Dhimasho iyo Dhaawac kadhashay rabshado kadhacay magaalada Saylac

January 9, 2013   //   Warar Somaali

Hal qof ayaa geeriyooday halka 11-qof ay ku dhaawacmeen dibad baxyo rabshado wata oo maanta kadhacay magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Rabshadahan ayaa looga soo horjeeday natiijada doorashada duqa iyo kuxigeenka degmada Saylac oo horaantii bishan loo  doortay Maayar  Xuseen Iidle Barkhadle -ku-xigeenkana uu noqday Sacad Daahir Cige, dadka cabashada muujiyay ayaa si aad uga soo horjeeday munaasbad xilka lagula wareegayay oo maanta kadhacaysay dowladda hoose ee Saylac.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ee Saylam oo lagu magacaabo Axmed Muuse oo la hadlay Pn24 ayaa sheegay dad badan inay ciidamada xabsiga dhigeen kadib markii mudahaaradayaasha ay gudaha u galeen xarunta dowladda hoose, si ay buuq iyo sawaxan ugu furaan xafladda.

6- ka mid ah dadka  oo ku dhaawacmay rasaas la iswaydaarsaday ayaa ciidamada Somaliland xabsiga kasiidaayeen, khilaafka Saylac ka jira ayaa lasoo sheegayaa inay qayb ka tahay tabasho ay sameynayaan mid ka mid ah beelaha deegaanka oo kasoo horjeeda maamulka cusub ee la doortay.

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. canab says:

    waa yaab qarnigan caalamku horumarka gaaray oo laga gudbay waqti jaahilgii laysku qabsan jiray xuduudah iyo deegaanka inay beesha snm beelo kale iyagoo shaati dawladeed u soo gashanaya isku balaarshaan deegaankooga beesha samaroon dhibka maanta haystaa waxa u keenay markay beel la mida ugu yeereen dawlad la yiraahdo somaliland kaligoodna maaha qaar badan baa u shaqa tagay oo aaminsan in snm dawlad nboqonayso

  2. Kkk boowe pl xageethay xera dhiigaaa isimadaadii baa jeelasha kabuuxa Horta dib isu EEG boowe

  3. Max'ed Axmed Siciid says:

    Waxaa weeye, Dr. C/Raxmaan Faroole wakaah, hadal badanina haan mabuuxsho u, haddaad tahay qof xil kas ah, kashaqee nabadgalyada Puntland. Puntland issimmadeeda ba raba Dr. A/Rahmaan Faroole, Madaxweynaha Puntland ee 2013 ilaa inta uu sharcigu ubbanneynahayo!

    Waxgaradkii baa jooga, siyaasiyiini ma maqna marka waxaad yeeshaan, aannu shidaalka qodanno, annu kashaqeyno horumarinka Puntland iyo guud ahaan ta dalka Soomaaliya!!!

  4. waxgarad says:

    Puntland soo raaca oo ka soo hoos baxa muquuniska iyo cadaadiska xukunka aad ka soo hor jeedaan.

Leave a Reply