Dicreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

August 15, 2012   //   Warar Somaali

war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Mudane c/weli Maxamed Cali ayaa waxa looga soo horjeestay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya oo ku saabsanaa magacaabista dagmooyinka cusub waxa ayna u qorneed sida tan.

Halkan ka akhriso orjinal

Ref: XRW/LT/00.435/08/12 Date 15.08.2012

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 3aad ee Axdiga/KMG ee Dowladda Soomaliya,Farqadiisa 1aad & 2 aad

Markuu arkay: Qodobka 46aad, Farqadiisa 1aad & 2aad iyo qodobka 48aad, Farqadii 1aad-xarafkiisa (A & B) oo qeexaya (Waajibaadka Wasiirka 1aad)

Markuu arkay: Qodobka 52aad Farqadiisa 1aad & 2aad oo qeexaya (Waajibaadka Golaha Wasiirada)

Markuu arkay: Qodobka 53aad Farqadiisa 3aad, Xarafkiisa ( a iyo b ) oo qeexaya (Xilka Golaha Wasiirada):

a) – Fulinta Awooda Golaha Wasiirada iyo meelmarinta waajibaadkooda.

b) – Maareynta iyo dhaqangelinta shuruucda loo xilsaaray

Markuu arkay: Qodobka 44aad ee Axdiga KMG ee qeexaya (waajibaadka Madaxweynaha)

Markuu arkay: Qodobada 81, 83, 85 ee Dastuurkii 1960 –kii oo qeexaya waajibaadka Golaha Wasiirada

Markuu ogaaday: Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JS oo aan ku Salaysnayn go’aan golaha wasiirada sifo sharciga waafaqsan

Markuu arkay: Go’aankii kalfadhiga Golaha wasiirada oo ku taariikhaysan13kii, August 2012 oo lagaga dooday Habsami usocodka Howlaha

Qaranka oo ku dhisan nidaam dawli ah oo sharciyaysan

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii, August 2012, wuxuu halkan ku cadaynayaa in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabida Gobolo iyo Degmooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dowladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga-ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin Karin sida kucad Qodobka 3aad ee Axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “ Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dowladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan”.

MUQDISHO 15/08/201

Mudane Cabdiwali Maxamed Cali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Pland law firm says:

    Kkkkkkkk kkkkkkkkk waxaan maqli jiray ciyaarta sadex daqiiqaa kadhiman xtra time na malagu daraayo,hada laba cisha udhiman waxna malagu darayee may waaq waaqda dhaafaan,kkkk hadi dhinaca sharciga loo leexdo xukuumadu waxay jabaysaa maalinta baarlamaanka lakalay diro,nin sharxana inuu shaqo xukuumadeed kahadlo maaha,wax rwasare iyo wasiir layiraahdana majiraan,madaxweynuhuna wuxuu ujoogayaa magac athaan iyo inuu awooda ku wareejiyo da nxt elected president ee waxana ma magacaabti karo,waxna kama qaadi karo inta lagu jiro xiligtga doorashada,maadaama uu musharax yahayna iskaba daa,waxaana sidaas qoraya dastuurka soomaaliya,wabillaahi towfiiq

  2. Sheikh shariif maaqan wax layirahdo sharci iyo xeer waxa uu arkey qarabadiisa oo u sacabtumeso ee mesha ma ah qabiilesi ee kursiga soo socda ma qaban kartid hadii aaba saantahay oo anaa idhi iyo Golo wasiiro ma’aqaano adeer mesha iskaga carar wax kumehesid offsidekaga iyo qalaladkaga baa batay shacabka soomaliyed ma ah reer muqdisho qura

  3. waciye@hotmail.com says:

    shikh shariif qof xishonaya ma ahan sharci iyo wax qabanayna ma jirto runti waa ayaan daro in 2shariif meshan si jogan somliyana ka bixi meyso mugdi waligeen inta labadasi ey hormudka uyihiin cabdiwali anigu waxan qaba waa ku saxan yahey degretoyinkan uu so sarey maxa yeley in lo adegsado olalaha dorashada ayu wada madaxweynuhu muxu umagacabi wayey degmoyinkan 4sano uu mesha jogey hadey ka dacad tahey muxuse hada cod ugarad sanya belaha kaso jeda degmoyinkan waa wax laga naxo mideda kale waxan in maraiyo golaha wasirada golaha parlamnka weyeen ana amiir anta amiir aa ka socota mesha ilah ha ka qabto kofiyad bir umada

  4. daljire says:

    wax yar baaba u haraye may wada shaqeeyaan.

Leave a Reply