Dibadbaxyo Ka Dhacay Waaciye iyo Ciidamada Saracen oo Tagey [Warbixin]
September 28, 2012 // Warar SomaaliWaxaa maalinimadii shalay [27-09-12] gaaray magaalada Waaciye ee Gobolka Karkaar ciidamo ka tirsan shirkada Saracen, ciidamadan oo ku hubeysnaa 5-gawaarida dagaalka ah, ayaa waxaa watay sarkaalka lagu magacaabo Cali Afadalow.
Gelinkii horena waxaa degmada Waaciye isugu soo baxay dadweyne careysan oo u badan ardayda dugsiyada magaalada, iyagoo ka gadoodsan barnaamijka dowlada Puntland ugu magac dartay geedi socodka iyo dimoqraadiyeynta Puntland.
Dibad baxayaasha oo lagu qiyaasay 2000 oo qof waxay ku dhawaaqayeen hadalo carro leh oo ka dhan xukuumada Puntland, iyagoo uga digayey in dowladu aysan isku dayin inay muddo sanad ah xukunka ku korosato, si aan dhibaato iyo dagaal sokeeye mar kale Puntland uga dhicin, iyadoo maanka lagu hayo dagaladii lagu riiqday ee Puntland ku dhexmaray sanadkii 20o1-dii taageerayasha Jabhadii GBP iyo maamulkii Puntland oo uu madaxweynaha ka ahaa AHN marxuum C/laahi Yusuf Axmed.
Ciidamada uu watay Cali Afdalow waxay kaloo isla maanta tageen degmada Sheerbi, iyagoo sida la sheegayo dhowr qof ka kaxaystay magaalada inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi dib loo soo celiyey, kadib markii su,aalo la weydiiyey.
Xaalada degmada Waaciye ayaa haatan degan, iyadoo maleeshiyo deegaanka ah ay dhanka koonfureed ee magaalada isku aruursadeen, kadib markii ciidamada Boosaaso kasoo kicitimay ay ku ekaadeen oo kaliya saldhiga booliska ee Waaciye.
Ciidamadii uu watay Afdalow ayaa dib ugu noqday magaalada Boosaaso, kadib markii Roob mahiigaan ah ku da’ay nawaaxiga degmada Waaciye.
Maamulka Puntland ayaa xiisada ka taagan Waaciye markii hore u xilsaaray sarkaal sare oo lagu magacaabo Abdulqadir Axmed Khayr [BASHKA] oo ka howlaga degmada Qardho, balse sababo jira awgood sarkaalkan ayaa ka cudur daartay inuu gaaro degmada Waaciye.
Dhanka kale Xildhibaan kale oo ka tirsan maamulka Puntland oo isagu kamida tiro xildhibaano ah oo kasoo baxsaday Garoowe ayaa PN24 u sheegay in maamulka Puntland uu Eed dusha uga saaray markii ay diideen kana hor yimaadeen in 27 degmo oo kaliya loo aqoonsado degmooyinka laga hirgalin karo doorashooyinka golayaasha deegaanka, islamarkaana laga furan karo axsaabta siyaasiga.
Xildhibaankan ayaa u sheegay PN24 in dowlada Puntland ay abaabushay eedeymo iyaga ka dhan ah, sida inay wax ka maleegeen dilkii loo geystay AHN Marxuum Sheybe Sheekh maxamuud oo dhowaan lagu dilay magaalada Garoowe.
Xildhibaanadan ayaa ka hor dhaartay xeer-ilaalinta dembiga beenta iyo mu’aamarada ah ee lagu soo oogay.
Isku soo duuboo waxaa degaamada Puntland ka jira kacaan dhiig cusub ah oo dalka loogu gogol xaarayo isbedel waayihiisa iyo wakhtigiisa wata marka lagaaro sanadka 2013 oo reer Puntland u noqon doono sanad isbedel cusub iyo hogaan cusub uu ka hana qaado Puntland, sida dad badani oo isbedel doon ahi kuu sheegayaan.
Horay magaalooyin ay kamid tahay Qardho ayaa dibadbaxyo waaweyn uga dhaceen, iyadoo taayiro dab la qabad siiyey, waxaana magaalada ku khasbanaaday inay isaga huleelaan guddiga commishinka Puntland oo beryahaas booqanayey Qardho.
Sidoo kale nin si weyn deegaanka looga qadariyo oo lagu magacaabo Nabadoon Afdiinle ayaa VOA u sheegay inay ka xun yihiin sida dowlada Puntland sharciga u garab mareyso, isagoo sheegay in aan la aqbali karin in xukuumadu sanad xaaraan ah ku darsato wakhtiga Mandate-keeda.
Lama saadaalin karo halka arrimuhu ku dambayn doonaan, iyadoo markii xukunka loo dhaarinayey Madaxweyne Faroole 8-JAN. 2009 ay dad badani odoroseen inay adkaan doonto in madaxweyne Faroole si dimoqraadiya sida madaxweynihii isaga xilka ku wareejiyey oo kale uu masiirka iyo talada dalka si silmi ah dib dadweynaha ugu celin doono.
Puntland News-24



asc dhamaaan soomali oo dhan gaar ahan reer puntland waxa hubaala in lawada og yahay wax qabadka m. farole hadaba qof walaba oo reer puntlad ah in dhihiisa aya u macalina hadaba rre waaciye waa dad wax garad siyaasiyiin isimo cuqaaal aqooon yahanno in taba leh waxayna wax ku doonaan waa hab aqooneed waxaana laga yaqan caalamka waana dad dhan walba ka dhisan dawladna way dhisaan maahe ma dumiyaan marka waxan rajay nayaa in uu madax way nuhu wada hadal sisadeed la yeesho) mahadina alle ayey u sug naatay
Asc dhaman way mahad san yihin dadka soo dhibtey fikirkooda an wax yar ka iraahdo nidamka ay puntland ku socoto madaxweyne faroole wa xaq rer puntlaney ogada idinku har iyo haben idin doodaya marka waxan le yahay haka so horjedsanina madaxdina e qab xikmadeysan wax ugu biiriya haduu khaldan yahay siya sigu ilen qofku waa siyasiye wana bini adam waxana wax yar le yahay madax wayne faroole shacab ha dajiyo reer wciyana ha o gaadeen abahood wa faroole dib u ega wax qabadka faroole ala mahadle faroole madaxweyne xaqa weye
Aderayaal nac nac iyo kutiri koteen soco mayso cidi faroole wax kaqadikarta ha iskenana garoowe tuloyinka haka nac naclenina ee iskena cidi awood uhaysa faroole wa madaxwene xaq ku tagaan cidi isma horistagikarto dadkaan tuloyinka dagan oon sharci iyo nidam iyo kala dambeyn aqon oo an wax sobaraan warkoda cidi maqlimayso ee allow ya in yirahda tuladina nabad ugunolada nabad aya hesatanee viva madaxwene waliga jiro jook. KOL HADEY DHAMAN sHIcIBKI dheheN. JOGO HADHICIN DHICIMAYSIDE JOOOOK FAROOOLE guuul guuul cadowga puntland ha dhacaaan
aad ayaan u salaamayaa shacab ka puntland waxaad haysataan dal dhisan oo nabada dadkiina iyo dal kiina bur bur haaw hor seedina inbadan fekera wax badan xeeriya nin beri tegaayaa yaanu colaad idin dhex dhigin cod kiina qof kaad siin lahaayden kafiirsada nabadu waaqali adigaa ubahan iyadu kuma baahna qax ilaahbaa idin ka bad baadshey ee dhalin yarooy dhulkiina u tudha waayga talo ala mahadleh
Waxaad dadka fikirkooda qorayaa qaarkood aad moodaa in aynan
garan midnimada puntland in ay ku jirto dadka in aan la caburin ee ay xaq u leeyihiin in ay fikirkooda soo bandhigaan ogaada ogaada mar labaad iyo mar seddexaad haddii dawlada faroole dadku yiraahdaan Hal sano ma ogolin waa iga suaale ma cid gaar ah baa loo danleeyahay shame on you.waxaan kaloo iswaydiin leh oo iga suaal ah kudarsashadii hadda ka hor puntland laysku qabsaday waxii ka dhacay waa ogayn habartii xerada looga guuray waxay tiribal waxbaan dhawrin marka caqliga hala kaashado.
Asc walalaha jecel nabada hormarka puntland hadan ka hadlo fikirkeyga dhaman waxan ugu baqaya bulsha wenta puntland in marka aan ka had lesan arimahan o kale wa in aadan ku fakirin arin qabil qabil o ay ahata mid sida kula gudbon aad u so gudbiso kalgacel ah ado ka fa kirayo danta umada puntland iyo jilka so korayo mustaqbalkoda mida kale xukumada hada jirta ee madaxweyne farole hadu yahay muwadin xalal ah oo firinayo umada puntland dantoda wey dhecesa hadi kalana wu ku darsana isaga o masul ka ah wixi dhib ah o ka dhaco illah hanaga hayo wixi shacabka hagardamo ku wado insha allah walalayal ku fakira sida kheyrka ku jiro wa ay noqoneysa ducada iyo alle ku kal so nanta marna ya laga tagin ptld alla ka sugena midki dariqa hormarka ku hogamin laha insha allah amin amin amin
Waxaan halkaan ka salaamayaa ummuda reer puntland waxaan aad usoo dhoweyneynaa shacabka kadhiidhiiyey dulmiya lagu hayo waana in meel looga soo wada jeensadaa faroole iyo xaaraanta uu wato waayo garoowe in ey magaalo madaxtahay iyo in waaciye degmo tahay yaa horeyyey anigu waxaan ka dhegeystey raadio muqdish oo lagaga dhawaaqayo degmada waaciye 1990 dowladii siyaad bare marka hadii aaney waaciye degmo ahayn garoowe magaalo madax maaha kkkkkkkkkkkkkkkk iska diida reer puntlanow faroole offline aut sade
horta marka ugu horeysa waxan salamaya bahda wargeyska,marka xigta waa aniga iyo siday ila tahay,waxan qaba dadka mucaradka ah in wax kaqaldan yihiin?waxy uga qaldan yihin marka hore mamideysna dadka wax mucaradaya,waxayna ku dhisan yihin mucaradnimo aan habaysnaan oo qabiil kudhisan oo aan siyasad mideysan lahan,tasina waxay kenaysa burbur iyo baba sidas darted waxa loga digaya in lajojoyo habka nocas ah hadii aay donayan in wax isbadalan waa in sameya wax amanka iyo xasilonida aan waxaba udhiman in dadka mucaradka ah yeshen nidam habeysan oo siyasad nabadgaloyo iyo asluub leh oo mideysan.