Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka bilowday Mudug

January 8, 2013   //   Warar Somaali

Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aad u wayn ayaa laga dareemayaa gobolka Mudug ee Puntland, kadib markii xalay abaare 12-kii habeenimo ay uga ekeyd waqtigii madaxwayne Faroole loo doortay xilka madaxwayne ee Puntland.

Gaalkacyo ayaa saacadihii ugu dambeeyey laga dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan siyaasiyiin miisaan culus ku leh gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa in ka badan laba boqol oo ciidan inay kasoo ambabaxeen magaalada Gaalkacyo kuwaasoo xarun ciidan ka samaystay deegaanka Dusmada oo u dhow degmada Bacaadwayn ee gobolka Mudug.

Siyaasiga Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo warfidiyeenada Mudug la hadlay ayaa sheegay xukuumada iyo baarlamaanka Puntland xil hayntoodu dhamaatay.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in dastuurka Puntland ee lagu doortay inuu dhigayay xilka madaxwayne ee Puntland inay hayaan afar sanadood.

M/wayne Faroole oo horay ugu doodayay in 1-sano loogu daray shirkii ansixinta dastuurka Puntland ayaa dhawaan sheegay mudadii lagu doortay hogaanka Puntland inay ahayd 5-sano islamarkaana aanay jirin muddo kororsi lagu sameeyey.

Beelaha iyo waxgard kasoo jeeda gobolada Mudug,Nugal, Karkaar iyo Bari ayaa horay xukuumadda uga codsaday doorashada in la qabto waqtigii horay loogu balansanaa ee ahayd 8-January 2013 oo maanta ku beegan.

Issimada Puntland oo ah marjaca Puntland marka uu muran siyaasadeed yimaado ayaan wali ka hadlin mowqifka ay ka taagan yihiin mudo kororsiga xukuumadda iyo siyaasadda cakiran ee Puntland cagaha ay lasii gashay.

Yaasiin Koronto

Puntlandnews24

Galkacyo, Somalia

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. kaam says:

    ku moha farh horta adigu magac dumarna ma lihid mid naageedna ma lihid waad u dhaxaysaa tan kale afsoomaliga wali maadan baran sida loo qoroh mideeda kale anuu waan kuu sheegay dhimirkaad la,adahay adiga psychological problem baa ku haysta ciise maxamuud ilaahay rag buu ka dhigay adiga in aad anaga kaalmo na wiidiisatid maahane waligaa hiil lagaagama baahan wll dadka kugu hareeraysan waa horay ku cayrsan lahaayeen waxa ka dameeyay ogyihiin nacasyohow xanuunsan nugaalna isma taqaan jalamta aad sheegaysid anuu garan mayoh lkn waxaan kuu sheegayaa in ciise kaa dhul balaaranyahay kaana maskax badanyahay adigana uu daciif kuu arko marka la soo cayrsado uu dadka ka dhiciyoh faroolana waa aaabaha puntland umada ka celiyah isu qabe aan loo qabin cumar maxamuud in uu jiro un baanu naqaanaa dhimirow marka sxb hospitalka dhimirka ayaa garowe ka furnay adiga iyo dadka la mid ah drs baa u joogah marka soo dhawow waa lagu dawaynayaayeh

  2. Siciid says:

    Nimanka Ciise Iyo Cumar u kala faanaya, adeer qay wadayaal baad tihiin. Dadkaas waa dad walaala ah dhibna ma dhex yaalo . Balo sheegna waa shaydaan. Ninkii Dowladaa ka hor yimaada oo Dowlada Puntland iska qaban weyso Dowladay u taalaa. 200 oo caruura hadii la ururiyo waa lugooyo Iyo halaajin cad. Danbigaana waxaa iska leh cidii abaabushay kamana faaifayaan. Dowlada Puntland 25 Kun oo ciidanay leedahay. Waa dowlad ilaa 1998 soo jirtay. Ninka naftiisa halaagaya gacan biraa lagu qabanayaa. Waan ka xunahay in dhakinyaro shaqo la aan Hayso oo la halaajiyo. Hada ka hor way dhacday oo dhalinyaraa Diin qaldan loo sheegay Wixii ka dhawayna waa la socotaan . Marka dadka dhalay caruurtaan ha soo ceshtaan hadii kale dee kuwii wadaadada sheeganayey ee la khalday Kama agab sokaynayaan. Kuma faraxsani in la laayo dhalinyaro u soo koraysa laakiin hadii la adeegsado oo ay Puntland cadow ku noqdaan waa la laynayaa ciidamada Puntlanda way ku dhaarteen in ay difaacaan Cadawga Puntland gudaha Iyo dibadaba. Kuwa bururta galgala Lagula dagaalamo Puntland bay u dasheen. Laakiin waa cadow, kuwana waa cadow.

  3. Suhuur gabar mudug says:

    Kan wata kaam walaal waad khaldan tahay maxeradii ariga lagu raacijay baad joogtaa waxaad ku hadlayso kafiirso cumar maxmuud iyo ciise cidna kama hadlin qabiil maxaad ugu cararay saa degaan baa lagu hadlaaya tan kale hawiye iyo waxaad wado Malaga hadli mudugna waa dadkaa kuhuru daan de ogaw cariishkaa lagugu gubilahaa anagaa kaa hor joogna oo naloo ka kaabaqayaa taas ku darso caqli riyooloow faroole wuuhela yaa waxa uuradinayo reer caqli riyoole caydanbe yaan lagaa arag hadii kale eyl baa ku taqaan

  4. Suhuur gabar mudug says:

    Ku moha farh thanks walaal runtaad usheegtay kan watay wiil nugaal riyihii buu uhayaa mayaa goor dhaw xaqiina waa dilaacay kkkkkkk

  5. moha farah says:

    kam sxb marka hore dad ka kala baro inad ani ila kaftanto wa ka xaran sad farolad ku indha qaday sayidkana wxa uu kuku layaya soo baro wla wada yaqan tarikhda dagal mahan inad tahu ogaday cawan markuku dhay yan la iga tukan saladayda baad asagi rumaysaten maraku su yiri laya kuwan riyo wax ma dhamane marka sxb aniga inaan cise wax ka shego majceli lkn waxa uu yahn shegay nugal sha aad ku fanayso ma garawa ila jalam reer baa lahe sxb midakale somalia ba og cise inusan dagal garaneen sxb cumarna uu yahay horsedka puntland shala doald nima baratay sxb somalia aan aniga wax ka noqda markan madaxwaynha ka ah punland baan ka talin jiray lkn se adiga doladu ma nugal land bana sxb aribad taqan ma dada bad garanaysa kabasilig yahay niman ku aqon ugushekee cisa la idha cawan yahayw la caqliga ah farolaha naagta isq utaliso marka aad rag la xisabtamayso rag la soo xisabtan sxb dadaka tarikjda kala qoraysa sbx

  6. kaam says:

    moha farh wiilka qortay adeer maahan in aad ku aflagaadaysid qabiil qoraaalkaaga aad moodid in uu qoray qof dhimirka la, ciise maxamuud ilaahay rag buu ka dhigay markay sayidka la dagaalameen oo idinku ka baqdeen baa la laayay ciise adeer waa kii gaalkacayo kuu qabtay markii hawiye dhaheen cumar aragnaye ciise soo soco markay ku cayrsadeen oo aanu kaaga saarnay gaalkcayo oo aanu niri ciise waa kane ciicdu waa maxay marka adeer jirtaaankaaga ciise maxmuud baad iska leh ka fiirso qoraal caruureedkaaaga meesha ku qoran mideeda school ayaad u baahantahay afsoomaaliga lagu bartoh

  7. kaam says:

    waxaan u sheegayaa kuwa leh reer mudug baanu nahay ha ogaadaan in faroole uu yahay nin reer nugaaleed ah cidna in uusan wax uga baahnayn waligoodna reer nugaaleed uma baahan mudug in ay iyagu nugaal u baahdaan maahane marka la soo cayrsado oo dagaaladu socdaan

  8. kaam says:

    maaanshllh aad baanu u soo dhawaynaynaa madaxwayne c/raxmaan ilaahay madaxiisa ha raajiyo

  9. moha farh says:

    wail nugaled wlalao hadda tahay nin raga gabdha lamadan hadashen wlaalo wayo waxad taha la gushegaya inad tahay reer miyi qarxis iyo il fooxshe kayimi reer mudug wa kuwa magalada kuu dhisay adigo laga gadi jiray biya toga dhurtii gaawad ku indhaqaday mraka siyasad maxa laga waydin qofka aad arakayso caqligisa ay naagta utalis aidin ku caqli badan walaba waxd ahed riyoole nin bana ka dhashay waa dhin ray allha unaxariste wa islankii kanoo kale uma ogaldeen wadnka ilkafa fiqfiqan mudg iyo bari wa mesha la biilo garawe maxay ledahay nugal oo ad ku fanaso wilow haydaha hadu dagal dho so cararimayan na wilow xage wax udoonana riyahga so adimayso riyad la caqli tahe marka raga la hadal no more tolk waxuu sayidka idin layad qabte hadda caqli tihin sad riya la caqli tihin adayna hada ka muqata maad raga lahadasho mida kale gabadha waxy ku tiri magarna mudug land ban ahay wa dhulki mudug ahay ku dhaday puntalnd way ka midtahay dadaki dhisay oo aad ku sexat wa reer mudug ragu is mayaqan wa la ibarane waliow 1 iyo 2 waxn ku shega wxad tahay kow aqoonso yaah wlaalo marka dadaka la kaftan sxb go xasbahale adunkala mataqanide

  10. Tan labaad hadii aan nahay dhacab waaynaha reer
    Puntland waxan ka soo jeedanaa meel qura
    Waxan wadanahay DAD wada dhashay dal Iyo deegaana
    Wadaaga ?????????
    Adoo haybad Iyo sharaf.
    Rabi hibo ku siiyo waxad
    Doonto heli Kara
    Waa adiga an
    Haloow sane hilinki wacanaa Iyo
    Ka habaabay dowge maxa helay
    Nabadi puntland yaan la
    Haligin umad adigoon hadaan ka Tuurin
    Hagaag haloo maamulo mudane Iyo masuul

  11. Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhamaan inta halkan isku dhaa
    Fasanysa figradooda waxan idinka codsanaya yaan lagu fogaan siyaasad

  12. gabar mudug says:

    KU WIIL ASAL NUGAAL(WAAD KHALDANTAHAY QORAALKA SIFIICAN U AKHARI ANUU MUDUGLAND BAAN UDHASHAY GAROOWE IYO MEESHA BOORKA IYO BIYO LA AANTA AH UMA DHALAN MANA QARSAN WAXAAN AHAY KALSOONI BAAN KU HADLAY MUDUG LAND BAAN UDHASHAY HAYGU KHALDAMIN EE QORAALKA KALA SAAR LAHAYSTE MAAHI XOR BAAN AHAY KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  13. “gabar muduc” midka wata walaahi waa qabiiliiste ciise riyoole oo isqarinaya isagoo shaley baadiye laga keeney ayuu umaleeyaa inuu dad ka caqli badan yahay garoowe iyo boosaaso noo daaya kulaha oo ma xoogbaa ku qabsatey mise maamul ragi dhisteen baa kuu dhiibtey? hadii lakala baxase ma waxaad moodey dhaqaalaha iyo qeyraadka puntland in maafiyadiina “araan jaan” loo deynayo? miskiin xiniinyo aad sharci daro kusii heysan karto ma adigaaba laguugu yimaadaa marka laysyara tuujiyo ayaa sidaadii cagaha wax ka dayi, dhaqaalaha dekada boosaaso kasoo xarooda adeerka faroole malahan waa laysku dagaali doonaa tuugta faroole hadey xoog ku heysan karaan ha ku heystaan intaas kaliya soo hada boosaaso uma fadhiyo? bishii ugu danbeysey maamulkiisii ka harey ayuu boosaaso soo xasuustey isagoo u baqaya musuqmaasuqii in meesha ka baxo, calaayaxaal wixii puntland ka aloosma faroole ayaa masuul ka noqonaya.

  14. heelo laasqoray says:

    to warsame khalaf boowe walaal waxaad tahay qof ka naxaya dhibaatada dakaa ku soo fool leh oo wax garada dad badan waxaay ku goodinayaan dagaal laakiin natiijadiisa ma yaqaanaan agaal hadii meel lagu gaadhi lahaa reer muqdisho baa meel ku gaadhi lahaa markkaa reer puntlandoow caqligu ha shaqeeyo

  15. heelo laasqoray says:

    horta anigu faroole aad baan uga soo horjeedaa laakiin waxaan kaloo aad u diidanahay in dagaal dhaco walaalayaal aaynu xasuusano dhibaatadii inaga soo gaadhay dagaalkii ka dhacay markuu cabdulaahi ku darsaday ilaahay haaw naxariistee mar labaad ma yeelaayno in garoowe,gaalkacyo iyo qardho dagaal ka dhaco marnaba yaan dagaal la samaayn maanta puntland dhibaatooyin badan baa ku soo fool leh oo aay ugu weeyntahay dhibaatada argagixisada markaas madaxweyne faroolena waxaau ka codsanaynaa madaxweyne meesha ma aanad qabsan ee si sharafle baanu kuugu dhiibnay ee si sharafleh isaga dhiib ilaahay balayada iyo dhibaatada haaynaka qabto dadka leh dagaal baanu rabnaa waxaan leeyahay dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho markaas aaynu iska ilaalino in uu dagaal dhaco

  16. Afwayne manta haduusan xilka wareejin garoowa logu imanayaa darwiishbaa u imanaya ha Isku xaaro,,..futoole afwayne,,afbalaq,,

  17. gabar muduc says:

    scww walaala yaal anaga hadaa nahay reer mudug dhulkayaga xor baan unahay cidna uma nihin lahayste wax garad kayagu waa nala qabaan waxaan samay sanaynaa maamul noogo an cidii isku kaaya soo daydana waxaan kawaraa binaynaa waa jibkooda viva mudugland maxaan uga baahanahay garoowe boor wayn dhul wacan baa eebe nasii yay oo baaxadleh hadii faroole af waleenjo uu boosaaso xoog ku haysto anaga iyo reer kar kaar waan tashanay viva karkaarland isbaarona waxaa ladhigayaa meesha karkaar kabilaabato ilaa meesha ay ku dhamaato anagu manihin reer bariga qashinka gurta oo faroole ina qori baagii ladhacay ina xabsiga boosaaso kuguray ina madaxa kaga fadhiya af waliinjo koob naga laqimaayo mucaaradka mudug can shuurti maantay ganacsatada yadu ubilaa been cidamadii waan diyaarsanay viva mudugland

  18. ahmedpunt----------------dk says:

    waxaan codsanaynaa in mucaaradka puntland iyo saxaafadda puntland ilaaliyaan nabadda oo ah furaha nolasho ,furaha horumarka ,haddaan nabadda dadka reer puntland ee shacabkaa farha aay si xoog badan uugu qabsadaan oo aaysan kafara baxsan oo dhulka uuga dhicin waxay dadka shacabkaa ee puntland noqonaayaan dadka ugu horeeya adduunka uguna nasiib badan ,waxaan mucaarad iyo muxaafad aan leeyahay war nacallaa idinkuma yaalee wiilka labaatan jirkaa usameeya mustaqbal iyo aayatiin si dadkeenu horumarka xowligaa oo adduunku kusocdo u hiigsadaan ,wiil danbe yeesan xabadu inaga dilin waana iinaan qalin iyo buug u dhiibnaa dagaalka iyo xarbiga aheligaa oo dadka dhallintaa maskaxdooda kaguuxaysa loogu badalaa jacaylka waddankena hooyo oo udgoonka badan iyo aqoonta iftiinka waayo aqoon la aanu waa iftiin la’aan .waxaa isweydiin mudan maxaan kabaranayay dagaal tusaale dagaalkii SSDF 1978-1993 waxaa kudhimatay illaa boqolaal kun oo wiil oo qaalya oo lawada mida gabyaagii geesigii alle ha unaxariistee khaliif shiikh maxamed iyo dhaawac intaa kabadan ,waxaa dagaalkii cabdullaahi yuusuf xilligii uu damcay inuu doorashada ku darsado kudhimatay boqolaal iyo dhaawac fara badan iyo barakac iyo hantibeel badan iyo cudurada oo siibata siiba dadka waalan .haddaba puntland waa waaya araga dadka soomaalidaa maadaama dhibta soomaalida aay uugu horeesay ma u baahna dagaal ,dagaal waa burbur iyo geeri ama gablan dagaal waa bara kac dagaal waa cudur iyo gaajo baroor joogtaa dagaal waa jahli aay istaagayaan dhamaan ilaha horumarka sida caafimaadka waxbarashada ganacsiga iyo isku socodka iyo dhammaan wax allaale waxii horumarka aadamaha ah haddaba waa in dadka shacabkaa iyo cuqaasha puntland dagaal maya maya maya nabad macaaneey haa haa haa haa .bataatan waa in dagaal laga gudbaa oo arinta lagu xaliyaa wax kasta oo aan nabadda puntland ka hor imaanaynin cadawga puntland na aanan kafarxineenin….nabad baa caano wiil lagu helaa ,nabad baa naruuro leh ,nabad baa nacaw macaan iyo naxariis gogol leh .nabadda puntland iyo jiritaankeedu iyo midnimadeedu waa muqadis lamataabtaane .scww

  19. darwiish walal aad ban uga xumahay inad saas u hadashid faroole yaa garoowe ku weraraya ? garowese ma faroole baa leh ? tan kale ma la haystaa mooday sida somaliland idinku tagri fasho lagula dhaqmi karo ? doqonyahow dantada raaco darawiishtii tuugada sayidka ahayd oo dadka dhici jirtay bad wax weyn ka dhigtan arma kaga ficantahay inad magacaga adeegsato nacasyahow xun
    puntland waxaad wado ilahay ba ka koriyey wax dhibtana kama jirto faroolena haduu xilka sii hayo iyo hadu ka dagaba adi badelimaysid iska aamus adeero sas ba ku fiicane

  20. Warsame Khalaf. says:

    Puntland Dawled kasta oo haysa yaan khatar, ama is af garanwaa laga abuurin.

    Xaalada maanta kataagan dad ka shaqeeyey oo meesha ay joogto gaarsiiyey, mas’uuliyed idin saarnu waxay tahay in aad ka shaqaysaan amniga dadka iyo dalka Puntland oo aad joojisaan qabiil, reer iyo qoys lagu qabsho Puntland.

    Cadaw ayaa diyaar u ah in ay soo hujuumaan haddii xaalad amni daro ka dhacdo Puntland.

    W.Kh.

  21. Warsame Khalaf. says:

    Wax kasta oo jira, waxaan idinka codsanaynaa, in amniga dadka iyo dalka Puntland lagu dadaalo.

    Yaan dhibaato ka dhicin Puntland.

    Qaboojiya xaalada Puntland.

    Nidaam dalkaas mas’uul ka ah ayaan idinka rajaynaynaa.

    W.Kh

  22. Baargaal says:

    Afwilnjo halayska qabto ileyn kalagaranwaa in afar sano la doortay iyo in shan sano la doortay malahayga waxaa ku dhacay cudurkaan ilowshiinyaha(dementia ), dadka qaarkood waxay qabaan wiilasha uu dhalay ayaa hadda maamula xukuumada oo waxayba ka dhigeen meel siday doonaan ay ka yeelaan, hantidii xukuumada ooy siday doonaan ugu tagrifalaan, xukuumadii oo mushharkaasi kala weynaaday inay ka hadlaan arimihii loo igmaday, waxay noqdeen xoolo ciyaalka odayga meel ugu xeraysan oo yac aan dhihi karin waxay noqdeen kuwo lagu khasaaray.

  23. Darwiish says:

    Qaswade faroole tuulada garoowe ha lagu weeraro .
    Ciidamada darawiishta ee maamul goboleedka khaatumo state qayb ayey ka qaadayaan in gacanta lagu soo dhigo qaswade dr tagsiile faroole isaga Iyo wiilashiisa xukunkii beesha harti ka dhigtay boqortoyo

  24. mohamed says:

    sida muqata puntland mamideysana Ismada,waxana tas kumujinaya wax badan ayey mucaradku Qaylo dhaan udirsaden isimadda punland,2 isin oo mid laxiray yaa hadlay ayagana waxaa lohaysa in aay mucarad yihiin,mida kale Naftoda ayey ubaqayan masulinta talada haysta ismadda ma’aqonsana,mida kale isimadda isku si wax uma arkan oo dantodu waa kala duwantahay.

Leave a Reply