Dibad Baxayaal Maalintii Labaad Qardho Ka Dhigaya Mudaharaadyo Isbedel Lagu Dalbanayo
September 23, 2012 // Warar SomaaliMagaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa maalinkii labaad galay dibadbaxyo looga soo horjeedo muddo kordhin ay samaysteen xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland ee waqtigaan.
Dad carayasan ayaa isugu soo baxay maanta gudaha magaalada iyagoo ku qaylinayay halku dhigyo ay ku diidanyihiin muddo kororsiga iyo in loo baahanyahay Puntland in la badbaadiyo.
Nabadoon Maxamuud Saciid Aw-Muuse (Afdiinle) ayaa waraysi uu siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ku sheegay dowladdu inay garab martay sharcigii lagu soo dooray, waxaase uu ka digay saamaynta ay keeni karto hadii shacabka dalabkiisa aan loo hogaansamin.
Dhinaca kalle Maxamed Xasan Bare ayaa isaguna u sheegay VOA-da inay magaalada Qardho u tageen shirar arimaha doorashada, maanta uu kulan la qaatay maamulka iyo cuqaasha gobolka, waxaase uu siweyn u difaacay muddo kororsiga iskeed u samaysatay xukuumadda talada haysa.
Dhagayso warbixin
Abdimajiid Warsame
Puntland News-24
Magaalada Qardho



Aniga magaranaayo wax ka maqan reer wardhood. Puntland waa 150 magaalo, wayna taageersan yihiin isbedelka ay rabto puntland in ay samayso. Matka qardhoo fadlan dadkiina dhinac karaaca oo rabshada jooja.dadka inta dadan ayaa laraacaa. Marka cadowga yuu inka FAA.ii daysan. Waa ogtihiin hada ka hor waxaa puntland ka dhacay dagaalo aan loo baahneen. Marka aynasn ku noqon qaladkii oo kale.
Cool, be Cool Reer Qardho, kalmo Oke?
As Puntlanders, abbiamo il nostro migliore tempo “Waqtiguu ugu fiicaneyd ayaanu heesanaa iminka oo cadowgu yuusan idinka faai’deysan”
Qardho wax ka maqan ma jirto oo xaqeeda wey heysataa ee yaan nili qaldin.
Habka gudiga doorashadana ay u sameeyeen degmooyinka weynu ku qanacsanahey, sida federaalka, mar dhowna somalialand ayeynu dhamaanteyn isku raacney in 1991 ka hor un lagu dhaqmo, anagga oo soo ceshaneyna dimuqraadiyaddii aynu laheyn 60′s ?
Waa la ogyahey degmooyinka weynaadey ee Waaciye, rako raaxo iyo carmo, weyna helaayaan degmonimadooda waqtiga ku haboon oo dowlad buuxda aya maamusho wadanka oo dhan.
Maanta haddii Waaciye la siiyo, beritana Laag ayaa u oyneysa, markaa waqtiga ku haboon oo si cadaalad ah lagu fiiriyo federaalkuna ku raacsanyahey ayey helayaan.
Tan kale, kuwa is moodaya iney degmooyin cusub cod ku heleyaan boosaasoba wey deganyihiin oo haka helaan codadka kuraasta badan ee kasoo galeysa boossaaso ama iskushuban ama Where ever ! Nimcaddana yaan la gubin !