Garowe oo laga dhigay dibadbaxii ugu waynaa ee Al-shabaab lagu diidanyahay [Dhagayso]
February 24, 2013 // Warar Somaali
Dibadbaxii looga soo horjeeday Al-shabaab iyo dilkii sheekh C/qaadir oo xarakadooda lagu eedayay inay fulisay ayaa maanta kadhacay magaalada Garowe.
Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu yimid fagaaraha barxadda ee Garowe halkaasi oo ay kula hadleen culimaa’udiinka iyo madaxda dowladda Puntland.
Ardayda wax kabarta kuliyada shareecada ee jaamacadda Bariga Afrika Garowe, macaahidda iyo jaamacadaha ayaa ka qaybgalay banaanbaxa.
Dibadbaxayaasha qaarkood oo lagu qiyaasay ku dhawaad 40-qof ayaa istaagga kadhacay, kadib markii geerida sheekha ay ka naxeen.
Dhamaan culimada iyo masuuliyiinta dowladda Puntland ayaa hadalka jeediyay banaabaxa.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa sicad u sheegay kooxda Al-shabaab inay sheekha dishay, lana hayo kooxihii gacantoodii ku dilay sheekh C/qaadir Nuur Faarax.
Dhagayso Khudbaddi Dr. Faroolle
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ahaa 70-sano jir ayaa 50-sano inka badan waday fidinta diinta islaamka, Garoowe ayaa lagu dilay isagoo salaadda casar tukanaya.
Puntland-News24



xataa wepka ayeey ku jiraan kuwa commentska dhiibanaya qaar ayaa ah kooxdaas dhiigyacabyada ah sida Osmaan Yusuf gacan ku dhiiglaha wata. qofku markuu hadkayo ha miisaamo ra,yigiisa yaanu sidii dameerka ama ashabaab isga ciyin waa iga tallo.
War dadka caayda ka daaya sheekh cabdulqaadir ciise maxamuud ayaa dilay,ayagaa kharash ku bixiyey weliba madaxtooyada ayaa laga soo abaabulay,maxaad dadka u caynaysaan,maxamed faroole ayaa kiis kaan ka danbeeya iyo aabihiia,waana run ama ku farxa ama ka naxa,dhexdeena ayayna ka qoyaysaan waxba yaan caruurta faroole qoraxda ku dilin.
Reer garowe waxaan u sheegayaa inay qoranda isku dilin Sheekh Cabdulqaadir ninka idinku dhex jira ee aad Puntland u bur buriseen ayaa dilay ama dadka caaya ama ha caayin,Reer garowe waa dad aqoon yahanku ku yar yahay,sidaas awgeed faroole waxay u caabudayaan waa qofkii ugu horeeyey oo hogaamiye noqda waa ZULU zuluna waa dad qaqawan,war shiikh waxaa dilay faroole.qofkii wax sheega caay ayaay ula soo fariisanayaan zulu yaa zulu.
qoladaan al qaacida Godane may naga bedelaan oo nin daarood ah ku bedelaan culimadii buu naga dhameeyay anaguna mar aan ciida gale iyo isaaq birta saarnee oo masaajida ugu galnee goortaan dibada ka dhamayno
Waaw reer Garoowe , odaygan Faroole ah ee madaxa ka jiranna ka mudaaharaada dufoobaha wax ka qabanwaa Amnigii, mudaaharaad miyaad ku jiraysaan weligiin, odagaan burcadbadeedka ah waqooyi ayuu idinku darayaa inta idinka harta hadduu ina Cali Waraabe idiin ogolaado.
Waxaan la yaabay , dilaalkaan qorsheesan ee Puntland keliya ka dhaco.Matirinkaro inta sarkaal , waxgarad , guddomiye maxkamad , nabadoon iyo shiyuuq caalin ah lagu dilay maamulka Puntland.Xamar oo dagallada ugu xooga badnaa Shabaab iyo Amisom , intaaso masuuliyiin laguma dilin.weligey ma maqal sarkaal ama shiikh lagu dilay BARDHEERE,KISMAAYO, BAYDHOBA,BELETWAYNE ,HARGEISA , BURCO ,BOORAMA. ARRINTAAN SHABAAB WAA KA WENTAHAY . SHEEKH C/QADIR , SHABAAB WAXEY U BEGSADEEN , MAAMULKA PUNTLAND MA SOO SHEGAY ? WELIBA SHABABTA MARKEY WAX DILAAN AMA QARXIYAAN WAA SHEGTAAN OO KU FANAAN. ARRINTAAN SHABAAB WEY KA WENTAHAY EE REER PUNTLAND WAXA NIGA QALDAN RAADIYAA , WAQTI HA KU LUMININA SHABAAB . ARRINTA GUDAHIINA WAYE .HADDEY SHABAAB LEYNESO WADADADA , KUWA UGU WAWEEN HARGEYSA EY JOGAAN.
Runtii wax walbaa waa iska cadyahiin siiba waxaan jeclaan lahaa Kan la baxay osman yusuf iyo Puntlands inay sheegtan Magaciisaa o saxda ah uusan noo dhuuman ilayn waa kuwa aan ka mudaharaadayno loo qunudayo in alaah ka qabtoo umada somaliyeed iyo islaamkaba
marka wan idin jeednaa waxii aad tahiin laakin sida aad magaca u qarsateen waxaa ay cadeyn u tahay sida ad u liidataan awood ahaan ,diin ahaan,
cadowga somalia oo dhan alaa qabto
kkk Osman Yusuf hadii aad xanuunsan tahay doctor aya loo tagaa ee websiteyada lalama soo aado hadii aan is leeyahay faa’iido ayaa laga gaareya wax ban ku tusaalayn lahaa laakiin uma qalantid oo caqliga kugu jira baan arkaa inta uu le’eg yahay ninka kale ee la baxay puntlands hadii aad adigu garanaysid sida wax loo baaro maad dadka u sharaxdid kkk bal wax uu naga tusaale adiga garanayee give us just one factor bro. kkk damn
Asc Waa mid lala so dahay shikhna cida dishay wala ogyahay shabab in ay rer garowe qarkod in ay garab kusiyen shikh c abdiqadir waa so ifbaaxday alle ha raxmado kuwi dilayna aduunka calamo iyo ciriri baan u ga rajyn akhrina jahanabo osmana waa runtis wuxuu ka hadlay qof ki caqli leh wadanka waxa ka socda taaku ula socda inta wadanka dacada u ah allaha noreebo inta shayadinta la shaqaysana allaha naga qabto
asc
osman walaal sh c/qaadir waxaa lagu dilay garoowe waxaana soo qabtay shacabkii garoowe , waxaa ka mudaharaaday reer garoowe..marka dadkii boosasso iyo gaalgacayo lagu dilay ma waxaa laga rabay inay qabtaan reer garoowe mise dadka magalooyinkaa dagan , kugu haboonaa inaad tiraahdid dadka reer boosaaso iyo gaalkacayo inaysadaan samayaan bay ahayd
wuuw reer garoowe waad hormarteyn waa in laladagaalo al shabaab,tuugada,wadanka qasaaya,madaxweyne waad mahadsanthay lakin garoowe kaliya ha ku ekyn gobalada kale,hala gaaro ,
Osman yusuf Allah ha ku caafimaadiyo ma waxaad leedahay halaga aamuso dilkii shiikh cabdulqadir
shiikh Cabdulqadir nuur faarax Alle haaw naxaristo,waxaanse shaki ku jirin in faroole ka danbeeyo boorna isku qarinaayo,dhegaysta shiikha markaay naftu ka baxday faroole dhawaqi iyo nefti ka soo baxday inuu ka danbeeyey,miyaysan idinku jirin qof soo bartay sida loo baaro denbilayaasha Faroole waa denbiile isagaana laaya dadka puntland lagu xasuuqo u fiirsada weli faroole ma soo qabtay denbiile qof delay kuli intii la soo qabtay waxaa soo qabtay shacab raalina ka uusan ah, denbile la soo qabtay,eega ma ogola in shareecada islaanka lagu fuliyo denbilaha la soo qabto,xukunkana wuxuu isugu dhejinayaa denbilayaashu inaay ku mar khaanti furaan.Faroole isagaa ini godane ka daran ini godane wuxuu noqday habartii rideeda dhurwaagu cunay 10 sano ka hor,oo dhurwaagii ciyaba tiraahda wakii ridaayda cunay,bal laba Eey kala dooro.
waxaa ayan daro ah , in maanta dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo alshabaab ay ka dhacaan garoowe, taa micneheedu ma ahan in aan xagjir ahey ama xambaarsanahay fikir kooda ,
suasha is weydiinta mudan waxa ay tahy maxaa dibad baxaan oo kale labo sano ka hor loo sameyn waayey???
qoorta madx jabiska ka socday bosaasso iyo gaalkacyo, muxuu kan kaga duwan yahy aqoonyahanadii iyo cuqaashii dilalka qorsheysan loo geeystay,??/