Dibadbaxyo Salaadii Jimce Kadib Hareeyey Magaalada Qardho

September 21, 2012   //   Warar Somaali

Dibad-baxyo waa-weyn ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho, iyadoo guud ahaanba ay istaageen isu-socodka gaadiidka iyo dadka.

Dadka bannaabaxa dhigayey oo socod ku maray wadooyinka magaalada Qardho salaadii Jimce kadib ayaa waxay ku dhawaaqayeen halkudhigyo looga soo horjeedo hogaanka maamulka Puntland oo 3-sano iyo sagaal billood kadib ku baaqaya inay fasaxeen nidaamka xisbiyada, iyadoo dadka taasi u arkaan cimri dheereysi.

“Dooni meyno Hal sano oo lagu darsado oo hoos gelis u ah 5-sano oo soo socota, dooni meyno maamul aan na daryeelin, Dooni Meyno canshuur aan waxba lagu qaban iyo erayo kale”

Wariye soo tebinaya dhacdadan ayaa sheegaya in uu arkayey Taayaro holcaya iyo dadweyne ku qamaamaya goobaha dowlada oo aysan wax shaqo ah ka socon.

Madaxweynaha Puntland oo lagu bar-tilmaameedsanayo mudaharaadkan ayaa hakiyey booqasho gaaban oo ku soo gaari lahaa magaalada Qardho, kadib markii dibad baxayaashu dareenkooda ku muujiyeen si nabad gelyo ah.

Dhowr casho ka horna waxgaradka gobolka Bari iyo beelaha reer Bariga ayaa si weyn u dhaliilay qaabka doorashooyinka loo qaabeeyey, iyo ku darsashada  mudada sanadka ah.

Shacabka Puntland ayaa teer iyo markii doorashada tobankii September Somalia ka dhacaday waxay u arkayeen isbedel taariikhi ah, iyagoo Puntland ka doonaya inay sidaasi oo kale ka dhacdo.

Wakhtiga dowlada federaalka Somalia oo ku asteysan 4-sano ayey dad badni is weydiinayaan sababta Puntland uga dhigatay 5-sano.

Horay ayey gudiga doorashooyinka u sheegeen in xisbiyada lagu furan karo lacag adag oo gaareysa 15-kun oo dollar, islamarkaana degmooyin ka tirsan Karkaar iyo Bari aysan ku jirin degmooyinka laga soo gelayo doorashooyinka, iyagoo saldhig uga dhigay degmooyinkii jiray oo kaliya wixii ka horeeyey burburka, halka dastuurka Puntland ay ku qoran tahay 37 degmo.

Puntland News-24

COMMENTS

RSSComments (21)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Hadraal says:

    Midkan seexdey ee M. Saleebaaneynaya muxuu yahay. Waa ratigii ookiyaalaha cagaaran indhaha loo geliyey isaga oo saxara lugeynaya. Ilma Saleebaan dhib iyo dheef dadkoodeyt wax la qabaan ee intaad ookiyaalaha cagaaran indhaha kala baxdo si wanaagsan u eeg ilma faroole oo hiinsadey haruubkii dadweynaha. Hadey bahdaa baahan tahay ogow waxaa ka badan ilma M. Saleebanka ku qatan. Cudurkana allaha kaa fiyoobeeyo.

  2. faarax says:

    midnimada puntland waa muqadis marka hore mudaaharaadka dhib maleh waa la dhaliili karaa dawlada yeynu burburinin dawladeena waad og tihiin puntland waxey lee dahay cadow badan marka waxaan lee yahay shacabka qardho ha is dajiyaan waliba aniga oo ka soo jeedo reer qardho waa in lalilaliyo puntland midnimadeeda yeynu noqon sida dadka ku nool muqdisho oo aan nabad heysanin caruuteena oo puntland ku nool nabad ayey heystaan marka nabada ha la ilaasho dowlada puntland waxey is hayaaan dawlada xamar ka dhisan yeynu ugu darin dhibaato kale

  3. SULDAN says:

    MAXAMUUD SALEEBAAN XAARAN BAY KU HESHIIYEEN XAQII BAA ISKA KOR KEENAY SIDII HADAD KA HORBA DHACDAY WAXAA TIHIIN FAASHIL XUN SADEXDA MAXAMUUD SALEEBAAN DAALIMIIN AAN XISHOON MAANATANA IDINKAA LAYDIN KALA HAYAA WAA ARAGTAAN SIYAASADII DIBADA TII GUDAHA KU LI WAA KU FASHILANTEEN WAXBA ISMA DHAANTAA KAA HADA JOOGA IYO KUWII HADA KA HOR JOOGAYBA MEESHA WAXBA ISMA DOO RIYAN MARA ADKAYSTA CABAAD LOOMA BAAHAN WIXII AAD UMADA U GEEYSATEEN BAA IDINKA IDNKU SOO LAABATAY

  4. Marka hore salan kadib dadka faroole iyo xulafadisa amanayan waxay u amanayaan wa jifadoda yacni ee kama ahan faroole jecel marka siyasada puntland wa garoowe kaliya mel kale oo hormar ama wax la tabankaro laga hirgaliyay majidho wa ujedaan takada bosaso wa mesha kaliya ee mamulka ountland dhaqalaha ka sogasho wana ujedan waxa malinkasta tadaka ka dhaco oo dadki ganacsatada aha ku qasareen malinkasta doonyoh aya ku gudtah takada iyo marakiib maxa sabab uah in takada bosaso ay ku gubtanin malinkasta donyaha uraran rer puntland somalia gabi ahanba 22 sano wax takad ah oo gubatay ama doon kugubatay wali lagama shegin sababta tan bosaso u gubato wamaxay waxa weye wa xaqiraad iyo xasadnimo lo hayo rer bari ee faroole cid uu asxaan uhayo ama hormariyo majidho cala iyo kulixaal mamulka puntlans wuxu dowlad uyahay rer nuugaal iyo casimadodah garoowe marka rer qardhoh iyo rer bari wa ine si deg deg goan uqataaan sida. Walalahayaga rascasayr iyo khatuuma punland oga tashteen wa ina oga tashanaa mesha dabar goyoh waxa aheen loma talo ee ogada hurdada kakaca mesha. Wa xoog iyo qabileesi ye wlh marka ninki dhiig. Lahoow garoowe talo haka sugina ee degankina maul usamesta

  5. ali says:

    @kan Gaalkacayo la baxay, adigaa motherfucker ah ee madaxweynaha ha naga caayin wasakhyahaw wasakhu dhalay. Ama is qari ama is sheeg waa lagu garan inaad khaatumoseegyada aad tahay ee futada ciidda ka cesho makhruumyahaw.

  6. weerar says:

    Huteelada boolida ubadan ee Garoowe reer puntland maqaadaan ee xishooda aamusnaanta dadka reer puntland macnihiisu maaha waanu ogolnahay wax kasta sidaas daraadeed dadka reer puntland maqaadan karaar foolxumo wixii musuqmaasuqiyo danbiyo dhacayna waa laga xisaabtami doonaa

  7. wiilkan magaca gaalkacyo wata marka hore magaca dhig waayo waxaad tahay puntland naceeb aniga puntland ma necbi GAROOWENA waxay waligeen noo ahaan caasumada gobolada puntland,sheekada wxaytahay inaan usheeegno Faroole in waqtigiisi dhamaaday ee ma ahan inaan wadanka bur burino.

  8. Jirde says:

    Reer qardhodow yan puntland laga faaidaysan maanta puntland heerkay joogto waligeed ma gaarin waxa ogaataan in puntland cadaw badan leedahay war yan layna ka dhex faaidaysan

  9. Galkacyo, says:

    ku: dhamaan reer Puntland.

    Suaal??

    Sababta Somalialand ay Puntland uga fiican tahay oo nooga tayo wanaagsan tahay maamul wanaaga maxee tahay?

    1= Somaliland waxay leedahay Destuur dhameestiran iyo hayadeheeda. Puntland malahan!!

    2= Somalialand waxay leedahay Golaha Odayaasha ama isimada(First Parlamanka sare) oo ah lafdhabarka maamul wanaaga iyo siyaasada macaan iyo cadaalada, amniga oo aan khalkhal lakalin karin jiritaanka Maamulka iyo dadkeeda waa kalsoonida oo idil kudhan tahay(aan laoran laasqoray ayaa goday ama galkacyo iwm).. Puntland malahan why??!!!

    3= Somalialand waxay kukuuleesahay dowlad dhameestiran (destuur, xisbiyo iwm) Puntland malahan!!

    4= iwm etc

    Hadaba Puntland micnaha ma ahan intaas inay ladahay oo wakhtigeeda khasaarisay!!

    1= Puntland waa hooyga Somaaliween,

    2= Puntland dowlada Faderaalka somaliyeed ayee dhistay oo wakhiga gurigeeda kalin leheed ayee kalisan meesha somalialand ay wakhtigeeda lafaheeda kalisay oo taas uga faideesatay godoona sheegatay//

    3= Puntland waa halboolaha iyo isku xirka Somaliween iyo raadinta somaaaliweyn.
    4= iwm

    Hadaba maxaa kudhacday in Puntland external wanaagsan tahay Internalna ay kaqurantay?????

    Puntland arimahada dibada iyo somaliween way kufiican tahay, lakiin Puntland kudeheedi baa laxalin waaye why?

    Clhi Yusuf, Cade Muse iyo Faroole Puntland wee kufashilmeen in dowladnimada Puntland ay dhameestiraan kaliya. sadexdooda tariikhda way xusi waxa ay qabteen oo wanaagsan iyo wax aysan qaban ayagoo owood ule doqonimo owgeed!!!

    Waxaan kuguuleesanay dhameestirka dowlada Fedraalka ee soomaaliya.

    Haatan waxa donaynaan hadaanu shacabka puntland nahay hogaan dhameesiran dowladnimada Puntland oo idil oo wakhtifiican kalsha hormarka puntland iyo nabadeeda, hadii Alle idimo,

    wabilaahi Towfiiq.

    Xisbiga Galkacyo

  10. Galkacyo, says:

    Maxaa iga keenay inaan Faroole Nacno:

    14 sano Dowlada Puntland Musuqmaasuq kama bixin, midba midka kale ayuu kadarnaa.

    1= Dowlad Puntland wali meesan dhameestirno, waxa maqan Sharciga dowlada, Destuurki, hayadihi cadaalada, iyo hayaddo badan oo laga maarmaan ah.

    2= nin walbo markuu soofuulo ayuu lasoo baxayaa hidin agenda oo qabyaalad basic u ah.

    3= Nabada oo faraha kabaxday, dilalka qarsoodiga oo caado Puntland kanoqotay.

    4= Faroole; Burcad badeedka haduu kasoo raacdeeye oo usoo diray ayuu saldhig uga sameeye degaanka Cumarmaxmuud Garacad, si Gabdhahooda Sharmuutooyin unoqdaan, dhalinyaradoonda burcan iyo alcoholistic unoqdaan.

    5= Faroole, Degeda bosaso ayuu ujeedaa ee uma jeedo umana soo jeesanyo Mudug iyo Sool, Ceen iyo Sanaag Only wadada Degeda Bosaso.

    6= Cadaalada oo inaba kajirin maamulka Faroole, Qandaraasyada hayadaha bixiyaan oo u afduuban caruurtiisa iyo ina Shido kali iyo wixi dowlada laga rabay inay caddaalad kubixiso.

    7= Wasaaradaha oo tayadooda aad iyo aad uliitaan, caruurtiisan ay ku kaleetiyaa anshakh xumo owgeed wasiirada Puntland.

    Gaba gabo,

    Waxaan soo dhaweenaynaa Ganaax in lasaaro Garoowe oo Caasimada Puntland laga Qaado oo laga dhigo, Galkacyo, Laascanood ama laasqoray ama qardho.

    Faroole hadhaco Garoowena Hakadaba dhacdo.

  11. kan wta magaca soomaal i,waxaan ku dhihi laha mesha wax macno ah kuma aadan soo biirin,mida kale reer qardhood iyo reer Bari oo dhan waxay kadaalen jaahilka oo aqoonta beenta ah sheeganaya oo goboladii uu xukunka u hayey kala fogeeyay soomalidii kale nagu diray afdheridisa awgeed asagoon kafirsan waxa_yaalaha uu ku hadlaayo awgeed,dhalinyaro badan iyo siyasiyiin uu kuxiray xabsiga dhexe ee BOOSASO, ayagoon waxba dhimin oo ay kuxiranyihiin xaqdaro in ku dhow halsano,canshuurta uu suuqa iyo airportiga iyo dekada uu ka gurto waxa u dalxiis ugu aada wadanka dibadiisa aniga waxaan dhihilahaa Faroole ceeb caleeg waan ognahay in PUNTLAND ay tahay GAROOWE oo kaliya waa sida ay ula muuqato asaga.

  12. aad baan uso dhawaynayaa mudaharadada looga soo hor jeedo xukunka daalan,waxaan jeclaa in mudaaharaad laga dhan yahay laga qabto gobolka Bari oo looga hortagaayo xaqdarada faroole ku hayo dhulka iyo dadka gobolka BARI,reer BARIGA waa gobalka ugu balaaran gobolada ay katirsan tahay PUNTLAND,aadbaan uga soo horjedaa in in laxaqiro lana yiraahdo degmooyin farabadan oo dastuurka ku qoran inay ay degmooyin yihiin hadana layirahhdo lama aqoonsan karo,macnaha loo aqoon san layahayna aytahay in degmoyinkaas lamagacabay dowladii kacaanka kadib sidii uu bari-bari yiriba ‘PUNTLAND ba waxaa lamagacaaabay dowladii kacaanka kadib”hadaad dhagaysataan qudboyin uu jeediyay faroole mar uu kahadlaayay caluula waxa uu yiri dowlada Puntland way gaari doontaa goboladaas,waa sadex sano kadib intuu xukunka hayay markuu sidaa ku dhawaaqay,erayadaas waxay iso xusuusiyeen siyaad bare Alaah ha unaxaristo mar uu dhihi jiray gobolka Bari waa lama gaaraan,marka taas waxay ku tusaysaa in Faroole uusan dan kalahayn Gobolka bari,magaalada boosaaso oo can shuurta ugu badan ay dowlada Puntland ka-soogasho ayuu xaqiraaya hadaysan ahayn dakada mar hore ayuu albaabada ulaabi lahaa.

  13. soomali says:

    kkkkkkk walaahi hadii waxa aad soo qorten run yahay waa wax ceeb ah waliba magaalada qardho iyo dadka degan ba sharaf daro ku ah iyo meel ka dhac aad u weyn hadii ba reer qardho ay ku mudaharaadayan madax weynihii puntland waa ceeb aad u weyn subxaanallah ma George W push baa marka ay ku banan baxayaan ma waxaa xukumey nin ajanabi ah markii hore anigu waxaan dhihi lahaa dadka inta wax garanaysa ayaa badan ee hala iska cesho waxa aan wax garanayn oo dadka deeganka degan usoo jiidaya sharaf darada hadii wax la diidan yahay ma si cilmi ah oo wax loo diido ayaa la waayey goorma waxii laga xishoon jirey ay noqden in lagu faano allaha noo ceeb asturo waxay ila tahay dadka xishooda, kuwa wax bartay iyo kuwa sharaftooda ilaashadaba xil ayaa saaran

  14. hogaamo says:

    salan sare dhamaan runtii waa ariin fiican in dadku cabiro dareenkooda guud intaa ka gadal waxan anigu oran lahaa xaalka hala qaboojiyo shacabka reer puntland, ayaan ula jeeda warkaa marka labada waxan oron lahaa hadda wax la dhaho puntlnad ma jirto waxan u aqaanaa maamula Garoowe, marka waxan kula talin lahaa family faroole ka dhashay waxad u sheegtaan inuu si hufaan kaaga deego meesh faroole hadii kale wax mugdi geeli doona wado jirkii abtiriskaa waayo hadda faroole maamul la dhaho puntland ma hayo wan la socdaa

  15. Karkaar. Boy says:

    Hadan nahay reer qardhood inagaba is haysana.dadkale maxan wax ugu sheegayna anigaba qardho magali karo wana udhashay micaarad wax maxa lays ugu mashqulinayaa. Mudugna iyada ha isnadiifiso.faroole I saga dancad utagi

  16. Galkacyo, says:

    Arintan waan soo dhaweenaynaa hadaanu nahnay Reer Galkcayo,

    Faroole uma qalmo Puntland waxa uu uqalmaa jifo hoosaad in madax looga dhigu iyo tuuladiisa Asma.

    Faroole puntland wuu kudaneesatay, wuu qarbuday, wax uu meel ku ogyahay majirto,

    Sida loo doortay Galkacyo 2 mar kaliya ayuu yimid inta kale tuugtiisa ayuu wakiishadaa!!

    mar 1aad waa geeridii Seefta Banaanka taas oo Gobablka kusii burburshe siyaasado ooo uga faaideestay beelaha iyo gobalka hagardaamaddiisa.

    marna 2aad waa waa geeridii Cabdulahi Yusuf, taas oo aad uga xumaa in lagu duugo Galkacyo, markuu Shariifka iyo Gaas dusha kuqaateen oo baxsheed keenida meedka iyo aaska qaban qaabadiisa ayuu Beeshe Ciiise riyoole isku xishoodeen oo kuyiraahdeed Dufkubax ee tag oo kasoo qeebkal aaska marxuumka, hadaad nabceed kuwii katuuray kursiga ayaa aasayo ee tag Galkacyo.

    Hadaba Faroolow Hadaanu nahnay Cumarmaxmuud ogow waan kuu soo socnaa ee ha oran wee igaadeen ee diyaar garow. ama Puntland ayaan kugu burburineenaaa ama adaan ku burburineenaa!!

    See You Janaayo MotherFuckar,kkkkkkkkkkk

  17. Horta mucaaradnimada maxaay Qardho uga bilaabataa?

  18. carshe says:

    ASC SALAAN KADIB ANIGU MA TAAGEERSANI FAROOLE LAKIIN WAXAAN ILA TAHAY IN AAN DHIB LA ABUURIN HADA OO WADANKU WAA DEGAN YAHAY OO DHIBTA YAAN LA ABUURIN TAN KALE COLAAD WAX FIICAN MA AHAA EE HA LA JOOJIYO

  19. Bari says:

    Waa in loo oggolaado degmooynka laga xaqirayo doorashooyinka in ay ka qaybgalaan waana in ay xaqooda ku raadsadaan si rabsho la’aan ah. Ogaada reer qardhoodoow idinka ayaa awoodda ugu weny ee puntland haysta marka rabsho iyo incadowgu idinka faa’iideysto iska ilaaliya si cilmiyeysan wax u sameeya cashuuraha laqaado diida Boosaso iyo dekeddana u sheega in dadku cashuurta diido markaas faroole wuu dhacay ee ogaada. taayirada lagubayo halla joojiyo yaan la is dilin waxna la gubin waa fawdo iyo ceeb ee iska ilaaliya.

  20. shire says:

    Faroole wuxuu iila egyahay nin aan ku quus qaadan kacdoonada shacabka carabta ku rideen qadaaafi iyo mubaarak. Afar sano ayaa Somalia u bilaabatay oo xukun cusub ah marabno faroole inuu jaqjaq iyo muran cadaawad mooyee aan cilmi kale lahayn inuu nagu wareeriyo. Waxaan u baahanahay isbedel dhab ah oo la jaan qaada isbedelka cusub ee ka dhacay Somalia.

  21. khadar says:

    WAR RER QORDHOODOW FITNADU WAY HURUDAA EE HAKICININA FAROOLE DOWLADA FEDERAALKA AH BAY ISHAYSTAAN YAAN LAGA FAA’IIDAYSAN WAR RER QARDHOODOW WADAJIRKA UMADA RER PUNTLAND ILAASHA MEEL AAD MADXII KA TIHIIN MAJAHA HA ISKA DHIGINA

Leave a Reply