Dilaaga aamusan (Stroke) Qalinkii Liibaan

June 13, 2012   //   Faallooyin, Opinion, Warar Somaali

Gogol dhig.

Qoraalkan noqondoono taxanaha ee aan ugu magic daray “Dilaaga aammusan“ danta aan kaleeyahay  qoristiisu waxaa qayb ka ah in dadwaynaha soomaaliyeed ee akhrista afka Soomaaliga ay helaan qoraalo ku qoran afka soomaaliga oo ka hadlaya caafimaadka si ay ula jaan qaadaan  baahidda aadka u baaxada weyn ee haysata dadkeena iyo afkeena marka laga eego qoraaladda ku qoran oo aad u yar iyo sida uu u yahay hodanka.

Afka soomaaliga qoraaladdiisa waxaa si xoog iyo xawli leh loo saaray suugaanta iyo taariikhda waana arin leh mudnaanteeda iyo mugeedaba. Waxaase lagama maarmaan ah marka laga eego xaga kobcinta luqadaha iyo tarankoodaba waa in ay luqadda ay heshaa horumarin isku dheelitiran si qaybaheedda kaladuwan ay saamiyo ugu yeeshaan kobacaas. si  kobcin dhinacyo badan leh loo gaaro waxaa lagamaarmaan ah in afkeena uu helaa qoraalo kala duwan oo taabanaya dhinac walba oo nolasha iyo wixii ku xeeranba la leh xiriir waxaana hubaal ah in bulshadda soomaaliyeed maadaama ay ka soo jeedo bulsho reer guura ah miyigana u leh aqoon durugsan in ay siiyeen saami dheeri ah xaga suugaanta iyo taariikhdda sidaa awgeed ayey  u bateen suuqa qoraalka ee soomaaliyeed dhanka suugaanta. Waxaana yaraaday qorista dhinacyada kale sida sayniska,caafimaadka iyo qaybaha kale ee aqoonta aan u qabno baahida ogaanshaheeda. Arintana waxay keentay in la waayo qoraalo kale oo ka qaybqaato xaga kobcinta afka iyo fidinta aqoonta bulshadda .

Qoraaladda waxay u kala muhiimsanyihiin hadba qoraalka waxa uu kahadlayo sida lawada ogsoonyahay waxaa iska cad qoraaladda ku saabsan caafimaadka waxay kaga jiraan xaga hore qoraaldda waxtarka u leh bulshooyinka. Marka loosii daadago caafimaadka laf ahaantiisa waxaad moodaa inuu ugu muhiimsanyahay cilmiga baraarujinta iyo ka hortagga cuduradda(health promotion and protection)cilmigan waxay jaamacadaha aduunka ay u sameeyeen qaybdhan oo lagu takhasuso .

Waxaana lagu soo bandhigi doonaa hadii alle ii sahlo qoraalkan taxanaha ah isagoo bug ah markii alle ii sahlo dhamaystirkiisa si faaiidadiisu u gaadho dadka u baahan inay wax ka ogaadaan cudurkan. Buuggaasi waxaan ku soo ururiyay xog rasmi ah oo aan kazoo xiganayo aqoonyahanda cudurkan ee waawayn ee cilmiga caafimaadka ku takhasusay.

Waxaana nasiib u helay inaan xog badan in kabadan sadax san ahba aan u rurinayay  iyadoo ay ii sahashay arintaas buugaag ay qoreen ama jornalo waawayn oo leh ixtiraam iyo kalsooni xaga qoraaladda caafimaadka ah aan ka faaiideystay xili aan dhiibayay buugii qalinjibinta jaamacada oo ku saabsanaa isla cudurkan.Waxaan fiira gaara siiyay buuggan in casharraddiisa ahaado kuwo cilmiyaysan,islamarkaana ay fahmi karaan dhamaan bulshadda qaybaheedda kala duwan.waxaana  ku dadaalay inaan ku yareeyo ereyada qalaad intii aa awoodi karo ee aan ka maarmikaro si loo gaaro ujeedooyinka laga lahaa qoraalkan oo ay kamid tahay in nuxurka buuga lagu fahmo afkeena hooyo Waxaana aad u rajaynayaa  in buuggani uu noqdo ka laga faaiideysto gogol dhigna u noqdo buugaag noociisa oo kale oo lagu soo siyaadiyo maktabadaha soomaalidda u kaydsama.

Dhiira galinta buugan waxaa sabab u ahaa.

  • Waxaan dareemay in muda ahba in ay soo badanaysay soomaalidda la ildaran cuduradda u ah salka cudurka faaliga ah sida dhiig karka,kolostroolka,sonkorta iyo wm.
  • Baahidda loo qabo in qoraalo  waxtar u leh bulshadda soomaaliyeed oo taabanaya noloshoodda laysku taxalujiyo qorideeda qayb ayay ka tahay isku daygan.
  • Waxa uu ku dhacay cudurkan saxiib aan kawada sheekaysan jirnay horumarinta caafimaadka iyo dawrka aan ka gaysankarno hadii aan nahay qurba joogta xirfada caafimaadka baratay.

Arimahaas aan kor kuxusay  iyo kuwa kale ayaa igu sii xanbaaray inaan qalinka u qaato qoraalkan maantay hortaada yaala.

 Muxuu yahay dilaaga aamusan ama faalig .

Dilaaga aamusan ama Faaligu waxaa loo yaqaan ama lagu yiraahdaa afka qalaad Stroke waxa uu kamid yahay cuduradda keena dhimashadda deg dega ah, curyaanimadda iyo waxyaabo kale oo badan. Cudurkan wuxuu kaga jiraa xaga wax yeelidda jirka meel sare waana cudurka sadaxaad ee ugu badan ee keena dhimashadda aduunka, halka uu kagalayo curyaameenta meesha ugu saraysa aduunka (Charles Wolfe at al 1996).

Sidee ayuu u dhacaa faaligu (Stroke).

Faaligu (stroke)  wuxuu u dhacaa marka ay dhibaato soo gaarto qayb ka mid ah maskaxda, dhibaatada oo ay keento xinjir (thrombus) xinjirtaas waxay xirtaa dhiigii u socdaalilahaa unugyada iyo xubnaha maskaxda.hakadkaas ama istaagaas waxa uu sababaa dhaawac ama dhimasho soo gaarto unugyada maskaxda.Dhiiga ka hakanaya ama ka istaagaya  maskaxdu wuxuu ku iman karaa dhawr sababood, sida marka uu yimaado waxa loo yaqaan (thrombus) oo ah xinjir adag oo kusamaysantay gudaha xididada dhiiga u sida maskaxda ama xinjir kasoo go`day jirka qayb kamid ah iyadoo soo raacday dhiiga una soo socdaashay xididada waaweyn ee  dhiiga u sida maskaxda oo loo yaqaan arooriyaal(ceratoid arteries) xinjirtaas (embolus) waxay sidoo kale hakad ama joojis galisaa socdaalkii dhiiga ee ay ku helijireen xubnaha maskaxda. Waxaana dhimanaya xubintii maskaxda ee dhiigu ka xidhmay unugyadeedii, taasi oo keenaysa  dhaawac soo gaaro natiijadda kadhalanaysana ay keenaysaa in unugugyadda dhiiga waayay xubintii ay ku xirnaayeen ay iyaddana ay hawl gab noqoto.

Sawirka 1aad: xinjir isku gudubtay socdaalkii dhiigii maskaxda u socday

 Goormaa la`ogaaday cudurka faaliga(Stroke).

Faaliga waa cudur muddo dheer layaqaanay inkastoo aan loo aqoon sida maantay loo garanayo.

Giriigii hore mudo kabadan 2400(laba kun iyo afar boqol)oo sano ayay cudurkan wax ka ogaadeen iyagoo aan magaca maantay loo yaqaano u garanaynin.

Si kastaba hasoo maree faaligu maantay sida loo yaqaano waxaa loo bartay,muddo gaarsiisan qarni iyo xoogaa,iyadoo la ogaaday faaligu inuu ka tirsanyahay cuduradda xididda dhiiga u qaada maskaxda oo ay isbadal ku yimaadaan.

Tariikh kooban ee cudurka Faaliga

Hadii aan dib u jaleecno taariikhdda Giriigii hore muda laga joogo 2400 oo sano ayay waxay tilaama ka bixiyeen cudur ku yimaada kadis islamarkaana jeex kamid ah jirka uu dareenka ka tago (paralyse).Hadaba in mudda ahba aadamaha wuu yaqaanay cudukan dilaaga ah ee faaliga  inkastoon aqoonta loo leeyahay maantay ay qaadatay mudo dheer iyo heerar kala duwan. sidoo kale sida uu tilmaamay buuga  loo noqonjiray in muda ah xaga caafimaadka oo kamid ah buugaga asaaska u ah cilmiga caafimaadka oo layiraahdo Al-Qanun fi al-Dib ama “The Law of Medicine” ayuu ku sheegay caalimkii la oranjiray ibn sinna isagoo qoray buugaas  muddo hada laga joogo ku dhawaad toban qarni wuxuuna kabixiyay cudurka faaliga tilmaamo kala duwan.

Sidoo kala, waxaa tilmaamo aad u saraya ka bixiyay xeel dheere xaga baaridda cuduradda ee u dhashay wadanka Switzerland qarnigii lix iyo tobanaad oo lagu magacaabijiray Johann Jacob Wepfer kadib markii uu baaray dad u dhintay cudurkan Faaliga hada loo yaqaan oo loo aqoonjiray magaca apoplexy in uu yahay xidid dhiig furan ah oo maskaxda xageeda ah. Bleeding in the brain (Kopito 2001; Thompson 1996).Sikastaba ha ahaatee, wuxuu soo maray aqoonta loo leeyahay cudukan marxalado kala duwan ilaa uu soo gaaray qarnigii sagaal iyo tobanaad rubuciisii hore oo si aad ah loogu horumaray cilmiga caafimaadka.

Marwalbana aqoonyahanadda caafimaadka waxay ka eegayeen apoplexy waxa sababa,calaamadihiisa iyo sida loo daweenkaraba ilaa lasiiyay magaca Stroke 1928.

Magacyadda Faaliga looyaqaan

Magacyo dhawr ah ayaa loogu yeeraa waxaana kamid ah

Cerebral Vascular Accident (CVA), Brain attack magacan danbe wuxuu  toos u tilmaamayaa cudurkan meesha uu haleelayo oo ah maskaxda sidaas ayaana ay u doorteen qaar kamid ah qorayaasha wax kaqoray cudurkani waxay aad ugu ololeeyaan weliba in loogu yeero brain attack meesha loogu yeerilahaa Stroke waxayna ku sababeeyeen olalahooda in brain attack uu tilmaam fiican kabixinayo meesha uu cudurka ku dhacayo iyo in marka lamaqlo maskax weerar(brain attack) la ogaanayo in ay arintu culustahay sida (Heart attack)loo siiyay magic ku haboon taas oo tlmaan toos ah kabixinayo meesha dhibta kadhacday oo ah wadnaha ogow weliba labada cudurba waxa sabao waa xinjir xirtay wadnaha iyo maskaxda .

 

Khatarta uu leeyahay faaligu

Waayahan danbe,waxaa khatartiisu soo badanaysay xanuunka loo yaqaano faaliga(stroke).Waxyaabaha khatarta soo kordhinayo waxaa kamid ah in isbadal ku yimid qaabkii nolasha loo maarayn jiray,marka laga eego xaga cuntadda la isticmaalo cunideeda waxaa soo kordhayay waayahan danbe cuntooyinka dhakhsaha loo kariyo(fast food)oo ay ku badantahay dufanka, cusbadda iyo macaanka kuwaas  oo kordhiya soo dagdegidda faaliga(Stroke)sidoo kale,waxaa soo batay isticmaalka gaadiidka halka barigii hore aadka loo socon jiray kaas oo faaiido ulahaa gubidda sonkorta iyo cusbadda.

 

Yuu ku dhacaa faaliga

Cudurkan malahan cid gooni ah oo uu kadhaco inkastoo uu ku badanyahay raga iyo dumarka kor u dhaafay 55 sano jir(kontan iyo shan) wuxuu kaloo ku dhacaa caruurta naf ahaantooda inkastoo uusan ku badnayn. Waxayna dhakhaatiirtu dareemeen in si xawli ah u badanayo dhalinyarta uu ku dhacay sanadahan danbe.Tira koob lasameeyay inta uu ku dhaco faaliga sanad waliba ayaa lagu sheegay in tirada uu ku dhaco ay qiyaastii gaarsiisantahay 15000,000(shan iyo toban milyan). Wuxuuna sababaa faaligu sanadkiiba dhimasho gaaraysa 5000,000(shan milyan),halka uu curyaamiyo dad gaaraya 5000,000(shan milyan) sida ay sheegeen ururka caafimaadka aduunka( World Health Organization)tirakoobkoodii  .

Soomaalidda iyo faaliga.

Soomaalidda, waxa ay xaga hore kaga jiraan dadka khatarta ba`an uu ku hayo faaliga(stroke).inkastoo aad ay u adag tahay in la helo xog iyo baaritaano lagu kalsoonaankaro oo inoo kaydsan hadii aan nahay soomaali.

Arintan xog la`aanta waxay kamid tahay dhibta guud ee burburka laga dhaxlay. Waxaan ku dul istaagay qoraal ay sameeyeen xarun ka mid ah xarumaha sameeyay baaritaano ku saabsan dhib laga soo sheegay soomaalidda ku nool maraykanka magaalooyinkiisa magaalo kamid ah oo layiraahdo seatle. Xaruntaas waxaa lagu magacaabaa()waxay sheegtay in soomaalidda bukaanadooda qaba dhiiga dufanka uu ku badaanyahay ay soo bateen()sidoo kale waxa la sheegay in buurnaanta iyo culayka uu ku soo batay soomaalidda labadaa arimood waxay hoosta ka xariiqayaan in aan khatar ugu jirnno cuduradda keena faaliga sida dhiig karka iyo cudurdda uu dugaashado sida wadna xanuun iyo wixii la halmaalo.

Arimahaas aan kor ku xusnay waxay na gar waaqsiinaysaa inaan yeerino ama garaacno jaraska ama ganbaleenka digniinta.si ay noo shaxalsiiso digtoonaan iyo feejignaan si loo yareeyo khatarta nagu soo fool leh.

Waxaa kaloo lagu soo eedeeyay mar suaalo lala dhaxqaaday soomaalidda ku nool maraykanka inaysan u  aqoon cudur hadii uu san lahayn calaamad lagu garto sida xanuun qandho leh,ama shuban iyo matag waxaana filayaa inaysan gooni u ahayn soomaalidda ku nool cariga maraykanka bal ay lawadaagaan soomaalidda kale oo dhan maxaa yeelay waxaa laga yaabaa cuduradda hada soo wahay soomaalidda horey looma aqoon ugu yaraan bulshadda dhadeeda kama ahayn can .Arintan waxay keentay in cuduradda qaarkood aan lahayn caalamadaha aan kor ku soo sheegnay ay halis ku noqdaan bulshadda sida cuduradda faaliga, dufanka dhiig karka,sonkorta mararka qaarna loogu yeero qaar kamid ah dilaagii aamusnaa oo ku tusayo in mar qura uu ku dilayo adoon ogeen suuqa bartamihiisana taagan. Waxaadna la socotaa aqristow inta qof ee soomaaliyeed ee la yiri isagoo socdaa dhiig ku furmay. Waxayna ku tusaysaa in aysan jirin ilaalin la ilaaliyo waxa sababa cuduradan dadkana qaar badan oo kamid ah ay iska sitaan cudurkan iyagoon ogayn laga yaabee in xaaladiisa ay marayso meel halis ah hadii uu horey u ogaan lahaa uu iska dawayn lahaa. Tusaala ahaan dadka qaba dhiig karka waxay u baahan yihiin in ay lasocdaan heerka dhiigooda iskana cabiraan maalin wanbana lasocdaan heerka caadiska dhiigoodda iskana ilaaliyaan waxyaabaha kor uqaadaya heerka cadaadiska sida cusbadda qaadka iyo wixii la halmaala waxaadna ku arki doontaa buugan sida qaadka uu dhiiga u kiciyo iyo waliba diraasdii iyo baaritaankii ugu danbayay ee lagu sameeyay maraykanka oo lagu sheegay in sababo faaliga qaadka.

Cudurddan, aan kor kusoo xusnay sida ay ku taliyeen inta badan hay`addaha ku shaqadda leh faaliga iyo wixii la halmaala sida hay`adda layiraahdo The Stroke association in UK iyadoo lasheegay in lagu bixiyo baridda waxyeeladda cudurkan lacag aad u badan waxaana loo ictiraafay in muhiim u yahay aqoontaas ummadda ku nool UK.

Waxayna arintan anagu dhiiri galinaysaa  inaan ku baraarujino khatartaas u muuqatay aqoonyahadda baara cudurkan inaan lawadaagno inaan anagana inaan hoosta ka xariiqno inaan la nimaano baraarujin wayn oo lagu gaarsiiyo bulsha waynta soomaaliyeed lana tuso  dhibta inta ay le `egtahay ,khatarta iyo walibana sida ay inta badan dakayaga uga war la`yihiin.Hadaba waxaa aad ugu soo batay waayahan Soomaalidda u soo hayaamay dhulalka galbeedka yurub iyo ameerika cuduro ay kamidyihiin sonkorta,dhiig karka kolostroolka, iyo xanuunadda wadnaha.cuduradan waxay bilow u yihiin hadii ay isbiirsadaan lana dawayn waayo in ay u gudbaan waxa loo yaqaan Faaliga(stroke). Faaligana isagoo aad usoo badanayay waayahan danbe khatartiisa guud ahaan dunidoo dhan , hadana waxaa si xoog leh loogu aaneeyaa isbadaladda ku yimid qaabkii nolasha loo maarayn jiray .Marka laga eego xaga cuntadda isticmaalkeeda waxaa soo kordhayay cuntooyinka dhakhsaha lagu kariyo oo fudfudud  (fast food) isticmaalkeeda oo uu ku badanyahay dufanka, cusbadda iyo macaanka,waxayna  kordhiyaan soo dagdegidda faaliga.Sidoo kale,waxaa soo batay buurnaanta iyo culeyska xadka baxa ah, iyadoo isticmaalka gaadiidkana uu sababay in socodka uu yaaraado halka barigii hore aadka loo socon jiray kaas oo faaiido ulahaa gubidda sonkorta iyo cusbadda.

Tiradda uu ku dhacay faaliga soomaalidda

Waxaan ka xumahay inaan la heynin dadka soomaaliyeed ee uu ku dhacay faaligu tiradooda, sababta loo waayayna waxaa lagu sababeen karaa majirto cid iska xilsaartay arintaan sida loo waayay waxyaabo badan oo ay u baahnaan lahaayeen mujtamaca soomaaliyeed,hadaba ururinta tiradda dadka uu ku dhacay cudurkan ,waa muhiim in la`ogaaddo si ay u fududaato in la ogaado inta khatarta cudurkan uu u soo jiro soomaalidda dhamaanteed.Hadii aan eegno magaalo ka mid ah magaalooyinka ay aadka ugu badan yihiin soomaaliddu sida Birmingham ee wadanka ingriiska waxaa  ku nool ilaa 60.000 dad lagu qiyaasay waxaana labadii sano ee ugu dan beeyay uu ku dhacay dad gaaraya ilaa kontameeyo.

 

Lasoco Qaybta xigta

Qore: liibaan M.H.Cigaal(Raydab)

raydab@hotmail.co.uk

 

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. salaama calaykum walaal waxaad kuu sheegaayaa guul iyo qayr iyo qayraad walaal hambalyo guul

  2. maashaa allahu liibaan allaha kaa abaalmariyo dadaalka aad ku bixisay warbixintaan dadkeena aad muhiimka ugu ah

  3. suuraj says:

    Masha’allah Aad iyo aad ayaa ugu mahad celinayaa qoraalaga soo diyaariyay maqaalkaan wax tarka uleh umada wax aqrisa.

    Umada soomaaliyeed way ubaahantahay maqaalo kahadlaya arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta deegaanka, ilaalinta biyaha iyo dhaman wixii laxiriira.

    Su’aal. waxa waydiinayaa qoraaga sida ugu wanagsan ee xanuunkan lagaga hortago?
    hadii uu qof ku dhacana sida ugu haboon ee laysaga daweeyo ?
    Mahadsanid.

  4. WAR NINYOHOW KHYR ALLE HAKU SIIYO WALAHAY ADIGO KALE INTA NAGU DHEX JIRTO RAJO AYAANU LEENAHAY ILAAHEY HAKU SHARFO O HAKU KARAAMEEYO O CILMIGAAGA HANAGU ANFACO WAANU KAA FAAIDI DOONAA WALAAL NASTEEXO WADA AYA TAHAY ADNA WAXA KUGULA DARDAARMAYAA INAADAN KA DAALIN O HAWSHAA O HORAY USII WADO SOMALIDA WAXA LAGU YAQAAN INAY WAX LAAB LA KAC INTAY KU BILAABAAN HADHOW ISKA JOOJIYAAN SABAB LA AAN KHYR ALLE HAKU SIIYO FAALISKAAS XISAAB MALEH INTA QOF U KU DHACAY AMA KUSO BODEY O AAN SHAAHID KA AHAA ANGU

  5. abdirizak jokar says:

    asc sxb liiban aad baad u mahadsantahay sida habeysan ee habsamida ah nooqu soo gubisey barnamijkan caafimaad ee cudurada maskaxda ku dhaca fikir ahaan waxan soo jeedin sxb dalkii ayaa u baahan dhakhatiir cudurkan ku xeel dheer dalki ayaaa u baahan ee hadii uu joogna bulshada ha u faa iideeyo hadii kalena hatago waana mahadsan tahay bro

  6. aad baan usoo dhowaynayaa qoraaga coppy ayaan ka samaystay waa qoraal aad muhiim u ah bulshadana u faa,iidaynaaya marka adiga iyo Puntlandnews24 aad baan idiinka mahad celinayaa

    mahadsanidiin

  7. Basaar mahamed says:

    wow mashalh barnaamijkaan aad ayaan uga faa iidey waliba cudurkaan stroke imtixaan ayaan ku lahaa inaan waxban kaqoro ayaan iga saacidey.aan ayaan ugu mahad celiyaa qoraaqa

  8. Mukhtar says:

    liibaan shaqo wanaagsan ayaad qabatay waana wax loo baahan yahay dad badana way kaa faa.iidaysan doonaan

    aad baana ugu mahadsan tahay

  9. somali boy says:

    runtii waa arin aad ufiican oo bulshada baraya wax yaalo badan oo ay jahli ka qabeen ama aqoondaro marka waa in la balaariyaa cilmiga noocaan oo kale oo bulshada labaraa wax yaalaha noocaan oo kale inta maalin ale keeno laga hadli lahaa reer hebel baa reer hebel kuduulay ama wax un xasaasiyada laga hadlo.

Leave a Reply