Dib u eegis kooban buugga XUSUUSQOR Saciid Cismaan Keenadiid
February 2, 2013 // Announcement, Opinion, Warar SomaaliSaciid Cali Shire
Buugga ‘Xusuusqor’ ee Saciid Cismaan Keenadiid, Eebbe (sw) ha u naxariistee, ogaantay, waa buuggii u horreeyey ee si tafatiran u soo ururiyey una soo bandhigay dhacdooyinkii hareeyey guud ahaan Soomaa-liya, gaar ahaan Muqdisho, muddadii u dhexeysay Diseembar 1990 – Juun 1994-tii.

Dhacdooyinka buuggu xambaarsan yahay, shar iyo kheyr, ma aha ku tiri ku teen iyo war suuqa laga ururiyey ee waa dhacdooyin qoraagu ama dhegihiisa ku maqlay, ama indhihiisa ku arkay.
Qoraagu, inta uusan dhex muquuran dhacdooyinkaas murugada badan, malaha isagoo ogsoon in buugga la daabici doono, seben, dadkii qarannimo iyo qiimeheed ogaa ama xusuus-guur ku dhacay ama ay aakhiro u jihaysteen ayuu buugga af-bilow uga dhigayaa oraahyo jiilka maanta nool iyo kuwa mustaqbalka ku abtir-
san doona Jamhuuriyaddii Soomaaliya u iftiimiya sidii berisamaadkii la ahaan jirey.
Wuxuu sidoo kale, qoraagu, buugga ku soo af-meerayaa muuqaal ujeeddadiisu, aniga fahankayga, ku biyo shubanayso in uu qalbigeenna ka dhaqo caloolxumada iyo uur ku taallooyinka buuggu xambaarsan yahay.
Waa qoraal kooban oo muuqaal ka bixinayo gobonnimaddoonkii degaammada Shabeellada Dhexe.
“Ma aha riyo. Ma aha dheelallow. Waa dhab in ay Soomaalidu kol ahayd dad mid ah oo dalkooda jecel”. In kastoo, weeraha qoraagu ku af-bilaabay buuggiisa ay dad badan, maanta, khiyaali ula muuqanayaan, had- dana waa marag ma doonto in Soomaalidu ahayd ummad magac iyo maammus caalamka dhexdiisa ku leh; ummad is jecel, walaalo ah, isu damqada, is marti soora; ummad hal hayskeedu ahaa:“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada oo, hadba kiina taagdaran, taageera weligiin”. Sawirkaas quruxda badani wuxuu bed- delmey, “kolkii ay Soomaalidu qabiil-qabiil u qaybsantay”, waxa markaas “la waayey xooggii iyo xiribtii qa- rannimada lagu sugi lahaa; waxa la tebey waddaniyiintii ku habaysnayd mabaadiida daljacaylka, waxaanna sidaas u asaruurmay hankii qarannimada lafteeda loo qabay”. Qoraagu, asaruuranka qarannimada waxa uu
u tiirinayaa qabyaaladda. Qabyaaladduna, sida qoraagu soo guuriyey “waa tubta kala tagga iyo bur-burka; baaba’a matxafyada, maktabadaha, dhismooyinka filka weyn, raadraacyada taariikhda, sooyaalka ilbaxni- mada.”
Meesha, jiilalka maanta nooli ay la qabsadeen dad isku diin ah, isku af ah, isku hiddo iyo dhaqan ah oo misana aan is bixinayn, “qoraagga iyo facii sidiisa oo kale ku soo barbaaray xilliyadii gobannimaddoonka iyo soomaalinimada waxaa garaadkoodu la qabsan la’yahay ayaandarrooyinka maanta joogtoobey ee ah
‘Soomaali iyadu islaynaysa’”. Waxa u muuqda, oo naxdin iyo argagax ku haya in “17-kii sano (1943-1960) dhiiggii loo huray xoraynta dalka uu ka dambeeyey 17 sano (1991-2008) oo uu hoorayo dhiig kii hore ka badan lase moodo in loogu talaggalay siddii xorriyad iyo gobonimo lagu waayi lahaa”
Qoraal kooban oo buugga Xusuuq Qor kudhufo halkaan si aad u aqriso.



waxaan idin shegayaa balhorta hadalkadhuuxa murtidiisan fahma meesh moxog ladiranmaaye
Somalilander waxad ubaahantahay Gargaar caafimaad oo degdega kumana habonid in lagu jawabo waayo waxaad tahay qof dacifo qaluub iyo jismiyad xun
somalilander. ilaahay haku caafiyo sxb.
Bugu ma wuxu kahadla xasuqi faqashta logestay 1991 mise xasuqi u afwayne ka gestay 1988 somalilander aderayaal xasuq adinka horay uso bilabay ama buuk so qora ama calacala faqashti laso layay horay bay usolayeen shacabki rer hargaysa marka book laqoray waxba kuqadimaysan siyasada somalila mel xun bad kagajirtaan dadki inso xasuqayna wali awod aye leyihiin marlka adun waxa powar leh qabilka casimada dagan marka adinku gobolo qalalan bad jogtaan ee dadkas muqdisha joga magadhane. Afkina dabosha waliba ti 1991 inku dhacday midkasi weyn aya la inla damacsanaa ee adinka kenya galay wati ila garowe ila galkacyo ila baladxawo ila dhoblay la insi bursanayay aderayaaal waxba ha calacalinaaaaaa cid waxc in qabanayso majidho iyo cid intaqano somalia wa. Xamar un somalilander na wa isaaq wa 2 beel oo walal ah oo isku abtirsado