaarkood Puntlandnews24 la soo xiriiray in ay taagersan yihiin isbedelka ay hormuudka ka yihin dhalinyarada ay horkacayso Amal Maxamed Siciid.

Sidoo kale waxaa socda qaban qaabo xoog leh oo lagu jiro xaflad ay soo diyaariyeen ardayda iyo aqoonaynadda soomaalida ee ku sugan dalka Uganda gaar ahaan Magaaladda Kampala.

Haweeneydaan da’da yar ee shaacisay in ay u tartameyso xilka Madaxweynaha Somaliya ayaa ka soo jeeda qoys taariikh hogaamineed ku leh gudaha dalka Soomaaliya, iyadda oo Drs. Amal  hogaama la roor oo uu dhalay duqa Degmadda Qardho ee haatan Mudane. Maxamed SIciid Ciise Hogaama la roor ay shaacisay in ay u taagan tahay xilka Madaxweynaha.

Dhanka kalena waxaa wararka aanu ka helayno dad ku dhow dhow musharaxa ay noo sheegeen in ay durba heshay warqado qoraal ah oo ay beesha caalamka ku muujinayaan in ay taageersan yihiin in ay muujiso in dhalinyaradda soomaaliyeed ay u tartamaan xilka Madaxweynaha maadama ay yihiin shacabka 75% dhalinyaro ka yar 35 jir.

Xuseen Xaaji Cali oo ka tirsan la taliyeyaasha Drs. Amal  hogaama la roor ayaa u sheegay Saxaafadda gudaha ee dalka Uganda in arintani aysan aheyn oo keliya in ay gabdha u raadinayaan Madaxweyne ee uu jiro Xisbi siyaasadeed la wado in lagu dhawaaqo xafladda lagu wado in ay dhawaan dhacdo.

” Anagga waxaanu wadnaa in dhawaan aanu ku dhawaaqno magaca xisbiga ay Drs. Amal Maxamed ka socto oo la filayo in uu ka qeyb galo doorshooyinka ka dhici doona dalka Soomaaliya, runtii waxaanu nahay dhalinyaro Soomaaliyeed oo gudaha iyo dibadda isku xiran, waxaanu rajeyneynaa in aanu noqon kuwa ku guuleysta doorshooyinka dalka ka dhacaya, waayo waxaa Soomaaliya wareeriyey dad aan ka fekerayn danta guud oo raadinaya oo keliya in ay helaan lacag iyo weliba in ay burburiyaan dalkeena” ayuu yiri Xuseen Xaaji

Drs. Amal Maxamed SIciid ayaa waxa ay ka mid tahay arday wax ka barta dalka Uganda iyadda oo sidoo kalena horey u aheyd Madaxweynaha Ururka ardayda Reer Puntland ee Uganda.

Haweenka Soomaalida ee ku nool gudaha iyo dibadda ayaa waxa ay sheegeen in Amal ay horsed u noqon karto in ragga ay ogaadaan in iyagga hadii dalkii ay ka dhigeen fowdo iyo kala dambeyn la’aan aan  lagu fiirsan isla markaana mar walba la tixgeliyo haweenka.

Xafiiska Wararka 
Puntlandnews24
Uganda, Kampala

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ufayn says:

    ari boowe waa riyonaysaa

  2. Isku dayga dumarka somaliyed wa mid aan ka marneyn siyasadaha manta & waxa muqda wayo haddi *mahiiga* maanta talinayo madaxweyne noqday maxa diiday dumar somaliyed naceybka dumarka waxa ka wacan inaad so wada istaagtan mashraxa dorashada halkas ayad wax ku noqon ama ay ku noqon yarta! ? That s why issue! So & so ! Hala ii daayo shacabkeyga rabitankoda J u u s t o ?

  3. Wax garad says:

    Somaaliya waa wadan hadba jaho iyo jahwareer cusub la soo darsayo waana wadan runtii marba marka ka danbaysa wado jahwareer oo cusub aad moodo in loo furayo ama dadku ha sababaan ama dadyow shisheeye ha ka danbeyaane, mudoyinkii danbe waxaa sidoo kale caado iyo dhaqan noqotay in siyasada hadba qof ay idaacaduhu maalmo shegaan uu sidaas kusoo galo kadibna tuugada dalka iyo dadkaba aan danta iyo naxariista u hayn uu sidaas uga mid noqdo waxaan marka oran karaa waa wadan nasiib xun runtii musiibo dhan rabi ahna ay ku habsatay ilaahbaana ka saari kara iyo dadaal ay u galaan dadka iska leh wadanka gabadha isa soo sharaxday waxaan oran lahaa ragiiba waxba ka keeni waaye marka in gabar isku soo sharaxdo wadan islaam ah waa nasiib darada jirta mid ka mida oo ay idaacad aan cilmi badan u lahayn waxa ay ka shaqaynayaan ay buun buuniyaan marka dhibka alaha naga saaro ayaan leyahay..

  4. scww ramadaan Kariim

    walaalaha reer kamabala hindasa ay wadaan waa mid qiiro iyo wadaniyad ay ka keentay balse waxaan oranlahaa hada kaalinta laga rabo inay ka soo baxaan waa inay ka gudbaan oo ah inay jaamacadooda dhamaystaan ka dib dalkooda u shaqeeyaan oo hormurkiisa ka qayb qaataan, taxadiga/ challenges ka hada idin horyaal waa kaas aan kor ku xusay
    wa billahi towfiiq

  5. aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay gabar dhalinyaro ah oo aqoonyahanad ah isu soo sharaxdo xilka madaxwaynaha dalka soomaaliya kana soojeeda gobolka karkaar aniguna waan taageersanahay amaal siciid musharaxnimadeeda waxaana ku dhiirigelinyaa inay siiwado ololeheeda musharaxnimo waxaana u rajaynayaa inay ku guulaysato xilka musharaxnimo ee madaxnimada dalka soomaaliya

  6. caaqil says:

    asc diinta islaanku ma ogola inay naag imam noqoto lkn awaal waxan kula talinaya inay inaysan diinta islaamka waxay xarimtay aysan isku dayin amaal haday baratay khadhternimo waxa looga bahan yahay qardho ama karkaar amaal baaye wad mahadsan tahay masha alaah waa gabar wanaagsan ara baaye barlamka iska raadso %30 ba dumarka lo ogoladay wadan naagi xukunto ilahay somaliya kama dhigo walaashay intaasu waa iga talo

Leave a Reply