Jawaab: Ictisaamku ma u baahanyihiin iney dib u eegis ku sameeyaan Manhajkooda? [W/Q Sh. Fu'aad Maxa'ud X. Nuur]

February 22, 2013   //   Faallooyin, Warar Somaali

Dib u eegis mise digasho ?

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
fuadaflow@gmail.com

Marka hore waxaan Allaah uga baryayaa naxariis iyo in uu ku waaro jannada firdowsa sheekheenii Sh.C/qaadir Nuur Faarax, sidoo kale waxaan tacsi mug leh u dirayaa guud ahaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan eheladii sheekha oo ay ugu horreeyaan xaaskiisii iyo carruurtiisa lab iyo dhadigba.

Mar labaad waxaan naftayda, asxaabta, ehelada shiikha iyo ummadda soomaaliyeedba u dardaarmayaa samir iyo adkaysi, waayo jaangooyadda Allaah cidina ma dhaafi karto, shiikhuna Allaha u naxariistee wuxuu soo noolaa waayo badan oo uu waliba ku soo dhamaystay khayr iyo halgan diimeed oo ku qotomay cilmi, xikmad iyo waayo aragnimo aad u xeel dheer.

Firxad baa adduunkii ka haray, amase foognaane.

Fiid iyo dharaar nool dareen, fool leh baa imane.

Wuxuu fali la moog haatan, waa fooraraa waliye.

Farsamada rabbaw waliya, oo fuliya xaal noole.

Ninba faraqa waxaa haysta, tii waa fog loo qoraye.

Faral dhacaya weeyaan wuxuu, fali ilaaheene.

Haddaan intaa uga baxo tacsi iyo samirsiin, waxaan aad ula yaabay maqaal aan ka akhriyay qaar ka mid ah mareegaha soomaalidu wax ku qoraan, kaas oo loogu magac daray Ictisaamku ma u baahanyihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda?.

Qoraagu wuxuu qaab is le’eg ah isu barbar dhigay Ictisaamka iyo Shabaabka, asagoo is le’egtiisa ku soo gabagabeeyay in labada qolo isku aragti ka yihiin xagga manhajka iyo dariiqa lagu gaarayo waxa ay hiigsanayaan.

Qoraagu wuxuu ku bilaabay in labada qolo ay ka simanyihiin qaabka loo baadi goobayo khalaafadii muslimiintu ay waayo badan ku soo caano maaleen laakiin muddo hadda la la’aa, asagoo yiri waxay labada qolo wada qabaan in dawladnimada lagu raadsho Jihaad, ciddii ka hortimaaddana xoog looga leexiyo dariiqa.

Waxaad mooddaa in qoraagu  labo uu mid yahay, in uu yahay nin aan aad ugu warhayn manhajka Ictisaamka iyo kan Shabaabkaba iyo in uu yahay nin is yeel yeelaya oo arrintiisu tahay baroortu orgiga ka wayn, waayo haddii uu akhrin lahaa manhajka Ictisaamka ama uu aqoon u lahaan lahaa, wuxuu ogaan lahaa in xaqiiqadu ka duwantahay sida qoraagu uu qormadiisa ku qoray, waxaan haddaba leeyahay haddaad rabtid inaad ogaatid qabka labada qolo soo akhri manhajyadooda.

Waxaad kale oo aad ogaataa in Jihaadku yahay cibaado gaar ah oo Allaah jideeyay, uuna leeyahay xilligiisa, shuruudiisa iyo axkaamtiisaba, haddii kuwo muslim ahi qaab khaldan u isticmaalaan ama ay qaar aan muslim ahayni ka dhigaan dambi mar walba sharci,waayo  Jihaadku qur’aanka iyo sunnahaba waa ku qoranyahay, tan kale waxaad ogaataa dawlad walba iyo ummad waliba waa lagama maarmaan inay awood yeeshaan si ay u ilaaliyaan jiritaankooda, waana sababta adduunku isugu cirbinaayo samaysashada hub casri ah iyo kan wax gumaadaba.

Dawlad caaqibadeedu                 waa inay carradeeda

Camiraad ku waddaa                    caawintaa dadkeeda oo

Cadli ay ku dhaqdaa                     ninkii caasi garoobana

Ay ciqaabi kartaa                          haddayse caajis ahaatoo

Caal waa ay noqoto                      dadka kii caqliggaab iyo

In carruuri ku dheesho oo          cadawgeed ku farxa iyo

Casilaad u dhawaa.

Haddaba Ictisaamka ayaa qaba dawladnimada Jihaad kaliya ayaa lagu gaarayaa waa wax aan sal iyo raad midna lahayn, waayo waxaa u qoran sida ku cad kutubta ka warranta siyaasadda sharciga ah ee ahlu sunnuhu ay horay u qoreen, akhriste walbana wuxuu ii markhaati kici doonaa markuu akhriyo manhajka Ictisaamka.

Wuxuu kale oo uu mar labaad sheegay in labada qolo ay wada rumaysanyihiin in dastuurrada dawladaha casriga ah iyo gargaarsashada cid aan Allaah ahayn (Al-istiqaasah) in ay yihiin wax lagu gaaloobo, markaas ayuu yiri waxa ay ka qabaan dadka saas yeela ma loo cudurdaarayaa haddii la helo wax loogu cudurdaari karo iyo haddii kale kama hadlayo, waayo wax macna ah ma leh ayuu yiri.

Waa yaabe qoraagu ma shareecaduusan aqoon mise waa kiis iska waal, waayo waa arrin sharci ah in la kala duwo xukunka ficilka iyo kan ficilka sameeyay, wax badan bay shareecadeenu ku sheegtay gaalnimo laakiin cid walba oo waxaas gaalnimada ah samaysaa ma gaaloobayso ee waxay u baahantahay in dadka ahlul cilmiga ahi ay ka arrimiyaan, haddaba haddii labada qolo qolona qabto sida aan sheegay qolona cid walba ay gaalaysiinayaan, isla markaasna nin walba uu xukunka isagu ridayo xaggee ayay isku manhaj ka noqdeen.

Tan kale qoraagu ma wuxuu qabaa in dastuurka khilaafsan shareecada oo lagu dhaqmo iyo in cidwalba la waydiisto wixii Allaah kaliya uu awooday ay bannaan tahay mise xaalku waa sidii abwaanku yiri.

Maan gaabkiyo ways hayaan, kii mufti ahaaye.

Ardadaa mujaadalo la gali, macalinkeediiye.

Midkii dhawr mas’alo soo bartaan, maaro loo heline.

Makaskiyo intii caamo ay, madax wareershaane.

Hadba xaal muraad lagu wataa, layna maqashiine.

Waana waxaan Minhaajkiyo Tuxfaha, meelna kaga oole.

Waxaa kale oo uu qoraagu yiri, waxay labada qolo manhajka ka wada qaateen kutubta Sh.Max’ed C/wahaab, Sayid qudub iyo Abu-aclaa Al-mawduuddi Allaah ha u wada naxariistee, sidaa darted xagga aragtida labada qolo waa isku jaal.

Markaa ayuu wuxuu yiri dadkii la khaarijiyay iyo Sh.C/qaadirba waxaa lagu dilay manhajka labada qolo ay wada aaminsanyihiin, marka maxay Ictisaamku ku hadlayaan haddii manhajkoodii lagu fuliyay, yaab!.

Waa dhab in Culimada kor ku xusan kutubtooda la akhriyo, waana mudanyihiin in la akhriyo lagana qaato wixii sax ah wixii khaldanna laga tago oo loo sheego bulshada cilmiga ku hawlan, waxaase waxba kama jiraan ah in Ictisaamku kutubta wadaaddaaas kaliya ay akhristaan, waliba haddaad akhridid manhajkooda waxaa la arkaa inaadan ku arkin tixraaca kutubta laga soo guuriyay manhajkooda, iskaba daa taase waxaa u qoran in ay rumaysan yihiin qabsashada kitaabka iyo sunnada loona fahmo sida ay u fahmeen culimadii salafku (Culimadii noolay sadexdii qarni ee Nabigu SCW uu amaanay).

Waa meesha aan iska iri ninkaan iyo qaar kale oo iyana qormooyin aad mooddo maadays iyo ku digasho ay soo qoraan, malaha waa nacayb iyo xumaan ay haysan kari waayeen, runtii ma aanan jeclayn in aan qormooyinka noocaas ah ka jawaabo laakiin waxaa aad ii xanuujisay in culimadii u taagnayd in ay hor istaagaan wax alla wixii khilaafsan dariiqa saxda ah iyo cid walba oo ka leexata tubta toosan in ay u huraan naftooda si aan ummaddu u halligmin adduun iyo aakhiraba ee haddana loo dilay in ay toosnaanta ilaaliyaan in lagu wiirsado oo inta la yiraahdo Allaha u naxariisto haddana la yiraahdo hadal u eg bagah, waxaan soo xasuustay tixdii ahayd.

Hilowgaad ka garataa intaad, hilib wadaagtaane.

Dad ninkaan hannaankii kalgacal, heedhe kala wayno.

Aanaan heshiin Karin inaan, ka haro saw maaha.

Ugu dambayn waxaa dhab ah in labada qolo ee qoraagu isku khasbayo ay yihiin kaaf iyo kala dheeri, sidoo kale waxaa hubaal ah in aadanuhu mar walba u baahanyahay dib u eegis iyo isa sixid, waana sababta shareecadeenu inoo amartay in la tawbad keeno, laakiin waxaa ceeb ah in dadka laga been sheego, oo lagu sheego wax aysan qabin waliba iyagoo leh manhaj qoran oo qofwalbaa akhriyi karo.

Waxaanse leeyahay qof walba wuxuu hadlaa garaadkii, waxaadse mooddaa in waayadaan dambe la caadaystay in Culimada nolol iyo geeriba aan la badbaadin, taas oo ah gaboodfal,  waxaa kale oo badan in masalooyin cilmi ku qotoma layska indhamaro oo waliba lagu galda’o.

Ragga qaar daliillada sharciga, waa dacniyayaane.

Intii daallimiinoo ku wacan, duminta khayraadka.

Inkastay dad kiiska horwadaan, oo la daba joogo.

In ceebtoodu daahiri dhakhsaa, iga dawaynaysa.

Waxaan rabaa in akhristayaashu bal u dhugyeeshaan, maxaa cilimada la dilay loo dilay, maxaa looga waayay kuwa ku soo tinaagooda mareegaha wax lagu qoro cid manhajka Ahlu-sunnaha difaacda, maxaa mareegaha qaarkood loogu caayaa Culimada waawayn ee hadda qaybtood la dilay, maxaase kuwii shalay caayayay ay haddana marka la dilo u yiraahdaa Allaha u naxariisto sheikh wayn buu ahaa iyo hadalo la mid ah oo haddana loogu soo gabagabeeyaa hadal u eg in ay dilka mutaysteen, waa wax aan is qabanayn oo la yaab leh mise waa.

Niman bay canaantay oo haddana, ii calaalayay.

Ceeb baa la ii faafiyoo haddana, la ima caayaynin.

Hadalkaa calaamada leh waad, la cajabaysaaye.

Caynkaana waxaa iigu wacan, ciilka aan qaboe.

Akhyaarey maanta halkaa haynoo joogto.

Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur

COMMENTS

RSSComments (15)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. waxaan lee yahay dadka maangaabka ah oo dadka ka dabaqaatay ilaahay ha idin soo hanuuniyo ileen cudur aan idin ka baxay ayaa idin ku jira ilaahay ha idin ka saaro hadii uusan idin kasaarina ha idin ku dilo cudurkaas oo ku baa ba a

  2. Hersi says:

    Manhajka al-ictisaam Waa mid xanbaarsan fikirkaas wahabiga ah iyo waliba shabaabka….EEG qoraalkaan manhajkooda towxiidka sedex beey u qeybsheen ( rabuubiyah,aluhiyyah,iyo asmaa wasifaat ) ….waana kan eey ku dhisanyihiin caqiidada wahabiyada…kaasoo lagasoo maanguuriyey nasraanada qeybintaas towxiidka sedexlaha ah…waana kan muslimiinta oo dhan lagu gaaleeysiiyo….oo aan iyaga aheynba….waxey ku gaaleeysiiyeen dhammaan muslimiinta oo dhan waxaan iyaga aheynba ….caddeymo Sugan iyo kutubo qoraaladooda ah iyo cajalado maqal iyo muuqaal ahba waana heynaa….caqiidadaas wahaabiyada ee salafka si Isku been abuuradka ah u sheegata(salafiya)…. Waana Isku mid iyaga iyo takfiirka iyo qudhubka akhwaanjiga massar ee ka beyray nahjigii wacnaa ee Shiikh Xassan al banna .

    Nasiib darro reer Somalida badi waxba Ma qoran waana Ma aqriyaan …gaas dhagoolane ilaah uun baa umaqan.

    War isaga hara caqiidadaas salafiga labaxday hadana ictisaam idiinsheegatay horeyna itixaad u aheyd…waana Isku mid iyaga iyo shabaabka.

    Ilaahoow adaa hanuunka hayo ee so hanuuni Somalida la marin habaabshey……..oo kala aqoon la,a maanta shabaab iyo macalimiintooda.

  3. Hersi says:

    Bismillah, praise be to Allah the lord of the worlds, and may Allah raise the rank of our belove master and teacher Prophet Muhammad, his kind Al and companions ameen.
    See below this Fatwa issued by the wahhabis’ main Mufti claiming that doing Mawlids is Shirk (Wal ^iadhu Billah), which makes hundreds of millions of Muslims all over the world according to the wahhabis as Mushrik blasphemers!.

    http://alsunna.org/gallery/data/media/22/shocking_fatwa_wahhabi_muftin_anti_mawlid.jpg

    This shows you the extreme beliefs of this wahhabi sect, and how they consider Muslims as Mushriks and permit killing them by the name of Islam.

    Warning from the wahhabis is a must, because they are the enemies within our communites.

    All Sunni Muslims all over the world celebrate the birth of the Prophet. Only wahhabis oppose it and claim it’s haram bida’a to do, but that’s due to their ignorance. Ask these people the following:
    What is Mawlid celebration?
    - Mawlid is a time where Muslims rejoice in commemorating the birth of best of mankind, and talk about the mercies of Allah for sending Prophet Muhammad.

    What happens in mawlid?
    - People Recite Qur’an.
    - Praise Allah, and the Prophet and not exaggerate
    - Teach the people about the life of the Prophet
    - Feed the people, rich and poor for the sake of Allah, and none of those are haram.

    Did the Prophet do it?
    - He did not say don’t do it! Rather he fasted Monday and said:”That’s a day on which I was born”.

    Why specify a certain day for Mawlid?
    - Why not? did the Prophet prohibit specifying a certain day for worship? No.
    - Also the Prophet mentioned hadiths for the specialty of making Salat on him on Fridays, so specifying a day is not prohibited.
    - Prophet Muhammad urged us to fast ^Ashura’ once a year because Allah saved Moses from Pharao.
    - And the Prophet urged us to fast (syam) on Mondays because he was born on that day.

    What’s the Proof that we can celebrate Mawlid?
    - Allah said: ?????? ?? ????, and in Mawlid Muslims praise the Prophet
    - The Prophet fasted Ashura’ and said “Allah saved Musa that day” and fasted Monday and said: “That’s the day I was born”
    - The Prophet said: “The one who innovates a good innovation in Islam has its reward and a reward similar to those who follow him in it”
    - All Muslims celebrate Mawlid which was first made by al-Mudhaffar Hakim Irbil who was a great generous Muslim leader.

    Other Proofs that Mawlid is good:
    - Scholars approved and said it was good such as Ibn Hajar al-^Asqalaniy (Who authored Fathul-Bari interperting Sahih al-Bukhariy) and al-Hafidh as-Suyutiy, and Ibn Duhiya and others.
    - Contents in Mawlid comply with the Qur’an and Religion
    - Mawlid is about reciting Qur’an, dhiker, teaching about the Prophet, saying salat and salam on the Prophet which has great rewards!!

    - During the Caliphate of ^Umar Ibnul Khattab, ^Umar initiated the gathering of people in Ramadan to pray Tarawih Prayer in congregation and said: “What a good bid^ah (innovation) that is!”

    Conclusion:
    800 ????? ???? ??????? ????? ???? ????? ??? ???? ???? ????? ??? 100% ??? ?? ??? ?? ?? ?? ?????
    800 Million Muslims Celebrate the Birth of Prophet Muhammad and they are 100% righteous. Only Wahhabis who attribute to Allah non befitting attributes such as sitting and moving and bodily parts, and whom attribute to the Prophet non befitting merits such as claiming that he sits with Allah on the throne, or that he is dead and not beneficial, and that calling his name as “Ya Muhammad’ is considered to them as shirk and that visiting his grave is a great sin!! those wahhabis oppose true Sunnis because all Muslims believe that Allah exists without, he is not a body, and is clear from bodily attributes and that Prophet Muhammad is a human being, but benefits his Ummah by the will of Allah. Prophet Adam asked Allah by the status of Prophet Muhammad, and so Allah forgave him by Prophet Muhammad who is the wasilah to Allah. Allah forgave Adam, and Muhammad was a reason for the benefit.

  4. osman gooni says:

    asalamu calaykum waraxmatullahi wa barakatuh runti Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur hadaladu yiri aad bay ii so jiiten lkn dhalinyarta hada jogtah waxad moda kuwa sumaysan yago wax loga digayoh ayay wadadi ku si socdan hadana ay culimada iyo madhabkoda ay si aflagadenayan o leyihin waxbay mari hababinayn lkn aya mesha ku jirtah horta kuwa wax mari hababin iyo kuwa wax aad ku shegaysoh waxbay mari hababin ma isku fikirba ma isku wada fadlan walalkayga mar kasta wax aflagadenayh ama qormoyinka qaldan so qorayah waxad isku tijabisah inad dib qola kastah kutubtodah iyo manhajyadodah aad akhrisatoh shekhana qormadisa wa u ku so daray inta badan waxd modah dhalinta hada jogtah qaybtod inay mel la’a yihin in la is indha tiranah ma ahn markastanah culimada lagu gabod falay o lalayay hadanah afka lagu si hayyoh yago dhintay o aad ledihin yaga namari hababiyay wa wax aad loga naxoh ilahy dambi dhaaf waydistah runti musiba ka wayn in culimada lalaayoh o lagu ben aburtoh ma jirtoh runti ma donayoh inaan cid dhaleceyyoh fadlan intadan ictisam ama shiyokhda aad magan isku day qola kastah inad bal waxay aamin sanyihin dib o radisoh labo wiil o aan waxba kala garanyn hadalkoda ha racin ee bal baxsi samey shekh Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur aad ban ugu mahadcelinyah qormadisah waxan saxay allah agtisa ayay ahatay waxan qalday ani iyo shaydan ayay o ahaty waxan idin kaga tagayaah salanta islamka asalamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh.

  5. muna says:

    asc waxaan hada meeshaan ka muuqda in dad taageersan dadka umuda gaaleysiinaaya ey bixinayaan comments ,waxaan idiin leeyahay nin muslim ah in ladilo oo masjid ku jiray ilaahey la hadlaaya meel ey ku qorantahay ma jirto,nimanka la diley cid cilmigeeda heysa umaleyn maayo in ey jiraan,dad 20 sano iyo ka badan diinta baranaayeey ma heysaan,culumaada afka kalabax,waxna ma ogid,diinta dhan waxaad ku baratey maxaadiro nin kuu jeediyo oo isagoon si fiican u baran diinta oo 2 sano machad soo dhigtey, baad is ka taageereysaaa.
    kala saar fikir urur iyo wax ey diinta baanesey,hadaan fikir kaada raaci waayo ma idileysaa,yaa kuu baneyeey dhiigaas.
    somalida hadaad tahiin dhanqankiina hore baa ahaa reer baadiye marka xoog ayaad rabtaan inaad wax ku ma quunisaan intaad lacag soo tuugsataan,baad ku dili nin adiga in badan kaa fiican oo bulshada wax tar u lahaaaaaaaaaaaaaaaaa,
    bal cilmigii sheikh ahmed abdirahman xagaaad ka keenin waa adiga sabab u noqday ,diintaa baa larabin in dadka labaro si dadka ugu bato fasahaadka ,maataanu taas heynaa wax diintii baranaaya waa yartahay,dadkiina cabsi baad galiseen ilaaah idiin dhamaaye,ilaahay waxaan ka baryeeynaa in culumada diinta umada baraaya wixii ka soo horjeeda ilaahey dhameeeyo.,sababtoo ah waxey khatar ku yahiin diinta barashadeeda ee umadu baraneyso.

  6. qaadiyare says:

    wllyaal waa muhiim in qofku kala saari karo wax oo uu leyahay maxkax wax taxliilisa ama lafo gudha taas oo ku beesgaraysan aqoon lkn adoo waxba kuu bilownayn hadaad iska hadashoo waa dhibta qayqo badan oo somaalida ka mid ah haysata waxaad arkaysaa qof leh al shabaab iyo al ictisaam waa isku manhaj war xagee iskugu yimaaday haddii la dhaho jawaab mandiq ah makeni karo lkn ma mudna in lo jawaabo dadka nocaas ah maxaa yelay waa dad shaad ah waxaan naxariistii jano alle uga baryayaa culimadii lagu dilay iyagoo gudanaya waajibka diiniga ah oo alle saaray kuwa u taaganna aale xifdiyo waxaana u sheegi lahaa kuwa qaba in dacwadu aamusayso haddii culimada qatb lalaayo qaybna loo cagajug layyo waa waxaan dhacay bal waaba sii xogaysanaysaa waxaana kuwa culimada dilaya lamid ah kuwa iska hadlayaal ah oo aad modo hadalku inuusan u qiimaynay oo leh waa mudnaa in la dilo maxaa yelay waagii hore iyagaa taageri jiray iyo wax lamid ah sxbyaal alle aan kabaqno oo waxaan ku hadlayno ama qorayno waa layna waydiinayaa maalinta qiyaame alle wuxuu yiri koray oo xumaan kahufnaay?????? ????? ?? ?? ??? ?? ??? ? ????? ????????? ????? ??? ??? ??????

  7. Caadil says:

    culumada waxaan kula talinayaa in ay ka daayaan caamada jahwareerka badan ee maalinba magacyo aan dhamaad lahayn hadba jahwareer horle ayey galiyaan magacyadaas ayey dadkii kuwareereen hadii lagu ekaan lahaa islam iyo asalaf saalix waxaan qabaa inta kasoo hadha dadku markii ay maqlaan waxay uqaadan lahaayeen wax qaldan laakiin culumadeeniinba hadii ayagii ay ina hor boodayaan oo maalinba magac cusub labaxaan hade waxaa dhacaya wixii dhacay ee hadaba natiijadeeda gacanta lagu hayoo la eeday oo kusoo hoos gabanayaa magacyadaa cusub. waa in laga waantoobaa loo lajoogaa magacyadaa …

  8. yusuf cismaan says:

    ururka ictisaam waxey qeyb ka noqdeen, xaqdarada lagu hayo shacbka ree puntland, waxey furteen xisbi lagu magacaabo midnimo oo u hiilinaaya nidaamka cadaalad darda caburinta boobka uu faroole ku hayo puntland,
    suaasha is weydiinta mudan waxa ay tahay muxuu yahay ururka midnimo?? yeey yihiin dadka asasey ururkaan ????? maxeysa tahay ujeedkooda siyasadeed iyo fikradaha ay xambaarsan yihiin???

  9. Moh hasan says:

    Ilaahay culimada iyo dadka kaleba hal meel ha u jeediyo.
    Sh. Fu’aad waxaa ku haboonayd, inuu xuso magaca ninka xikmadaha oo soo qoray tiriyey. Ninkaas oo ahaa nin caalim ah oo gabyaa ahaa waa Cismaan Yuusuf Keenadiid.
    Waad mahadsan tihiin.
    Mg

  10. muna puntladn says:

    asc marka hore ilaahy ha u naxariisto sheikh abdiqadir aamiin yaarabi.
    sheikh fuad waad ku mahadsantey qoraalkaan lakin arin ayaa aad iga yaabisey waa nin tuug ah oo wadaad is ka dhigayaa ,oo leh anigaa cilmiga ka masuula falkaas.
    ninka xassan la leeyahay waa fitanka aduunka waa ninka umada ha lagaqabto,dowlada kenya haday run sheegi maxay ninkaas u xiri wayday oo dhuunta uga jariwayday,wax uu cilmi ka goyahay ma jiro,waa lacag doon ,jaahil ah xogaa carabi ah kala soo baxey webka.
    ninkaas dacwadiisa ha lafuro in aduunka maxkamad la soo taago.waa cajladiisa waxa caruurta dileysa,fadlan fiiri qofkaad rabto wax ka dhageysan ,see nin tuuga ah uga dhageysan muxaadiro,maba ka muuqdo nuurkii diinta.
    fadlaan mee aqligii ilaah ku siiyey sixir bey siiyaan baan is iri waxaan macquul mahan.
    mark kal thanks

  11. nabiil says:

    Scww

    Alla caamo xumaa, hadii qof walba wax iska qoro sida Hirsi, waa la wareeraa.

    Ha I radiyo shiikha kulahaa, maxaa lagugu radinaa. manhaj ma taqaanid, Ictisaam ma taqaanid, shabaab sidaas oo kale.

    Maxaa lagaa radinaa marka, horta wax soo baro , xishoodna iska baar baar, laakiin inaa iska hadashid waa wax xun.

    Shiikh fuaad Ilah ha ku barakeeyo ku soco jidkii lagu dilay Dr.Ahmad iyo Sh.C/qaadi Alaah ha u naxariistee.

    kana anaga nagu dhaaf.

    Wabillahi Altawfiiq

  12. samiiro says:

    Shiikh fuaad kor alaha xifdiyo asaga iyo culimcda kale.

    Xirsi is marji ama sakiin laq, wahaabiyana adoo kale waxba ma ka qaadaayo.

    scww

  13. Samiira says:

    ar ninkaan cuqdad badanaa haddii wahaabiyo la nacaayo saas maa loo nacaa.

    Xirsi sakiin laq. ama is marji.

    Shiikh Fuaad kor Allaha xifdiyo culimada oo dha.

  14. Hersi says:

    Maqaalkii uu soo qoray walaalkeen gaabane,waxaad yare waan aqriyey,kaasoo ahaa cinwaankiisa…(ictisaamku Ma u baahan yihiin in eey dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda(wahaabiga ah)?!..daliilo iyo Tusmooyin wax ku ool ahna Waa xanbaarsanaa…iyo waanooyin guud….nasiib darro halakan isna ina afloow Waa uu ka daba qaatay…qof walbana garaadkiisuu hadlay….!

    Marka hore allaha u naxariisto dhammaan dadkii dulmanaha ahaa ee eey khawaarijta leysey …qof walbana Waa uu dhiman…waxaase nasiib leh qofkii ilaah ku oofsada khaatumo wacan iyo towxiidka isagoo dhab u heysta.

    Waxaanse shaki ku jirin in da,yarta (xaafithii,e asnaan-shabaabka )iyo bar baariyayaasha u ahaa macalimiinta Waa (ictisaamkee) eey Isku manhaj iyo fikirba yihiin kaasoo ah wahhaabi …fikirka ina cabdi wahaab, iyo khudubka akhwaanka labadaba eey muslimiinta oo dhan gaaleeysiiyaan..ka manhaj ahaan iyo Kuwa kaloo labaxay iyana si ku been abuurad ah salafka (salafiyiin)’ Waa Isku mid ,maahan waxaan iska leenahay ee Waa manhajkooda wahaabiga ah…taasina awal Waa ey ka sinnaayeen..maqal iyo m uuqaal ahaanna Waa loo hayaa iyo waliba qoraal ahaan intaba .

    Walaakeen ina afloow dabcan Waa ka mid kuwaasi aan soo xusay..ka wahhaabi ahaan manhajiyan….shabaabkana wax cusub lama Imaan ee waxii labaray beey xarfiyan u dabaqeen iyagoo bareerahooda muujiyey….qaladba Islaamka-nimada isagoo ku ah…(ka ficil khawaarij ahaan)….iyaguse eey isla saxsan waayo fikirka wahaabiga ah in la gaaleeysiiyo qofkaan ku raacsaneynba….caqiidadooda kulaabo rasa,l ka ina Cabdi wahaab faah faahin.

    Laakiin ictisaamku wali kuma dhiirana in dadka la laayo ,waase aaminsanyihiin fikirkaas wahaabiga ,hadaan qaldanahay Waa iraddin karaa ina afloow…..dagaalkuse waxaa uu muuqda hadda kuwo Isku haya siyasad iyaga iyo shabaabka oo ah dhalaankii eey balada bareen..laakiin kamfikir wahaabi ahaan kaasi Waa isaga mid..

    Waxba tarimeyso caadifad iyo koox difaacid…laakiin. Waa in loosoo laabta manhajkii Islaamka iyo ijmaaca ee asxaaabul madaaahibku Isku raaceen ee ijmaaca ahaa ee ahlsunna waljamaaca…waana kaaf iyo kala dheeri manhajkaas ijmaaca ah iyo kan wahaabiyada.

  15. Hersi says:

    Maqaalkii uu soo qoray walaalkeen gaabane,waxaad yare waan aqriyey,kaasoo ahaa cinwaankiisa…(ictisaamku Ma u baahan yihiin in eey dib u eegis ku sameeyaan manhajkooda(wahaabiga ah)?!..daliilo iyo Tusmooyin wax ku ool ahna Waa xanbaarsanaa…iyo waanooyin guud….nasiib darro halakan isna ina afloow Waa uu ka daba qaatay…qof walbana garaadkiisuu hadlay….!

    Marka hore allaha u naxariisto dhammaan dadkii dulmanaha ahaa ee eey khawaarijta leysey …qof walbana Waa uu dhiman…waxaase nasiib leh qofkii ilaah ku oofsada khaatumo wacan iyo towxiidka isagoo dhab u heysta.

    Waxaanse shaki ku jirin in da,yarta (xaafithii,e asnaan-shabaabka )iyo bar baariyayaasha u ahaa macalimiinta Waa (ictisaamkee) eey Isku manhaj iyo fikirba yihiin kaasoo ah wahhaabi …fikirka ina cabdi wahaab, iyo khudubka akhwaanka labadaba eey muslimiinta oo dhan gaaleeysiiyaan..ka manhaj ahaan iyo Kuwa kaloo labaxay iyana si ku been abuurad ah salafka (salafiyiin)’ Waa Isku mid ,maahan waxaan iska leenahay ee Waa manhajkooda wahaabiga ah…taasina awal Waa ey ka sinnaayeen..maqal iyo m uuqaal ahaanna Waa loo hayaa iyo waliba qoraal ahaan intaba .

    Walaakeen ina afloow dabcan Waa ka mid kuwaasi aan soo xusay..ka wahhaabi ahaan manhajiyan….shabaabkana wax cusub lama Imaan ee waxii labaray beey xarfiyan u dabaqeen iyagoo bareerahooda muujiyey….qaladba Islaamka-nimada isagoo ku ah…(ka ficil khawaarij ahaan)….iyaguse eey isla saxsan waayo fikirka wahaabiga ah in la gaaleeysiiyo qofkaan ku raacsaneynba….caqiidadooda kulaabo rasa,l ka ina Cabdi wahaab faah faahin.

    Laakiin ictisaamku wali kuma dhiirana in dadka la laayo ,waase aaminsanyihiin fikirkaas wahaabiga ,hadana qaldanahay Waa iradin karaa ina afloow…..dagaalkuse waxaa uu muuqda hadda kuwo Isku haya siyasad iyaga iyo shabaabka oo ah dhalaankii eey balada bareen.

    Waxba tarimeyso caadifad iyo koox difaacid…laakiin. Waa in loosoo laabta manhajkii Islaamka iyo ijmaaca ee asxaaabul madaaahibku Isku raaceen ee ijmaaca ahaa ee ahlsunna waljamaaca…waana kaan iyo kala dheeri manhajkaas ijmaaca ah iyo kan wahaabiyada.

Leave a Reply